Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar

Jibril Osman by Jibril Osman
May 15, 2026
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay
0
Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar

Wuxuu waraabinayaa beertiisa oo il-dhaqaale u ah/Kaydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Cali Maxamuud Cali wuxuu qoyskiisa oo 6 ah ka saaray xero barakac oo ay muddo labo sano ah ku noolaayeen, isagoo tan iyo bartamihii bishii Febraayo u awooday cunno joogto ah, biyo ku filan iyo maaraynta baahiyaha kale.

Wuxuu ka mid yahay 270 qof oo bishii tobnaad ee sanadkii hore ay hay’adda SOS u samaysay maalgalin isugu jirta beero, xoolo nool iyo agab ay ku ganacsadaan.

Ninkan iyo afar kale ayaa la siiyay beer 2 hektar ah iyo abuurkeeda, waxay dhowr mar ka goosteen raashin iyo khudaar welina qaar ayaa u saaran.

Wuxuu sheegay in dalaga ay iibsadeen ay ka soo gashay $900 oo faa’iido ah, taas oo ay kala qaybsadeen. Dhaqalahaas ayaa Cali iyo saaxiibadiis u suuragaliyay inaysan ka walwalin masruufka reerahooda. Wuxuu xusay inuu soo kabasho ka helay.

‘’Shaqadaan sidii aan u helay qoyskayga toos ayaan u biilanayaa, waa ku faraxsanahay wax weyn ayay nolosha reerkayga ka beddeshay aad iyo aad ayay noogu fiican tahay. Labo ama saddex mar waa u awoodaa raashinka awalna halka mar ayaa rafaad nagu ahaa.”

Cali ayaa sheegay in fursadaan ka hor ay ku tiirsanaayeen kaalmo ay marmar siinayeen ehelkooda iyo ugu badnaan $2 oo toddobaadka dhan ka soo gali jiray beero falid helidoodu yarayd. Markii ay waayaan waxay ku qasbanaan jireen qatooyo.

Beertiisa oo kuwa dedan ah ayuu joogto uga waraabsadaa ceel soolar loo saaray oo beeralayda ka dhexeeya. Biyahaas wuxuu sidoo kale uga faa’iidaystaa in uu qoyskiisa ugu dhaamiyo gaari-dameer uu leeyahay nin qaraabadiisa ah, isagoo aysan lacag uga bixin.

Galeyda iyo masagada u soo go’da ayay qayb fuustooyin ku shubtaan si ay dib ugu isticmaalaan mar kale. Wuxuu tilmaamay inay samaysteen ayuuto shantooda qofba uu mar qaato si uu wax ugu qabsado, taas oo qofkii saddexaad maraysa.

“Markasta oo dalaga uu noo soo go’o qofkasta wuxuu iska jaraa $70, mid naga mid ah ayaa la siiyaa. Intaas ayaa kayd dhaqaale noo ah. waxaan rajaynaynaa in aan guryo ku dhisano oo ganacsiyo ku furano.”

Cali ayaa sheegay inuu ayuutada qaatay horraantii Maarso. Qayb ayuu ku bixiyay dayn $193 oo muddo dheer lagu lahaa. Wuxuu ka nastay waydiin uu kala kulmi jiray dadkii uu ka qaatay.

Wuxuu bishii Febraayo qoyskiisa ka raray xeradda Jowhar-bile oo 2 sano ay ku noolaayeen. Wuxuu u kireeyay labo qol oo jiingad ah, jiko iyo musqul $30 ah bishii. Waxaay ka baxeen hoy xumadii haysay.

Ninkaan ayaa tilmaamay inuu Maarso saddex ilmihiisa ka mid ah ku daray dugsi Qur’aan iyo iskuul hoose. Wuxuu isku darkooda ka dhiibaa $20. Wuxuu ka hadlayaa kala duwnaanshaha noloshooda hadda iyo markii uu faro marnaa.

“Awal tuugsi iyo barakac ayaan ku jirnay, laakiin hal abuurkaan waa ka faa’iiday oo maanta waa isku filanahay ilmahayga waa ka dhiibi karaa waxkasta. isbeddel weyn ayaan helnay, Caqabado badan ayaan xalliyay.”

Qoyska Cali waxay sanadkii 2023 roob la’aan iyo colaado uga soo barakaceen deegaanka Jiliyaale ee gobolka Shabeellaha dhexe. Waxaa ka nacfi beeshay beer 3 hektar ah oo ay tuulada ku lahaayeen, taas oo keentay in ay maciinsadaan xeryaha barakaca.

Qoysaskan waxay maalgalintu u noqotay fursad weyn oo ay dib ugu dhisteen dhaqaalahooda, Maryan Muqtaar Nuur oo ka mid ah dadka la caawiyay ayaa sheegtay in ay isbeddel dhaqaale u horseedeen 10 neef oo ari ah oo 4 ay irmaan yihiin, talaagad iyo soolar la siiyay dhamaadkii bishii October 2025 oo ay ku shaqaysato.

Waxay ku billowday baraf iyo cabitaano yaryar oo ay qaboojiyaha galisay si ay u sii iibiso. Waxay sheegtay inay ka aruursatay $50 oo ay ku darsatay $100 dayn ah, taas oo miis bagaasha ah ay ku furatay bishii labaad ee sanadkaan.

“Ganacsigaan nolosha qoyskayga waa ka maareeyaa, biyaha iyo waxbarashada ilmaha waa ku bixiyaa, waana ku qanacsanahay waxa iga soo gala shaqadayda. Wax dheeri ah ayaa naga soo gala, maalmaha qaar hal dollar oo kayd ah ayaan ka dhigtaa.”

Maryan oo ah qofka kali ah ee ay ku tiirsan tahay nolosha qoyskeeda oo 8 qof ah ayaa sheegtay in maalgalintan ay wax weyn u tartay. Ka hor waxay xustay inay ku dabari jirtay dhardhaqid ay si dhib ah ku heli jirtay. Waxaa toddobaadkii ka soo gali jirtay $2 oo aan raashin ku filan u goyn karin carruurteeda.

Maalmaha qaar waxay u dan-sheegan jirtay ehelkeeda, maaddaama ilmaheeda aabbahood ay horay u kala tageen aysanna jirin cid ay taageero ka hesho. Intii ay shaqaynaysay waxay qoyskeeda ka saartay xeradda Alle-suge oo ay deganaayeen.

Waxay hol qol oo $15 ah uga kiraysay xaafada Hanti-wadaag ee magaalada Jowhar. Hoy xumo iyo dayacaad ilmaheeda haysatay ayay ka raysteen. Waxay iskuul hoose ku dartay labo carruurteeda ah oo daruus la’aan guriga u joogay markii hore.

“Baahiyaha aan daboolay waxaa ka mid ah ilmahayga shalay iskuulka kama bixin karin, maantana waa awoodaa. Quraacda iskuulka waa u iibiyaa oo iyagoo faraxsan ayay aadaan. Guriga kiradiisa waa dhiibaa. Korontada dhiibisteeda waa ii fududaatay hadda. Waxaan rajaynaya in aan guri ka dhisto ganacsigana aan waynaysto.”

Waxay sheegtay in ay iska gudday $80 oo ka mid ah dayn $200 ah. Inta ku harsan waxay qorshaynaysaa inay iska yaryarayso bilaha soo aadan. Qoyskeedu waxay sanadkii 2024 saamaynta roob la’aanta uga soo barakceen deegaank Xawaadley ee gobolka Shabeellaha dhexe. Beer 4 hektar ah oo ay ku tiirsanayd ayaa roob la’aan labo xilli ah uga nacfi beeshay, taas oo ku qasabtay in ay barakacaan.

Dhanka kale Sulaymaan Maxamed Xuseen oo ka tirsan hay’ada SOS ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in dadkan ay muddo sanadka ah ku kor-joogtaynayaan maalgalinta loo sameeyay. Waxaa laga xalinayaa caqabada la soo darsa, iyadoo la siinayo talooyin.

Qoysaska ay taageereen ayuu xisay in y ku soo xusheen daruufaha nolosha ee haystay, maaddaama ay waayeen ilihii ay ku tiirsanaayeen xeryahana aysan caawin ka helin.

“Wixii aan siinay dhaqaale ayay ka heleen. Muddo sanad ah xoolaha ka xanuunsada waa u daawaynaynaa, daawooyinka beeraha waa siinaynaa agabkana waa u cilad bixinaynaa.”

Suleymaan ayaa sheegay in dadkaan ay markii hore tababaro siiyeen, taas oo u sahlaysa in ay fahan fiican ka helaan waxyaabaha loo maalgaliyay. Wuxuu tilmaamay in qiimayn ay ku sameeyeen ay muujinayso in ay dadaal badan bixiyeen oo natiijadu wanaagsan tahay.

Wuxuu u soo jeediyay qof kasta oo dadkaan ka mid ah in uu ka mira dhaliyaan fursada la siiyay si ay isku filnaansho nololeed u garaan mustaqbalka.

Previous Post

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka

Related Posts

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka
Wararkii u Danbeeyay

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka

May 13, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Adeegsiga AI oo beeraley Baydhabo ka caawiyay inay soo saaraan dakhli beddelay noloshooda

May 11, 2026
Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 9, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Daad burburiyay gododka cusbada laga qodo oo saameeyay xoogsatada gobolka Afdheer

May 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Haween shaqooyin adag ka qabta Muqdisho oo maareeyay nolosha qoysaskooda

May 6, 2026
Beeraleyda Jubbaland oo ka baxay nolol xumo markii laga caawiyay waraabinta beerahooda
Wararkii u Danbeeyay

Beeraleyda Jubbaland oo ka baxay nolol xumo markii laga caawiyay waraabinta beerahooda

May 5, 2026

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 14-MAY-2025

IDAACADDA 14-MAY-2025 by Radio Ergo

IDAACADDA 14-MAY-2025
Episode play icon
IDAACADDA 14-MAY-2025
May 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-MAY-2026
May 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-MAY-2026
May 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-MAY-2026
May 11, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 10-MAY-2026
May 10, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo