Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhadhaab: Haween ka soo kabtay ganacsiyo ka burburay markii la siiyay lacag amaah ah

Jibril Osman by Jibril Osman
June 19, 2026
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay
0
Dhadhaab: Haween ka soo kabtay ganacsiyo ka burburay markii la siiyay lacag amaah ah

Xafsa Mursal Cabdi oo dhex fadhida dukeeda ay ku asaastay lacagta daynta ah/Axmed Cabdullaahi Jaamac/ Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Xafsa Mursal Cabdi iyo boqollaal ganacsato ah oo deggan xerada qaxootiga Xagardheer ayaa ka saaray qoysaskooda dhibaato nolol xumo, markii ay ka soo kabteen dhaqaale yari ku dhacday meheradahooda.

Waxay qarka u fuuleen in ay burburaan ka hor inta aysan lacago dayna siin hay’adda Inkomoko. Xafsa oo heshay boqol kun oo lacagta Kenya ah bishii Febraayo ee sanadkan waxay ku badbaadisay ganacsigeeda.

Waxay iibisaa noocyada kala duwan ee raashinka. Waxay u sheegtay Raadiyow Ergo in bog-cuusb uu u furmay ganacsigeeda, kaas oo dhamaadkii sanadkii hore ku dhawaaday in xirmo dhaqaale yari awgeed.

Waxay awoodi waysay in ay hesho lacag ay ku dalbato badeecadaha ay iibiso, kaddib hal sano oo ay la soo daalaadhacaysay hoos u dhac, taas oo meesha ka baxday, markii ay camirtay dukaankeeda ganacsi.

Waxay joogto uga heshaa lacag faa’iido ah oo ay ku maarayso nolol-maalmeedka qoyskeeda oo toddobo ah, waxaana dhinaca kale ay ku fooggan tahay bixinta daynta lagu leeyahay oo ay iska-yaryarayso.

Waxay niyad wanaag ka muujisay xaaladda nolosha qoyskeeda iyo ganacsigeeda oo kobcaya.

“Lacagta aad iyo aad bay ii anfacday, markii la isiiyay boqolka kun wax bay I tartay. Sandaqad baan leeyahay. Sandaqaddii way iska beddeshay. Sida aan u dhisey kolay waa aragtaa. Dhaqaalaha iga soo gala ayaan ku noolahay aniga ciyaalkayga. Ilaahay baan mahadleh.”

Lacagta ka soo xaroota ayay tilmaamtay in ay u kala jabiso dhowr dhinac. Qayb ka mid ah waxay iskaga bixisaa amaahda laga rabo iyo nolosha qoyska, halka inta kale ay dib ugu celiso dukaankeeda ganacsi.

Waxay sheegtay in macaamiisha ku xiran iyo habsami u socodka ganacsigeeda uu galiyay yididiilo ah in ay si fudud ay u bixin karo daynta lagu leeyahay.

Waxay xustay in qoyskeeda ay gaarsiisay isku filnaansho dhaqaale, taas oo uu kaga dabaashay nolol cunno xumadii haysay ee hubanti la’aanta nololeed bidday.

“Nolosha aad bay u liidatay markii hore aanaan ganacsiga furan, aad ayay noloshu u liidatay waayo waxbaba ma haysanin habeena waa qadaynay, habeenna waa quudanaynay. Hadda qadayda, quraacdayda iyo cashadayda iyo xataa cabitankayga meel ayay ii saaran yihiin.”

Xafsa kuma cusba lacagta la amaahdo. Billowgii ganacsigeeda oo ahayd markii bishii Maarso ee sanadkii 2025 ayay ka daynsatay toban kun oo shilinka Kenya ah isla hay’adda Inkomoko, taas oo dib ay iskaga gudday.

Waxay sheegtay in xilligaas ay aad u adkayd lacagta la amaahdo sabab la xariirtay howla dayn bixinta oo billow ahaa darteed, balse waxay ku dhiirtay in ay lacagtaas qaadato si ganacsi ay leedahay u yagleesho.

Lacagta ganacsiga ay ku billowday xilligaas oo yarayd iyo macaamiil yari haysay ayay xustay in ay ka hor-istaagtay in guul ka gaarto ganacsigeeda. Blase waxay ka heshay khibrad iyo kororka macaamiisheeda.

“Lacagtaa aniga oo aan shilling haysanin ayaa la ii siiyay miis yar baan ku furtay. Lacagtaa markaas aan helay dhaqaale badan ayaa arkay, ganacsigii magaalada ayaan fahmay, ganacsigii baan hore usii galay.”

Waxay sheegtay in ganacsiga ay hirgalisay in uu wax ka beddelay hab-nololeedkooda oo markii hore ahaa sugidda gunnada raashinka gargaarka ah ee laga bixiyo xerada ay ku nooshahay ee Xagardheer.

Waxay saluug ka qabtay habka loo bixiyo iyo hoos u dhaca sanadba sanadka ka dabeeya ku imaanayay. Waxay garowsatay in la joogo waqtigii ay ka tashan lahayd ku tiirsanaanta gacan kale oo sii wiiqmaysa.

Inkasta oo ay weli hesho gunnada raashinka ah oo in ka badan boqolkiiba kontan la dhimay, haddana baahida ay u qabto maahan mid wayn sida ay sheegtay Xafsa, maaddama ay ka tashatay.

Xafsa oo 28 jir wuxuu qoyskeedu ka soo barakacay 2006 dagmada Jilib, markii xaalad amni xumo ay u saamixi wayday ku sii noolaanshaheeda. Aabbeheed oo muruq-maal ah ayaa u la soo qaxay Dadhaab.

Dadka fursadda soo kabasho ka helay daynta la siiyay waxaa ka mid ah Maano Maxamuud Gagaal oo dukaan lagu iibiyo bagaasha, Jalaatada, barafka, biyaha qabow ku leh xerada qaxootiga Xagardheer.

Waxay sheegtay in iyada iyo qoyskeeda oo shan ah ay ka soo kabanayaan nolol xumo iskugu jirta cunno xumo iyo arrad-tir la’aan, taas oo timid, markii ganacsigu u socon waayay dhaqaale la’aan darteed.

Lacag dhan 130, 000 ksho oo ay ka heshay hay’dda Inkomoko sida ay sheegtay ayay ku iibsatay soolar iyo qaboojiyaal. Agabkan ayay u isticmaashaa samaynta jalaatada iyo biyaha qabow oo suuq fiican leh.

“Baahidaydu waxay ahayd in aan shaqaysto. Baahi saa’id ah baan u qabay, maantana way iga daboolantay. Jalaato iyo baraf ayaan ku gadaa si fiican ayay iigu socdaan. Maalintii 500 waa helaa ama 600. Inkomoko xooleheedana waa u dhigaa, ana waa ka noolaadaa.”

Maano ayaa sheegtay in goobteeda ganacsi ka hor daynta ay xirtay. Waxay ku iibinaysay bagaash kooban oo isbixin waayay, markii dhaqaale yar oo ka soo xarooday ay biil ahaan u isticmaaleen.

blank
Maano Maxamuud oo mid ka mid ah macaamiisheeda u adeegaysa/Axmed Cabdullaahi Jaamac/ Ergo

Kor u kaca ganacsigeeda ayaa Maano u horseeday nolol ku duwan tii ay ku noolayd ka hor inta aysan qaadan daynta ay ku dardar galisay goobteeda ganacsi sida ay sheegtay.

Waxay naawilaysaa in fursaddan ay heshay ay u horseeday horumarka ganacsigeeda iyo rajada ah in ay kobciso si ay uga sii gaashaamato fashil ku yimaada dadaalka ay ku hormarinayso nolosha qoyskeeda.

“Ilmahayga dharkooda cunadooda iyo caafimaadkooda ilaahay ka sokow aniga ayaa maareeya, waxaan u awoodaa sadexda waqti, aniga ayay igu tiirsan yihiin aabo iyo adeer toona kuma tiirsanaa, wax walba oo ay u baahdaana meeshan ayaan ka siiyaa.”

Qoyskeeda ayaa sanadkii 2008 ka soo qaxay magaalada Muqdisho , waxay ahayd muruq-maal jalaato ku wareejisa suuqyada muqdisho ka hor inta aanay amni daro ugu cararin, taas oo keentay Dhadhaab.

Lacagaha daynta ah ee la siiyo ganacstada xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab ayaa looga gol-leeyayay kor u qaadista nolosha qoysaska iyo in ay gaaraan iskufilnaan dhaqaale sida ay sheegtay hay’adda Inkomoko.

Lataliyaha hormarinta ganacsiga ee hay’addan Aadan Maxamed Xaaji ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in mudadii barnaamijkan uu socday ay ka faa’iideysteen kumanaan qoys oo ah qaxooti danyar ah.

“Ujeedada laga leeyahay waxa waaye dadka inta badan waxay ku tiirsanaayeen gargaarka ay hay’aduha, maaddama gargaarkii yaraaday waa in ay isku filnaansho gaaraan, kana maarmaan gargaarka iyadoo taas laga duulayo waxaan rabnaa in ay isku filnaadaan.”

Lacagaha daynta ah ee lagu maalgeliyay ganactada xeryaha Dhadhaab ayaa laga dareemay nolosha dadka ku nool qaxootiga oo badankoodu xiligan siyaabo badan ugu tiirsan suuqyada ganacsiga.

Lacagaha daynta ah ee la siiyay ganacstada yaryar ee xeryaha Dhadhaab ayaa laga dareemaya xeryaha Dhadhaab, halkaas oo qoysas badan ay ka faa’iideysteen ganacsiyada daymaha ay ku hirgaliyeen.

Previous Post

Qiimo la’aanta ku dhacday lacagta dalka oo wiiqday rajada ganacsatada Baydhabo

Next Post

Beeraley ku nool Galgaduud oo wajahaya nolol xumo markii gubay beero ay ku tiirsanaayeen

Related Posts

Nin fursad ganacsi u beddelay fikrad uu ka helay dhageysiga Radio Ergo
Wararkii u Danbeeyay

Nin fursad ganacsi u beddelay fikrad uu ka helay dhageysiga Radio Ergo

July 10, 2026
Qoysas colaad ay saamaysay noloshooda oo cunno xumo ku wajahaya Ari-cadeeye
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas colaad ay saamaysay noloshooda oo cunno xumo ku wajahaya Ari-cadeeye

July 8, 2026
Qoysas go’doon iyo nolol xumo ku wajahaya Mudug markii ay guuri kari waayeen
Beeraha Iyo Xoolaha

Qoysas go’doon iyo nolol xumo ku wajahaya Mudug markii ay guuri kari waayeen

July 7, 2026
Nolol xumo haysa haween barakac ku ah Doollow kuwaas oo noqday shaqo la’aan
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo haysa haween barakac ku ah Doollow kuwaas oo noqday shaqo la’aan

July 3, 2026
Colaad nolol xumo galisay kumanaan qoys oo ku barakacay Shabeellaha hoose
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Colaad nolol xumo galisay kumanaan qoys oo ku barakacay Shabeellaha hoose

July 2, 2026
Sicir-barar ku qasbay ganacsatada khudaarta Hargaysa in ay xiraan ganacsiyadooda
Cunto-Yaraanta

Sicir-barar ku qasbay ganacsatada khudaarta Hargaysa in ay xiraan ganacsiyadooda

June 29, 2026
Next Post
blank

Beeraley ku nool Galgaduud oo wajahaya nolol xumo markii gubay beero ay ku tiirsanaayeen

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 10-JUL-2026

IDAACADDA 10-JUL-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 10-JUL-2026
Episode play icon
IDAACADDA 10-JUL-2026
July 10, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 09-JUL-2026
July 9, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 08-JUL-2026
July 8, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-JUL-2026
July 7, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 06-JUL-2026
July 6, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo