(ERGO) – Boqollaal ka mid ah beeralayda gobolka Bay ayaa quus ka jooga dalagyadii ay tacbadeen sanadkan. Xasan Maxamuud Ibraahim, wuxuu maaro u la’ yahay cayayaanka ka cunaya abuurkii u saarnaa beertiisa oo ku taalla deegaanka Daa’uudow ee duleedka Magaalada Baydhabo.
Ninkan oo sanadkan, saddex xilli roobaad kaddib beertiisa u helay biyo ku filan ayaa sheegay inuu ku hungoobay filashadiisii, markii cayayaankan oo deegaanka ku cusub uu si degdeg ah ugu faafay. Wuxuu waayay dhaqaale uu dawooyin difaac ah ugu soo gato.
Xasan ayaa sheegay inay sidoo kale u raaceen cudurro aysan-aqoon oo sababaya in dallayada ka badbaada cayayaanka inay durba qallalaan. Arrintan ayaa keentay inay sii xumaato rajo kasta oo uu ka qabay inuu bisha lixaad ka mid noqdo dadka dalagyada goosan doona.
“Saameyn aad u weyn ayuu nagu yeeshey. Qasaare badan ayuu noo geestey. Dalagyadii la abuurey waxba ka reebin. Dalagyada ani aan abuurey waxay ahaayeen masago, galey, digir iyo yaanyo. Marka rajadii aan kalahaa oo dhan cayayankan ayaa baabi’iyey.”
Xasan oo firfircooni badan ku billaabay hawsha beertiisa oo labo hektar markii ay curteen roobabkii ugu horreeyay ee guga bishii Maarso, waxaa maanta ka muuqda daal iyo niyo-jab uu dhaxlay qasaaraha soo gaaray.
Waxaa murugada ku kordhinaya dayn $300 oo doollar ah, taas oo kaga baxay geed-qaadideedi, dayac-tirkeedii, abuurkeedii iyo shaaqaalihii hawsha qabanayay. Lacagtaas ayuu sheegay in dadkii ku lahaa inuu kula ballamay inuu siinayo saddex bil kaddib marka la gaaro gooshashada.
“Culaysyada hadda i haysto waxa kamid ah deyntii aan is lahaa markii abuurka ii soo go’o inaan is kaga gudo aan rabey. sidoo kale dalagii aan ku noolaan rabey oo iga baaba’ay, marka culeesyo waaweyn ayaa nahaya.”
Ninkan ayaa sii xisaabsanayay marka ay beerta u soo go’do faa’iido u dhaxaysa 1,000-1,200 doollar, taas oo uu qorshaynayay inuu nolosha qoyskiisa maalgelin ugu sameeyo sida inuu waxbarasho ku geeyo afar ka mid ah caruurtiisa oo guri joog u ah dhaqaale la’aan.
Xasan ayaa sheegay inuu raadiyay dad aqoon u leh cayayaankan oo dixiri u eg balse ay la wadaageen dawooyin dhowr ah oo aan waxba ka tarin. Wuxuu u sababeeyay inuu dhulka hoose ku jiro oo aysan suntu gaarayn.
Ninkan oo kontan jir ah ayaa ka samri la’ beertiisa oo weligeed u soo ahayd tiir dhexaad noloshiina oo dhan. Wuxuu aroor walba u kallaaha deegaanka ay ku taallo oo ku jira Baydhabo qiyaastii 15 km si u arko inay jiraan qeyb badbaaday.
“Waallahi murugta hadda i hayso waa murug saa’id ah ayaa ihaysa awal farxad rajo fiican ayaan lahaa ama dalagaaga si fiican kuugu soo baxaa ayaan is lahaa oo sanadkan wax fiican kaaga soo go,a.”
Xasan ayaa sidoo kale la halgamaya nolosha qoyskiisa oo danyar ah. Wuxuu cunno ku filan ku la’ yahay carruutiisa oo todobo ah, xaaskiisa iyo hooyadii oo ah waayeel daryeel gaar ah u baahan. Dadka deegaanka ayuu xusay in aysan waxba dhaamin maaddaama ay la qabaan qasaaraha.
Beeraley deegaanka ayaa ka siman dhibaatada cayayaanka ee ku dhacday dalagyadii ay ku tashanayeen. Ibraahim Maclin Nuur, wuxuu ka soo kaban la’ yahay qasaaraha gaaray. Ninkan ayaa sheegay inaysan waxba uga badbaadin abuur isugu jiray; digir, galey, masago iyo yaanyo, kuwaas oo uu saaray beer laba hektar ah oo uu ku leeyahay deegaanka Daa’uudow.
Ibraahim oo weli ka samri la’ tacabkiisii wuxuu sii dhowrayaa beertiis oo ay ku hareen caws iyo dhir geed gaab ah oo aan nacfi u lahayn isaga. Wuxuu ka welwelsan yahay sida ay uga ba’day ishii dhaqaale ee qoyskiisa oo danyar ah, meel kana aan ku tiirsanayn.
Hab nololeedka qoyskiisa ayaa si weyn isku dhimay markii uu la kulmay qasaarahan oo uusan hore uga tashan. Waxaa laga joojiyay dayn uu dukaamada ka qaadanayay markii dadkii lahaa ay ogaadeen inuusan beerta badar u saarnayn.
Ibraahim qasaaraha waxaa u dheer inay hubanti la’aan dhanka cunnada ah soo wajahday carruutiisa oo toddobo ah iyo xaaskiisa. Wuxuu intaas ku daray inay xaaladdan ku soo aadan xilli sidoo kale oo ka dhamaaday kayd raashin ah.
“Nolosheyda markii hore aad ayey u fiicneyd laakiin hadda xaaladdan ah nolol yaab leh ayaan ku noo lahay. Seddex mar ayaan wax cunayey sedexdii mar waxaa iigu soo kordhey in habeenkiiley aan wax cunno, haddana habeenkii habeenkiisa maalintii laba iyo tobanka saac sidan ley waaye nolol midan ka xun weligey ima soo marin.”
Ninkan oo ku sugan xaalad quus ah ayaa sheegay in dedaal uu ku bixiyay sidii uu dawo ugu heli lahaa beerta, balse labo dawo lagula taliyay ay wax ka tari waayeen cayayaanka oo badnaa iyo xaddiga uu adeegsanayay oo yaraa darteed.
Ibraahim ayaa tilmaamay inuu ka walaacsan yahay $500 doolar oo uu galiyay hawshii tacabka bishii Maarso. Wuxuu ka soo amaahday ganacsato uu ka codsaday inay ka sugaan ilaa bisha June. Wuxuu ku taamayay inuu ka hanan doono faa’iido gaaraysaa $15 balse maanta lafihii xitaa kama hayo.
Ninkan oo sanado badan beeraley soo ahaa ayaa sheegay in qasaarahan uu yahay kii ugu xanuun badnaa ee soo mara. Wuxuu xusay in tiigsigiisii dalagga ee sanadkan uu baaba’day isla markaana uu dareemayo culayso isbiirsday.
“Welwelka hadda i hayo waxa weeyaan raashiin la’aan, lacag la’aan, beertii oo aan usoo qaadey aan wax aan ku gudo aan lahayn. Beerta haddii aaran noqoto wallaal deyntii waatan ayaa la dhihi lahaa balka ayaaba u iibineysaa mise masagada wax aan ku gudo ma hayo.”
Beeralayda deegaanka ayaa sheegay inay dedaal ku bixiyeen badbaadin dallagyada balse kuma aanay guulaysan isku daygoodii. Sumo kala duwan oo ay adeegsadeen ayay sheegeen inaysan wax natiijo ah ka helin.
Axmed Keerow Abdi oo ah Khabiir dhinaca beeraha ayaa sheegay in xilliyadan ay soo bataan cayayaanada iyo cudurada, taas oo uu u sababeeyey in dhowr xili roobaad aysan di’in roobabkii la filayay. Waxaa dheer qaladaad dadka ay sameeyaan sida isku dhawaynta dalagyada sida uu xusay.
Arrimahaas darteed ayuu sheegay in sanadkan markii ay da’een roobab u u horeeyay ay soo baxeen xasharaad faro badan oo ciidda hoose isku qarinayay. Wuxuu dadka beeraleyda ah u sheegey in ay ku dedaalaan nadafada beerta iyo ka war qabkeeda lagana doorto keliya dawada ku haboon.
“Cayayaanada xiliyadan yimaada waxaa kamid ah tixriga oo cuna balka ama caleenta caqaaran qashinka xitaa wuu cunaa. Qashinkaas ayuu ku soo gabanaa waa in qashinkaas laga nadiifiyo inta soo harteyna waa la buufinaa.”
khabiirka ayaa aaminsan in xalka ugu fudud ee beeralayda ay samayn karaan ay tahay in ay ku dedaalaan sidii ay u kala ilaalin lahaayeen dallagyada kuwa dhibku gaaray iyo kuwa kale si aanay isugu gudbin cayayaanka.









