Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Beeraha Iyo Xoolaha

Kismaayo: Beeraley fatahaad ay saameysay oo shaqo ka helay mashuruuc moos beerid ah

Jibril Osman by Jibril Osman
February 22, 2025
in Beeraha Iyo Xoolaha, Wararkii u Danbeeyay
0
blank

Kaydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Boqol beeraley ah oo fatahaad ay baabi’say beerahooda ayaa ka faa’iidaysanaya mashruuc beero tacbid ah oo laga shaqaaleysiiyay, kaas oo dhaqaalaha ka soo gala uu dib u soo celiyay rajada nololeed ee qoysaskooda.

Deegaankooda Yoontoy oo 25 km u jira Kismaayo ayay ka billaabeen beeridda 5,000 oo hiktar, halkaas oo dowladda Imaaraadka Carabta ay ku tabcayso moos. Muruq-maalkan oo koox-koox loo abaabulay waxaa ka mid ah Salaad Cabaas Aadan.

Wuxuu horjooge u yahay 25 rag ah oo si maalinle ah u beera 552 geed oo moos ah. Mid kasta oo ka mid ah wuxuu bil walba mushahar ahaan u helaa $260. Qoyska Salaad oo toban ah waxay lacagtan ka caawisay helidda cunno joogto ah.

Sidoo kale wuxuu dib ugu celiyay waxbarashada bishii Janaayo ee sanadkan labo wiil iyo labo gabdhood oo carruurtiisa ka mid ah, kuwaas oo dhaqaale xumo uga haray waxbarashada bishii Ogosto ee sanadkii 2024.

Salaad wuxuu sharraxayaa sida uu ugu maareeyo lacagta uu shaqaysto nolosha qoyskiisa.

 “$100 ilmaha raashin baa loogu soo gadaa. Lixdan dollar dugsigooda iyo dharkooda waaye. Konton aniga ayaa isku maareeya, kontonna khudaartooda weeye. Nolasha Reerkaa waa isku fadhisaa. Nolasha reerka biilkooda iyo raashinkooda meel buu saran yahay. Waxaan ahay qof shinsanaya mushaar waliba joogto ah.”

Shan saac oo ka mid ah maalintii ayuu ka shaqeeya abuurka mooska. Wuxuu u arkaa shaqo ay adag in laga helo deegaankiisa oo fursadaha dhaqaalaha laga heli karo ay ku yar yihiin.

Wuxuu nasiib u yeeshay in uu ka mid noqdo xoogsato loo doortay in ay beeraha ka shaqeeyaan, kuwaas lagu xushay duruufta ay ku jiraan iyo xirfadda beerashada oo ay ku wanaagsan yihiin.

Wuxuu tilmaamay in uu ka soo kabanayo nolol adag oo uu ku jiray tan iyo 2023, markii fatahaad ay ka burburisay beertiisa oo 4 hiktar ah, taas oo ku taalla duleedka tuulada Yoontoy.

Waxay ahayd isha kaliya ee dhaqaale oo qoyskiisu ku tiirsanaa. Dib u falashada beertan waxay ku noqotay xujo uu ka gudbi waayay, maaddama uu u waayay qarashkii uu ku tacban lahaa.

Wuxuu la daalaadhacayaa dayn ay ku soo celisay oo weli lagu leeyahay.

“Shaqadaydii hore beeralay ayaan  ahaan jiray. Beer ayaan falan jirnay. Beerihii fataahada ayaa qaadatay. Waxaa naga gashay qarash ahaan lacag dhan $500. Waxaa la igu yeeshay $200. Marka waxaan go’aansaday tariib isaga bixiyo oo lacag ii soo dhacdo in aan iska jaro $50.”

Wuxuu ku foogan yahay qorshe uu ku aruursanayo dhaqaale uu dib ugu howl-galin karo beertiisa. Lacagta uu mushaahaanta u helo ayuu qayb ka mid ah dhigaalsadaa bilaha qaar.

Wuxuu xusay in sidoo kale shaqadan uu hayo uu ka kororsado xirfado ku cusub oo wax-beerashada casriga ah la xariira, aqoonteedana uu u baahnaa, maaddama beeraley uu yahay.

Wuxuu sheegay in ay ku hagaan beero-falidda oo tababaro ay siiyaan dad iskugu jira Soomaali iyo ajaaniib, kuwaas oo ka shaqeeya mashruuca moos beeridda. Intaa wuxuu ku daray in isaga iyo kooxdiisa fursaddan kawada faa’iidestaan.

“Muuska looma abuurayo sidii aan naqaanay. Cabir iyo mitir ayaa loo qaata sida guri la dhisaayo. Markii la cabiro ka bacdi godod baa loo qodaa oo galinayo. Muuska bac ayuu ku jiraa. Bacda ayaa laga saaraya daawo lagu daraa waa la duugaa, kaddib waa la waraabiya.”

Dhulka ay ku beeraan geedaha mooska wuxuu horay u ahaa halkii dowladdii ee Soomaaliya ay ku abuuri jirtay bariiska. Dhulkan waxaa kiraystay dowladda Imaaraadka, waxaana dalagga ka soo go’a loo suuq gayn doonaa dalkooda iyo dunida kale.

Heshiis ay wada galeen billowgii sanadkii 2023 Maamulka Jubbaland iyo Imaaraadka Carabta ayaa lagu sheegay in barnaamijkan uu socon doono mudd 60 sano ah.

Beeraleyda ay isku biirsadeen abaaraha iyo fatahaadaha soo laalaabtay ayuu barnaamijkan uga dhigan yahay fursad mar la arag ah. Waxay horay uga quusteen beero-falashada iyo helidda il-dhaqaale oo ay ku masuruufaan qoysaskooda.

Adan Cabdinuur Diini oo barnaamijkan ku biiray bishii koobaad ee sanadkan wuxuu sheegay in uu ku naaloonayo dhaqaalaha uu ka helo shaqadiisa. Wuxuu ku dabbaraa reerkiisa oo sagaal ah.

Waxay ka bexeen xaalad nolol xumo oo haystay labadii sano ee u danbeeyay oo tacab la’aan ay ahayd beertiisa. Wuxuu u awooday in uu u helo qoyskiisa cunno saddex waqti ah maalintii, taas oo markii hore ku adkayd.

Ka hor shaqadan tan iyo sanadkii 2023 wuxuu ahaa muruq-maal shaqooyin kala duwan qabta. Wuxuu maalmaha qaar wuxuu tacbi jiray beeraha, halka sidoo kale uu ka shaqayn jiray dhagax-jabinta. Lacag ka yar $2 ayuu si maalinle ah u heli jiray.

“Lacagta aan soo qaaadano waxaan ku maareeya ilmaha. Qof ilmooleey ah oo 7 iyo 8 u joogaan ayaan ahay. Ilmaha, dugsiga, Iskuulkooda, rad-baxooda iyo bariiskooda ayaan la dagaalamaa. Hadda arrintan waxaan u aragnaa arrin aad u wayn oo Illaahay noo soo adeejiyey.”

Nolosha u wacnaatay waxay sidoo kale u horseedday in uu waxbarashada ku celiyo bil ka hor shan carruur ah oo saddex ay gabdho yihiin. Iskuulkooda Yoontoy primary iskuul ayay ka hareen bartamihii sanadkii hore.

Waxaa ka hor istaagay waxbarashada dhaqaale xumo saameysay. Wuxuu sheegay Aadan in uu wada maarayn waayay masruufka qoyska iyo dhaqaalaha ku baxaya waxbarashada. Hadda oo rajadiisu ay soo wanaagsanaatay wuxuu qorshaynaya in dhaqaale uu u helo beertiisa.

“Hadda waxaa ii qorshaysan in aan wax helo oo aan tacab galo, taasna hadh iyo habeen ayaan ku hurdaa. Qof u shaqee in laga fiican yahay waan ogahay. In aan beer tabco isku teersanaado oo aan isku tashto aad ayaan u Jeclahay.”

Aadan ayaa sheegay in saameyn taban ay ku reebtay fatahaad ka dhacay deegaankiisa sanadkii 2023, taasi oo baabi’isay beertiisa oo 6 hiktar iyo hoygii uu ka daganaa deegaanka Yoontoy. Wuxuu ku guuleystay in dib u yagleelo gurigiisa oo saddex qol ka kooban, hase ahaatee soo noolaynta beertiisa ayaa ku adkaatay.

Yuusuf Cabdi Maxamed oo ah Gudoomiye ku-xigeenka deegaanka Yoontoy ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in qoysaska ka faa’iidaysanaya mashruucan in yihiin dadkii ugu liitay, kuwaas oo ka soo kaban waayay qasaaraha fatahaadda ay gaarsiisay beerahooda.

Shaqo abuurkan ayuu sheegay in uu yahay kii ugu waynaa ee ay heleen dadka deegaankiisa. Gaar ahaan kuwa fatahaadaha iyo abaaraha ku beero beellay.

“Dadka Cabashadooda iyo baahiyahooda ayaan ogaanay. Nin dhaqaale haystaa nin eber weeye. Dadka masaakiinta ah ee bilaa dhaqaalaha ah ayaan iska jeedinay si ay shaqo uga helaan oo wax uga soo kordhaan. Shaqo ha ka helaan sidaan u lahayn maanta iyaga ayaa naga fiican. Dadka maanta meeshaas ka shaqaynaya waa dadkii xaaladu ugu xumayd.”

Wajiga labaad ee mashruucaan ayaa qorshuhu yahay in lagu shaqaalaysiiyo beeraley kale oo isbeddelka cimiladu uu saameeyay. Si xal waara ay uga helaan nolosha adag ee la soo gudboonaatay.

Previous Post

Qoysas la xarbinaya nolol xumo ku haysta Baydhabo markii ay ku cayroobeen abaarta

Next Post

Dhadhaab: Qoysas qaxooti noqday oo ay ku adagtahay helidda cunnada, biyaha iyo hoyga

Related Posts

Takoor iyo dayac nolol xumo bidday qoysas danyar ah oo ku nool Puntalnd
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Takoor iyo dayac nolol xumo bidday qoysas danyar ah oo ku nool Puntalnd

May 20, 2025
Awdal: Qodashada dahabka oo soo kabasho u noqotay beeraley ka quustay wax beersashada
Beeraha Iyo Xoolaha

Awdal: Qodashada dahabka oo soo kabasho u noqotay beeraley ka quustay wax beersashada

May 19, 2025
blank
Wararkii u Danbeeyay

Baydhabo: Qoysas dib u soo kabatay markii xayiraad laga qaaday deegaannadooda

May 17, 2025
Qoysas maciin bidday Muqdisho markii uu saameeyay dagaalka Shabaab iyo dowladda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas maciin bidday Muqdisho markii uu saameeyay dagaalka Shabaab iyo dowladda

May 15, 2025
Galgaduud: Geel dhaqashada casriga ah oo fursad dhaqaale u abuurtay rag ku baraarugay
Arrimaha Bulshada

Galgaduud: Geel dhaqashada casriga ah oo fursad dhaqaale u abuurtay rag ku baraarugay

May 15, 2025
Muqdisho: Haween iyo carruur ka barakacay colaad oo wajahaya xaalad hubanti la’aan ah
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Muqdisho: Haween iyo carruur ka barakacay colaad oo wajahaya xaalad hubanti la’aan ah

May 14, 2025
Next Post
Dhadhaab: Qoysas qaxooti noqday oo ay ku adagtahay helidda cunnada, biyaha iyo hoyga

Dhadhaab: Qoysas qaxooti noqday oo ay ku adagtahay helidda cunnada, biyaha iyo hoyga

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 19-MAY 2025

IDAACADDA 19-MAY 2025 by Radio Ergo

IDAACADDA 19-MAY 2025
Episode play icon
IDAACADDA 19-MAY 2025
May 19, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 18-MAY-2025
May 18, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 17-MAY-2025
May 17, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 16-MAY-2025
May 16, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 15-MAY-2025
May 15, 2025
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo