Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Bari: Barakac iyo xoolo la’aan soo wajahay qoysas uu saameeyay dagaalka Puntland iyo Daacish

Jibril Osman by Jibril Osman
February 25, 2025
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Beeraha Iyo Xoolaha, Wararkii u Danbeeyay
0
Bari: Barakac iyo xoolo la’aan soo wajahay qoysas uu saameeyay dagaalka Puntland iyo Daacish

Qoysas colaaddu saameysay/Kaydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Qoyska Maxamed Abshir Cumar oo 21 qof ka kooban waxaay wajahayaan biyo yari, cunno xumo iyo hoy la’aan ilaa bilowgii bishii Janaayo. Waxay degaanka Balliga oo hoos taga degmada Qandala ee gobolka Bari uga soo barakaceen dagaalka u dhexaysa ciidanka Puntland iyo kooxda Daacish.

Waxay ka mid yihiin boqollaal qoysas ah oo labadii bil ee la soo dhaafay gaaray deegaano kala duwan oo gobolka ka tirsan. Dadkan ayaa isugu jira xoolo dhaqato, ganacsato iyo danyar ku noolaa deegaannada Turmasaale, Jaceel, Balliga, Dhirin iyo Qurac.

Barakacaan qoyska Maxamed wuxuu bidday xaalad nolol xumo ah. Waxay awoodi la’yihiin in ay si joogto ah cunto u helaan. Wuxuu sheegay in ay hadda ku sugan yihiin marxalad adag oo waligood aysan horay u arkin.

‘’Deegaankeenii deegaan aan ahayn ayaan joogna dagaal iyo abaar baa dhacay xoolihii waa nacfi beeleen, biyo waa la waayay meel loo cararo oo kale waa la garaan waayay cunno ma jirto. Islaamkaas ayaan qofba mar ku qaylinaa dadkii aan macaamilka la ahayna markay xaaladan arkeen teleefoonadii waa naga qaban waayeen.”

Maxamed ayaa sheegay in deegaanka Barookhle oo ay ku cusub yihiin dadkiisana aysan aqoon ay ku adkaatay in ay deymo ka qaataan, taas oo nolol adag u horseeday qoyskiisa. Saamaynta uu barakacu ku yeeshay ninkaan waxaa ka mid ah hoy xumo daran oo ay hadda wajahayaan. Wuxuu sheegay in ay dabad-yaal u yihiin dabaysha iyo qabowga oo si xooggan uga dhacaya gobolka.

Maxamed ayaa sheegay in aysan waxba ka soo qaadan guri saddex qol ah oo tuulada ugu yaallay iyo labo aqal Soomaali oo ay miyiga ku lahaayeen. Waxay waayeen gaadiid ay ku soo rartaan, taas oo ku qasabtay in ay faro marnaan ku soo baxaan. Waxay gabaad ka dhigteen geed hoostiisa.

“Haddii wadankii nala ka keenay hoy la’aan ayaan noqonay wixii hore waa naga baaba’een geed hoostiis baan xasiig ugu laabay dhaxanta, halkaasaa laga gala aqaladii reerka waa soo qubnay haddii awrtii tabar weyday cunno weyday maxaa wax lagu qaadaa? Maxaa dhaxan celiya? Habeenkii dab baa la iska shitaa garbaha la iska dhigtaa dabaysha iyo dhaxanta.”

Maxamed ayaa sheegay in geedigaan oo aysan horay u qorshaysan ay naftooda kala soo carareen si ay saamaynta dagaalka uga badbaadaan. Waxay socod ku soo maraan dhul ka badan 100 km oo buuro ah. Ninkaan ayaa xusay in ay nolol wanaagsan haysteen markii hore.

Waxay ku tiirsanaayeen xoolaha iyo gurashada xijiga oo u ahaa labo il dhaqaale oo muddo dheer ay haysteen. Xijiga ayuu xusay in laba iyo tobankii biloodba uu hal mar ka heli jiray lacag u dhexaysa $1,500 ilaa $2,000, sidoo kale wuxuu arigiisa ka gadan jiray shirkado xoolaha dhoofiya oo deegaanka imaan jiray hal ama labo mar sanadkii.

Asli Maxamed Ismaaciil oo kaligeed korinaysa 12 carruur agoon ah oo ay hooyo u tahay ayaa ka mid ah qoysaska buuraleyda Camiskaad dagaalka uga soo barakacay oo nolol xumada ku wajahaya deegaanka Barookhle.

Waxay sheegtay in ay xaalad hubaanti la’aan ah galeen tan iyo dhamaadkii sanadkii hore, markaas oo ay yimaadeen deegaanka. Asli ayaa nolosha carruurteeda ku maarayn jirtay meherad cuntada lagu iibiyo, taas oo si maalinle ah ay uga heli jirtay lacag u dhexaysa $5 ilaa $7 oo ugu filnayd cunno saddex waqti ah.

Waxay tilmaamtay in hal mar ay dabka saartaan raashin yar oo dukaamo ay macaariifo yihiin oo deegaanka ay ugu yimaadeen ay hadba dhowr kilo ka soo deynsato. Qoyskaan ayaa ka soo guuray deegaanka Jacceell, markii ay dowladu bilowday howlgalka ka dhanka ah Daacish, shacabkana loo sheegay inay isaga foogaadaan aaga dagaalka.

“Dhibaataa naga soo gaartay oo wadankii nala ka yaqiin ayaan ka wareegnay dhaxan baan u baxnay wadan kayagii baan ka tagnay hantiyadii baanu ka tagnay qof banaan u baxay oo hantidiisii ka tagay waa iska dhibane. Ceel ma leh beer ma leh waxba ma lihid wax walba adiga baahi iyo baryo ayay kugu yihiin.”

Asli ayaa sheegtay in ay la soo guurtay 25 neef ari ah. Waxay soo raaceen gaari ka qaatay min $200 oo soo qaaday qoysas badan iyo xoolahooda. 10 neef ayaa kaga dhintay gaari oo buux dhaafay, iyadoo saddex kale ay dhinteen toddobaad ka hore. Waxa hadda u haray 12 oo ah weyd aan wax nacfi ah lahayn.

Waxay is barbar dhig ku samaynayaa xaalada ay hadda ku sugan yihiin iyo markii ay deegaankooda joogeen.

‘Waa meel aad marti ku tahay oo aadan habeen reer casho waydiisan Karin iyo meel aad dadkeeda iyo dukaamadeeda taqaan waa dareemaysaa. Hadda qarash ayaa lagaa rabaa iga suga lagaama yeelayo.”

Haweenaydan ayaa xustay in ay naawilayso in deegaankeedi ay dib ugu noqoto oo dagaalada ka socda la soo afjaro. Waxay sheegtay in nolosha halkaan ay ku adag tahay oo aysan carruurteeda ku sii hayn karin haddii uusan xal deg deg ah imaan. Asli ayaa tilmaamtay in ilaa markii ay yimaadeen aysan helin wax kaalmo ah, iyaguna ay faro marnaayeen.

Lix carruurteeda ah oo iskuul dhiganayay ayay sheegtay in ay ka murugsan tahay daruus la’aanta ku dhacday. Waxaa ugu sii daran saddex wiil oo ku jiray sanadkii ugu danbeeyay ee dugsiga sare, kuwaas oo ay ka cabsi qabto in ay ka habsaameen sanad dugsiyeedka ugu danbeeyay.

Cali Caduur Nuux oo ah guddoomiyaha deegaanka Barookhle ayaa Ergo u sheegay in dadku yihiin danyar faro maran, ayna soo dul degaan dad kale oo aan wax dhaqaale ah ku dhaamin, taas oo keentay in aysan helin gacan qabasho weyn.

Ninkaan ayaa xusay in deegaanka iyo miyigiisa oo ay deganaayeen in ka badan kun qoys ay yimaadeen 300 oo qoys oo colaada ka soo cararay. Xilli jilaal ah oo dadka deeganka xoolihii iyo beerihii ka nacfi beeleen ayuu xusay in ay awoodi waayeen in dadkaan ay taakuleeyaan. Wuxuu tilmaamay in ay dadka liita cuno yar u aruuriyeen.

“Waxaa noo qorshaysan inaan isha ku hayno, cidii noloshoodu adag tahay oo dabku ka damsan yahay ayaan la tacaalnaa biyo haloo shubo ama raashin ha loo qaadee. Wax kale aan u qaban karno ma jiraan. Qof walba meel uu degaan siinay haddii wax uu ku dhisto uu helo, laakiin dadku waa biyo la’aan, wax la’aan iyo inaysan lahayn awood ay wax uga dhistaan ayaa u diiday oo ay isku dulsaaran yihiin.”

Kumannana qoys oo ku noolaa buuraha gobolka Bari ayaa deegaanadooda isaga tagay ilaa bilowgii December, markii maamulka Puntland uu ku dhawaaqay guluf dagaal oo ka dhan ah kooxda Daacish ee sanooyinka dhulkaas ku jiray.

Dadkii barakacay oo ku kala firxaday deeegaano kala duwan ayaa wajahaya saamayn dhaqaale iyo mid nololeed oo ay adag tahay in ay dhaqso ka soo kabsadaan.

Previous Post

Dhadhaab: Qoysas qaxooti noqday oo ay ku adagtahay helidda cunnada, biyaha iyo hoyga

Next Post

Cabudwaaq: Haween barakac ah oo wajahaya nolol xumo markii ay shaqo la’aan noqdeen

Related Posts

Takoor iyo dayac nolol xumo bidday qoysas danyar ah oo ku nool Puntalnd
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Takoor iyo dayac nolol xumo bidday qoysas danyar ah oo ku nool Puntalnd

May 20, 2025
Awdal: Qodashada dahabka oo soo kabasho u noqotay beeraley ka quustay wax beersashada
Beeraha Iyo Xoolaha

Awdal: Qodashada dahabka oo soo kabasho u noqotay beeraley ka quustay wax beersashada

May 19, 2025
blank
Wararkii u Danbeeyay

Baydhabo: Qoysas dib u soo kabatay markii xayiraad laga qaaday deegaannadooda

May 17, 2025
Qoysas maciin bidday Muqdisho markii uu saameeyay dagaalka Shabaab iyo dowladda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas maciin bidday Muqdisho markii uu saameeyay dagaalka Shabaab iyo dowladda

May 15, 2025
Galgaduud: Geel dhaqashada casriga ah oo fursad dhaqaale u abuurtay rag ku baraarugay
Arrimaha Bulshada

Galgaduud: Geel dhaqashada casriga ah oo fursad dhaqaale u abuurtay rag ku baraarugay

May 15, 2025
Muqdisho: Haween iyo carruur ka barakacay colaad oo wajahaya xaalad hubanti la’aan ah
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Muqdisho: Haween iyo carruur ka barakacay colaad oo wajahaya xaalad hubanti la’aan ah

May 14, 2025
Next Post
Cabudwaaq: Haween barakac ah oo wajahaya nolol xumo markii ay shaqo la’aan noqdeen

Cabudwaaq: Haween barakac ah oo wajahaya nolol xumo markii ay shaqo la’aan noqdeen

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 19-MAY 2025

IDAACADDA 19-MAY 2025 by Radio Ergo

IDAACADDA 19-MAY 2025
Episode play icon
IDAACADDA 19-MAY 2025
May 19, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 18-MAY-2025
May 18, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 17-MAY-2025
May 17, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 16-MAY-2025
May 16, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 15-MAY-2025
May 15, 2025
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo