(ERGO) – In ka badan boqol beeraley ah ayaa ka soo kabanaya xaalad nolol xumo, markii ay faa’iido dhaqaale ka heleen dalagyo uga soo go’ay beerahooda oo ay suuq-gaysteen bishii Maarso. Labo sano kaddib ayay markii ugu horraysay heleen macaash.
Waxaa ka caawiyay inay beerahooda ka helaan nafci tababar ku aadan sidii ay ula socon lahaayeen isbeddelka cimilada, iyagoo adeegsanaya aallada AI. Waxaa batay hay’adda samafalka ee shaqo doon, taas oo keentay inay dib ugu dhiiradan wax-beerashada.
Qoyska Isgowto Mayow Cali oo 11 qof ah waxaa u soo go’ay dallagyo iskugu jira yaanyo, liin, koosto, digir iyo galley. Waxay sheegtay inay u iib-gayso suuqyada magaalada Baydhabo. $550 oo ay ka faa’iiday ayay ku maaraysay nolosha 10 carruur ah oo kaligeed ku tiirsan.
“Alxamdullilah hadda nolosha waa noo soo fiicnaatay, saddexda waqti dabka waxaan ku shidana dallagyadii noo soo go’ay. Lacagtii aan soo helay kiro ayaan guriga iskaga bixina, carruurta waxbarasho ayaan ka gaystay. Dhamaan baahiyaha qoyska waan mareeyay.”
Isgowto ayaa sheegtay in qudaarta ay ka iibiso sidoo kale dadka la dagan xaafada Tufka Suroy. Waxay maalinkii ka faa’iidaa $8-$10. Waxay hadda ku naaloonaysa nolol wanaagsan. Waxay xustay in markii ugu danbaysay ay quus ku beertay biyo yari ka saamaysay dallagyo ay dayn ku galisay beerteeda oo 4 hiktar ah. Cabsi ay ka qabto in ay markale qasaarto ayaa sababay inaysan dib u tacbin.
Waxaaa la baray qaabkii ay abuurkooda uga mira-dhalin lahayd, iyagoo AI u adeegsanaysa la socodka cimilada, la dagaallanka cayayaanka iyo inay xilli hore ogaadaaan qataraha imaan kara, sida fatahaada.
“Waxyaabaha ugu muhiimsan ee nala baray waa fatahadaha iyo qatarta ay dabaylaha badan ku leeyihiin dallagyada aan beerano. Sidoo kale, waxaan noola tababaray sidii aan xilli hore uga gaashaman lahayn. Waxyaabo badan oo horray aan u aqoon ayaa nala baray, tusaale haddii aan ogaano inay roobab soo wajahan yihiin waxaan ognahay sidii aan uga hortagi lahayn dhibaatooyinkiisa.”
Haweeneydan ayaa sheegtay in isbeddelka dhaqaale ee ay heshay uu ku hoggamiyay inay awoodo maaraynta baahiyaha aas-aasiga ee qoyskeeda sida biyaha iyo hoyga. Waxay awooday $22 oo ah kirada labo qol oo jiingad ah iyo tuubada biyaha ee ugu jirta.
Waxay xustay inay horray ay ugu noolaayeen cooshad ugu taallay xerada Madhaayte oo ay soo dageen afar sano ka hor, markaas oo ay roob yari saamaysay uga soo barakaceen deegaanka Ceel-dhuun ee gobolka Bakool oo ay beeralay ku ahaayeen.
Waxaa sidoo kale u suuragalay in todobbad ka hor ay waxbarasho ku darto 8 carruur ah oo horray aan wax u baran jirin dhaqaale xumadii haysay awgeed. Waxay isku darkooda ka dhibtay $30. Walwal ay tacliin la’aantooda ku haysay ayay tilmaamtay inay hadda ka baxday.
Ka hor fursaddan waxay nolosha carruurteeda oo aabbahood uu ku dayacay ku maarayn jirtay shaqooyin xoogsi ah oo aan joogta ahayn, kuwaas oo ay ka heli jirtay ugu badnaan $4 oo aan wax badan ka tari jirin baahidooda.
Haweeynaydan ayaa sheegtay in tababarka la siiyay ay miro-dhal ka dhigeen ganacsato ugu deeqay dhulka ay beertaan iyo hay’adda World vision oo dhamaadkii sanadkii hore u hirgalisay tubbooyin biyo ah oo ka caawiyay in tacabkooda uu guulaysto.
Dhamaan beeralayda ka faa’iidaystay tababarka ayaa helay soo kabashada nolooleed. Nishey Ibraahim Salaad waxay maaraysay nolosha reerkeeda oo 8 qof ah. $600 ayay ka heshay dallagyo qudaarta cagaaran iyo raashin iskugu jira oo ay iib gaynaysay tan iyo billawgii April.
Waxay sheegtay in ay ka maarmeen dayn aan joogta ahayn iyo ehel ay u dan-sheegan jireen oo ay ku tiirsanayeen qoyskeeda.
“Nolosheena aad ayay u wanaagsan tahay. Markii hore mar ama labo ayaan si dhib ah ku heli jirnay hadddase saddex jeer ayaan dabka shidana. Cuntada aan helno horray xitaa ma ahayn mid nafaqo leh. Alxamdullilah, duruufihi na haystay waa naga hareen hadda.”
Nishey ayaa sheegtay in isbeddelkan ay heleen xilli ay qoyskeeda u qabeen baahi badan. Waxay sheegtay in beerta falideeda iyo waraabkeeda ay iska kaashadan iyada iyo wiilkeeda curud, maaddaama ilmaheeda aabbahood uu yahay waayeel aan waxbo ku soo kordhin karin nolosha reerka.
Waxay xustay in joogta ay beerteeda u galiso abuur cusub. Arrintaasi ayaa sababtay inay maalin dhaaf uu iib-gayso dallagyadeeda suuqyada magaalada Baydhabo. Ka hor tacabkaan haweeynaydan ayaa tilmaamtay inay ka quusatay wax beerashada. Waxaa sababay biyo yari iyo cayayaan quus gooyay.
Intii ay heshay isbeddelka dhaqaale waxaa u suuragalay inay iska guddo dayn ay reerkeeda ugu soo qaaday biyo iyo raashin, taas oo ay kala kulmi jirtay waydiin joogta ah.
“Lacag dhan $350 ayaa la igu lahaa. Wixii dhan hadda waa iska guday. Waxaan iga haray wacitaan joogta ah oo aan kala kulmi jiray dadkii igu laha. Markaas wax aan ku bixiyo ma hayn, laakiin hadda waa helay oo xooggeena ayaan ku shaqaysanay. Alxamdullilah.”
Niishey ayaa sheegtay inay dib u soo noolatay rajadeedii. Haweenaydan oo barakac ku ah xerada Madhaayte ayaa xiustay inay qorshaynayso in bilaha soo aadan ay qoyskeeda guri uga kiraysa magaalada.
Waxay tilmaamtay in aysan hadda ka cabsi qabin saamaynta isbeddelka cimilada iyo biyo-yari saamaysa beerteeda. Waxay ku waraabsata tubbooyin bilaash ah oo loo soo xiriiray beeralayda, sidoo kale tababarkii la siiyay kaddib waxay samaysay inay iska buuxisay meelaha biyo-xireennada ah.
Arrintan ayay u aragta in ay uga baaqsan karto fatahaad saamaysa dallagyadeeda. Waxay tilmaamtay in ay joogto ula socoto digniinaha roobabka iyo daybayla si ay xilli hore uga sii gashaamato.
Qoyska Niishay ayaa saddex sano ka hor ka soo barakacay deeganka Ooflow oo Baydhabo hoostaga, markii ay roob yarida darteed ay ka rajo dhigeen beer saddex hiktar ah oo ay noloshoodu ku tiirsanayd.
Dhanka kale Xasan Maxamed Aadan oo ah guddoomiyaha guddi iskaashata ah oo ay beeraleydan ku midaysan yihiin ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in barashada AI uu ka caawiyay inay dib u qaataan qalabka beeraha.
Isbeddelka cimilada oo saamayn soo laalabatay ku hayay ayuu xusay in hadda la baray sidii ay xilli hore uga feejignaan lahaayeen, taas oo mira-dhal ka dhigaysa abuurkooda.
“Waxaa la baray xilliyada ay tahay inaan wax beerano iyo marka kale. Fatahaadda sidii aan uga feejignaan lahayn, beddelkana uga faa’iidaysan lahayn biyaha roobka, sidoo kale tayada biyaha iyo sidii aan ku ogaan lahayn ayaa nala baray.”
Guddoomiyaha ayaa sheegay in fursadan ay ka faa’iidaysteen 101 beeralay ah. Wuxuu sheegay in hadda ay billabeen sidii ay u sii bari lahaayeen beeralay kale adeegsiga AI.










