(ERGO) – In ka badan 500 oo ah dhalinyaro ka soo jeeda qoysas qaxooti ku ah xeryaha Dhadhaab ayaa ku filnaaday nolosha reerahooda. Arrintaas aya timid, markii dhaqaale ka heleen ganacsiyo yar yar oo 6 bil ee la soo faadhay ay ku furteen lacago ay sanado aruurinayeen.
Aadan Jimcaale Xasan oo ka mid ah wuxuu dukaan lagu iibiyo waxyaabaha electroniga, xawaalad iyo bagaashka ka furtay bishiii Nofeember ee sanadkii hore dulleedka xerada Dhagaxley.
Goobaha ganacsiga oo ku yar meesha uu ka hirgaliyay ayaa sababtay inuu macaamiil badan helo. Wuxuu sheegay in uu si maalinlaha uga helo 800 illa 1000 shilin oo ugu filan nolosha qoyskiisa oo ka kooban 7 ah.
Ninkaan ayaa xusay in ay horray u wajahayeen nolol xumo ay xal u la’aayeen, hasa ahaate ay hadda heleen soo kabasho nololeed.
“Wax badan ayaa iska beddelay nolosha qoskayga. Waxaan u awooday cunno joogta ah, caafimaadkooda, waxbarasho iyo inaan kayd lahaado oo aan meel wax dhigto. Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan helay xoriyad dhaqaale.”
Aadan ayaa sheegay in ka hor ganacsiga ay qoyskiisu ku tiirsanayeen kaalmo raashin ah oo ay ka halayeen hay’adaha gargaarka ee xeryaha iyo 15 kun oo shilin oo ahayd mushaar uu ka qaadan jiray dukaan uu ka shaqayn jiray.
Ninkaan oo curad u ah reerkiisa ayaa sheegay in ganacsigiisa uu ku billabay 6 illa 7 kun oo uu bil walbo meel ka dhigi jiray mushaarkiisa in ka badan afar sano. Waxay u gaartay 200 oo kun, taas oo u sahashay inuu milkiile noqdo.
Dhaqaalaha uu ka helaya ganacsigiisa ayaa suuragaliyay in qoyskiisa uu ka xaliyo culays ka haystay hoyga. Wuxuu bishii Febraayo u dhisay qol jingad ah oo ay uga raysteen buush ay horray ugu noolaayeen. Wuxuu xusay in ay uga baxday 70,000 oo shilinka kenya ah.
Ninkaan oo 28 jir ayaa ku taamaya inuu sii balaariyo ganacsigiisa sanadaha soo socda. Wuxuu naawilaya inuu shaqo abuur u sameeyo dhalinyaro kale.
“Waxaan ku haminaya inaan aniga noqda qofka keena ee laga sii qaadan doonna. Nolosha qoyskaga inaan sii hormariya ayaan sidoo kale rajaynaya.”
Aadan ayaa sheegay in mudaadii uu shaqaynayay ay u suuragashay inuu waxbarasho ku daro gabar uu dhalay oo horray aan wax baran jirin. Wuxuu bishii ka dhiba 1,500 oo shilin oo ah kharashka ay dugsi Qur’aan iyo iskuulka ku dhigato.
Wuxuu xusay in sababta uusan horray ugu gayn ay ahayd inuu u tabaabushaysanayay sidii uu u billaabi laha ganacsi uu milkiyaadiisa leeyahay, taas oo uu hadda u suuragashay. Labo carruur ah oo uusan wali gayn ayuu sidoo kale ku haminaya inuu ku daro bilaha soo aadan.
Wuxuu dhanka kale sheegay inuu bil walbo uu kayd ahaan u dhigto 6,000 oo shilin. Lacagtan ayuu tilmaamay in u qorshayay inuu ku soo balaariyo ganacsigiisa marka ay u aruurto.
Ninkaan ayaa sanadkii 2018 dhameeyay dugsiga sare ee xerada Dhagaxley, taas oo ka caawinaysa inuu ganacsigiisa maareeyo.
Fursadan ganacsi ayuu sheegay in ay sabab u noqotay inuu ka baqsado tahriib ay aadeen dhalinyaro badan oo saxiibadii ah.
Qoyska Aadan oo xoola dhaqato ahaa ayaa sanadkii 1998 amni daro ka jirtay xilligaas uga soo barakacay miyiga magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada hoose.
Dhamaan dadka samaystay ganacsiyada ayaa kala siman faa’iido ay mahdiyeen. Xirfadaha gacanta ayaa ka mid waxyabaha caawiyay in ay dhalinyarada qaarkood ay ku dhiiradan ganacsiyo u gaar ah.
Cabdulqaadir Axmed Cumar wuxuu dukaan dharka lagu iibiyo laguna tolo ku furtay xerada Xagardheer. Waxaa u sahashay ugu yaraan 10 kun oo shilin oo uu ka aruuriyay 15 kun oo ah mushaar uu ka qaadan jiray dukaan uu shaqaale ka ahaa.
Wuxuu xusay muddo shan sano ah oo uu waday in ay u gaartay 600,000. Ganacsigiisa oo yeeshay macaamiil badan ayuu xusay inuu joogta uga helo 1,000 shilin oo ah lacagta kenya.
Dhaqaalahan ayaa sababay inuu si buuxda u maareeyo nolosha qoyskiisa oo 10 ah. Wuxuu xusay in horray ay dabka shidan jireen mar iyo labo ay tashiisaan waxa ay helaan, balse ay hadda awoodeen saddexda waqti.
“Ilmahayga, waalidkayga iyo walaalahay ba aniga ayay igu tiirsan yihiin. ma jirto meel kale oo ay wax naga soo galaan oo aan ka ahayn ganacsigayga.”
Cabdulqaadir ayaa sheegay in uu ka baaqsaday shan kun oo shilin oo uga bixi lahayd kirada dukaanka iyo lacagta koronta. Wuxuu xaruntiisa ku billabay qol ka mid ah gurigooda, halka korontana uu uga maarmay soolarka cadceeda ku shaqeeya oo uu soo iibsaday.
Wuxuu xusay in ganacsigiisi ay fursad shaqo ka heleen dhalinyaro kale. Waxaa la shaqeeya afar rag ah oo uu maalinkii siiyo 3 boqol illa 5 boqol oo shilin. Wuxuu xusay in uu ku soo xushay daruufta nololeed ee qoysaskooda iyo shaqo la’aan haysay.
Wuxuu sidoo kale si joogta ah farsamada gacanta u baraa dhalinyaro iskugu jira gabdho iyo wiilal. Wuxuu xusay in saddexdii bil ee la soo dhaafay uu tababar siisay sideed dhalinyaro ah oo hadda xirfaddooda kusha shaqaysta suuqyada xeryaha.
Dedaalkii uu ku bixiyay inuu isku filnaan gaara oo mira dhal noqday ayuu xusay inuu ku faraxsan yahay.
“Baahiyo badan ayaan ka xaliyay oo ay ugu horayso inaan nolosha ilmahayga ka maareyay. Alxamdullilah Illahey mooye cid igu garab siisay malahan.”
Lixdii bil ee la soo dhaafay waxaa xeryaha Dhadhaab ku soo badanayay dhalinyarada ganacsiyada gaarka u ah aas-aasanaya sida uu Raadiyow Ergo u sheegayMaxamed Cabdullaahi Jimcaale oo ah gudoomiyaha urrurada dhalinyarada xerada Xagardheer.
Wuxuu xusay in in ka badan 500 goobo ganacsi ay ka hirgaleen mudadan xeryaha, waxaana fursado shaqo ka helay ku dhawaad 600 oo qof.
“Dhalinyarada saamaynta ugu badan waxaa ku yeeshay shaqooyinkii ay hay’adaha ka heli jireen oo meesha ka baxay. Dhaqaale xumada dunida ka jirta qaxootiga waa saamaysay oo sidii deeqaha loo heli jiray hadda looma helo. Wax walbana gababsi ayay noqdeen. Talaabooyinka ay dhalinyarada qaadeen waxay ahaayeen lagama marmaan.”
Hal-abuurrada ganacsi ee dhalinyaradu ay la yimaadeen ayaa u muuqda kuwa u keeni doonna isku filnaan dhaqaale oo waara, taas oo meesha ka saaraysa nolol xumada haysa qoysaska barakacay.









