Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku nool Dhuusomareeb oo nolol xumo haysay uga baxay ka ganacsiga birta duugga ah

Jibril Osman by Jibril Osman
June 16, 2026
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay
0
Qoysas ku nool Dhuusomareeb oo nolol xumo haysay uga baxay ka ganacsiga birta duugga ah

Kaydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Danyar shaqo la’aan ahaa oo ku nool magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud ayaa dhaqaale ay ku maareeyaan noloshooda waxay ka helayaan biraha la isticmaalay ama la tuuray.

Waxaa si joogto ah uga iibsada shirkado maxalli ah oo fadhigoodu yahay magaalada, una sii dhoofiya Muqdisho iyo dalka Ethiopia oo dib loogu warshadeeyo.

Danyartan oo rag iyo dumar iskugu jira ayaa maalin kasta ku wareega xaafadaha magaalada oo ay ka aruuriyaan biraha. Guryaha ayay sidoo kale booqdaan, iyagoo dadka ka codsanaya inay siiyaan wixii bir ah oo aysan u baahneyn.

Dad ku nool xeryaha lagu barakacay iyo danyar deegaan ah ayay u badan yihiin qoysaska sidan ku dabarra noloshooda. Dadkaas waxaa ka mid ah Aqbal Cadaawe Xaaji oo ku filnaatay maareynta nolosha qoys ka kooban toban qof.

Waxay sheegtay in toddobaadka oo dhan ay qabato howshan, ayna ka hesho maalinkii $4 illaa $6 oo ay ku dabarto cunnada, biyaha iyo waxbarashada carruurteeda oo kaligeed ay koriso.

Shaqadan oo ay bilowday bishii Jannaayo ayay xustay inay ka saartay cunno yari iyo nolol xumo ay wajahayeen. Waxay tilmaantay inay ku adkeyd helitaanka cunto hal waqti ah,

Waxay mid ku soo gali jirtay dawarsi ay sheegtay in duruuftu ku qasabtay, markii ay waayeen waxay dabka ku shitaan.

“Nolashayda hadda waxaan ahay qof bariiska ilmaha shaqaysanaysa, markii hore umadda ayaan dawarsanayay walaalow wax isii ayaan dhihi jiray. Qof baan albaabka ku garaaci jiray, mar la isiiyo iyo mar aan waayo ayay ahayd, horraantii waxaan ahaa qof barakac ah oo cid shaqso siisa waysay, waqtigaanna nolol baan helay oo waxaan ahay qof soo dhacsanaysa biilka qoyska.”

Aqbal ayaa sheegtay in shaqadan oo ay qabato subixii illaa shanta galabnimo ay tahay mid adag, maaddama ay dusheeda ku xambaarto biraha, ayna lug ku marto xaafadaha iyo daafaha magaalada oo ay ka raadiso.

Daruuf ayay tilmaantay inay ku qasabtay, balse ay ku faraxsantahay mar haddii aysan gaajo ku seexaneyn sagaal carruur ah oo lagu furay.

Afar ka mid ah carruurteeda ayay geysay iskuul hoose iyo dugsi Qur’aan, waxayna bishii ka dhiibtaa $25.

Waxay sheegtay in tani ay tahay mid ka mid ah riyooyinkeeda ugu muhiimsan oo muddo ay ku taameysay.

“Carruurtayda oo markii hore wax ii dhigan jirin hadda waxbay ii bartaan. Bishaan ayaan geeyay iskuulka, nolashoodana waa haystaan iskuulkana waa aadan. Markii hore waxba ima dhigan jirin, maaddma aanan shaqo haysan oo aan rafaadsanaa. Hadase waxaan ku jiraa xaalad fiican.”

Qoyska Aqbal oo colaad uga soo barakacay dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia ayaa tan iyo bishii Sebteember ee sanadkii hore deggan xerada Oog ee magaalada Dhuusamareeb.

Siddeed bil oo halkan ay ku nooshahay ayay tilmaantay inay tahay markii ugu horeysay oo ay hesho shaqo ay ku maareyso qoyskeeda. Biyaha oo markii hore ay dadka ka soo baryi jirtay ayay sheegtay in hadda ay bishii iska bixiso $5 oo looga qaato tobbo ugu jirta guriga.

Aqbal ayaa xustay in hadda ay leedahay keyd dhaqaale oo gaaraya $70. Uruurintan ayay sheegtay inay sii wadi doonto, si ay uga baaraan degto xaalad hubanti la’aan ah, maadaama aysan garaneyn xilli ay istaagi doonto shaqada ay ku tiirsantahay.

“Waxa aan ka shaqeynayo waxaa laga dhex raadinaya qashinka meelaha lagu tuuro iyadoo sidaas ay tahay ayaan hadane waxaan is leeyahay, maaddama ay noloshiina wax ka badashay oo ay kuu suurta gashay in ilmihii ay iskuul kuu aadaan ka sii shaqee. Muhiimadeydu waa inaan ku noolaano nolol fiican oo xayaato leh.”

Toddobo shirkadood oo magaalada deggan ayaa dadka ka gata biraha. Kiiladii ayay ka siiyaan qiime udhexeeya $0:15 illaa $0:20 sent.

Ma aha warshado, balse waa ganacsato u sii dhoofiya magaalada Muqdisho iyo dalka Ethiopia, halkaas oo ay ku yaalaan warshado ka sameeya qalabka dhismaha.

Qaar ka mid ah shirkadahan ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in dad ka badan 150 qof ay u keenaan walxaha biraha ka sameysan, kadibna ay lacagtooda siiyaan isla marka ay ka miisaamaan.

Tima-cadde Cabdi Kaabooy ayaa tilmaamay in tan iyo bishii Feberaayo oo uu ka shaqaynayo aruurinta biraha ay u suurta gashay in reerkiisa uu u helo cunto ku filan.

Wuxuu sheegay in bishii uu ka helo ugu yaraan $160 oo uu xusay inay ku filantahay qoyskiisa oo 14 qof ka kooban.

“Nin shaqaysto oo meel u baxayo oo shaqo meel ku og baan ahay oo wixii kasta oo gacantiisa qabata. Hadda ayay nolasheenu wanaagsan tahay, qurxuun tahayna, Inkastoo la dhahay ;soomaalidu waa samar taa ee ma dharagto. Marka annagu waan samarnaa.”

Howshan ka hor ayuu tilmaamay inuu ahaa nin shaqo la’aan ah oo carruutiisa oo 11 ah ay gaajo ku seexdaan. Xerada Shabeelle oo 15 daqiiqo oo socod ah u jirta magaalada Dhuusamareeb ayuu maalin kasta uga soo kallahaa shaqadan.

 Waa isha kaliya dhaqaale ee uu maanta ku tiirsan yahay, balse dadka qaar ayuu sheegay inay u arkaan qof dhimirka ka xanuunsan, marka ay arkaan isagoo xambaarsan jawaan ay ku jiraan biro daxaleystay.

“Bulshada waa ku dhibaataynayaan. Kuwa ayaa ku tuur-yaynaya. Kuwa kale waa kugu qaylinayaan. Mid baa ku xumanaya gurigiisa markaad ag-maraysid. Kii naxumeeyana lama hadalno Alxamdullilaah baan dhahnaa, kii na fiicneeyana Rabilcaallamiim ayaan dhahnaa.”

Ninkan ayaa xusay in dhaqaalaha uu ka helo shaqadan uu qeyb ka mid ah uu bil kasta u diro saddex kamid ah carruurtiisa, kuwaas oo duruuf dhaqaale awgeed uu uga soo tagay qoys deggan miyiga gobolka Mudug.

Wuxuu intaas ku daray in bisha May uu qorsheynayo in iskuul uu geeyo afar carruur ah oo waxbarasho gaaray, balse markii hore ay dhaqaale la’aantu hor taagneyd.

Qoyska Timacadde ayaa lix bil ka hor soo deggay xerada Shabeelle, markii abaar ay uga dhinteen xoolo uu ku dhaqanayay gobolka Mudug.

Shirkadaha ka macaasha birta ayaa ah kuwo ogolaasho ka haysta maamulka Galmudug.

Cabdullaahi Axmed Baraale oo ah maamulaha shirkadda Bir-libaax oo saddex xarumood ku leh magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Guriceel ayaa sheegay in ku dhowaad sanad ay shaqeynayaan ay shaqo u abuureen danyar u keena walxa la tuuray oo aan lacag ugu fadhin, balse ay ka gataan iyagu.

Wuxuu intaas ku daray in shirkadoodu ay shaqeeleysiisay labaatan dhallinyaro ah. Cabdullaahi ayaa tilmaamay in sharkaddu ay la timid hal-abuur ay dhaqaale uga hesho biro duugoobay oo caqabad mooyee aan manfac deegaanka u laheyn.

“Anagu waxa aan ka helno ma fiirino nadaafaddii ayay ka qayb qaateen, dadka danyarta ahna shaqo abuur ayay u noqotay. Annagu intaas ayay ahayd ujeedadeenu. Cid nagu dhiirigaliso ama nagu taakulayso malahan maamul.”

Xaaladda nololeed ee dadka ku nool xeryaha lagu barakacay ayaa sii adkaatay markii uu yaraaday gargaarka hay’adaha samafalka. Waa tiro yar inta hesha shaqooyin joogta ah ah oo ay ku maareeyaan noloshooda.

Previous Post

Mudug: Rag wadaaga fursadaha shaqo ee laga heli karo oo nolosha qoysaskooda ku filnaaday

Related Posts

Mudug: Rag wadaaga fursadaha shaqo ee laga heli karo oo nolosha qoysaskooda ku filnaaday
Wararkii u Danbeeyay

Mudug: Rag wadaaga fursadaha shaqo ee laga heli karo oo nolosha qoysaskooda ku filnaaday

June 15, 2026
Beeraleyda tuulada sayn ee gobolka Bari oo wajahaya roob la’aantii ugu darnayd
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraleyda tuulada sayn ee gobolka Bari oo wajahaya roob la’aantii ugu darnayd

June 13, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraley ku nool Galgaduud oo wajahaya nolol xumo markii gubay beero ay ku tiirsanaayeen

June 12, 2026
Qoysas ku cayroobay abaar ka dhacday Bari oo noqday kalluumeysto maareeyay noloshooda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku cayroobay abaar ka dhacday Bari oo noqday kalluumeysto maareeyay noloshooda

June 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Waxbarasho la’aan iyo cunno xumo ka dhashay fatahaad ka dhacday Qalaafe

June 8, 2026
Beeraleyda Bay oo ku qasaaray dalagyo ay filayeen in ay kaga baxaan nolol xumada
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraleyda Bay oo ku qasaaray dalagyo ay filayeen in ay kaga baxaan nolol xumada

June 4, 2026

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 16-JUN-2026

IDAACADDA 16-JUN-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 16-JUN-2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-JUN-2026
June 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-JUN-2026
June 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-JUN-2026
June 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-JUN-2026
June 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-JUN-2026
June 12, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo