Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Bari: Kalluumeysato la siiyay qalab oo ka soo kabtay dhaqaale xumo haysay

Jibril Osman by Jibril Osman
March 4, 2025
in Wararkii u Danbeeyay
0
Bari: Kalluumeysato la siiyay qalab oo ka soo kabtay dhaqaale xumo haysay

Buuxo oo isku diyaarinaysa kalluumaysi/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Buuxo Maxamed Muuse waa 50 jir leh mehrad lagu gado kalluunka iyo doon kalluumeysi oo loogu shaqeeyo. Waxay heshaa dhaqaale ay ku maareyso nolol maalmeedka reerka iyo mid ay keydsato. Noloshan waxaa u horseeday agab kalluumeysi oo lagu taageeray bishii December ee sanadkii hore.

Mehradda oo ay ku gaddo kalluun bisil iyo mid ceyriin ayay sheegtay in maalinkii ay ka hesho $5 illaa $10, halka doonta oo ay ku shaqeeyaan afar rag ah ay bishii ka hesho ugu yaraan $200. Kalluunka waxaa inta badan jumlo uga qaata ganacsato u iib geeya deegaanada kale ee Puntland.

“Waa wax iigu filan quraacda, qadada iyo cashada. Waxaan soo qaataa joodhaa bariis ah (Rubac), joodhaa Sonkor ah, joodhaa baasta ah, waxaan soo qaataa burkeyga. Dhinac waan ka biishaa, dhinacna kalluunka iisoo baxa ayaan ka cunnaa isagoo shiilan ama la kariyay. Waa dareen wanaagsan, waxaana ku hamminayaan halka aan joogo meel ka sareysa inaan gaaro.”

Buuxo ayaa tilmaantay in Ishan dhaqaale ka hor ay aheyd qof aan ku filneyn nolosha reerka, dantuna ay ku qasabtay inay gacan hoorsato qaraabadeeda si cunto hal waqti ah ay ugu hesho carruur afar ah oo ay ayeeyo u tahay oo ay ka dhimatay gabar ay dhashay.

Carruurta oo dhaqaale darradu ka hor taagneyd inay waxbartaan ayay tilmaantay in hadda ay dhigtaan iskuul hoose oo bishii ay ku bixiso $26. Hubanti la’aantii nololeed ee haystay ayay sheegtay inaysan hadda ka warwarin oo ay gaartay isku filnaasho ay ku qanacsan tahay.

“Waagii hore dhibta waxaa igu hayay guri kiro ah oo aan ku jiray iskama bixin kareyn, ilmaha waxbarashadoodana ma awoodin, laakiin hadda kama fekero maxaad ku gadeysaa buugaagtooda, waxbarashadii aan ku hamminayay ayaa bartaan hadda. Markoo hore arimahaas wax iga kaba waan waayay.”

Buuxo ayaa ka mid ah 79 qof oo ku nool degmada Bandar-bayla ee gobolka Bari oo ka faa’ideystay taageeradan oo ka koobneyd tababar iyo agab kala ah shabaago, qaboojiyayaal, matooro iyo agabyo kale oo qeyb ka qaadanaya shaqo tagooda.

Waxay maal galintan ka heleen hay’adda NRC oo fulinaysay mashruuc lagu magacaabo TeREFicProject oo lagu caawiyo kalluumaysatada maxalligga ah si ay u gaaraan xasilooni dhaqaale oo waarta.

Doonta Buuxo u shaqeysa waxaa lahaa seygeeda oo geeriyooday sanadkii 2018. Sannado ayay iska tiillay xeebta, agab la’aan darteed, balse maanta waa mid si joogta ah u howlgasha oo Buuxo ay meel ka dhigatay keyd dhaqaale oo gaaraya $600.

“Waxaan ku hamminayaa haddii nafteydu gaadho inaan meesha hadda joogo meel ka wanaagsan oo xagga ganacsiga ah inaan gaaro ama shirkad aan dhaqaale ku drasado ama bakhaar weyn aan furto, hiigsigaas ayaan wadaa hadda.”

Taakulada kadib, danyartii wajahayay cunno yarida ee la’aa waxay ku maareeyaan noloshooda waxay noqdeen kuwo joogta u hela dhaqaale ku filan baahidooda asaasiga ah.

Maxamed Cumar Cismaan ayaa tilmaamay inuu fahansanaa faa’idada kalluumeysigu leeyahay, balse qalab la’aantu ay ka hor taagneyd.

Doon uu leeyahay oo saddex sano uusan ku shaqeysan ayaa loo dayactiray, kadibna loo saaray matoor Isaga iyo rag afar ah ayaa wadajir ugu kalluumeysta.

Bishii ayuu tilmaamay inuu ka helo dhaqaale u dhexeeya lix boqol, illaa siddeed boqol oo Doollar. Wuxuu xusay in dhaqaalahan uu yahay kii ugu badnaa ee soo gala muddo 25 sano ah oo kalluumeyste uu yahay.

“Qalabkaan badankooda waa na anfaceen waayo dee baahiyo jirey bay wax badan naga anfaceen. Hadda waa xiligga doonyuhu aad u shaqo bilaabaan, waa xiligga baddu degto oo fariisato, dabayluhuna dhamaadaan, markaa waxaan orankaraa baahiyo badan ayuu naga kafeeyay.”

Maxamed ayaa sheegay in howshan ka hor uu la daalaa dhacayay korinta 6 carruur ah. Sanooyinka uu shaqo la’aanta ahaa waxaa kirada iyo raashiinka ka dabari jirtay eedadiis oo joogta dalka Ingiriiska.

Maxamed oo 39 jir ah ayaa xusay inuusan ilaawin abaalkii loo galay, balse warwar ay ku haysay ku tiirsanaanta qof kale oo aan dabooli karin baahida qoyska. Maanta waa ganacsade kalluunka geeya degmooyin iyo deegaano ka mid ah gobolka Bari ah.

“Maxamuud ahaan tallaagad yar oo qaboojiye ah ayaan geliyay illaa 100 kiilo oo kalluun ah, waan hagaajiyay oo aruuriyay, waxaana geeyay Bayla illaa hotelada Qardhood, kiiladiina waxaan siisanayay saddex Doollar. Waxaa laga yaabaa hal iyo bar inaan ka faa’ido. Biilka reerku waa joogto oo waa kasoo harayaa dhaqaalaha isoo gala.”

Deegaan xeebeedka Bandar-bayla waxaa ku nool in ka badan labo kun oo kalluumeysato ah. Banadkood ma haystaan qalab ka caawiya inay la soo baxaan kalluun badan, sida uu Raadiyow Ergo u sheegay Ciise Cumar oo guddoomiye ku xigeen ka ah iskaashato ay leeyihiin. Wuxuu xusay inay u baahan yihiin taageero intan ka ballaaran.

Dadka la caawiyay ayuu sheegay inay ahaayeen kuwo lagu xushay firfircooni, waayo aragnimo iyo duruufo dhaqaale oo haystay. Muddo kooban ayuu tilmaamay inay ku heleen dhaqaale ku filan, ayna shaqo u abuureen tiro kale.

“Dad awalba aan gacanta waxba ku haysan oo waxay ku kalluumeystaan aan gadan karin ayaa helay qalabka iyo taakulada. Waa dad la xulay oo aad u tabaryar. Dadkaas way soo kabteen hadda, marka waxaan codeysaneynaa dadka kale in qalab la siiyo si dadku ay badda uga faa’ideystaan oo baahidu uga yaraato.”

Ciise ayaa sheegay in dadka xeebta ku nool ay haystaan fursad aan ka jirin deegaano kale oo badan, taas oo ah bad uusan kheyraadku ka dhammaan oo uu ka faa’ideysan karo qofkii hela agabka kalluumeysiga.

Previous Post

Muqdisho: La kulan nin noloshiisa iyo midda qoyskiisa ku hormariyay xirfad uu bartay

Next Post

Bakool: Qoysas billaabay in ay dawarsadaan markii uu ka joogsaday gargaar bille ah

Related Posts

Qoysas qaxooti ah oo ku helay xerada Dhadhaab xuquuq deganaansho iyo mid cunno
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas qaxooti ah oo ku helay xerada Dhadhaab xuquuq deganaansho iyo mid cunno

January 23, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Haweenka guryaha malaasa oo ku wajahaya Marka shaqo la’aan galisay xaalad quus ah

January 22, 2026
Qoysas cayroobay oo cunno xumo ku wajahaya Cadaado oo ay maciin-bideen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas cayroobay oo cunno xumo ku wajahaya Cadaado oo ay maciin-bideen

January 20, 2026
Kismaayo: Haween barakac ah oo dhaqaale ka hela miro lagu quudiyo xoolaha
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Kismaayo: Haween barakac ah oo dhaqaale ka hela miro lagu quudiyo xoolaha

January 19, 2026
Rag shaqooyin ka helay beeraha Muqdisho oo ku filnaaday nolosha qoysaskooda
Beeraha Iyo Xoolaha

Rag shaqooyin ka helay beeraha Muqdisho oo ku filnaaday nolosha qoysaskooda

January 16, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Heshiish laga gaaray colaaddii Xanan-buure oo soo kabasho u noqotay qoysas danyar ah

January 14, 2026
Next Post
Bakool: Qoysas billaabay in ay dawarsadaan markii uu ka joogsaday gargaar bille ah

Bakool: Qoysas billaabay in ay dawarsadaan markii uu ka joogsaday gargaar bille ah

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA-22-JAN-2026

IDAACADDA-22-JAN-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA-22-JAN-2026
Episode play icon
IDAACADDA-22-JAN-2026
January 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-JAN-2026
January 21, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-JAN-2026
January 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-JAN-2026
January 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-JAN-2026
January 17, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo