(ERGO) – Raggan oo ka shaqeeya gudaha magaalada Gaalkacyo iyo nawaaxigeeda ayaa hirgeliyay qaab ay shaqooyinka ku wadaagaan uguna kala wareegaan si qof walba uu u helo fursad.
Xasan Jaylaani Nuur oo ka mid ah fuundiyaasha ku kaltamada hadba shaqada soo baxda ayaa sheegay inuu awood u yeeshay maaraynya nolosha carruurtiisa oo sagaal iyo xaaskiisa labadii bilood ee la soo dhaafay.
Xasan ayaa xusay in nidaamkan cusub uu ka saaray xaalad hubanti la’aan shaqo oo uu la daalaadhacayay. Wuxuu tilmaamay inay hadda cunnooyin kala duwan ay karsadaan saddexda waqti, halka markii hore hal waqti heliddeeda ay ku adkayd.
“Sistamkan hadda la keenay bisha ma seerayn, isbuucii saddex ama afar jeer maalintii $15 reerka waa ku filan tahay. Biilkooda way haystaan, waqtigii hore waqti dhibaataan u soo maray. Cashadii habeenkii hartay subixii ku quraacdaan heerkaas bay gaartay maba jirto qado.”
Xasan ayaa sheegay in qorshaha ay wada jirka u samaysteen inuu ka cawwiyay inuusan ka welwelin qaabkii shaqo ku heli lahaa. Wuxuu xusay inuu bixiyo $100 oo uu reerka raashin ugu qaaday intii uu baaga-muudadaha ahaa.
Ninkan oo xirfadiisu tahay fuundinimo ayaa tilmaamay in maalmo badan uu imaan jiray darbiyada ay fariistaan muruqmaalka balse uu ka laabanayey isaga oo fara-maran una dheer yahay daal, bus iyo niyo jab.
Ninkan ayaa sheegay in isaga iyo qoyskiisa ay ka soo kabteen nolol xumo. dhaqaalaha soo gala ayaa u sahlay inuu waxbrashada dib ugu celiyo 5 ka mid ah carruurtiisa oo uu ka bixiyo bishii $50 oo uu horay u awoodi waayay.
Xasan ayaa sheegay in hannaanka shaqo keliya uusan u horseedin helida ku filan balse uu gaarsiiyay inuu daboolo dhammaan baahiyaha aasaasiga ee qoyskiisa kirada guriga ay deggan yihiin.
“Waxaa dhacday islaanta guriga iska leh intay ciyaalkii guriga ka soo saartay macal xaaskaygii gurigii albaabada iskugu laabtay reerahii dariska ahaa baa dhahay waa u samirtee u samir lacagtaada qofkan lacagtaada waa ku siinayaa intaasoo sano daganaa qof deegaana waayee ciyaal ugu dhasheen qof kaa dhuumanaya ma ahan u samir bay dhaheen sidii baan ugu noqday afar bilood bay ahayd labo bilood waa siiiyey labo bilood waa igu dhiman tahay lacagtaas shaqadan baan ka bixiyey.”
Ninkan ayaa tilmaamay in shaqo la’aanta haysay ay ahayd mid uu u sababaynayo in dad gaar ah ay la shaqeeyaan injineerada iyo sidoo kale shirkadaha magaalada oo keensada ajaaniib ay doorbideen.
Xasan iyo qoyskiisa waxay 2019 kii ka soo barakaceen degmadaTiyeglow ee gobolka Bakool, markii ay roob yari iyo colaad ka tacban waayeen beer afar hektar ah oo ay noloshooda ku tiirsanayd.
Sanado ay u jireen nolol adag; guurguur, gaajo iyo duruufo kale, wuxuu sheegay midowgan cusub uu dhaxal-xiisay nolol rajo leh.
In la tookaysto shaqada dhismaha iyadoo la isku tixgelinayo in qof-kasta uu helo masaariif ku filan waa midda tiirdhexaadka u ah iskaashatadan. Ragga habkan u riyaaqay kuna baraaray waxaa ka mid ah Cabdulqaadir Guuleed Cali oo labadii bilood u dambaysay joogto u shaqeeya.
Ninkan ayaa ku guulaystay inuu qoyskiisa 11 qof ah uu ka saaro hubanti la’aanta nololeed oo ay wajahayeen sanadkii ugu dambeeyey oo uusan helin shaqo daboosha baahiyahooda. Hadda wuxuu sheegay inay dabka shitaan saddexda waqti iyaga oo kala dooran kara nooca cunnada.
Cabdulqaadir ayaa tilmaamay in toddobaadkii uu shaqeeyo saddex ilaa afar maalmood, taas oo ka dhigaysa inuu helo dakhli joogto ah oo uu ku maareeyo nolosha qoyskiisa.
“Maalintaan shaqeeyo waxaan la soo koobi karin iga soo galaya sida caadiga ah iska $20 joornaatiga igu filan reerkaygana ku filan. Kiradii guriga waan ka raystay qabashadii la iiqabsan jiray. korontada iyo biyaha aan bixin waayo, hada sidaan iskaashatada u galay aad baan uga raystay marka noloshii hore mida hada isku mid ma ahan tan baa aad uga fiican boqolkiiba sagaashan.”
Cabdulqaadir waxaa u suurta gashay inuu iska bixiyo qayb ka mid $250 oo looga lahaa dukaan uu raashin ka soo qaadan jiray. Hadda waxaa ku harsan $100 oo uu qorshaynayaya inuu iska gudo.
Ninkan ayaa xusay inuu hadda deganyahay labo qol oo kiradoodu tahay $60 una dheertay biyaha iyo korontada oo $10, horayna loogu yeeshay ilaa saddex bilood oo uu iska yaryareeyo hadda.
Cabdiqaadir ayaa sidoo kale waxbarashada ka bixiya 6 ka mid ah carruurtiisa. Wuxuu bille wadartooda uga dhiibaa bishii $60.
Maalmaha uusan la shaqaynayn iskaashatada ayuu xusay inuu helo shaqooyin soo booda ah oo ay ku soo xiraan saaxiibadiisii hore suuqa, taas oo kor u qaaday ilahooda dhaqaale.
Cabdulqaadir ayaa sheegay in isaga fursadan is-bahaysiga xirfadlayda uu uga faa’iideeyey fuundiyaal kale oo ku soo biiray iskaashatada. Wuxuu xusay inay hadda ka mid yihiin muruq-maalka u aayay.
Dhan kale, guddoomiyaha madashan Cabdulqaadir Maxamed Aadan ayaa sheegay in hammigooda uu yahay inay xoogsato badan ku soo daraan hannnaankan balse wuxuu xusay inay caqabad ku tahay fursadaha shaqo oo weli kooban.
Injineer-ka ayaa sheegay in fikradan ay shaqo abuur isbedel nololeed leh u samaysay ilaa 50 fuundi iyo xoogsato iskugu jira. Wuxuu intaas ku daray in muddadii ay wadeen inay dhiseen ilaa 18 guri filo ah iyo shaqooyin kale oo ay ka mid yihiin dayactir iyo dhamaystir guryo hore.
Fikradan ayuu tilmaamay inay ku dhalatay markii ay arkeen shaqo la’aanta jirta iyo in dad kooban si joogta ah shaqada maalinle u helayaan halka xirfadle-yaal kale ay la’ yihiin sabab la xiriirka inaysan lahayn gole ay ku wadaagaan fursadaha soo baxa.
“Isbedel weyn baa barnaamijkeen nooga miradhalay dadkii shaqo la’aanta ahaa shaqo abuur u noqotay dareenkooda waxbaa iska bedelay markii hore waxay islahaayeen waxaan wax iska mala awaal ah bay u moodeen laakiin markay iyagu arkeen shaqadaan qabanayno way ku dhiiradeen, qofka ugu yar 15 beri buu shaqeeyaa dhaqaale ahaan $15 ama $20 buu qaataa wuuna ku faraxsan.”
Sanadihii u dambeeyey waxaa kordhaysay cabashada shaqo la’aanta muruqmaalka iyagoo u sababaynaya shirkadaha iyo ajaaniib si gaar ah u xirtay shaqadii dhismaha, fikaradan waa mid xal u noqotay caqabadahaas ugu yaraan in ka mid ah.









