(ERGO) – Tan iyo bartamihii bishii hore ee April wuxuu ku fooggan yahay Maxamuud Cabdiraxmaan Cabdullaahi goosashada dalag uu ku tacbay beertiisa 3 sano kadib, taas oo ku taalla deegaanka Buulo-gaduud oo 30 km u jirta magaalada Kismaayo.
Dalaggan oo iskugu jira khudaar iyo raashin waxay qoyskiisa uga baxeen baahidii cunno xumo, waxaana uu gaaray isku-filnaan dhaqaale. Beertiisa oo 6 hiktar ah ayaa heshay bishii Janaayo ee sanadkan abuur iyo waraabin joogto ah.
Wuxuu ka mid yahay 1,440 qoys oo ka soo kabanaya xaalad nolol xumo, taas oo ay sabab u ahayd biyo la’aanta beeraha oo hadda meesha ka baxday, markii ay ka faa’iideysteen soolarka koronto siiya bam biyaha ka soo jiida webiga.
Waxaa ku taageertay soolarka oo 72 xabbo ah, tuubooyin iyo bamka hay’adda Wardi.Cabdiraxmaan waxaa uga soo xarootay dalagga beertiisa labadii toddobaad ee u danbeeyay $1,500.
Shan boqol oo ka mid ah wuxuu iskaga bixiyay dayn, halka inta kale ay ku naaloonayaan qoyskiisa oo 6 ah, kuwaas oo joogto u hela cunno ku filan iyo waxbarasho.
“Saddexda waqti inta ay cunnaan ayay waliba ka haraysa. Arrad tirkoodii, cunnadooda, daawadoodii, iskuulkoodii iyo dugsiga waxa oo dhan oo u dhan yihiin hadda. Markii hore waxyaabo badan ayaa dayn lagu soo qaadayay, dugsiguna dayn baa lagu dhiganayay, laakiin sidii solarka loo helay waxyaabo badan baa isbeddelkay.”
Dalagga uu beertay ayuu tilmaamay in ay u badan yihiin raashin gaar ahaan galley, taas oo suuqa qiimo sare ka joogta, sidoo kalana ah nooca dalagga la kaydin karo si loo isticmaalo bilo ama sanado kaddib.
Wuxuu qorsheeyay in uu ka sii gaashaanto xaaladdii uu la kulmay horrayntii sanadkii 2022, markaas oo matoor la’aan ku dhacday ay horseedday tacab la’aan uu wajahay iyo duruuf nolol xumo oo u raacday.
“Galleyda labo fuusto ayaan kaydiyay. Fuusto waan gatay, digirtana hal fuusto ayay ahayd. Barbaan gatay way ii taallaa. Barbanooniga, ansalaatada, kabsartii, xitaa bocorkii iyo yaanyadii kuli waan gatay. Digirtii qaybtii ii hartay way ii taallaa. Gallayda qaybtii ii hartay way ii taalla. Waan cunayaa.”
Wuxuu sheegay in dalagyo hor leh, kuwaas oo u badan khudaar uu billaabay toddobaadkan in uu mar kale goosto, taas oo rajo hor leh u abuursa qoyskiisa iyo 2 shaqaale ah oo min $5 ku shaqeeya maalintii.
Wuxuu xusay in dhaqaalaha beertiisa uu ka helay uu u qoondeeyay dhowr dhinac, sida maal-galin iyo kaydin. $300 ka mid ah lacagta uu helay wuxuu ku gatay 5 ari ah, kuwaas ku nool balka laga guro beerta.
Wuxuu rajaynayaa in uu noqdo xoolo-dhaqato beeraley si uu u helo il-kale oo dhaqaale uu ka soo galo. Ninkan oo 45 ayaa sheegay dhibaatooyin xanuun badan uu ka soo maray isku halaynta beerta kaliya.
Intaas wuxuu ku daray in nidaamka koronto ee loo hirgaliyay in uu meesha ka saaray niyad xumadii uu ku hayeen ciladaha matoorka iyo shidaalka qaaliga ah oo meesha ka saari jiray in lagu tashado beerta.
“Maalin walba qayb baan waraabiyaa. Mar basha ayaa waraabiyaa, ansalaato ayaan waraabiyaa, babay baan waraabiyaa, bocorkan waraabiyaa. Qayb marka aad maanta waraabiso labo bari ama saddex bari bay joogaysaa, hadana waa la waraabinaa ama waa la falayaa. Markaas kadib ayaan la waraabinaa.
Wuxuu sheegay in ay ka haqab-beeleen helidda biyaha ay ku waraabsadaan beerto oo cadad gaar ah aan lahayn, si la mid ah markii matoorka uu haystay, maaddama shidaalka uu xadidayay biyaha badan.
Beeraleyda laga taageeray waraabka beerahooda intooda badan dhowr sano waxba ma beeran sida lamid ah Maxamuud oo dulsaar ku ahaa ehelkiisa inkasta oo hadda uu ka madax-bannanaaday.
Beerahooda waxay u jiraan webiga 500 oo mitir. Matoorka biyaha ka soo jiida webiga wuxuu ahaa xalka kaliya, balse saamaynta qiimaha shidaalka iyo matoorrada ka halaabay ayaa caqabad ku noqday.
Barnaamijka loogu hirgaliyay soolarka korontada laga dhaliyo ay beeraha u waraabiso ayaa ku kacaya $80,000 sida ay sheegtay wasaaradda beeraha Jubbaland oo howl-galkan fulisay.
Amina Cabdullaahi Buule oo mashruucan uga faa’iideystay beer oo 9 hiktar ah. Waxay labadii bil ee u danbeeyay ka heshay dalagyo u soo go’ay $2,300. Lacagtaas ayay sheegtay in 2 qayb ay u qoondaysay.
Kun iyo labo boqol oo ka mid ah waxay ku dhisatay guri labo qol ka Fagaas ah ka kooban, balbalo, jiko iyo musqul. Qaybta soo hartay waxaa cunno joogto ah ay ugu iibisaa qoyskeeda oo ka kooban 12.
“30 loor oo galley ah ayaan ka hellay. Galleydii markii ay qaaliyowday ayaan gatay, waxaana ay ii noqotay $1,000, bal ayaan abuuray waxaan ku gaday $900. Yaanyadda ma badnayn $400 ayaan ka helay.”
Waxay sheegtay in aysan tacban beerta tan iyo sanadkii 2022 roob yari ka jirtay deegaanka awgeed. Beerteeda waxaa ay webiga u jirtaa laba boqol oo talaabo oo kaliya.
Nolasha qoyskeeda waxaa ay ku maarayn jirtay shaqo dhismaha guryaha oo ay ka qaban jirtay deegaanka Buula-guduud, taas oo maalin dhaaf ay uga heli jirtay $3 oo aan ku filnayn qoyska.
Waxay tilmaamtay in noloshu ay cariiri ku ahayd, isla markaana shaqada oo adkayd aysan dabooli jirin lacagta ay ka helaysay baahiyaha qoyska. Dhibaatadaas ayay xustay in hadda ay ka soo gudubtay.
Carruurteeda oo siddeed ah ayaa sheegtay in ay joogto u helaan cunno saddex waqti ay karsadaan maalintii. Waxay u badan tahay dalagga beerta ka soo go’ay oo quud u ah, baahidiina ay kaga bexeen.
“Saddexda waqti waan u helaa hadda. Ilmaha cuntadooda way iska karsadaan. Waxay ka timaadaa beerta siada galley, cambuulo iyo sidoo kale baastada, bariiska iyo hilibka oo aan helno intaba waan helnaa. Alxamdulilaah.”
Soolarka dabka siiya bamka waraabiya beeraha qoysaskan waxaa laga faa’iideystaa maalin walba shan saac oo ka mid ah. Arrintan waxaa looga golleeyay in la kaydiyo energy badan si xilliga daruuhu jiraan loo isticmaalo sida uu sheegay guddoomiyaha Buulo-gaduud Maxamed Cabdullaahi Cumar.
Wuxuu xusay in mashruucan uu horseeday kobac dhaqaale oo deegaanka laga dareemayo, maaddama dalagga soo go’ay uu abuuray xoogsato badan ay shaqo abuur ka heleen, halka suuqyadana raashinka iyo khudaarta isbeddel dhaqaale laga helay.
“Dadkii iyaga oo aan la dhihin shidaal keena oo matoor ku shubta ayaa la leeyahay nin walbow kaalay beerta waraabso. Way caawisay middaas iyada ah. Dad markii hore aan hawo ka hayn beer ayaa hadda hungiri ka galay oo shaqaysanaya oo subax walba beeraha ku kallahaya.”
Caqabadaha haysta beeraley badan ayaa ah biyo yarida ka jirta deegaannadooda, taas oo ka hor istaagtay in ay fashaan beeraha si ay uga baxaan nolol xumada.









