(ERGO) – Yaasiin Cali Faarax faa’iido uu ka helay dallagyo uga soo go’ay beer 2 hektar ah bilowgii bishaan February ee 2025 ayaa ka caawisay inuu hooyadiisa, xaaskiisa iyo carruurtiisa oo 13 ah u helo cunno saddex waqti ah, daryeel iyo waxbarasho.
Wuxuu ka mid yahay in ka badan 100 qoys oo ay noloshoodu is beddeshay, markii kaydad biyood ay sameysteen bishii May ee sannadkii hore u suuragelisay inay xal u helaan biyo yari hoos u dhigaysay wax-soo-saarkooda.
Go’aanka dhismaha kaydadkaan ayaa ku dhiiri gelisay inay dib ugu laabtaan tacabka beeraha oo ay waraab la’aan uga quusteen horraanta 2023. Yaasiin wuxuu tilmaamay inuu goostay dallagyo dalagyo kala duwan.
Wuxuu sheegay inuu ka helay faa’iido dhan $2,500, markii uu u iib geeyay magaalooyinka Dhahar, Qardho, Sheerbi, Waaciye iyo deegaanno kale. Wuxuu ku faraxsan yahay in aragtida hirgelinta barkadaha ay ka caawisay horumar dhaqaale.
“Waxaan ku talo galnay in laga baxo waxyaabihii laga doonayay dhulka fog fog sida Yaanyada iyo waxyaabo badan oo Itoobiya nooga imaan jiray. Dhiirri gelin fiican bay noo tahay, waana wadnaa wax fiicanna way iska kaaya baddeleen. Inaan sii ballaarino waan rabnaa insha Allah.”
Wuxuu tilmaamay duruufaha haystay darteed inuu mar ku fekeray inuu beertiisa iibiyo si uu isaga gudo dayn $3,500 oo lagu yeeshay intii u dhaxeysay 2023-2024. Lacagtaas oo ahayd mid ay ku soo qaadanayeen raashiin uu qoyska isticlaamayay muddadaas.
Wuxuu sheegay in nin ehelkiisa ka mid ah oo kula taliyay inuusan iska iibin beerta, uuna ka faa’iideysto, maaddama la heli karo fursad soo noolayn karta wax beerashada.
Yaasiin ayaa sheegay inuu ku faraxsanyahay nolosha cusub ee qoyskiisa u billaabatay. Wuxuu awood u yeeshay inuu labo ka mid ah carruurtiisa oo sannadkan jaamacadda Boosaso u dhameynaya uu ka bixiyo $600 oo ah labo semester lacagtooda.
Marka jiilaalku adkaado, dadka dhaqaalaha haysta waxay biyo ka soo iibsadaan meelo fog, halka kuwa aan awoodin ay la tacaalaan dhibaato joogto ah oo ku yimaada beerahooda.
“Baabuur baanu isticmaali intaanan barkadaha samayn. Hadda meeshii aanu booyad isticmaali jirnay barkadihii baa kayd inoo ah oo aan isticmaalaynaa. Marka hore caqadabadaa na qabsan jiray waxaana kamid ahaa, inaan booyada ceelka biyo kagasoo dhaansan jiray. Qarash badan baa nagaga bixi jiray. Booyadii 80-90-dollar ayay noogu imaaanaysay.”
Yaasiin wuxuu sheegay inuu barkaddiisa ku maalgaliyay $5,000 oo ah lacag dayn ahaan ay u siiyeen eheladiisa. Tallaabadan ayaa u suurtagelisay inuu kaydsado biyo ku filan, kaddib roobabkii da’ay bishii May ee sanndkii hore.
Ninkan oo 59 sano ah in ka badan 16 sano ayuu ahaa beeralay. Wuxuu sheegay in beeralaydu isku tashadeen oo ay sameysteen barkado ay ku kaydsadaan biyaha, taas oo ka yareysay qarashkii badnaa ee ay horey ugu bixin jireen biyaha booyadaha lagu keeno.
Wuxuu intaa ku daray in 8 qof ee beeraley ah ay yeelatay laba barkadood oo ah mid ay biyaha ka cabaan iyo mid kayd ah oo aan la isticmaalin, taas oo ay u diyaariyeen in lagu baxsado xilliyada jiilaalka.
Dadka dib u billaabay tacabka beeraha ee faa’iidada dhaqaale ka helay waxaa kamid ah Cabdulqaadir Caarshe, wuxuu cunno saddex waqti u helay qoyskiisa oo ka kooban saddex xaas iyo carruurtooda oo 20 qof ah.
Wuxuu sheegay inuu ka helay faa’iido dhaqaale oo u suura galisay inuu qoyskiisa ka soo kabto nolol xumo. Wuxuu ku faraxsan yahay in ugu dambeyn uu ka baxay qoyskiisa duruufo adag oo dhanka nolosha ah oo ay ku sugnaayeen labo xili beerasho oo uusan waxba beeran.
Cabdulqaadir wuxuu goostay dhammaadkii Janaury illaa horraantii Febraury 2025 dalagyo kala duwan, gaar ahaan khudaarta cagaaran. Isagoo haysta hal hiktar iyo bar dhul beereed ah, wuxuu sanadkan helay dakhli dhan $1,500 oo faa’iido ah, taas oo ka caawisay inuu ka baxo hubanti la’aantii dhanka cuntada ahayd ee uu ku sugnaa labadii sano ee la soo dhaafay.
“Hadda niyadaydu waa deggen tahay. Nin dhulka wax uga soo go’ayaan tabar kaste ha iska lahaadee wax ka guranaayaan ahay.”
Ninkaan ayaa dhaqaalaha uu ka helay qeyb ka mid ah isaga bixiyay kirada guri saddex qol ah oo bishii uu ku degannaa 60-dollar oo lagu lahaa kirada saddex bil. oo dhan 180 dollar. Dhakhliga soo galay ayaa sidoo kale ka caawiyay inuu waxbarashada dib ugu celiyo 3 carruurtiisa ah, kuwaas oo labo bil ka hor laga soo eryay dugsi sare oo ku yaala Badhan oo lagu magacaabo Alnuur, markii bixin waayay isku darka lacagta waxbarashadooda oo ahayd 150-dollar.
“Markii ay beeta wax ka soo go’aan waxbay naga bixisaa. Waxyaalo badan baanu soo marnay. Waxaad mooddaa in xaaladdayadu in ay meel fiican marayso, Ilaahayna aanu ku xiranahay, wax badanna aanu iska daboolnay.”
Cabdulqaadir Caarshe wuxuu awooday inuu iska bixiyo dayn $650 oo uu sanadkii tegay reerkiisa ugu qaaday raashin, maadaama aysan waxba tacbanin. Wuxuu ka soo kabtay khasaarihii joogtada ahaa ee uu kala kulmi jiray dalagga beerta, taas oo uu u tiirinayo biyo-yarida baahsan ee saamaysay beeralayda gobolka.
Isku tashiga ay sameeyeen beeralaydaan ayaa ah hindise ka yimid barnaamij lagu magacaabo Dhulmaal oo ay ku midaysan yihiin beeralayda degmada dhahar, kuwaas oo markii ay u adkaysan waayeen biyo yarida ku dhiirraday inay sameystaan kaydid biyood oo ay beeraha ku waraabiyaan.
Cali Maxamed Cali oo ah aas-aasaha barnaamijka Dhulmaal, ayaa door muhiim ah ka qaatay dhiirrigelinta beeraleyda. Wuxuu ku guubaabiyay inay sameystaan barkado iyo biyo-xireeno gacan-ku-samays ah, si ay uga faa’iidaystaan biyaha roobka una abuuraan kayd ay isticmaali karaan muddo sannad ah.
Tallaabadan ayaa gacan ka geysatay horumarinta tacabka beeraha iyo u adkeysiga bulshada ee xilliyada abaaraha.
“Waxaan dadka u sheegnay sida ay uga faaidaysan karaan biyaha cirka ka yimaada. Waxaa looga faaidaysan karaa in qofku baahidiisii ku daboosho, wixii loo baahnaana uu suuqa geeyo. Waxaan rabnaa in dhulka wax lagala soo baxo.”
Beeraleyda ku nool bariga gobolka Sanaag waxay si dar dar leh hadda u wadaan tacabka beeraha maaddaama ay ka soo kabanayaan duruufo marar badan u horseeday rejo beel.