Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhadhaab: Qoysas qaxooti noqday oo ay ku adagtahay helidda cunnada, biyaha iyo hoyga

Jibril Osman by Jibril Osman
February 24, 2025
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Cunto-Yaraanta, Wararkii u Danbeeyay
0
Dhadhaab: Qoysas qaxooti noqday oo ay ku adagtahay helidda cunnada, biyaha iyo hoyga

Mid ka mid ah qoysaskii ugu danbeeyay ee tagay xeryaha qaxootiga/Axmed Cabdullaahi Jamac/Ego

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Kun iyo shan boqol oo qoys oo saddexdii sano ee ugu danbaysay yimid xeryaha Dhadhaab ayaa wajahayaa cunno xumo, biyo yari iyo hoy la’aan. Waxay degeen dhul aan wali deegaan loo aqoosan oo ku yaalla duleedka xerada Xagardheere kamana aysan helin adeegyada aas-aasiga ah.

Madiino Maxamed Aadan iyo 9 carruurteeda ah waxaa tan iyo bishii March 2022 ku adag in maalinkii ay hal waqti helaan cunto iyo biyo ku filan. Waxaa u raacday in aysan haysan hoy ay ka galaan qoraxda iyo dhaxanta.

Raashin 28 kiilo oo bariis, masago, misir iyo saliid ah oo 1 Febraayo ay siisay Hay’adda WFP ayay sheegtay inuu ka dhamaaday 13 bishaan. Waxay habeenada qaar ku seexdaan gaajo marka ay wayso wax ay dabka u saarto carruurteeda oo agoon ah.

“Xaaladdeena nolosha aad ayay u liidataa rashin la’aan iyo gaajo ayaa jirta maanta. Musqul xumo, hoy xumo, biyaha iyo jiifka ayaa noogu daran. Habeenkii ilaamaha iyagoo ooynaaya ayaa la jiifiyaa.”

Madiino ayaa xeryaha ka dhex raadisa shaqooyin xoogsi ah si ay cunno ugu hesho carruurteeda mana hesho, maaddama dhaqaale yari guud oo xeryaha ka jirta ay keentay in aan shaqooyinka la heli karin. Guri ay ka samaysay baco, calallo iyo geedo ay qaxootigii hore ku caawiyeen ayay sheegtay in uusan qoyskeeda ku filnayn oo cariiri uu ku yahay.

Meesha ay degan yihiin oo aan lahayn ceel biyood ayaa ku qasabtay in xerada Xagardheer oo 5 km u jirta ay dusha kaga soo qaado maalin dhaaf labo jirigaan oo biyo ah. Soo qaadista biyaha ayay dhibaato kala kulanto, maaddama uu ceelku ka durugsan yahay jidkuna yahay bacaad qofka culayska sida ay ku adag tahay in uu ku socdo.

Qoyskeeda oo badan iyo kulayka jira dartiis ayaysan ku filnayn biyaha yar ee baryaha ay uga soo hesho ceelasha ku yaalla xerada. Maalmaha qaar ayay xustay in loo soo diido oo iyadoo fara maran ay dib ugu soo laabato carruurteeda oo haraad iyo gaajo la ildaran.

“Bannaankaan ka imaanaa tuubada waa naga fogtahay waana cariiri maanta haddii la helo berri lama helayo. Labo jirigaan qoys 10 qof ah kuma filna. Tuubooyinka qaar waa nalaga soo eryaa waan barinaa.”

Madiino ayaa xustay in dadka ceelasha ka masuulka ah ay u sheegay in ay biyo yareeyeen, sidoo kalena aysan iyagu ka mid ahayn dadka loo qoondeeyay, taas oo keentay in loo diido.

Haweenaydaan ayaa dhanka kale tilmaamtay in lix carruurteeda ah oo gaaray da’da waxbarshada ay daruus la’aan yihiin, maaddaama aysan meeshu lahayn iskuul xeryaha kalena ay ka fog yihiin.

Madiino ayaa sheegtay in markii ay cusbaayeen ay gaysay iskuul Xagardheere ku yaalla. Waxaa isku raacay masaafada dheer iyo in dhexeda ay kula soo dagaalaan carruur kale. Markii ay ka cabsatay in naftooda la dhibaatooyo ayay guriga ku reebto.

Madiino ayaa sheegtay in sidoo kale ay ku adag helitaanka adeegyada caafimaadka. Isbitaalka ugu dhow ayaa u jira shan ilaa lix km. Waxay sanadkii 2022 kas soo barakaceen deegaanka Kun-bareera oo hoos yimaada degmada jilib ee gobolka Jubada hoose, markii abaaro isxigxigay ay ka nacfi tirteen beer 4 hektar ah oo noloshoodu ay ku tiirsanaayeen.

In ka badan 2 sano oo ay joogtay qaxootiga kadib waxaa la diiwaangaliyay bishii September ee sanadkii hore mana aysan helin xaquuq la mid ah tan qaxootiga kale ee horay u joogay, marka laga reebo kiilooyinka raashin ah oo qoyskeeda aan labo todobaad gaarsiin karin.

Qaxootigii ugu danbeeyay ee yimid xeryaha ma helin qaabilaad fiican. Iyaga ayaa iskood u degay goobo bannaan oo aan laga dhisin guryo, ceel-biyoodyo, goobo caafimaad iyo kuwa waxbarasho toona.

Waxay sheegeen in ay filayeen in ay heli doonaan caawimo marka qaxooti loo aqoonsado, balse taasi ma aysan dhicin. Dhuubo Xuseen Bilaal oo qoyskeedu uu yahay 18 qof ayaa Ergo u sheegtay in ay awoodi la’dahay masruufkooda.

Haweenaydaan ayaa xustay in ay ku nool yihiin labo buush oo ay ka samaysay baco iyo geedo la isku geeyay oo ay ku caawiyeen dadkii qaxootiga uga soo horeeyay. Waxay sheegtay in ay hadda qoraxdu dhamaysay aysana awoodin in ay dayactirto.

Buushashka ayaan ku filnayn qoyskeeda oo badan. Waxay sheegtay in carruurtu ay galaan intooda kalena ay banaanka seexdaan. Dhuubo ayaa intasi ku dartay in xaaladaan ay rajo beel ku riday.

“Dhibaato ayaa na haysata biyo la’aan, guri la’aaan, cunto la’aan gurigii bacihii qorax ayaa googoysay roob ma celiyaan, meeshan ayaan iska jafanay meel kale waan soo waayay.”

Dhuubo ayaa tilmaamtay in tan iyo markii ay yimaadeen labo sano ka hor ay isku raacday gacan marnaanta, xeryaha oo aysan cidna ka aqoon iyo nolosha qaxootinimada oo mid adag ah. Waxay gocaneysa in meesha ay joogtana aysan ka helin nolol dhaanta tii ay ka timid dibna aysan u laaban karin, maaddaama caqabadii ay ka soo barakacday wali taagan tahay.

Dhuubo ayaa sheegtay in ay duurka musqul u aadaan oo ay ka cabsi qabto in ay ka qaadaan cudurrada ka dhasha nadaafad darrada.

“Waa ku buraarug sanahay in caafimaad darro ay dhalan karto, ilmihii duurka saxarada ma gayn karo, duqsiga waxaa arkaysaa oo marna saxarada koraya marna weelka iyo gurigii saaran, caafimaad darro ayaa laga qaadi karaa. Shuban biyood iyo daacuun ayaan aad uga cabsi qabaa.”

Dhuubo ayaa sheegtay in maalinkii ay ku joogaan hal jirigaan oo ay garabka ugu aroorto xeryaha u dhow. Marka ay daasho ayay carruurta u dirto, taas oo keenta in jidka dhexe lagu soo dhibaateeyo ama loo soo diidaa.

Gabadh yar oo ka suuxda ayay sheegtay in ay guriga ku dhexayso, markii ay dhowr mar banaanka ku dhacday oo dad garanaya oo sida ay u keeneen. Dhuubo ayaa xustay in toddobo carruurteeda ah iyo kuwa ilmaheedu sii dhaleen oo la jooga oo waxbrashada wada garay aysan waxba baran, taas oo walaac dheeraad ah ku hayso.

Waxay sheegtay in ay rajo ka qabtay in qaxootiga ay ka heli doonto gargaar joogto ah, hoy, waxbarasho iyo caafimaad, balse rajadaas ayaan u rumoobin. Guddoomiya xerada Xagardheere Khaliif Dhuubow Jeelle oo si dhow ula socda xaalada dadkaan ayaa sheegay in ay ku sugan yihiin daruuf nololeed middii ugu adkayd.

Wuxuu xusay in ay dulsaar iyo marti ku yihiin dad aan waxba ku dhaamin. Meelaha xeryaha ka baxsan ee ay ku nool yihiin oo aan lahayn wax adeeg bulsha ah ayaa xaaladooda sii adkaysay. Khaliif ayaa sheegay in ay dhowr mar arintooda kala hadleen hay’adda UNHCR iyo laanta dowladda Kenya u qaabilsan qaxootiga ee RAS loona sheegay in aysan haynin dhaqaale gargaar lagu siiyo dadkaan.

“Dadkan dhibaato oon iyo nooc walbo ah ayay leeyihiin. Dadkii ay ku dul noolaayeen xitaa waxba way ka waayeen, hay’adihii waxay noo sheegeen in dhaqaalihii yaraaday waana dadka ugu liita xerada. Caawa hadduu roob miyaado meel ay galayaan ma lahan.”

Qoysaskii ugu danbeeyay ee xeryaha yimid ayaa ku soo aaday xilli ay dhaqaale xumo wajahayaan hay’adihii gacanta ku hayay dadka qaxootiga ah. Arintaasi waxay keentay in aysan helin kaalmadii ay filayeen, taas oo galisay xaalad ka daran middii ay ka yimaadeen.

Previous Post

Kismaayo: Beeraley fatahaad ay saameysay oo shaqo ka helay mashuruuc moos beerid ah

Next Post

Bari: Barakac iyo xoolo la’aan soo wajahay qoysas uu saameeyay dagaalka Puntland iyo Daacish

Related Posts

Qoysas cayroobay oo cunno xumo ku wajahaya Cadaado oo ay maciin-bideen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas cayroobay oo cunno xumo ku wajahaya Cadaado oo ay maciin-bideen

January 20, 2026
Kismaayo: Haween barakac ah oo dhaqaale ka hela miro lagu quudiyo xoolaha
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Kismaayo: Haween barakac ah oo dhaqaale ka hela miro lagu quudiyo xoolaha

January 19, 2026
Rag shaqooyin ka helay beeraha Muqdisho oo ku filnaaday nolosha qoysaskooda
Beeraha Iyo Xoolaha

Rag shaqooyin ka helay beeraha Muqdisho oo ku filnaaday nolosha qoysaskooda

January 16, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Heshiish laga gaaray colaaddii Xanan-buure oo soo kabasho u noqotay qoysas danyar ah

January 14, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Umulisooyin daryeel iyo talooyin caafimaad u sameeya haweenka ku nool Dhadhaab

January 13, 2026
Baydhabo: Arday waxbarasho la’aan noqday markii uu dab baabi’iyay iskuulkooda
Wararkii u Danbeeyay

Baydhabo: Arday waxbarasho la’aan noqday markii uu dab baabi’iyay iskuulkooda

January 12, 2026
Next Post
Bari: Barakac iyo xoolo la’aan soo wajahay qoysas uu saameeyay dagaalka Puntland iyo Daacish

Bari: Barakac iyo xoolo la’aan soo wajahay qoysas uu saameeyay dagaalka Puntland iyo Daacish

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 20-JAN-2026

IDAACADDA 20-JAN-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 20-JAN-2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-JAN-2026
January 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-JAN-2026
January 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-JAN-2026
January 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-JAN-2026
January 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-JAN-2026
January 15, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo