Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Cabudwaaq: Haween barakac ah oo wajahaya nolol xumo markii ay shaqo la’aan noqdeen

Jibril Osman by Jibril Osman
February 28, 2025
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Cunto-Yaraanta, Wararkii u Danbeeyay
0
Cabudwaaq: Haween barakac ah oo wajahaya nolol xumo markii ay shaqo la’aan noqdeen

Photo/kaydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Qoyska Maryan Axmed Ciise oo siddeed qof ah ayaa cunno xumo iyo hoy la’aan ku wajahaya xerada Sanaag ee duleedka degmada Caabudwaaq tan iyo bishii Nufeembar 2024. Arrintaas ayaa soo foodsaartay markay ka istaagtay shaqo nadaafadda guryaha ahayd oo ay ku tiirsanaayeen.

Waxay ka mid tahay boqollaal haween barakac ah oo shaqooyinkooda ay la wareegeen dumar Itoobiyaan ah oo tan iyo 2024 ku soo badanaya magaalada isla markaanna ku shaqeeya lacag yar. Saddexdii bil ee ugu danbaysay ayay tilmaamtay inaysan shaqo tagin markii ay waysay cid ay u adeegto.

Shaqo la’aanta ku dhacday ayay xustay inay bidday in carruurteeda ay hal waqti dabka u saarto raashin ay dewersato. Maalmaha qaar oo ay soo wayso ayay xustay inay gaajo ku seexdaan ilmaheeda oo kan ugu yar uu shan jir yahay, taas oo ku haysa welwel joogto ah.

“Meel xun ayay maareysa, hadda cawadaas aan kula hadlayo saakana gabar baa koonbo bariis iyo koonbo sonkor ah ii keentay oon wax uga kariyay, anigu agoontaas baan meesha ku korsadaa oo mid yar iyo weyn ba leh, caawana wallaan loo shideyn dabka.”

Maryan oo shaqadaan ku soo jirtay muddo afar sano ah ayaa sheegtay inay tahay markii koobaad ee ay soo wajahdo xaalad tan la mid ah. Waxay sheegtay in qoyskeeda ay u ahayd qofka uu ku tiirsan yahay aysanna hayn meel kale ee ay ka maarayso.

Cunno xumada waxaa u raacday biyo yari ka jirta xerada ay ku noolyihiin. Waxay maalin kasta jirigaan biyo ah garabkeeda uga keentaa ceel riig ah oo u jira 5 km iyada oo bixinaysa $0.20. Waxay ku dhib qabtaa masaafadaas dheer maaddaama ay dhabarka xannuun ka qabto culeyska dartii.

Maryan waxaa xaaladdan qoyskeeda u wehliya hoy xumo. Waxay degan yihiin buul jawaanno iyo tiirar la isku geeyay ka samaysan  oo aan ka celin karin qabowga iyo qorraxda. Haweenaydan oo keligeed korinaysa 7 carruur agoon ah ayaa sheegtay in xitaa ay waysay cid wax deymisa markii ay shaqo la’aanta noqotay.

“Qof walba markii abaarta iyo busaaradu ku dhacday wuxuu haysto ayuu ku gacan adaygayaa, waxa uu ku leeyahay dayn bixin maayo anaaba tayda igu adagtahay. Kii dad kuu xigay ayaan wallaahi ku siinaynin daynta oo aan ogolayn.”

Maryan ayaa sheegtay in laba carruur ah oo u dhigan jiray fasalada 5 iyo 8 ee iskuulka hoose dhexe ee Hirdo oo 3 km u jira xerada ay degan yihiin la soo eryay dhamaadkii bishii Janaayo. Waxay awoodi waysay in ay bixiso $60 oo  isku gaartay afar bil oo aysan bixin. 

Qoyska haweenaydaan oo markii hore xoolo dhaqato ku ahaa miyiga gobolka Galgaduud ayaa xerada barakaca yimid afar sano ka hor. Abaar saamaysay reer guuraaga ayaa sanadkii 2020 ka laysay 100 neef oo ari ah oo ay dhaqaneysay.

Boqollal qoys oo ku nool 36 xero oo ku yaalla hareeraha degmada Cabudwaaq ayay shaqo la’aantu si isku mid ah u sameeysay. Dadka shaqooyinkoodii xoogsiga ahaa waayay afartii bil ee ugu danbaysay waxaa ka mid ah Baar Xassan Cabdulle.

Baar ayaa sheegtay in cunno hal waqti ah ay si joogto ah ugu awoodi la’dahay qoyskeeda oo 11 qof ka kooban. Waxay xustay in marxaladaan inaysan waligeed horay ula kulmin.

Waxay hadda tabaysaa lacag u dhexaysa $4 ilaa $6 oo maalinkii ay  heli jirtay taas oo ka caawin jirtay cunnadda iyo baahiyaha kale. Haweenaydaan oo ninkeedu yahay 70 jir aan awoodin inuu shaqooyinka xoogsiga ah ka shaqeeyo ayaa xustay in ay welwel joogto ah ka dareento daruufta caruurteeda.

“Xilligii hore xooggeenna ayaan maali jirnay, saddexda waqti ayaan wax karsan jirnay, hadda hal waqti ayay isugu soo aruurtay marna waaba iska seexannaaba inagoo gaajeysan.”

Baar ayaa sheegtay in haweenka deegaanka yimid inay bishii oo dhan la siiyo $50, halka iyagu ay maalintii qaadan jirtay ugu yaraan $2. Waxay intaas ku dartay in xaaladaan ay u horseeday in ay waxbarashada ka reebto afar carruur ah oo u dhiganayay dugsi hoose dhexe. Waxaaa lagu yeeshay lacag dhan $100, maaddaama aysan bixin saddex bil lacagtii ay wax ku baran lahayeen.

“Markii aan shaqeysan jiray ilmuhu waxay ii baran jireen, nolol fiican ayaan ku noolaa, cunugii iga xanuunsado meel cafimaad ah baan geysan jiray hadda lakiin ilmihi guriga ayay ii joogan, iskool aan ka bixiyo iska daaye.”

Baar ayaa xustay in sideed sano ka hor ay soo gaartay xerada barakaca ee Soomaaliweyn ee duleedka magaalada Cabudwaaq, markii abaar ka jirtay miyiga deegano ka tirsan gobolka Doollo ee dowlad deeganka Soomaalida ay ku waysay tiro iyo bar ari ah iyo 20 neef oo geel ah.

Dadka waayay shaqooyinkoodii, waxaa ka mid ah, Muraayad Salaad Guuleed oo ku dhawaad 10 sano ka shaqaynaysay dhar dhaqid  ay ka soo saari jirtay nolol maalmeedka12 carruur ah kuwaas oo hadda ay la halganayso sidii ay dabka ugu shidi lahayd.

Waxay tilmamtay in shaqadaasi u ahayd isha keli ah ee ay ku tiirsanaayeen. Markii ay magaalada ku soo bateen haweenka ajaaniibta ah ayay sheegtay inay iskudayday inay raadiso shaqooyin kale oo xoogsi ah, balse uma suuragalin.

Muraayad ayaa xustay in shantii bil ee la soo dhaafay ay 9 maalin shaqo soo heshay. Inta badan waxay baxdaa subax kasta si ay dadka u waydiisato inay shaqooyinka nadaafada u qabato, balse waxay casirkii soo laabataa iyadoo aan waxba soo helin oo daalan.

“Annagu kaam ayaan joognaa. Baahiyo badan baa noogu heysta. Dayac badan baa na heysta. Dad ajaaniib ah oo oromo ah ayaa dadkii la wareegay oo shaqadiina qabta, hadda habeena waan qadnaa, habeena dadka dariiska wax ka helnaa.”

Muraayad ayaa sheegtay in carruurteeda aysan awoodi karin inay shaqeeyaan oo qoyska ay dhaqaale soo galiyaan iyaduna ay waysay fursadihii ay ku xamaalan jirtay isla markaanna aysan jirin cid kaalmaysa.

Qoyskeeda ayaa sanadkii 2017 ka soo barakacay deegaanka Baal-goray ee gobolka Galgaduud. Waxaa xilligaasi abaar iyo cudurro isbiirsaday ay ku waysay 400 oo neef oo ari ah iyo 16 neef oo geel ah oo nolosha qoyskeeda ay ku dabari jirtay. Qoysaskan waxay rajo xumo ka muujinayaan in ay ka soo kaban karaan saamaynta gaartay haddaysan helin cid caawisa.   

Previous Post

Bari: Barakac iyo xoolo la’aan soo wajahay qoysas uu saameeyay dagaalka Puntland iyo Daacish

Next Post

Sanaag: Beeraley xal u helay waraabka beeraha markii ay sameysteen kaydad-biyood

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd
Wararkii u Danbeeyay

Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd

April 16, 2026
Takoor iyo dayac nolol xumo bidday qoysas danyar ah oo ku nool Puntland
Wararkii u Danbeeyay

Xoolo-dhaqato hore oo ka soo kabanaya nolol xumo markii ay abuurteen fursad shaqo

April 15, 2026
Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed
Beeraha Iyo Xoolaha

Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
Next Post
Sanaag: Beeraley xal u helay waraabka beeraha markii ay sameysteen kaydad-biyood

Sanaag: Beeraley xal u helay waraabka beeraha markii ay sameysteen kaydad-biyood

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-APR-2026

IDAACADDA 17-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo