Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Cunto-Yaraanta

Haweenka khudaarta ku iibiya Kismaayo oo wajahaya suuq xumo cuno yari biday

Jibril Osman by Jibril Osman
April 28, 2026
in Cunto-Yaraanta, Wararkii u Danbeeyay
0
Haweenka khudaarta ku iibiya Kismaayo oo wajahaya suuq xumo cuno yari biday

Haweenay khudaar la'aan iyo suuq-xumo isku-biirsadeen/kaydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Xillli ay dadka kale hurdaan ayay socdaal kallahaad ah u gashaa miis yar oo ay ku iibiso khudaarta noocyadeeda kala duwan, balse uma hesho cid ka iibsata. Waxaa quud ka sugaya 7 carruurteeda ah oo ay keliyeed koriso.

Waxay xaaladdan haysataa Caddey Nasiib Cabdi iyo 59 kale oo haween ah, kuwaas oo laga raray  hareeraha waddada laamiga ah ee deegaanka Istaanbuul oo qiyaastii 20 km  dhinaca waqooyi ka xiga  magaalada Kismaayo.

Haweeneydan oo barakac ku ah deegaanka ayaa sheegtay  in tan iyo dabayaaqadii bishii Maarso ay wajahayaan dhaqaale la’aan sababtay cunno yari.

Caddey ayaa tilmaamtay in meesha la geeyay ay ka baxsan tahay laamiga oo aysan jirin cid ku soo leexata. Markii hore waxaa wax ka gadan jiray dadka jidka maraya.

Waxat xustay in khudaarta ay toddobaad walba ka hallowdo marka ay waydo xitaa qiimo uga qaadata.

“Dadkii macmiilka ahaa qofka lacagtiisa wata adiga intuu ku soo dhaadhaco hoolka kuuma soo galaayo. Qof walba banaankaas ayuu ka gadani, wuuna Iska laabani.”
Saddexdii isbuuc ee u la soo dhaafay waxaa ka xumaatay 500 xabbo oo moos ah iyo saddex jirikaan oo yaanyo ah. Waxaa qasaaraha u dheer in beeralaydii ay adeeegga ka soo qaadatay ay ka rabaan $75 oo aysan heli karin.

Makrii hore inta aan la soo rarin waxay maalinle u heli jirtay faa’iido u dhaxayso $10 ilaa $7, taas oo ay ku maarayn jirtay nolosha qoyskeeda oo ka kooban iyada iyo toddobo carruur ah.

Hadda, maalintii ayay sheegtay in maalmaha qaar ay hesho nus doollar aan baahidooda ku filnayd.

“Khudaartii waa naga bolashay. Dayn badan ayaa nagashay. Qof maanta shan 500 oo xabo oo moos keensaday oo 10 xabo laga qatay. Qasaaro balaadhan ayaa nagaadhay.”

Caddey ayaa tilmaamtay in xaaladda ay ku xun tahay oo ka walwalsan tahay helidda quudka caruurteeda iyo waxa ay mudan doonaan haddii aysan isbeddel dhicin. Waxay sheegtay in habeennada qaar ay gurigeeda ku noqoto iyadda oo fara-maran.

Nolosha Ilmaheeda oo agoon ah ayay sheegtay inay ku tiirsan yihiin raashin dayn ah oo ay uga qaado nin ganacsade ah oo ay suuqa isku barteen. Waxay xustay in ay u dan-sheegtay sidaas uu ku ogolaaday in ilmaha uu raashin u siiyo balse ma hubto inta ay sii heli doonto.

“Waan ismaaraynayaa mar mar, laakiin sidii aan ahaa iyo si u dhow, midna ma ahi.” 

Caddey oo hal sano iyo bar ka hor ku bilowday ganacsigeeda $20 oo ay ka shaqaysay dhismaha guryaha oo ay qaban jirtay ayaa sheegtay inay ka lahayd hansare.

Haweneeydan oo hadda ka niyo jabsan sii wadida shaqadeeda ayaa sheegtay inay jiraan geesta kale dhibaatooyinka ku haystay laamiga oo ay hadda ka baxeen.

“Midabkayga xitaa wuu qayirmay. Meshii Laami weeye. Naftaada khatar ayey ku jirtaa. Ilmo kuma haysan kartid. Adiga Rafaad wuu nagu haystay meeshaas.”

Haweeneydan xalka suuq la’aanta ku haysatada deegaanka la dejiyay waxay u aragta in dadka khudaarta gatada ama leh  ganacsiyada kale sida hilibka  iyo caanaha la keeno suuqa cusub si ay u helaan macaamiil cusub.

Qoyska Caddey oo horay u ahaa xoolo dhaqato ayaa nolosha barakaca ka fursan waayay markii ay roob yari ku cayroobeen 2022. Waxay ka soo guureen baadiyaha degmadda Afmadow ee gobolka Judda hoose.

Waxaa dhaafay 250 neef oo ari ah kuwaas oo ay noloshooda u tiirsanaayeen. Suuqa ay haweenkan ka cabanayaan dhaqdhaqaaqiisa waxaa dhistay wasaaradda Howlaha guud iyo Guriyeynta Jubbaland oo kaashanaysa hay’adda SEA iyo GIZ.

Ma haystaan doorasho, waxay ku taamayaann inay ka bixi doonaan qasaaraha balse sugidda ayaa ku dheeraatay. Waxay hadda qaarkood ka fekeryaan inay albaabada u xiraan xarumahooda.

Farxiya Cabdullaahi Maxamed waxay ka welwelsan tahay dalagyo kala duwan oo ka soo qaaday beeralayda deegaanka oo ka xumaaday.

Waxaa ay sheegtay inay joogto u soo waydiiyaan, iyaddana aysan awoodin inay u celiso lacagtii ay kula ballantay.

“Xoolo malihi. Hanti malihi. Xoogayga iyo xoolahaygaba waa khudaartaas aan ilmaha bariiska uga raadinayo. Qasaare wayn ayaa isoo gaadhay. Foosto babay oo $25 waan daadiyey. Batiiq waan daadiyey. Moos Bukeeni wuu iga bolay. Liin waa iga bolashay. Barbarooni waa iga bololay”.

Farxiya ayaa sheegtay in xaalad adag ay wajahayaan oo ay ugu horrayso cunno yari. Waxay xustay inay hal waqti ay helaan raashin ana ku filnayn.  Waxaa culeyska ku kordhinaya $46 oo ay yaanyo , moos iyo noocyo kale oo khudaar ay ku soo qaadatay.

Waxay sheegtay inay u yimaadeen dadkii ku lahaa iyaga oo doonaya inay xabsi geliyaan, markii ay bixin wayday balse ay ka tageen markii dad deriskeeda ah ka codsadeen inay waqti siiyaan si ay u bixiso.

Shan ka mid ah  caruurteeda oo dhiganayay  dugsi hoose dhexe ayey sheegtay in ay awoodi wayday in ay bixiso lacagtooda, taas oo ah bishii $15 wadartooda.

Haweeneydan ayaa weli maanka ku haysta suuqii laga soo raray iyo sidii ay uga ganacsanaysay.

“Dadka hay’adaha ka shaqeeya ayaa wax naga iibsada. Ilmaha dhaqaalahooda waan ku haysanayn.  Biilka Ilmaha way naga fujinaayeen. Iskuulkooda iyo dugsigooda sidaas ayaan kula baxaayey. Xoolihii dadka ayaan qaadanay. Waxaan halis ugu jirnaa in nala xiro.”

Farxiya waa hooyo keligeed masuul ka ah siddeed carruur ah oo aabbahood ay kala tageen, ayaa sheegtay inay ku sugan yihiin nolol xumo iyo dayac ay ku keliyaysatay.

Farxiya iyo Qoyskeeda waxay ka mid ahaayeen dadkii ku barakacay fatahaado dhacay dhamaadkii 2023. Waxay ka soo tageen markii ay ku qasaareen beer 7 hiktar ah oo ay ku lahaayeen tuulo hoos tagta  degmada Jamaame.

Gudoomiyaha deegaanka Istaanbuul Jaamac Kayd Xalane ayaa sheegay in haweenkan iyo kuwo kale oo badan oo weli ku ganacsada hareeraha waddada laamiga ah in la arkay halis naftooda ah oo ay ku hayanaa gawaarida oo si xawaare sare ah ku maraya laamiga, kadibna laga fakaray sidii dib u dejin loogu samayn lahaa.

Suuqa cusub ayuu tilmaamay inuu ka kooban yahay 48 miis iyo 12 qol iyo goobo maqaayada ah oo lagu talagalay cunnooyinka iyo shaaha dadka ka ganacsada. Waxaa uu intaas raaciyey suuqa iyo tirada dadka ay kala badan tahay. Jubbaland iyo deeq-bixiyaasha ayuu ka codsaday sidii ay u ballaarin lahaayeen.

“Meel cusub oo hor leh ay imaadeen waa dhici kartaa in shaqadooda uu gaab ku yimaado. Awal qorax ayey taalay khudaarta oo laamiga ah, hadana meel hoos ah oo ku haboon ayay joogaan.”

Haweenkan u badan kuwo keliyood masuul ka ah qoysaskooda ayaa la daalaadhacaya macaamiil yari saamaysay ganacsiyo yaryar oo ay ku hamminayeen inay kaga baxaan duruufaha nolosha, balse hadda waxay ka soo kaban la’ yihiin saamaysay dhaqaale ee ku timid.

Previous Post

Qoysas ku nool Shabeellooyinka oo helay il-dhaqaale markii la siiyay xoolo iyo beero

Related Posts

Qoysas ku nool Shabeellooyinka oo helay il-dhaqaale markii la siiyay xoolo iyo beero
Wararkii u Danbeeyay

Qoysas ku nool Shabeellooyinka oo helay il-dhaqaale markii la siiyay xoolo iyo beero

April 24, 2026
Nolol xumo ka dhalatay qaxootiga Dhadhaab oo laga jartay gunno gargaar oo la siin jiray
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay qaxootiga Dhadhaab oo laga jartay gunno gargaar oo la siin jiray

April 24, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Roob la’aan sababtay dhaqaale xumo iyo dayn la’aan nolol xumo biday reer miyiga Galgaduud

April 24, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nolol xumo ku wajahaya Baydhabo markii laga gubay beero iyo kayd raashin

April 21, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd
Wararkii u Danbeeyay

Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd

April 16, 2026

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 27-APR-2026

IDAACADDA 27-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 27-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 27-APR-2026
April 27, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 26-APR-2026
April 26, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 25-APR-2026
April 25, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 24-APR-2026
April 24, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 23-APR-2026
April 23, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo