(ERGO) – Boqollaal rag ah ayaa qoysaskooda ka saaray nolol xumo. Arrintan ayaa u suura-gashay markii ay ku dhiirradeen inay dahab ka qotaan buuralayda gobolka Sanaag.
Waxaa ka mid ah Cabdisalaan Axmed Cabdi oo maalinle isaga oo sita sabarad iyo agabka kale u jahaysta dhulka laga qodo macdanta oo aan ka fogayn deegaankiisa.
Wuxuu sheegay inuu kala soo laabto ugu yaraan $15 doollar. Lacagtaas ayaa qoyskiisa oo barakac ku yimid deegaanka Milxo oo weli deggan yihiin u horseeday nolol wanaagsan.
Cabdisalaan ayaa tilmaamay in dhaqaala soo gala uu kaga filan yahay maaraynta cunnada, biyaha, korontada iyo baahiyaha kale reerkiisa oo ka kooban siddeed qof.
“Waagii hore guri kiro ah ayaan ku jiray. Hadda laakiin waxaan ku jiraa guri hanti ah oo aan ka dhistay shaqadan. Nolosha reerka waagii hore waan la welweli jiray balse maanta kama welwelo.”
Ninkan iyo qoyskiisa oo iyaga oo fara maran yimid deegaanka 2024 markiii ay colaad uga soo barakaceen magaalada Ceerigaabo ayaa maanta guri jiingad ah oo ku yaalla duleedka magaalada.
Wuxuu ku gatay kuna $20 kun oo dollar oo uu ka arruursaday shaqadan. Isbeddelka nololeed ee ay heleen ayuu sheegay inuu ku yimid dedaal dheeraad ah oo uu sameeyay.
“Dahabka aad ayuu u dhib badan yahay. Meeshan maalinkii aad ayay u kulushahay. Inaad shaqo gasho aad ayay u adag tahay. Godadka aad ayay u dheer yihiin. Neefta inay ugu dhegto ayaa dhici karta.”
Ninkan ayaa sheegay in maalmahan wax soo saarkiisa dahabka uu hoos u dhacay sabab la xiriirta biyo galay godadkii ay macdanta ka qodayeen roobab dhawaan da’ay darteed.
Wuxuu intaas ku daray in colaadka Bariga Dhexe ay saamasyay qiimaha dahabka. Halka Garaam oo horay ugu gaaray in ka badan $120 doolar ayaa hadda ku laabtay $90-100.
Ninkan oo aqoontiisa shaqadan ay sii korhdayso ayaa sheegay in dahabka qeyb laga helo inta u dhaxaysay hal ilaa labo mitir oo gudaha dhulka ah. Wuxuu intaas ku daray in nooca kale dhulka hoos loo qodo ilaa 100 mitir. Waa qeybta ugu halista badan hawshiisa.
“Caqabada jira waxaa ka mid ah godadkii way dheeraadeen qalab ka soo saara ma haysatid. Wiishka aad u yeeratid lacag kiro ah ayuu ku dhahayaa oo qaali ah. Qalab aad ku eegtid dahabka inta uu kuu jiro oo aad ku ogaan karto ma hayno.”
Wuxuu tilmaamay inay shaqadan uga wanaagsan tiisii hore oo ahayd baranimo inta aysan soo barakicin. Wuxuu xusay in ugu badnaan 200 doolar uu ka heli jiray halka middan bilaha qaar uu helo shan boqol iyo ka badan.
Dahabka qodida ayaa fursad loo siman yahay u noqotay dadka deegaanka, waxaa ka mid ah qoysas roob yari ku xoolo beelay oo hadda macdan qodid noloshooda ka maareeya.
Waxaa ka mid ah Ibraahim Maxamed Cabdi oo xoolo dhaqato hore ahaa isla markaanna shaqada dahabka soo saaridda qoyskiisa ay uga soo kabteen nolol xumo ku haysatay deegaanka milxo.
Ninkan ayaa sheegay inuu habeenkii oo dhan uu ku jiro godadka macdanta, isaga oo maalinle u hela ugu yaraan toban doolar oo uu ku maareeyo baahiyaha qoyskiisa siddeed ah.
“Shaqadayda waxay noloshayda iyo qoyska ku soo kordhisay way ku nool yihiin oo cid looma baryo. Gacantayda iyo tan Illaahay ayay wax ka sugaaan. Aad iyo aad ayay ii caawisay Alxamdullilaah. Markii hore iyo hdadda, hadda ayaan fiicanahay iskuma dhawa.”
Ninkan ayaa sheegay inuu shaqadan billaabay dhamaadkii sanadkii hore xilli qoyskiisa ay ku sugnaayeen xaalad hubanti la’aan ah.
Waxaa ku booriyay rag kale oo ay ka soo wada barakaceen deegaanka Xingalool markii baad xumo iyo biyo yari ay uga dhmaadeen 160 oo ari h oo ay noloshooda ku tiirsanayd.
Ibraahim ayaa sheegay inuu si iskiis ah uu u shaqaysto, waxa uu soo saaro waxaa ka gata shirkado dahabka dhoofiya oo gobolka xarumo ku leh.
Wuxuu tilmaamay in helidda garaam dahab ah ama ka yar uu ka maro dhibaato isaga oo qabanaya lakab hawl ah oo isku xigxiga.
“Waxaad samaynaysaa ciid ayaad soo guraysaa. Caag ayaad ku guranaysaa. Meel biyo leh ayaad la raadsanaysaa. Ciiddii caagga ku jirtay biyo ayaad ku shubaysaa kaddibna waad ruxaysaa. Ciiddaas ayaad qeyb qubaysaa. Saad u qubayso halka ugu hoosaysa ayaad wax ka helaysaa haddii wax dahab ah ku jiray ama aad ku waynaysaa.”
Ninkan ayaa shaqadan u adeegsayada qalab dhaqameed sida badayl, kuwaas oo hoos u dhigaya awoodda uu ku soo saari karo xaddi badan maalintii.
Wuxuu sheegay inay dadka qaar haystaan agabka kuwiisa ka awood badan oo ku kacaya qiimo ka badan saddex kun oo dollar oo dibbadda laga keeno.
Ibraahim ayaa ku taamaya inuu helo waxyaabaha muhiimka u ah shaqadiisa sida neef-siiye uu adeegsado marka uu ku jiro godadka.
“Meel kasta dhagaxyo ayaa kaa galaya oo ku googoynaya. Kaneeco ayaa ku cunaysa. Dhab-cad bahal la yiraahdo ayaa ku cunaya. Godadka marka la qodo way kugu soo dumayaan. Naqaska wuu ku qabanayaa hadduusan godka furnayn ama marwaxad lahayn. Dhibaato badan ayaad galaysaa.”
Ninkan ayaa sheegay inkasta oo ay shaqadan adag tahay inuu haddana kaga maarmay inuu dadka deegaanka waydiisto kaalmo. Wuxuu qoyskiisa u kireeyay guri labo qol ah oo ay bishii ku deggan yihiin $80 doollar.
Waxay shaqadan ka caawisay sidoo kale inuu waxbarasho ka bixin karo saddex ka mid ah carruurtiissa oo iskuul iyo dugsi qur’aan dhigta.
Ragga macdanta ku tiirsan ayaa wajahaya dhibaatooyin awoodooda ka baxsan. waxaa ka mid ah waddo xumo, taas oo ku dheeraysa waqtiga xoogsiga sida uu nala wadaagay Maxamed Garaad oo ah guddoomiyaha shirkaddda Shaaciye oo ka mid ah shirkadaha dahabka ee deegaanka.
Ninkan ayaa xusay in dadka shaqadan soo galaya ay u badan yihiin dad ay colaad soo sal-kicisay, dad xoolihii ay dhaafeen iyo kalluumaysato badda uga soo cararay maraakiib iyo doono shikeeye oo dhibaateeyay. Deegaanka ayuu sheegay in qof kasta oo yimaada uu dahabka ka qodan karo oo aysan ku xirnayn shuruud.
Ninkan ayaa tilmaamay in shaqadan dahab qodida ay adkaatay hadda markii ay soo bateen dadka soo miciin biddaya oo laga fursan waayay in godad kontan mitir dhaafaya la duleeliyo.
Wuxuu intaas ku daray in saddexdii bil ee u danbaysay uu kaga dhintay hal qof, halka toban kale ay kaga dhaawacmeen shaqada markii ay godad ku dumeen, iyaga oo ku guda jira hawsha baadi goobka dahabka noocyadiisa kala duwan.
Wuxuu sheegay inay arrintan kaalin ku leedahay dadka ku soo biiraya oo aan xirfad fiican u lahayn shaqadan balse ay dantu ku soo riixday markii ay waayeen doorasho kale.
Ninka ayaa qaba in weli dahab soo saaridda ay tahay mid ay shaqo yarida kaga bixi karaan dhallinyarada keliya dawladda shaqo ka suga haddii la helo maalgelin, tababar, qalab casri ah iyo aqoon.










