(ERGO) – In ka badan boqol qoys oo abaaraha ku xoolo beelay ayaa xaalado adag oo cunno xumo, biyo yari iyo hoy la’aan ah ku wajahaya xero ku taalla deegaanka Xarfo ee gobolka Mudug. Waxay culeysyadan haystaan tan iyo bishii Fabraayo.
Waris Maxamed Cismaan oo ka mid ah ayaa sheegtay inay maarayn la’dahay nolosha carruurteeda oo shan ah. Barakaca ayay maciinsadeen horraantii bishii labaad, markii ay ka le’deen intii ugu danbaysay 120 ari ah oo ay ku tiirsanaayeen.
Waxay sheegtay inay keli ku tahay xaaladaan adag oo ilmaheeda aabbahood ay horay u kala tageen. Waxay hal mar karsadaan raashin yar oo ay soo dayntaan, markii loo diidana waxay ku joogaan qatooyo.
“Wax raashin ah oo nagu filan oo aan cunno meeshaan ma yaallo. Dad gaajaysan ayaa nahay. Magaalada ayaan ka soo daymanaa kiilooyin. Wax aan halkaan ku haysanno ma jiraan. Waa qadnaa ama wax yar ayaan helnaa.”
Waris ayaa tilmaamtay in xerada Ramaas oo ay degan yihiin aysan ka jirin adeegyada biyaha, caafimaadka iyo waxbarashada, taas oo meesha ka saartay filashadoodii ahayd in ay heli doonaan nolol u dhaanta tii ay ka yimaadeen.
Xaaladdan ka hor waxay ku jireen nolol wanaagsan. Arigooda – u dhamaaday gaajo iyo haraad, markii ay u waysay biyo iyo calaf – ayay ka heli jireen nacfi ay isku dabbaraan. Abaarta saamaysay, in aysan lahayn xirfad ay magaalada uga shaqaysato iyo gargaar la’aan ayaa isku raacday.
“Awal xoolahayaga ayaan ku tiirsanayn oo gadanaynay oo qalanaynay oo xaaladii hore waa noo fiicnayd ari waxaan haysannay badan oo nagu filan ee abaaraha nadhaafiyay. Raqdiisii ayaan deegaankii uga soo guuray, qaarba mar ayuu dhintay intii shan bilood ah.”
Waris ayaa sheegtay in xerada ay degan yihiin aysan lahayn ceel, taas oo ku qasabtay in ay dhabarka uga doonto mid u jira qiyaastii 3 km oo 20 liitar iibiya $0.25 oo aysan awoodin. Ehelkeeda ayaa hal caag u iibiya oo aan ku filnayn.
Waxay culays kala kulmaysaa dayn $770 oo inta badan looga leeyahay deegaanka Maygaagle oo ay ka yimaadeen, qaybna ay dukaamo Xarfo ku yaalla raashin uga qaadatay. Waxay sheegtay in joogto loo soo waydiiyo.
Waxaa u joogta gabadh neerfaha ka xanuunsan oo aysan ka tagi Karin, haddii ay shaqo magaalada ka raadsan lahayd. Waxay xustay inaysan u awoodin lacag ay uga bixiso daawooyin ay u iibin jirtay intii aysan xooluhu ka dhamaan oo caawin jiray.
“Gabadha waa iga xanuunsan tahay oo qallal ayay qabta. Markii ay qalasho geedaha ayay ku dhacaysaa, waxba ma kala oga in ay dhibaato gaarto ayaan uga baqayaa. Wax badan ayayna iga jirran tahay.”
Qoyskeeda waxay weligood deganaayeen miyiga tuulada Maygaagle oo hoos tagta degmada Burtinle ee gobolka Nugaal. Barakaca oo ku cusub ayay la qabsan la’yihiin.
Abaaraha waxay sababeen in dadka reer guuraaga ah ee ku tiirsanaa xoolaha ay mutaan xaalado adag, kuwaas oo galay xeryo aysan ku haysan nolol badbaado leh.
Qoyska Xaawo Cali Xasan oo 11 qof ah waxay xerada Ramaas ee duleedka Xarfo ku wajahayaan cuno xumo. Hal mar ayay si dhib ah dabka ugu shitaan wax yar oo aan joogto ahayn oo ay ku caawiyaan qaraabadooda.
Dhaqaale xumada waxaa u raacday in aysan deegaanka cidna ka aqoon oo aysan waxba ka daynsan karin. Tan iyo horraantii bishii Fabraayo oo ay yimaadeen ayay sheegtay in ay marar badan qatooyo ku seexisay carruurteeda oo yar-yar.
“Mar waa helnaa marna waa weynaa noloshaas ayaan ku jirnaa. Magaalada adeeg uma doonan karo qofna kama garanayo. Awal deegaankayagii markii wax naga dhamaadaan bakhaaro aan garanayno ayaan ka soo qaadan jirnay oo dib ka bixin jirnay.”
Xaawo ayaa sheegtay in tan iyo sanadkii hore ay roob la’aanta uga dhinteen 45 ari ah oo noloshoodu ay ku tiirsanayd, markay u wayday daaq iyo biyo. Waxaa u joogta 5 neef oo wayd ah, kuwaas oo aan cad, caano iyo suuq midna lahayn.
Xoolo beelka ku dhacay ayaa yareeyay rajada ay ka qabto inay ka soo kabsadaan dhibaatadan. Waxay ka soo guureen deegaanka Habar-jiil oo Burtinle hoos taga.
Xaawo ayaa sheegtay in ceel-biyoodka ugu dhow uu u jiro qiyastii hal saac oo socod ah. Dusha ayay uga soo qaadaa labo caag oo qoyskeeda aan kaafin karin, kuwaas oo lagu caawiyo. Maalmaha qaar oo ceelku cilladoobo ayay xustay inay oon ku joogaan.
“Caqabado ayaa na haysta, dowlad nooma imaan meeshaan iskuul, dugsi iyo biyo midna ma leh. Gaadiid aan ku dhaansano ma haysano. Dad maras ah ayaa nahay. Guryuhu waa buushash jawaano iyo calalo ah oo qorrax iyo dhaxan aan celin.”
Xaawo ayaa xustay inay haysato nolol adag oo aysan waligood soo marin. Odaygeeda oo horay dhismaha uga shaqayn jiray ayaa ka waayay shaqooyin xamaal ah oo uu magaalada Xarfo ka raadiyay dhowr mar.
Haweeneydan ayaa sheegtay in cadaadis lagu saarayo inay bixiso dayn gaaraysa $500 oo looga leeyahay deegaankii ay ka yimaadeen. Waxay filaysay in ay ku dhiibto xoola markay u doogsadaan, balse dhimashadooda ayaa ka soo hormartay.
Shan carruurteeda ah oo gaaray da’da waxbarashada ayaa daruus la’aan ka ah. Horay fursad u helin, balse waxay naawilaysay inay magaalada ugu heli doonaan iskuul, taas oo aan u suuragalin.
Faadumo Jaamac Ciis oo ah gudoomiyaha xerada Ramaas oo qoysaskaan ay soo maciin bideen ayaa sheegtay inay ka siman yihiin baahida oo aysan iscaawin karin, iyaguna aysan waxba u awoodin.
Waxay soo jeedisay in dadkan laga taageero dhinacyada nolosha ee muhiimka u ah si ay dib mar kale ugu helaan isku filnaansho iyo soo kabasho ay isku maareeyaan.
“Hadda in ay oon iyo gaajo u le’daan ayay khatar ugu jiraan. Gabaad ay qoraxda iyo dhaxanta ka galaan ma haystaan. Daruuf waxay ku nool yihiin aysan horay u aqoon oo ku adag, xaquuq ayayna Puntland ku leeyihiin waa in ay qorshe ka yeelato.”
Faadumo ayaa sheegtay in haddii aan xal loo helin dadkan ay noloshoodu halis gali karto. Xeradan waxay yimaadeen iyadoo horay ay u joogeen in 350 qoys oo aan ku haysan dhamaan adeegyada aas-aasiga ah, taas oo meesha ka saartay fursadihii nolosha.
Dhibaatooyinka ka dhashay xilli roobaad yada gaabiska noqday waxaa ka mid ah inay kordheen dadka barakacay. Xeryaha ay tageen kama helaan nolol wanaagsan, taas oo galisa xaalad ka sii daran middii ay ka soo tageen.









