(ERGO) – Kumannaan qoys oo ku nool xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab ee gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa wajahaya dhaqaale darro saameysay noloshooda.
Waa xaalad ka dhalatay markii horaantii sanadkan laga jartay raashiin iyo gunno lacageed oo ahaa isha kaliya ee dhaqaale.
Dadkan ayaa sheegay inaysan haysan waxay dabka ku shitaan iyo shaqo ay ku maareeyaan noloshooda.
Maamulka xeryaha qaxootiga ayaa Radio Ergo u sheegay in go’aanka looga jaray gargaarka uu la xiriiro inaysan qaxooti aheyn oo ay yihiin dad Kenyaan ah.
Waxay ku tilmaameen musiibo mugdi galisay noloshooda, taas oo laga goostay iyagoo aan lag war-galin kaalmadii ay siin jirtay hay’adda WFP ee istaagtay.
Cabdullaahi Yaasiin Warsame oo qoyskiisu uu ku jiro kuwa gargaarka laga joojiyay ayaa xusay inaysan waligood noqon Kenyan, balse laga jartay gargaarkii ay qaadan jireen sabab la’aan.
Qoyskiisa oo ka kooban 13 qof ayuu tilmaamay inay wajahayaan nolol hubanti la’aan ah oo uusan ogeyn goorta ay ka baxayaan.
“Murug badan buu nagu keenay raashinka waa u baahanahay. Kaarkii waa u baahanay, ilaahay baan u deganahaye waxaan u deganahayba gaarkuu ahaa. Wax ganacsi ah iyo wax dal iyo debed iiga imaanayay ma jirin.”
Cabdullaahi ayaa xusay inay u joogaan 10 carruur ah oo aan wali qaan-gaarin iyo hooyadii oo ah waayeel naafo ah oo la nool cudurada macaanka iyo dhiig-karka.
Wuxuu noloshooda ku maareyn jiray 110-kiilo bariis ah, 40 kiilo oo digir ah iyo 15 liiter oo saliid ah iyo gunno lacageed oo ah $43 oo ay heli jireen labadii biloodba mar.
Wuxuu tilmaamay in qiimeyn lagu sameeyay qoyskiisa sanadkii hore in loo aqoonsaday qoys nugul oo aan ka marmin raashinka deeqda ah.
Bishii Feberaayo ee sanadkan ayaa laga jartay xilli lagu daray liiska dad haysta dhalashada Kenya oo aan xaq u laheyn inay qaataan kaalmada.
Wuxuu beeniyay intaasi ay jirto. Wuxuu sheegay in carruurtiisu aysan wali gaarin da’da qaan-gaarka ee sharciga Kenya lagu qaato, isaga, xaaskiisa iyo hooyadii oo la nool.
Wuxuu intaas ku daray in qoyskiisa oo ballaaran ay maanta gacan hoorsadaan xaqooti aan wax badan tari karin, maadaama ay yihiin dad aan ku filneyntooda.
“Habeenada qaar waxaa dhacda in aanba dabka waxba loo saarin oo hore ayayba noogu dhacdday oo caawadan in ay dhacdo ayaa laga yaabaa, waayo wax raashin ah nooma yaalo.”
Ninkan oo ah 42 jir ayaa xusay inuu qabto shaqo waardi ah oo ah ilaalinta goobo ganacsi. Wuxuu bishii ku qaataa $60.
Wuxuu sheegay inuu yahay dhaqaale yar oo xataa aan ku filneyn iidaanka reerka iyo waxbarashada 5 carruur ah oo dhigta dug Qur’aan, kuwaas oo uu awoodi waayay inuu ka bixiyo $35 oo uu ka dhiibi jiray bishii.
Cabdullaahi ayaa tilmaamay in tan iyo markii laga joojiyay gargaarka uu ku noq noqonayo xarumihii uu kaalmada ka qaadan jiray.
Ma helin jawaab rajo galisa, balse wuxuu dadaal ugu jiraa sidii uu hay’adaha ku shaqada leh ugu qancin lahaa in dib loogu billaabo xuquuqdii laga joojiyay.
“Hay’adihii xaaladeena u xil saarnaa illaa iyo hadda waxba kama hayno. Waan orodnaa aniga oo ku noqnoqnay xafiisyada, balse albaabadii ayaaba galitaankoodii adkaaday. Raashiin la’aan ayaan ka cabaneynaa. Kaarkii aan ku tiirsaneyn waxaaba la leeyahay sistemka waa laga saaray, sababtana ma garaneyno.”
Qoyska Cabdullaahi ayaa sanadkii 1994, colaad uga soo qaxay miyiga gobolka Jubada Hoose oo ay ku dhaqanayeen xoolo ay hadda ka faro-maran yihiin.
Dad gaaraya 39,000 oo qof ayaa bishii labaad ee sanadkan laga jaray gargaar ay qaadan jireen, sida ay Radio Ergo u xaqiijisay laanta dowladda Kenya u qaabilsan qaxootiga.
Go’aankan ayaa ah mid daba socday tallaabooyin horay loogu dhimay kaalmada raashiinka iyo lacagta ah ee la siin jiray boqollaal kun oo qaxooti ah oo ku nool xeryaha Dhadhaab.
Dadku ma ahan kuwo ka sii baaraan degay xaaladan taabatay noloshooda, walina aysan xal u helin.
Qoysaska qaxootiga ah ee la dhibaatoonaya gargaarka laga jartay waxaa ku jira kuwa si toos ah ugu lug yeeshay qaadashada sharciga Kenya.
Abshiro Aadan Ibraahin waa qaxooti sharciga Kenya qaadatay sanadkii 2025, kadib 32 sano oo ay ku noolayd xeryaha qaxootiga.
Hore kama dareemin saamaynta oo ku dhowaad hal sano ayay qaadanaysay gargaarka, laakiin wax walba waxay is bedeleen bishii Febraayo ee sanadkan oo qoys keeda oo siddeed ah laga joojiyay 100 kiiilo oo raashiin ah, 16 liiter oo saliid ah iyo $30 oo ay qaadan jireen labadii bilba mar.
“Xaaladeenna guud aad bay u xun tahay waa garan kartaa qoys siddeed qof ah oo raashinkii laga gooyay. Gabar xaafadda dagan ayaa isoo ururiya 15-kiilo bariis ah iyo saliid.”
Abshiro ayaa tilmaantay in qoyskeeda oo ay ku jiraan 5 carruur ah oo ayeeyo ay u tahay ay ku xuquuq beeleen sharciga Kenya oo u jeedada ay u qaadatay aheyd inay ku hesho shaqo ay ku kabto qoyska.
Bishii July 2025 ayay Nairobi u raadisay shaqo, iyadoo rumaysnayd inay uga fursad fiicnayd xeryaha qaxootiga, balse 30 casho kadib ayay ka soo noqotay iyadoo aan waxba soo helin.
Tallaabadii ay qaaday waa mid ku noqotay caqabad aysan xallin karin, dibna aysan uga noqon karin.
Waxay ka qoomameyneysaa in carruurtii ay dartood u qaadatay sharciga si ay u koriso ay sabab u noqotay inay waayeen xaquuqdii joogtada ahayd ee ay ku tiirsanaayeen.
“Caqli la’aan ayaa ii gaysay sharicga Kenya umana malaynayn in kaarku sidaa u xumaanayo. Danta igu kaliftay waa shantaas carruurta ah ee la igu dayriyay oo aan qaraabo lahayn. Kama maarmi karno kaalmada qaxootiga.”
Abshiro oo 50 jir ah ayaa sanadkii 1992, amni darro uga soo qaxday deegaanka Sanguuni oo hoos taga magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada Hoose. Waxay noloshoodu ku tiirsaneyd tacabka beer afar higtar oo ay leedahay.
Khaliif Dhuubow Jeelle oo ah guddoomiyaha xerada Xagardheer ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in guddoomiyaasha xeryaha Dhadhaab iyo guddi ka socda qaxootiga ay marar badan ku noqdeen xafiisyada wax ka qaban kara xaaladan, balse aysan ka helin jawaab wax badasha.
Dadka ayuu xusay inay yihiin kuwo nugul oo aan adkeysan karin, kana maarmin in la taakuleeyo.
“Xaaladda dadkaasi aad ayay u xuntahay oo dhibaato badan ayay qabaan sababta oo ah xeryaha qaxootiga waxaa loo joogay waa raashin iyo nabad gelyo uun haddii raashinkii la waayay in dhibaato jirto qofna kama dadna. Macluul baa jirta. Haddii la baaro waa hubaal in la arkayo dad ay macaluuli hayso.”
Saddexdii sano ee la soo dhaafay waxaa la dhimay raashiinka iyo lacago ay iidaan ku gataan oo ah waxa ugu muhiimsan noloshooda, halka dadka qaar laga jaray. Arimahan waa kuwo ay hay’aduhu la xiriiriyeen dhaqaalaha oo yaraaday.










