Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka

Jibril Osman by Jibril Osman
May 5, 2026
in Wararkii u Danbeeyay
0
Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka

Hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka oo saamayn ku haysa ganacstada Muqdisho/Kaydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Hakadka ku yimid isticmaalka lacagta shilinka soomaaliga ayaa nolol xumo biday qoyska Xabiibo Cabdiraxmaan Cali oo barakac ku ah Muqdisho, kuwaas nolol-maalmeedka ka helayay dukaan il-dhaqaale u ahaa.

Ganacsigan wuxuu ka xirmay 17 bishan April, markii laga diiday in ay ku soo adeegato shan milyan oo kayd ahaan ay u haystay, taas oo keentay in albaabada ay u laabto meheradeeda oo laga wayay khudaar iyo bagaash ay ku iibinaysay.

Waxaa la mid ah boqollaal qoys oo ganacsiyo yaryar ku dhex leh xeryaha lagu barakacay, kuwaas oo maarayn waayay nolosha iyo waxbarashada carruurtooda. Waxay ahaayeen kuwa horay u la il-darnaa saamaynta xaaladda barakaca.

Xabiibo waxay ganacsigeeda maalinle uga heli jirtay 200 kun oo shilin soomaali ah oo u dhiganta $7, taas oo hadda meesha ka baxday. Waxay sheegtay in carruurteeda oo toddobo ah ay la daalaadhacayaan cunno nolol xumo ka dhalatay dhaqaale la’aanta.

Waxay quus ka muujisay duruufta nolol xumo ee qoyskeedu wajahayo iyo ganacsigeedii kobcayay oo lacagta la diiday ay cuuryaamisay.

“Markii hore labada waqti iyo sida aan rabno ayaan wax u isticmaali jirnay. Hadda oomada aan dharka ku dhaqan laheyd xitaa way naga go’an tahay oo cariiri ayaan ku jirnaa, kaashkana la igu diiday waan iska fariistay waan mooraal jabay.”

Waxay tilmaamtay in ay kadis ku noqotay diidmada lacagta kunka shilin, taas oo ka hor istaagtay in ay ka sii tabaabushaysato xaaladda ka dhalatay. Waxay xustay in qasnadeeda ay ku jirto lacag ka badan afar milyan oo shilin soomaali ah.

Lacagtan ayay sheegtay in ay iskugu jirto qarashkii ay ka heshay bagash iyo khudaar ay iibisay labadii bil ee u danbeeyay. Kala bar ayay xustay in ay leeyihiin ganacsato ay macaamiil yihiin, kuwaas oo aan hadda ogollayn shilinka soomaaliga.

Waxay gocanaysaa xaaladdii ay ku jirtay ka hor diidmada uu la kulmay kunka shilin. Waxay si walwal la’aan ah u dabooli jirtay baahiyaha qoyskeeda.

“Iskumid maahan markan iyo xiligii hore. Xiligaas waxbaa ii kala socday. Adeegga ayaan soo gadanayay oo khudaarta ayaan ilmaha u helayay. Dhuxusha ayaan u helayay. Biyaha jirgaanka ah baan soo gadan karay. Moraalkaa ii dhisnaa, waana dharganaa.”

Dhibaatada cunno xumo ee ka dhalatay ganacsiga ka xirmay waxaa u raacay waxbarasho la’aan ku dhacday labo ka mid ah carruurteeda oo gabdho ah, kuwaas oo bishii hore looga soo eryay iskuulka lacag lagu yeeshay awgeed.

Waxay qorshaynaysay in ay dib ugu celiso marka ay hesho lacag ku filan, balse waxaa ka soo dhex-galay diidmada shilinka oo caqabad ku noqday. Waxay ka baranayeen cilmiga caafimaadka dugsi private ah oo lagu barto culuumta kala duwan, kaas oo ku yaalla xeradooda Hilaac.

“Biilka dukaan ayaan ka bixinayay. Meel kale shilin igama imaanayn. Lacagtii waa nalagu diiday waan iska fadhinaa. Maxaan samaynaa?.”

Muddo ku dhow 10 sanno ayay ganacsato ahayd. Waxay quudaraynaysay in ay horumar ka gaarto fursaddeeda ganacsi, balse nugaylka lacagta dalka ayaa rajo xumo biday iyada iyo ganacsatada meheradaha ku leh xeryaha.

Waxay intaas ku dartay in dadka soo barakacay intooda badan ay wax uga iibsan jireen shilinka oo kaalin wayn uga jiray hab-ganacsigooda. Waxay jeclaan lahayd in dib loo soo celiyo lacagta si ay qoysaskooda uga soo kabtaan nolol xumada.

Haweeneydan ayaa ka soo barakacday sannadkii 2021 degmada Qoryooley ee gobolka Shabeelaha hoose, halkaas oo ay ku iibin jirtay qaadka. Waxay xustay in ay soo sal-kicisay sababo amni-xumo.

Waxaa la mid ah Sokoreey Cismaan Daa’uud oo la dhibaatoonaysa qiimo la’aanta ku dhacday lacagta kunka shilin. Carruurteeda oo toban ah ayay sheegtay in ay la daalaadhacayaan cunno xumo, ganacsigii ay ku tiirsanaayeena uu xirmay.

Dhibaatadan waxay ku haystaa xerada Hilaac oo ku taalla degmada Garasbaaley. Waxay sheegtay in ganacsigeeda oo ahaa iibinta raashin uu xirmay toddobaad ka hor, markii dhammaan wixii ay dadka ka iibin jirtay ay ka dhammaadeen, mid kalana ay soo iibsan waysay.

Waxay tilmaamtay in kaydka lacageed ee u yaalla uusan waxba u tari karin, maaddama uu yahay shilin soomaaliga laga diiday suuqyada. Tan iyo markii ganacsigu ka istaagay waxay carruurta ku quudinaysay lacag $100 oo teleefoonka ugu jirtay, taas oo ka dhammaatay.

“Shilinka la joojiyay waa ii yaalla waa kan. Waan ku soo adeeggan waayay. Ilaa tabeellaha Sheekh Ibraahim baan geeyay, Weedow baan geeyay, ilaa Ceelashan geeyay. Waxba iima qabanayo, aniguna kaashka uun baan ku ganacsanayay, EVC-ga si fiican uma aqaano. Hadda malyan iyo shan boqol ayaa iga qasaartay.”

Haweeneydan ayaa sheegtay in rajo xumo ay ka qabto ganacsigeeda, maaddama dadka xerada la deggan ay yihiin kuwo aan faham wanaagsan ka heysan lacagaha danabeysan ee taleefannada laga diro.

Shan sanno ka hor ayay soo billowday iibinta raashinka. Tacabkeeda ayay xustay in uu noqday hal-bacaad lagu lisay.

“Mar baa waxaa la igu yiri $1 konton kun baa la sarifaaye ka gaarsii intaan ha kuu badbaadee, markii aan ceesha tagayna waxaa la igu yiri iskadaa lama rabee. Shilin soomaali waaba la diidee intee gaynaa?.”

Sonkoray ayaa sheegtay in ganacsiga ay ku maarayn jirtay baahiyaha qoyska iyo saygeeda oo aragga la’, kaas joogto ugu baahan daryeel iyo ka warqab dheeri ah.

Ganacsiga ka istaagay ayay ku billowday 2020 $50 oo ay ka heshay wareejinta babisyada iyo xaaqinka laga sameeyo cawda.

Dedaal, kaddib sannadkii 2025 ayay samaysay kobac dhaqaale oo u suura-galiyay inay daboosho baahida qoyskeeda. Inkastoo xaalad ka adag halkii ay taagnayd 2020 ay wajahayso sida ay sheegtay.

Sokoreey iyo qoyskeeda ayaa abaaro uga soo barakacay degmada Buulo mareer ee gobolka Shabeelaha hoose, sannadkii 2019, halkaas oo ay ku tacban jireen beer labo hektar ah.

Shilin soomaaliga adeegsigiisa uu istaagay kaliya ma saamayn dadka leh dukaamada. Waxaa la wadaaga dhibaatada dhaqaale xumo sariflayaasha iyo dadka ku hoos nool ama shaqaalaha u ah.

Suleymaan Maxamed Muumin wuxuu kamid yahay ragga sariflayaasha u tirin jiray lacagaha shilinka Soomaaliga. Wuxuu sheegay in tan iyo 11 bishan qoyskiisa oo 5 ah uusan u helin waxay cunaan.

Wuxuu ku dhex wareegaaa magaalada si dadka qaraabadiisa ah, si uu uga helo cunno uu dabka u saaro qoyska, balse wuxuu xusay in duruufta nolol xumo ay la qabaan dadka uu taageerada ugu tago.

“Dhibaato aad iyo aad u wayn bay nagu yeelatay. Gurigayga ciriiri wayn ayaa ka taagan. Ilmaha biilkooda ciriiri wayn baa ka taagan, rajo ku nool ayaan ahay. Waxaan isleeyahay amuu shilinku socon doonaa oo dowladda xageeda war ka soo bixidoonaa si aan nolosha ilmahayga u maareeyo.”

Wuxuu sheegay in gaajada haysa carruurtiisa ay u raacday niyad jabka ka haysta halkii uu ku noolaan lahaa. Guri labo qol ah oo kiro uu ku dagan yahay ayuu sheegay in laga bixin karo haddii uusan kirada bixin. Wuxuu ka dayriyay helidda kirada oo ah $50.

Ninkan ayaa sheegay in maalinkii uu ka heli jiray lacag u dhaxeysa 150 illaa 200 oo shilinka Soomaaliga ah, taas oo ku filneyd kirada iyo cunnada qoyskiisa.

Waxaa jira dadaallo dib suuqyada loogu soo celinayo isticmaalka lacagta dalka, taas oo uu wado maamulka gobolka Banaadir inkastoo weli aan xal rasmi ah loo helin socodsiinta lacagta.

Kunka shilin ee la diiday waa midkii ugu danbeeyay ee ka harsanaa shilin soomaaliga, kaas oo isticmaalkiisa uu sii wiiq mayay tobankii sanno ee u danbeeyay.

Previous Post

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

Related Posts

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 1, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay qaxootiga Dhadhaab oo laga jartay gunno gargaar oo la siin jiray

April 28, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nolol xumo ku wajahaya Baydhabo markii laga gubay beero iyo kayd raashin

April 24, 2026
Cadaado: Haween nolosha qoysaskooda ka maarayn jiray iibinta Khudaarta oo shaqo la’an noqday markii ay saameysay fatahaadda webiga shabeelle
Cunto-Yaraanta

Haweenka khudaarta ku iibiya Kismaayo oo wajahaya suuq xumo cuno yari biday

April 23, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Roob la’aan sababtay dhaqaale xumo iyo dayn la’aan nolol xumo biday reer miyiga Galgaduud

April 22, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Qoysas ku nool Shabeellooyinka oo helay il-dhaqaale markii la siiyay xoolo iyo beero

April 20, 2026

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 04-MAY-2026

IDAACADDA 04-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 04-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-MAY-2026
May 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 03-MAY-2026
May 3, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 02-MAY-2026
May 2, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 01-MAY-2026
May 1, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 30-APR-2026
April 30, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo