Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

Jibril Osman by Jibril Osman
April 17, 2026
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Cunto-Yaraanta, Wararkii u Danbeeyay
0
blank

Aadan Geeddi Maxamed oo horfadhiya guri deriskiisa ah kadib markii uu ka gubtay hoygiisa oo laba qol ka koobnaa/ Muna Xuseen/ Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Cunno xumo, biyo yari iyo hoy la’aan ayaa isku raacday boqollaal qoys oo ku nool deegaanka Buulo-khaliif oo hoos taga magaalada Jannaale ee gobolka Shabeellaha hoose.

Xaaladaan waxay galeen dhamaadkii bishii Maarso, markii duqaymo lagu burburiyay ilihii dhaqaale ee ay ku tiirsanaayeen.

Qoysaska qaar ayaa ku qasbanaaday inay u barakacaan degmooyinka Baraawe iyo Afgooye oo ay maciin bideen. Waxaa se jira qaar ku haray aan guurin oo wajaha dhibaato xooggan.

Aadan Geeddi Maxamed oo ka mid ah dadkaas ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in duqeyntu dhaxalsiisay in qoyskiisa toddobo qof ah uu u waayo waxay dabka ku shitaan. Hadda waa dawarsade wali ku nool deegaanka Buulo-khaliif.

Dadku waxay ku caawiyaan ayuu qoyskiisu ku tiirsan yahay, balse waa mid aan isku haleyn laheyn, maadaama saameynta amni xumadu ay dhaawacday qoysaska isaga kaalmeeya.

“Maalintii laba mar ayaan wax karsan jirnay laakiin hadda way nagu cuslaatay oo halmar hadaan helno waa alxamdullillaah. Markii hore xaaladdeena way iska fiicneyd laakiin hadda aad ayaan u liidannaa.”

Aadan ayaa xusay inuusan kalsooni ku qabin joogista deegaanka, cabsi uu ka qabo inay la kulmeen duqeyn darteed.  

Meel uu aado oo nolol ay uga horeyso oo uusan garaneyn iyo dhaqaale uu ku guuro oo uusan haysan ayuu tilmaamay inay ku kalifeyso in halkan uu sii joogo.

Cunno yarida ayuu sheegay inay u dheertahay biyo yari. Biyaha ay cabaan waxaa ku caawiya dariskooda oo ugu badnaan ay ka helaan 20 liitar maalinkii.

Duqeyn labo mar ah oo uu wajahay bishii Maarso ayuu xusay inuu ku waayay keyd lacageed, baraago uu biyaha ku keydsado, gaari uu qoyska ugu shaqaynayay oo bishii uu ka heli jiray $300 illaa $400, guri labo qol ah, beer afar hiktar ah oo ay ugu beer naayeen galley iyo khudaar.

“Seddex milyan oo shillin Soomaali ah ayaa iga gubatay, 2 baraag ah way iga gubteen. Habeen ayay ahayd. Bannaanka ayaan iska jiifnay, dadna waxba kuma gaarin. Ilaahey ayaa dadka ka badbaadiyay.’’

Aadan ayaa intaas ku daray in xaaladan ay waxbarasho la’aan dhigtay 4 carruur ah oo dugsi Qur’aan u dhiganayay. Macalinkii wax barayay ayuu tilmaamay inuu ka mid noqday dadka barakacay.

Ninkan oo 40 jir ah ayaa sheegay in burburka dhaqaale ee gaaray uusan haysan wuxuu uga soo kabto. Walaaca uu qabo ayaa ah in waqti dheer uu xaaladan ku sii jiro.

Deegaanka Buulo-khaliif ayaa ah mid aan ku jirin gacanta dowladda iyo Alshabaab oo ku dagaalama. Dadku waxay dhibane u yihiin duqeymaha diyaaradaha, balse ma xaqiijin karaan cidda leh, walina ma jirto qolo sheegatay masuuliyadda.

blank

Dadka halkan ku nool ayaa u badan beeraley iyo xoolo dhaqato. xaaladda amni ee la soo gudboonaatay ayaa ugu darsantay saameynta jiilaalka oo yareeyay nacfiga xoolaha iyo wax soo saarka beeraha.

Qoyska Maxamed Xaaji Axmed oo 26 bishii hore ka barakacay tuulada waxay hadda nolol xumo ku wajahayaan xerada Gegsow ee duleedka degamda Baraawe.

Naftooda oo kaliya ayuu xusay inay la baxsadeen, halkanna aysan uga soo horeyn ehel iyo cid kale oo caawisa.

Carruurtiisa oo sagaal ah ayuu sheegay inay inta badan ku seexdan gaajo. Waxa kaliya ee hadda ay helaanna ay yihiin raashin bisil oo isaga iyo xaaskiisu ay soo dawarsadaan.

Xerada ay maciin bideen oo ay ku wajahayaan hoy xumo ayuu tilmaamay inaysan laheyn adeegyada asaasiga ah, sida waxbarasho, caafimaad iyo biyo.

“Biyaha aad iyo aad ayaan culeys ugu qabnaa, mana gadan karno. Ceelasha aan mararka qaar ka soo dhaansannaa jirgaan. Dadka muslimiinta ah iyo dariska ayaa jirgaan nagu caawiya.”

Maxamed ayaa intaas ku daray in barakacu uu uga sii daray noloshooda oo markii hore adkeyd. Wuxuu sheegay in 40 ari ah oo uu dhaqanayay ay ka la’deen bilihii November iyo December markii ay waayeen calaf ay cunaan, sidoo kalana ay u suurta gali wayday inuu tacbado beertiisa oo siddeed hiktar ah roob yari awgeed.

Xaaladaas darteed wuxuu sheegay in nolosha qoyska uu ku dabarayay deyn uu ka qaadanayay ganacsato deegaanka ah.

“Deymo ayaa la igu leeyahay. $200 ayay igu leeyihiin dad ganacsi ku leh deegaanka oo aan cunto uga qaatay carruurta labadii bilood ee u danbeysay, deegaankiina waan ka soo guuray, dayntiina waa la igu leeyahay wali ma bixin, culeyskaas ayaa i haysta, barakacna waan ahay.”

Maxamed ayaa sheegay in duqeymaha oo uu la kulmay markii ugu horraysay uu ku waayay goygiisa oo labo qol ah. Uma cadda goorta ay suurta gal tahay inuu ku noqdo tuulada oo uu sheegay in hadda uusan ku aamini karin naftiisa.

Tirakoob rasmi ah lagama hayo qoysaska duqeymaha uga barakacay deegaanka Buulo-khaliif, tan iyo bishii Maarso. Amni xumadu waa culeys aysan dadku xamili karin, walina aan xal loo helin.

Ibraahim Cusmaan oo ah guddoomiyaha xerada Gegsoy ee magaalada Baraawe ayaa Raadiyow Ergo u sheegay inay soo gaareen in ka badan 50 qoys oo qaarkood ay soo lugeeyeen masaafo dhan 110 km illaa 120 km.

Dadkan oo xaaladoodu liidato ayuu xusay inaysan helin kaalmo dowladeed iyo mid hay’adeed, guddoonkuna uusan waxba u qaban karin. Waxay ku biireen in ka badan 450 qoys oo xerada horay u degganaa, kuwaas oo deegaano gobolka Shabeellaha hoose ah uga soo barakacay abaaro iyo amni xumo.

“Waxay ka soo barakaceen guryahoodii. Duqeyn xooggan ayaa ku dhacday. Dadkaas dad naafo ah iyo kuwa nugul ayaa ku jira. Kuwa ugu liita waa haweenka, carruurta iyo waayeelka.”

Ibraahim ayaa sheegay in dadkan haddii aysan gargaar helin ay xaaladoodu ka sii dari karto. Wuxuu tilmaamay in maamulka deegaanka ay gaarsiiyeeen dhibaatooyinka haysta, balse aysan jirin wax jawaab ah oo illaa hadda ay ka heleen.

Previous Post

Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd

Next Post

Qoysas ku nool Shabeellooyinka oo helay il-dhaqaale markii la siiyay xoolo iyo beero

Related Posts

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka
Wararkii u Danbeeyay

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka

May 5, 2026
Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 1, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay qaxootiga Dhadhaab oo laga jartay gunno gargaar oo la siin jiray

April 28, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nolol xumo ku wajahaya Baydhabo markii laga gubay beero iyo kayd raashin

April 24, 2026
Cadaado: Haween nolosha qoysaskooda ka maarayn jiray iibinta Khudaarta oo shaqo la’an noqday markii ay saameysay fatahaadda webiga shabeelle
Cunto-Yaraanta

Haweenka khudaarta ku iibiya Kismaayo oo wajahaya suuq xumo cuno yari biday

April 23, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Roob la’aan sababtay dhaqaale xumo iyo dayn la’aan nolol xumo biday reer miyiga Galgaduud

April 22, 2026
Next Post
blank

Qoysas ku nool Shabeellooyinka oo helay il-dhaqaale markii la siiyay xoolo iyo beero

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 04-MAY-2026

IDAACADDA 04-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 04-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-MAY-2026
May 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 03-MAY-2026
May 3, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 02-MAY-2026
May 2, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 01-MAY-2026
May 1, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 30-APR-2026
April 30, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo