(ERGO) – Kumanaan qoys oo colaad u dhaxaysa labo qabiil uga soo barakacay deegaannada Kurji, Duugsoy, Darab-ajuuso, Moora-qasaale iyo Buulo-bilaan ee gobolka Bakool ayaa nolol xumo aad u liidata ku wajahaya xeryo ku yaalla Baydhabo iyo Bardaale oo ay gaareen bishii Maarso.
Qoysaskan oo ah beeralay ayaa ku qasbanaaday inay barakacaan markii dab la qabadsiiyay beero ay noloshoodu ku tiirsanayd iyo guryihii ay deganaayeen. Qasiido Nuur Xasan waxay cunno, biyo iyo hoyba u la’dahay carruurteeda oo sagaal ah oo ay kula biirtay xerada Kuusow ee duleedka magaalada Baydhabo.
Ma helin wax caawinaad ah oo ku filan. Dadka xerada horay u daganaa hadba qoyskii dabka shita ayay ka codsataa inay siiyaan raashin bisil iyaga oo iskugu soo dardara wax aan ku filnayn ilmaheeda hal waqti.
“Dhibaatadii ugu xumeyd ayaa i haysata; baco onkor mahaysanno gogoshii waa la iga soo gubay, sariirihii waa la iga soo gubey. Markii hore inta colaadan aysan bilaaban nolosheyda wAy fiicnayd. Wixii hore beerta iigu baxay oo keyd ah ayaan cunaynay.”
Qasiido cunno xumada waxaa u dheer hoy la’aan. Waxay carruurteeda ku haysaa meel bannaan xilli roobabka gu’gu ka curteen gobolka. Waxay tilmaamtay in xaaladdahaas is biirsaday ay sababeen in saddex carruurteeda ah ay soo ridato qandho aysan u helin dhakgtar u faahfaahiya waxay tahay.
Waxay u sababaysay in xerada ay ka jirto kaneeco badan aysan haysan meel ay ka galaan. Waxay tilmaamtay in xaaladdoodu ay ka sii darayso aysanna hayn wax ay ku dabiibto taas oo culayska ku sii kordhinaysa. Goobaha caafimaadka oo inta badan lacag ah ayay xustay in aysan hayn qarash ay ku gayso.
Qoyska haweenaydan oo ku tiirsanaa beer saddex hekter ah oo ay ku lahaayeen deegaanka Kurji oo ay deganaayeen iyo saddex kayd oo raashin ah ayaa laga gubay.
Waxay tilmaantay in dagaalku uu ku soo aaday xilli ay beerteeda gelisay abuurkii ugu badnaa ka dib saddex sano oo roob yari jirtay darteed aysan waxba tacban. Waxay hadda heshay roobkii ugu horreeyay balse rajaddaas ayaa meesha ka baxday markii ay ku qasbanaatay inay iskaga soo cararto.
“Welwelka hadda beertii ayaa iigu weyn. Beerteyda oo hadda abuurkeeda bannaanka yaallo wax lagu oodana lahayn ilaa iyo haddana colaadii ay socoto meel aan wax ka qabtana aanan hayn. Carruurtna beertay ku tiirsanaayeen intee la’adaa? Sidee looga bixi doonaa ayaa i haysata?.”
Beerta Qasiido waxay ku tabacday dalag iskugu jira qudaar iyo raashin. Waxay filaysay in haddii ay roob fiican hesho ay kaga soo go’ayaan dalag ku kacaya ku dhawaad saddex kun oo dollar markay suuq gayso.
In filashadaas ay ku hungowday waxa u dheer dayn dhan $600 oo ku gashay tacbidda beerta. Daynta lagu leeyahay intaas kuma eka waxaa jira $1,200 oo ay raashin uga qaaday dukaanno deegaanka ku yaalla labadii sano ee la soo dhaafay oo beertu tacab la’aan ahayd.
Qasiido oo keligeed korisa carruurta oo lagu furay aanna lagu daryeelin ayaa sheegtay in colaaddu ay u raacday xilli ay horay noloshooda saamayn taban ugu yeelatay roob yarida soo laalaabatay. Waxay xustay inaysan hayn qorshe ay qoyskeeda uga saari karto nolol xumada ay ku jiraan.
Dhamaan qoysaska ka soo barakacay deegaannada colaaddu gaartay ayaa si isku mid ah u wajahaya nolol xumada. Xaawo Cali Aadan waxay sheegtay in qoyskeeda 12 qof ah ay ku adag tahay inay helaan wax ay hal mar cunaan tan iyo tobankii bishii hore oo ay ka soo barakaceen deegaanka Kuusow.
Haweenaydan oo ah 43 jir ayaa sheegtay in markii ugu horraysay nolosheeda ay dantu ku qasabtay in ilmaheeda ay ku masruufto wax ay dawarsi ku soo hesho. Arrintaas ayay ku qasbanaatay markii dab laga qabadsiiyay aqal ay deganeyd, agabkii yaallay iyo beer afar hektar ah oo noloshoodu ku tiirsanayd.
“Markii colaada billaabatay wax la’aan ayaan noqonay. Hadda markii aan halkan imaaday wixii walaalaha isoo siiyaan ayaan halmar ukarinaa intaas ayey cunayaan oo aan deeqin. Nolosha aan ku jiro aad ayaan ugu dhibaataysannahay.”
Dhanka kale, waxay dadka xerada degan oo dhan la wadaagaan biyo yari xooggan oo xerada ka jirta. Waxay biyaha garab uga doontaan ceel riig ah oo u jira qiyaastii 3 km. Waxay tilmaamtay in fogaanta ay u dheertahay biyaha oo halkii jirgaan la siiyo shan kun oo shilin Soomaali ah taas oo aysan awoodin.
Waxay ku qasbanaatay in dadka iibsan kara ay ka barido. Maalinta dhan waxay heshaa ugu badnaan 10 liitar oo aan cabbis xitaa ugu filnayn qoyskeeda oo badan darteed.
“Culaysyada hadda i haysto waxaa weyaan biyo iyo baad la’aan lama noolan karo ayaga ayaan aad uga baahanahay iyo nolosha. Hoy, jirgaaman biyaha aan ku shubto iyo lacag wax aan ku gato ayaan u baahnahay. Wax aan haysto malahan dharkii aan xiranayay waa la iga soo gubey.”
Xaawo oo xerada Kuusow oo ay ku sugan tahay ku timid safar lug ah oo ay ku soo jartay masaafo dhan 40 km oo dhaxaysa Baydhabo iyo deegaankeeda ayaa sheegtay inay naawilaysay inay xerada ka heli doonto nolol dhaanta midday ka timid, balse ma helin.
Nolol xumada waxaa u dheer qasaaraha ay kala kulmayso beerteeda. Waxaa laga soo barakiciyay xilli ay saartay abuur ay ku qarash-garaysay $1,500. Waxay naawilaysay in haddii ay roob badan hesho ay ka faa’iiddo ugu yaraan $3,000. Balse rajadaas ayaa hadda noqotay mid dhicisowday.
Dhanka kale, waxay xustay inay adkaan doonto in ay dib ugu laabato deegaankooda xitaa haddii colaadda la xalliyo. Sababta ugu wayn waa in la gubay beerta oo hadda u baahan in dib loo soo billaabo hawsheeda. Saygeeda oo ah waayeel ayaan qayb ka qaadan karin hawshaas waana sababta keentay niyo-jabkeeda.
Qoysaskan oo horay saamaynta roob yarida kala sinnaa beeralayda gobolada Bakool iyo Bay oo aan labo sano wax wayn beeran ayay xaaladdan ku qasabtay barakaca, markii ay meesha ka baxeen beerihii ay u shin tirinayeen.
Guddi maamulka degmada Bardaale ay u xilsaareen tirakoobka dadkan ayaa sheegay in colaadda ay ka barakaceen in ka badan 2,500 oo qoys. Maxamed macalin Mintaan oo ah guddoomiyaha guddigaas ayaa sheegay in colaadda oo socota labo bil oo xiriir ah darteed weli ay dadku sii barakacayaan ayna ku fidayso deeganno hor leh.
Wuxuu ka dayriyay xaaladda dadka oo uu sheegay in ay ka sii darayso aysanna helin wax gargaar ah illaa iyo hadda sida ay ku ogaadeen inta ay xog aruurinta samaynayaeen.
Samaynta colaaddaha u dhaxeeya qabiilada Soomaalida ee sii kordhaya ayaa saamayn xooggan ku yeesha sanad kasta kummannaan qoys oo ku waaya kaabayaashooda dhaqaale taas oo gaarsiisa saamayn ay adag tahay in ay ka soo kantaan.









