Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Cunto-Yaraanta

Qoysaska macalimiin shaqo la’aan noqday oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo

Jibril Osman by Jibril Osman
May 21, 2026
in Cunto-Yaraanta, Wararkii u Danbeeyay
0
Qoysaska macalimiin shaqo la’aan noqday oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo

OLYMPUS DIGITAL CAMERA

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Nolol xumo ayay wajahayaan qoysaska 120 macalin oo wax ka dhigayay 8 iskuul oo ku yaallay xeryaha magaalada Baydhabo. Dhaqaale la’aan ayay u xirmeen horraantii sanadkan, markii uu joogsaday qandaraas ay ka helayeen hay’adaha Save the Children iyo SOS.

Waxay maarayn la’yihiin dhamaan baahiyaha aas-aasiga ah ee reerahooda. Culaysyadan isku biirsaday ayaa ku qasbay in qaarkood ay dulsaar ku noqdaan dad kale, markii laga soo eryahay guryihii ay deganaayeen oo kiradooda ay bixin waayeen.

Xasan Maxamed Ibraahim ayaa sheegay in shaqo la’aantu ay saamayn ku yeelatay nolosha qoyskiisa oo 8 qof ah. Wuxuu u la’yahay cunno hal mar ah, biyo ku filan iyo waxbarashada carruurtiisa, markii uu ka istaagtay mushaar $100 ah oo uu ka qaadan jiray hay’adda SOS oo iskuulkii uu dhigyay taageeri jirtay

“Muddo afar bilood ah ayaan baaga-muudo ahay. Arintaas si weyn ayay ii saamaysay, xaaladeena nololeedna aad ayay u adag tahay xilligaan. Waxaan ku tiirsanahay daymo iyo shaxaad, wax kale ma helno.”

Xasan ayaa sheegay in habeenada qaar ay carruurtiisu gaajo ku seexdaan. Ninkaan oo iskuulka hoose dhexe ee Gobaadegsoy ka dhigi jiray xisaabta ayaa xusay in shaqo la’aantu ay dhan kasta ka saamaysay. Wuxuu la kulmayaa culasyo dhaqaale oo uusan xallin karin, markii uu waayay ishii keli ahayd ee reerka uu ka biilayay.

Qoyskiisa waxay dhibaato ku qabaan helidda biyaha. Daruufta haysata ayaa ka hortaagan inay ka iibsadaan 20 liitar la gado $0.15. Wuxuu sheegay inay isku celceliyaan hal caag oo ay maalinkii hadba qoys ka soo dawarsadaan.

“Tubbooyin waa nalaga jartay, markii aan muddo bixin waynay. Waxaan ku qasbanahay in dariska na dhaama waydiisano wixii ay noo awoodaan. Korontada sidoo kale waa la joogstay ijarkiina waa naloo haystaa.”

Xasan ayaa sheegay inuu joogto u raadiyo shaqo si uu nolosha reerkiisa u maareeyo, balse uu ku guul-daraystay. Wuxuu u sababeeyay dadka shaqo la’aanta ah oo badan iyo taageeradii hay’ada oo yaraatay.

Wuxuu waydiimo joogto ah kala kulmayaa dad ku leh dayn $400 ah oo raashin iyo biyo uu reerka ugu qaaday intii uu shaqo la’aanta ahaa, taas oo walwal badan ku hayso.

Saddex carruur ah oo iskuulka hoose iyo dugsi Qur’aan u dhigan jiray ayaa daruus la’aan ka ah tan iyo bishii March, markii uu awoodi waayay min $5 oo bishii uu ka dhiibi jiray. Waxaa intaas u dheer in guriga uu degan yahay loo qabtay inuu ka guuro dhamaadka May ama uu bixiyo $120 oo ah kiro 3 bil lagu leeyahay. Waxaa u dheer waxbarasho la’aanta carruurtiisa oo culays weyn ku haysa.

“Waxyaabaha noogu daran waxaa ka mid ah waxbarashada carruurta, iskuulkiina wuu xiran yahay ardaydii guryaha ayay joogaan, iyagoo cashar la’aan ah. Dhowr bil ayay dayn ku dhigteen kadibna waa la soo cayriyay.”

Xassan oo qoyskiisa ay weligood ka mid ahaayeen danyarta magaalada Baydhabo waxay la qabsan la’yihiin xaalada adag ee shaqo la’aantu u horseeday.

Taageeradii hay’adaha oo yaraatay sannadihii danbe ayaa keentay saamayn dhinacyo badan leh. Bareyaasha waxay ka mid yihiin dadka ay xaaladaan si gaar ah u gaartay. Cabdimajiid Cali Salaad wuxuu Raadiyow Ergo u sheegay in shaqada oo ka joogsatay ay caqabad weyn ku noqotay.

Wuxuu tilmaamay inuu baahiyaha reerkiisa dabooli la’yahay saddexdii bil ee ugu danbaysay, markii ay meesha ka baxay $200 oo uu ka qaadan jiray iskuulka hoose iyo dhexe ee War-miraale oo ay taageri jirtay hay’adda Save the Children.

Mashruuca wuxuu ku ekaa mishii Fabraayo kadibna looma cusboonaysiin. Xaaladaan ayuu xusay inay qoysiisa oo 7 qof ah hubaanti la’aan galisay. Iskuullo kale oo shaqo uu ka raadiyay ayuu ka waayay, taas oo keentay in ay cunno xumo wajahaan.

“Waxaa iigu daran cuntada carruurta. Reerkayga daruuf adag ayaa haysata intii aan baaga-muudada ahaa. Magaaladaan culays ayaa ka jira wax gacanteena ku jirna ma leh, haddii ay noqoto raashin, waxbarasho iyo kiro dhamaan waa go’an yihiin.”

Cabdimajiid ayaa sheegay in shaqada ka joogsatay uu ku tiirsanaa saddexdii sano ee ugu danbaysay. Dhaqaalihii ka soo gali jiray wuxuu ugu filnaa cunnada, waxbarashada iyo kirada reerkiisa. Dhamaan baahiyahaas ayaa ku soo banaanaaday xalna uma hayo.

Wuxuu tilmaamay in markii uu shaqaysanyay ay nolol middan ka wanaagsan ku jireen. Iskuulka wuxuu ka dhigi jiray maaddada sayniska. Ninkan ayaa sheegay inuu shaqooyin isugu jira barenimo iyo xamaal uu raadiyay dhowrkii bil ee ugu danbaysay, balse uusan waxba helin.

Cabdimajiid ayaa quus ka muujiyay culaysyada dhaqaale ee haysta. Wuxuu xusay in dukaan uu macaamiil ka ahaa oo uu raashin uga soo qaadan jiray carruurta uu horraantii May xiray buugiisa. Waxaa loo sheegay in uu dhiibo lacagta ku qoran haddii uu mid kale doonayo.

“Dukaankii raashiinka aan ka soo adeeganeynay lacag boqol iyo konton doollar ah ayaa la iiga yeeshay. Hadda xaaladeena aad ayay u xun tahay waxaan ku dul nool nahay dad walaal ah oo gurigii waa ka guurnay, markii kiradiisa la igu yeeshay. Arrimahaas ayaa iigu culays badan.”

Cabdimajiid ayaa sheegay in gurigii laga saaray dhamaadkii April, markii labo bil lagu yeeshay min $30 oo kiro ah. Dhowr mar oo digniin la siiyay kadib ayuu isaga guuray, maaddaama uusan hayn lacag uu ku bixiyo oo quud-maalmeedka kale uu la daalaa dhacayo.

Waxaa waxbarasho la’aan ka ah tan bishii March labo carruur ah. Wuxuu awoodi waayay $20 oo isku darkooda uu bil walba ka dhiibi jiray. Tacliin la’aantooda ayuu ka walwalsan yahay, dibna uguma celin karo fasallada.

Dhanka kale Xasan Macalin Maxamed oo ah gudoomiyha waxbarashada u qaabilsan qoysaska barakacay ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in carruurta ay iskuulladu ka xirmeen ay weli tacliin la’aan yihiin, maaddaama waalidkoodu aysan u awoodin qarashka.

Wuxuu xusay in dugsiyadan oo ku yaallay siddeed xero oo ka tirsan xaafada Boonkaay ee waqooyiga Baydhabo ay wax weyn uga dhignaayeen danayrta iyo barakaca oo aan haysan xal kale oo ubadkooda ay wax ku baraan.

“Iskuullada xirmay waxaa dhiganayay ugu yaraan 1,500 oo cunug oo hadda waxbarashadu ka joogsatay. Ardaydii guryaha ayay iska joogaan. Waxaan ka codsanayaa wasaaradda waxbarashada iyo hay’adaha daneeya inay mashruuc waxbarasho u keenaan.”

Maamulaha ayaa sheegay in iskuulladan oo muddo dheer aan la dayac-tirin ay dhismeyaashooda oo jiingado ahaa duugoobeen, sidoo kalena agabkii wax lagu dhigayay ka idlaaday. Wuxuu xusay in haddii mashruuc loo helo aysan sahlanayn in wax lagu dhigto, maaddaama ay qaybo ka mid ah ay dumeen intii ay xirnaayeen.

Previous Post

Mudug: Dad roob yari ku cayroobay oo xeryo ku yaalla deegaan Xarfo ku wajahaya nolol xumo

Related Posts

Mudug: Dad roob yari ku cayroobay oo xeryo ku yaalla deegaan Xarfo ku wajahaya nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Mudug: Dad roob yari ku cayroobay oo xeryo ku yaalla deegaan Xarfo ku wajahaya nolol xumo

May 18, 2026
Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar

May 15, 2026
Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka
Wararkii u Danbeeyay

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka

May 13, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Adeegsiga AI oo beeraley Baydhabo ka caawiyay inay soo saaraan dakhli beddelay noloshooda

May 11, 2026
Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 9, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Daad burburiyay gododka cusbada laga qodo oo saameeyay xoogsatada gobolka Afdheer

May 8, 2026

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 20-MAY-2026

IDAACADDA 20-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 20-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-MAY-2026
May 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-MAY-2026
May 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 18 MAY 2026
May 18, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-MAY-2026
May 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-MAY-2026
May 16, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo