(ERGO) – Axmed Cabdi Ismaaciil wuxuu aroor walba u kallahaa shaqo ari raacid ah si uu cunno ugu helo carruutiisa oo saddex ah iyo xaaskiisa.
Wuxuu ka mid ah rag iyo haween fursad shaqo abuur ka helay xero lagu naaxiyo ariga oo haweeney qurba-joog ah ay ka hirgelisay deegaan Abdaal ee gobolka Saaxil ee Somaliland.
Ninkan ayaa maalinle dhul daaq-simeedka deegaanka ugu raaca ariga uusan lahayn oo ido u badan.
Kama harsado fallaaraha qorraxda, iyada oo heer kulkeeda uu gaaro 34 digree balse waxaa uga muhiimsan inuu qoyskiisa biil u helo.
Axmed oo shaqadan billaabay bishii labaad ee sanadkan, ayaa sheegay inuu awoood u yeeshay maarayn nolosha reerkiisa. Wuxuu bille u qaataa 100 doollar oo isbeddel ku hoggaamisay.
Daqliga soo galaya ayaa ka caawiyay inuu raashin koosaar leh iyo arrad bax u helo carruurtiisa. Wuxuu sheegay inuusan hadda ka welwel qabin daboolidda baahiyaha nolosha ee qoyskiisa.
“Aasaasigu wuu nagu adkaa oo markaa maanu heli jirin. Waa xilli aanu helo iyo xilli aanu waynaba labadaba way ka dhaxaysay. Mararka qaar ayaanu waayi jirnay oo aanu wakhtiyo ka dhex saari jirayba saddexda wakhti, haddana farxadayda lama soo koobi karo.”
Axmed 45 jir ah ayaa sheegay in shaqadan uu ku helay aqoon hore oo u lahaa iyo fursaddan bannaan oo lala soo wadaagay inay jirto.
Ninkan ayaa tilmaamay roob-yari iyo cudurro kaga dhamaadeen labadii sano ee la soo dhaafay ku dhawaad saddex boqol oo neef oo isugu jiray ari iyo geel.
Wuxuu xusay inay fursaddan ugu soo beegantay xillli ay ku sugnaayeen isaga iyo qoyskiisa xaalad hubanti la’aan ah oo ay ugu horreyso dhaqaale xumo, cunno yari iyo duruufo kale. Balse wuxuu xusay inay dib uga soo kabteen xaaladahaas.
Ninkan ayaa sheegay inuu shaqadan sidoo kale ka kororsaday aqoon la xiriirta hab dhaqashada xoolaha. Wuxuu xusay inay ka faa’iido badan middii uu ka dhaxday waalidkiisa oo uusan maanta waxba ka hayn.
Wuxuu tilmaamay haddii uu dib xoolo u hanto inuu wax badan ka beddeli doono habkii soo jireenka ahaa oo uu aaminsan yahay in dhib mooyee dheef badan aysan ku qabin marka loo eego fahankiisa hadda.
Ninkan iyo qoyskiisa ayaa deegaanka yimid iyaga oo fara maran, noloshooda ayaa ku tiirsanayd inay dadka wax weydiistaan balse maanta waxay ku jiraan nolol xassiloon.
Aasaasaha mashruucan ari dhaqashada, Faa’isa Faarax Raage ayaa sheegtay in barnaamijkan uusan ku koobnayn oo keliya shaqo abuur, balse uu noqday tusaale dadka deegaanka baraya hababka casriga ah ee loo xanaaneeyo xoolaha.
Waxay intaas ku dartay in qorshaheedu yahay inay mustaqbalka sii ballaariso si dad badan oo ay abaartu saamaysay ay uga faa’iidaystaan.
“Mashruucaa ujeedadaan ka leenahay waxa weeyaan inaan xoolaha nool iibino, naaxino, korino ka dibna aanu iib geyno. Shaqaalaha waxaan ku xulanaa farsamadooda farsamada aan uga baahanahay ee dhaqida xoolaha, xannaanaynta xoolaha markaa qofku waa inuu yahay qof intaaba cilmi u leh.”
Faa’isa ayaa sheegtay in dad badan oo xoolo dhaqato ah ay bilaabeen inay si ka duwan sidii hore u maareeyaan quudinta xoolahooda, iyaga oo adeegsanaya farsamooyin ka caawinaya inay u helaan nafaqo ku filan.
Waxay intaas raacisay in markii hannaankan ay deegaanka ka billowday loo arkayay wax aan macno lahayn balse tababarro ay bixisay iyo sida ay xoolaheeda uga badbaadeen abaarta ay sababtay in talooyin laga qaato hadda.
Haweeneydan ayaa sheegay in tani ay keentay inay dadka ka fekeraan sidii wax-soo-saarka xoolahooda ay u kordhin lahaayeen, iyada oo xitaa dhulka nacfi fiican uusan lahayn.
Waxay uga maarmeen quudin farsamo leh, halka iyaduna ay macaash fiican ka heshay gancsigan.
“Aqoonta casriga ah waxay uga faa’iidaysteen wax bay ka barteen oo reer guuraagu waa dad guura oo socda oo kolba xoolaha meel la taga. Waxyaabaha ay naga faa’iideen ee waxaa ka mid ah inay fadhiistaan adhigana wax-soo-saar u sameeyaan oo noqdaan dad meel loogu iman karo.”
Waxay sheegtay inay sii wadayso wacyi-gelinta iyo dedaalkeeda ku aadan sidii bulshada deegaanku ay u garowsan lahaayeen muhiimadda isku dheellitirka quudinta xoolaha, isticmaalka calafka habboon iyo ilaalinta caafimaadkooda.
Arrimahaas oo ay xustay in dhammaantood ay door weyn ka qaadanayaan inay hab dhaqanka dhaqaale ee qoysaska u baahan shaqo abuurka.
Aamina Warsame Cali, oo ka mid ah dadka fursadda ka helay xerada ariga, waxaa u suuragashay inay qoyskeeda 11 ah u hesho cunno ku filan, biyo iyo daryeel. Haweeneydan oo la qaatay bishii Jannaayo ayaa sheegtay in shaqadan ay wax badan ka beddeshay nolosheeda iyo tan reerkeeda.
Waxay xustay in markii hore ay halgan ugu jirtay sidii dabooli lahayd baahiyaha aas-aasiga ah ee reerkeeda, balse maanta ay ka welwel la’ dahay daryeelka carruurteeda oo keliyeed ku tiirsan.
Aamina ayaa tilmaantay in shaqadani ay ka heshay kalsooni iyo rajo cusub, maaddaama ay noqotay il-dhaqaale oo joogto ah.
Waxay sheegtay in isbeddelkeeda ugu weyn ee ay siisay uu yahay in maanta ay dareemayso degganaansho nololeed iyo inay noloshooda ka wanaagsan tahay sidii hore.
“Waxyaabo badan baan qabtaa. Xoolaha waanu garanaynaa macnahooda laakiin aabaarihii baa naga dhammeeyoo xoolana imika maanu haysan adhi ilaa laba tiro ah wuu gaadhaayay dee abaartii baa dhammaysay.”
Haweeneydan ayaa sheegtay in shaqadan ka hor noloshooda ay ku tiirsanayd inay kaalmo waydiisato ehelkeeda, taas oo aysan joogto u heli jirin isla markaanna aan ku filnayd baahidooda maaddaama ay yihiin qoys ballaaran.
Aamimo ayaa sheegtay in qabashada shaqadan aysan ku dareemin culeys sababta ayaa ah inay aqoon hore u lahayd xannaanada ariga.
Haweeneydan ayaa sheegtay in deegaankeeda uusan lahayd wax iskuul ah balse waxay ka qorshaynaysaa inay magaalo u dirto qaar ka mid ah carruurteeda.
Dadka aqoonta u leh hab dhaqadan nadaamsan ee xoolaha ayaa qaba in habkan uu kor u qaadi karo nolosha bulshada Soomaaliiyeed oo badankood ku tiirsan xoolaha.
Arrintan ayaa horseedaysa helidda xoolo caafimaad qaba, wax-soo-saar badan leh isla markaana qiimo fiican ku yeesha suuqyadeenna iyo caalamka, taas oo kobac dhaqaale siinaysa xoolo-dhaqatada iyo dalka.










