(ERGO) – Ku dhawaad 500 oo qof oo ah xoogsato ku tiirsanaa soo saarista cusbada ayaa wajahaya dhaqaale yari saameysay nolosha qoysaskooda. Waa xaalad ay wajahayaan tan iyo bishii Maarso.
Daad oo ka dhashay roobka Gu’ga ayaa qaaday kayd u diyaarsanaa in la iib-geeyo. Dadkan ayaa ku nool deegaanka God-cusbo ee gobalka Afdheer ee dowlad deegaanka Soomaalida.
Caqabadda ugu weyn ee soo wajahday ayaa ah shaqo la’aan iyo dhaqaale xumo, taas oo sababtay in qoysaskoodu wajahaan cunno yari. Ibraahim Maxamed Cumar oo ka mid ah dadka ay samaysay.
Raadiyow Ergo ayuu u sheegay in cusbada oo ildhaqaale u aheyd ay meesha ka baxday, wax u badalana uusan helin. Qoyskiisaa ayuu tilmaamay inay wajahayaan xaalad hubanti la’aan ah.
Waxa keliya ee hadda ay ku tiirsan yihiin ayaa ah xamaal marmarka qaar ah, kaas oo aan la isku hallayn karin, isla markaana aan dabooli karin baahida qoyska oo ka kooban lix.
“Qasaarahan wuxuu nagu yeeshay dareen aad u badan, xitaa aan moodnay inaan qasaarnay inta nolosheenna ka dhiman. 4-bil iyo bar wixii aan uruurineynay shidaal galineynay, maalgalineynay, oon xoog galineynay baa naga qasaaray, dareenkanaga meesha uu joogo lama cabbirikaro.”
Ibraahim oo 38 jir ah ayaa tilmaamay in daadku ka qaaday 4,000 oo kiish oo cusbo ah oo uu sheegay in haddii la gado uu ka heli lahaa dhaqaale gaaraya $5,000.
Cusbada ayuu xusay in qeyb uu daadku qaaday, qeybna ay ku milantay biyo fadhiya goobihii ay ku diyaarsaneyd.
Wuxuu intaas ku daray in lagu leeyahay deyn gaareysa $1,000 oo ah qarash uga baxay raashin uu reerkiisa u qaaday, shidaal iyo shaqaale kala shaqeynayay cusbada.
Wuxuu xusay in bixinta deyntaas uusan tabar u hayn, maaddaama uu hadda awoodi la’yahay inuu waxbarashada ka dhiibo labo kamid ah carruurtiisa oo tan iyo bishii Feberaayo lagu leeyahay $32.
Ibraahim ayaa tilmaamay in saameynta roobka ay aheyd qatar ay maanka ku hayeen, qorshuhuna ahaa in ka hor roobabka cusbada loo daabulo bakhaaro lagu keydiyo oo gudaha magaalooyinka ah,
Hase ahaatee, howshaas ay ka gaabiyeen guddi ay dowladdu soo magacawday oo u xilsaaran daabulka, jaan goynta qiimaha la gadayo iyo hubinta tayadeeda.
“Waxaan ku galay kalsooni ah in la ii qaadayo milixdayda, oo aniga waliba qaadan karin, laakiin waxaan ku xisaabtamay in iskaashato waxaan ii qaadeyso oo kanbani uu ii qaadayo, kanbanigaas oo jooga mid kale ma dhihi karo kaalaya ii qaada oo iyagii baa dowladdii la shaqeynayaan oo ay heshiis la galeen, dowladdana dhibaato kama sheeganeyno lakin heshiiska iyaga ay galeen baa qalad ahaa.”
Ninkan ayaa xusay inuu leeyahay 20 goob oo ah godad cusbadu ku sameysanto. Intaasba hadda waxtar uma leh oo waxaa buux biyo fariistay bishii Maarso. In shaqadiisu ay dib u soo noqoto waa mid ku xiran biyaha oo gura.
Ibraahim ayaa sheegay in keyd dhaqaale oo uusan laheyn darteed ay ku adag tahay inuu adkeysi u sheego caqabadaha nololeed ee dhaqaale la’aantu bidday.
“Culeys adduunyo oo aad u culus ayay igu haysaa, waxaan ahay sida qof gurigiisii gubtay oo kale oo aysan waxba u badbaadin. Waa xaalad ku soo beegantay xilli aan ku jirno sicir barar, wixii aan ku tiirsaneyna caqabadaas ayaa ku imaaday. Waa culeys weyn oo kabashadiisu nagu adag tahay.”
Deegaanka God-cusbo, waa mid ku caan ah cusbada. Waa dhul godan ah oo marka biyuhu fariistaan ay si dabiici ah uga sameysanto cusbo diyaar ku noqota muddo afar bil ah.
Waa mid sanadkii soo go’da saddex mar. Helitaanka biyuhu waa lagama maarmaan, maaddaama in cusbadu sameysanto ay ku xirantahay in biyo lagu keydiyo godad hoos loo qoday illaa 3 illaa 5 mitir.
Dadka halkan ku tiirsan ayaa qotay ceelal ay ka helaan biyo joogta ah, maaddaama roobabku noqdeen kuwo yaraaday oo aan si joogta ah loogu tiirsanaan karin.
Siyaad Cumar Rooble oo tobankii sano ee u danbeyay ku tiirsanaa soo saarista cusbada ayaa sheegay in hadda uu yahay nin ka fursan waayay inuu u soo baryo qoyskiisa.
Deynta lagu leeyahay ayuu tilmaamay inay gaartay $740, loona diiday in mid kale uu qaato isagoo aan bixin tii hore. Waa xaalad walaac ku haysa, oo uusan garaneyn meel uu reerka wax uga soo deynto haddii uu ka dhammaado raashiin kooban oo hadda u yaalla guriga.
“Qoyskayga saameyn wayn bay ku yeelatay, balse afkasta oo ilaahay dillaaciyay isaga uun baa irsaaqaddiisa haya, culeys badan baan laakiin halkaas ka dareemeynaa. Dad aan masuul ka ahaa oo reer miyi ah oo abaar ku dhacday oo waxkale aan hayn way jiraan, hadda xaalkoodu aad buu u adagyahay, caawimaad kale oo ay haystaan majirto, xoolo nacfi leh oo wax u taraya oo aan kaga maarmayo qasaarihii igu dhacay ma jiraan.’’
Daadka ayuu xusay inuu ka qaaday labo kun oo kiish oo midkiiba uu joogo qiima lacageed oo ah $1.35.
Waa mid uga soo go’day 20 god oo uu sheegay in waraabkooda uu ku qarash gareeyay jiilaalkii guga hadda ka horreeyay $650 oo uga baxday shidaal iyo rag kala shaqeeyay diyaarinta cusbada.
“Ganacsiga marna waa lagu faa’iidaa marna waa lagu qasaaraa, marka halmar qasaara ku tagi maayee, markale inaan tijaabiyo waan rabaa. Qasaaraha waxaa keenay in la rari waayay Cusbada, sababtoo ah waqti badan ayay iska tiilay meesha, haddii xilli hore la rari lahaa qasaarahan ma imaadeen.”
Deegaankan waxaa ku yaalla 184,000 oo ah godad cusbada laga soo saaro, sida uu sheegay Axmed Barre Jaamac oo xubin ka ah guddi iskaashato ah oo ay leeyihiin dadka halkan ka shaqeeya.
Axmed ayaa xusay in ku dhawaad 800,000 oo kiintaal oo cusbo ah ay qasaartay. Waa dhaqaale uu tilmaamay inay ku tiirsanaayeen kala bar dadka ku nool deegaanka God-cusbo.
Dadka ayuu sheegay inay haysato xaalad nolol xumo ah oo u baahan gurmad deg deg ah, maamulka deegaankana ay la wadaageen, balse aysan jirin wax jawaab ah oo uga yimid.
“Shacabku way qeyliyeen oo milixda hanaloo badbaadiyo aad bay wali howshaas shacabka ugu qeyliyeen, laakiin wax ka jawaaba iyo wax taleefannadooda qabta ma aysan arag, wax xal ah oo shacabka xaggiisa soo jiro malahan, shacabku tabar weyn malahan. Dhulku waa dhul aad u ballaaran, godadka ka qodanna ballac ahaan way dhantahay 3KM, dhererku waa dhul aad u dheer illaa 2KM, tusaale ahaan halkii kannaal inuu dheerar 7 mitir u yahay, ballacna 6 mitir u yahay laga yaabaa.’’
Axmed ayaa intaas ku daray in wax yeelada gaartay dadka ay noqon karto mid ay adag tahay in laga soo kabto illaa sanadka soo socda, taas oo uu sheegay inay ka dhigan tahay in dadku lumiyeen ishii dhaqaale ee ugu muhiimsaneyd noloshooda.










