Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Haween shaqooyin adag ka qabta Muqdisho oo maareeyay nolosha qoysaskooda

Jibril Osman by Jibril Osman
May 6, 2026
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay
0
blank

Raho Hasan and Barwaqo Osman wait for portering jobs in Mogadishu’s Bakara market/Shukri Hashi/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) -Faadumo Maxamed Cali waxay qoyskeeda oo 10 ah ka saartay xaalad nolol xumo ah oo horay u haysatay. Waxaa u suuragaliyay shaqo xamaal ah oo ay bishii December 2025 ka billowday suuqa bakaaraha ee magaalada Muqdisho, taas oo maalinkii ay ka hesho $4 illa $5 oo joogto ah.

Waxay ka mid tahay haween danyar ah oo aan tiro koob dhab ah laga hayn, kuwaas oo dadka ka adeegta dukaamada raashinka, khudaarta iyo dharka u qaada alaabaha culus, iyagoo kula heshiiya lacag marba in ah. Waxay sheegtay in shaqadan ay u noqotay fursad muhiim ah.

Waa mid adag oo daal iyo dhabar xanuun leh, balse taasi kama joojiso, maaddaama ay tahay meesha kali ah ee ay carruurteeda raashin uga hesho. Maalmaha qaar waxay dhowr mar oo kala duwan qaadaa culays gaaraya 50 kiilo, taas oo dakhligeeda kordhisa.

“Waxaan ahay hooyo ilmaheeda u shaqaysata oo maalin kasta u soo xamaasha. Dabka waa shidanaa oo nagama damo, laakiin dhaale badan ma ahan. Ilmaha joogto ayaan uga biishaa, cidna ma tuugsado dhididkayga ayay ii cunaan carruurtayda.”

Faadumo ayaa sheegtay in uusan jirin qof kale oo qoyskeeda u shaqeeya. Ninkeeda oo da’ ah wuxuu muddo dheer dhul-yaalla u yahay cudurka sonkorta. Lacagta ay shaqayso ayay qayb ugu iibisaa daawooyin kaalmo ah oo uu u baahan yahay markasta.

Arintaas ayaa sababtay in ay soo xamaasho. Waxay sheegtay in maalmaha qaar ay dadka ka hesho wax ka badan intii ay kula heshiisay, taas oo fursad kale u noqota.

Haweenaydan ayaa tilmaamtay in shaqadaan ka hor ay noloshu ku adkayd, balse ay hadda isbeddel dareemayso.

Waxay joogto u raadin jirtay dhar dhaqid ay ka heli jirtay ugu badnaan hal dollar oo aan waxba u goyn jirin, ama faro marnaan ayay ku soo noqon jirtay.

“Magaalada ayaan soo dhex wareegi jiray marmar dhar yar ayaan dhaqi jiray mar caagag ayaan aruurin jiray oo sii iibin jiray wax badana igama soo galayn, laakiin hadda dadka ayaaba mar ku siinaya wax ka badan intii heshiiska.”

Faadumo ayaa sheegtay in ku dhawaad shan bil oo ay shaqadaan waddo ay si wanaagsan ula qabsatay. Waxay heshaa macaamiil cusub oo ay alaabta u gayso guryahooda ama meelo suuqa ka baxsan oo ay gaadiid ka sii raacaan.

Waxaa geeyay haween uga horreeyay oo la degan degamada Garas-baalley ee magaalada Muqdisho. Waxay xustay in uu kala duwnaansho weyn u dhexeeyo markii ay billaabaysay iyo hadda. Danbiisha ay ku shaqaysato waa lagu caawiyay, taas oo u baajisay qarashkii ay ku gadan lahay.

Shaqada waxay billowdaa labo saac maalin kasta, waxayna ka soo baxdaa shanta galabnimo, waxaana ka baxa $1 oo nooli ah. Guriga ay degan yihiin malahan biyo.

Waxay joogto uga iibsadaan ceel gaar loo leeyahay uu u jira 20 daqiiqo oo socod ah. Horraan waxay isku celcelin jireen 10 liitar oo ay darku ku caawiyaan.

“Biyaha lacagteena ayaan ku gadanaa oo tuubo nooguma jirto. Ceelka ayaan u lugeeyaa oo halkii jirigaan waxaa la iga siiyaa kun shilin Soomaali ah. Qoys weyn ayaan nahay waxaa nagu filan biyo badan. Dhar markii la dhaqayo illaa 8 jirigaan ayaan iibsannaa. Haddii aan lacag waayo waa ka soo daynsadaa markaan soo xamaasho ayaan dib isaga bixiyaa.”

Faadumo ayaa sheegtay in bishii Fabraayo ay dugsi gaysay 4 carruurteed ah oo markii hore ay dhaqaale xumadu ka hor taagnayd. Waxay isku darkooda ka dhiibtaa $12.

Qoyskeeda waxay Muqdisho yimaadeen 2023, markii beer ay ku lahaayeen miyiga magaalada Marka ay ka nacfi beeshay. Waxay ku nool yihiin xaafadaha danyarta ee Garas-baaalley.

Dad ehelkeeda ah ayaa ku caawiyay labo qol oo jiingad ah oo ay gabaadsadeen.

Haweenkan waxay shaqooyinka xamaalku u noqodeen fursad dahabi ah, maaddaama ay qoysaskooda cunno u heleen.

Raaxo Xasan Maxamed waxay sheegtay in tan iyo bishii Janaayo aysan ka walwalin cunnada, biyaha iyo baahiyaha kale ee reerkeeda. Dukaamo raashin oo Bakaaraha ku yaalla ayay macaamiishood u qaada waxyaabo kala duwan.

Waxaa ka soo gasha maalinkii $3.5 illaa $4 oo ay uga soo kabteen nolol xumo ay wajahayeen, taas oo u noqotay il dhaqaale iyo meel ay ku tashato si carruurteeda ay raashin ugu hesho.

Qoyskeeda oo 11 qof ah ayaa yaryaraysta wixii ay soo shaqayso.

“Labo mar ayaan karsanaa wixii habeenkii haray ayay subaxdii cunayaan. In aan carruurtayda dabka u shiday oo aysan reeraha tuugsanayn wax weyn ayay iiga dhigan tahay.”

 Raaxo ayaa sheegtay in ay ku filnaatay baahiyha carruurteeda saddexdii bil ee ugu danbaysay, kuwaas oo markii hore ku adkaa, maaddaama qoysku uu kaligeed ku tiirsan yahay.

Ninkeeda beeraha ka shaqayn jiray ayay sheegtay in uu baaga-muudo yahay tan iyo markii ay yimadeen. Dhowr mar oo shaqooyin xamaal ah uu raadshay ayuu ku hungoobay.

Haweenaydaan ayaa xustay in ay ku adkaatay fahamka shaqada markii hore ee ay ku cusbayd, balse dadaal ay samaysay ayaa u suuragaliyay in ay la qabsato. Waxay qoyskeeda ka saartay caqabad dhanka biyaha ah oo haysay.

Maalin kasta waxay u iibisaa 4 jirigaan oo ay dhaqaalaystaan si aysan uga dhamaanm, kuwaas oo aysan awoodi jirin horraan. Waxay ku faraxsan tahay in ay qoyskeeda maaraysay, carruurteedana ay waxbarasho gaysay.

“Wixii ilaahay iga siiyo ayaan ka helaa. Kayd lagama dhigi karo, laakiin dharka ilmaha waa ka helaa, saddex cunug ayaa dugsi ii dhigta bishii $6 ayaan ka bixiyaa.”

Raaxo waxay qoyskeedu ku nool yihiin buul maryo iyo geedo la isku geeyay ka samaysan oo uga dhisan xero barakac oo degmada Garas-baalley ku taalla tan iyo bartamihii bishii December sanadkii hore, markaas oo ay magaalada Muqdisho yimaadeen.

Dagaal u dhexeeya ciidanka dowlada iyo Shabaab ayay uga soo barakaceen duleedka degmada Qoryooley ee gobolka Shabeelaha hoose oo beeralay ay ku ahayeen. Colaadda ayaa ugu darsantay iyagoo horay u wajahayay saamaynta roob la’aanta.

Dhanka kale Barwaaqo Cusmaan Maxamed oo ka mid ah haweenka qoysaskooda xamaalka ka biila ayaa Raadiyow Ergo u sheegtay in ay masruuf joogto ah u hesho carruurteeda oo 6 ah. Alaabaha loo dhiibto oo kiilooyin badan ah ayay sheegtay in ay ku qasban tahay, maaddaama aysan doorasho kale haysan.

“Markaan baadiye ka imaanay qof daris ah ayaan dhahay meel laga shaqeeyo I gee oo Bakaaraha I keenay. Waxaan qaadaa illa konton kiilo ama labaatanle yaanyo ah meelo kala duwan ayaan geeyaa.”

Barwaaqo oo 37 jir ah ayaa sheegtay in ay tahay markii ugu horaysay oo xamaal ay ka shaqayso. Maalmaha qaar waxay aadaa dhar dhaqid ay ka soo hesho $4, taas oo dakhligeeda kordhisa. Toddobaadkii waxay heshaa $20 illaa $25 oo u kaafisay baahiyaha rerkeeda.

 Qoyskeedu waxay bishii November ee sanadkii hore ka soo barakaceen miyiga degmada Afgooye, markii ay isku raacday saamaynta roob yarida iyo dagaallada deegaanka ka dhacay.

Abaaraha iyo colaadaha ayaa horseeday in qoysas badan ay waayaan ilihii dhaqaalaha ee ay ku tiirsanaayeen.

Xaaladahan isbiirsaday waxay muujiyeen adkaysiga iyo dadaalka haween Soomaaliyeed oo markasta laf dhabar u ah qoysaskooda. Waxay u bareereen shaqooyin adag si aysan gaajo ugu joogin carruurtoodu.

Previous Post

Beeraleyda Jubbaland oo ka baxay nolol xumo markii laga caawiyay waraabinta beerahooda

Next Post

Daad burburiyay gododka cusbada laga qodo oo saameeyay xoogsatada gobolka Afdheer

Related Posts

blank
Wararkii u Danbeeyay

Adeegsiga AI oo beeraley Baydhabo ka caawiyay inay soo saaraan dakhli beddelay noloshooda

May 11, 2026
Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 8, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Daad burburiyay gododka cusbada laga qodo oo saameeyay xoogsatada gobolka Afdheer

May 8, 2026
Beeraleyda Jubbaland oo ka baxay nolol xumo markii laga caawiyay waraabinta beerahooda
Wararkii u Danbeeyay

Beeraleyda Jubbaland oo ka baxay nolol xumo markii laga caawiyay waraabinta beerahooda

May 5, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay qaxootiga Dhadhaab oo laga jartay gunno gargaar oo la siin jiray

April 28, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nolol xumo ku wajahaya Baydhabo markii laga gubay beero iyo kayd raashin

April 24, 2026
Next Post
blank

Daad burburiyay gododka cusbada laga qodo oo saameeyay xoogsatada gobolka Afdheer

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 11-MAY-2026

IDAACADDA 11-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 11-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-MAY-2026
May 11, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 10-MAY-2026
May 10, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 09-May-2026
May 9, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 08-MAY-2026
May 8, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-MAY-2026
May 7, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo