Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Qoysas ku nool Shabeellooyinka oo helay il-dhaqaale markii la siiyay xoolo iyo beero

Jibril Osman by Jibril Osman
April 24, 2026
in Wararkii u Danbeeyay
0
Qoysas ku nool Shabeellooyinka oo helay il-dhaqaale markii la siiyay xoolo iyo beero

Kaydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Boqol iyo sodon qoys oo barakaca iyo danyar iskugu jira ayaa ku filnaaday maaraynta noloshooda tan iyo bishii November ee sanadkii hore, markii ay heleen maalgalin iskugu jirta ganacsiyo yaryar, beero iyo xoolo kala duwan oo ay ku caawisay hay’adda ARIDLIFE oo taageero ka halaysa NORAD oo u soo marsiisay SOS Soomaaliya.

Arintan ayaa u suuragalisay inay ka soo kabtaan nolol xumo ay wajahayeen oo dhaqaale yaridu ay ku sababtay.  Nuurto Raage Tuur-yare oo ka mid ah dadka fursadan helay waxay si buuxda u awooday masruufka qoyskeeda oo 8 qof ah.

Waxay sheegtay in loo maal-geliyay baqaar mooska lagu iibiyo. Waxay ka hesha $10 illa $15 oo u sahlay inay daboosho baahiyaha qoyskeeda.

“Nolosheena wax badan ayuu ku soo kordhiyay baqaarka. Saddex waqti ayaan wax karsanaa. Markii hore hal mar oo aan nagu filnayn ayaan dabka shidan jirnay. Mooska aan iibiyo ayaan biilka reerka ka soo saara. Waxaan noqday qof xor ah oo ganacsi uu isaga leeyahay ku tiirsan.”

Nuurto ayaa sheegtay in ganacsigeeda oo loogu maalgaliyay kun doollar uu hadda gaaray $2,300. Haweenaydan ayaa xustay in fursadan ay u noqotay mid nolosha reerkeeda wax badan u tartay.

Waxay tilmaamtay inay meesha ka baxeen culaysyo ay ku qabeen helida adeegyada aas-aasiga ah sida biyaha. Waxay awoodaan inay $2 ku shubtaan fuusto. Waxay horay ugu tiirsanayeen labo jirgaan oo ay ka soo dawarsadaan dadka dariska la ah.

Muddadii ay shaqaynaysay waxay kartay inay iska gudo $100 oo ay ku laahaayeen dad ay raashin iyo arrad-tir uga qaadatay. Waxay xustay inay ka raysatay waydiin joogta ah oo ay kala kulmi jirtay, halka qaarkood ay ugu goodin jireen inay xiri doonaan.

Ganacsigan wuxuu sidoo kale u sahlay in saddex carruurteeda ah oo dhaqaale la’aan uga haray 2025 iskuulka ay dib ugu celiso bishii Febraayo. Waxay ka kabsatay cabsi ka haysay mustaqbalkooda waxbarasho.

“Horray waxbo uma dhigan jirin. Hadda dugsi iyo iskuul labadaba waa dhigtan. Saddex ayaa iskuul ii dhigta saddexna dugsi ayay dhigtaan. Kuwa dugsiga dhigta $5 ayaan qofkiiba ka dhibta. Kuwa iskuulkana $6 qofkiiba. Alxamdullilah nolol dhan walbo ka wanaagsan ayaan ku jirna hadda.”

Nuurto ayaa sheegtay in bartamihii bishii Maarso ay hirgelisay xarun labaad oo ay fursad shaqo ka heleen labo nin oo qaabilsan rasaynta mooska.  Dukaanka cusub waxay u dhiibtay ninkeeda oo horay baaga-muuddo u ahaa si ay iskaga kaashadaan ballaarinta ganacsigooda.

Waxay si maalin la ah u siisaa raggaas $2. Baqaarka cusub ayay tilmaamtay inay uga soo baxdo $50 oo ah kirada labada dukaan ee ay ku ganacsatado.

Maalgalinta loo sameeyay ka sokow waxay tilmaamtay in la siiyay tababar ku aadan sidii ay u maarayn lahayd ganacigeeda.

Ka hor fursadan haweeynaydan ayaa musruufka reerka soo saari jirtay wareejinta mooska oo inta badan ka qasaari jiray. Marka ay hesho macaamiil ka iibsato waxay kala soo hoyan jirtay $1 illa 1.5 oo aan waxbo ka tari karin baahida reerka.

Maalgelintan oo u jeedkeedu ahaa in qoysaskaan ay gaaraan isku filnaan dhaqaale ayaa u muuqata mid miradhal noqotay. Fowsiya Bilaal Tifow waxay nolol xumo haysay ka saartay 8 carruur ah oo ay dhashay ayna kali ku tahay maaraynta noloshooda.

Waxay ka mid noqotay 15 qof oo loo maalgaliyay saddex beero dadan (Green house) ah oo loogu tala galay in y isla tacbadan. Waxay xustay in la siiyay beeraha oo diyaarsan, abuur iyo tubbooyin loo soo xiriiriyay oo ay ku waraabsadaan.

Yaanyo iyo qajaar ay galiyeen bishii Novermber ayay tilmaamtay in ay goosashadooda soo billaabeen bishii Febraayo. Waxay si joogta ah ugu iib-geeyaan suuqyada maagalada Afgooye. Waxay kala qaybsadan faa’iidada ay ka helaan.

Waxay xustay in halkii toddobaad qofkiiba helo lacag u dhexaysa $27 illaa $30. Lacagtaas ayay ku maaraysaa baahiyaha carruurteeda oo 8 ah.

“Wax wayn ayaa nolosheena iska beddelay. Horray dad wax haysta ma ahayn. Alxamdullilah hadda ilmaheena cunno ku filan iyo waxbarasho ayaan u helnay. Qudaar ayaan beerana labo maalin kaddib waan iib gaynaa. Wixii aan ka helno ayaan nolosha ku dabarnaa.”

Fowsiya ayaa sheegtay in masruufka carruurteeda ay ka soo saari jirtay falidda beeraha iyo sambuus ay ku wareejin jirtay xaafadaha magaalada Afgooye, kuwaas oo ay ka heli jirtay $2 oo aan joogto ahayn. Marka ay soo waydo waxay ku qasbanaan jireen inay currurrteedu qatooyo ku joogaan.

Dhanka kale waxay sheegtay inay ka soo kabatay welwel joogto ah oo ay kala kulmi jirtay bixinta kirada labo qol oo jiingad ah oo bishii laga qaadi jiray $10. Waxay xustay in haddii ay bixin wayso laga saari jiray bilaha qaar, taas oo ayad culayska ugu wayn. Waxay mudan jirtay in ay dulsaar ku noqoto qoysas kale inta ay lacagtaas bixinayso.

Bishii tobannaad ee 2025 ayay xustay inay dad ay ehel- yihiin oo ay u dan sheegatay ay ka bixiyeen, taasi oo suuragalisay in ay dib ugu noqdaan. Intii ay shaqaysanaysay waxay ka nasatay caqabadaas.

“Rajadayda aad ayay u fiican tahay. Shaqo abuur ayaan helnay inaago koox ah ayaa beerta kawada shaqaysano. Inaan sii hormarino ayaan rabnaa, tacab intaas ka badana aan soo saarno. Waa mahadsan yihiin dadka maalgalinta noo sameeyay.”

Fowsiya ayaa tilmaamtay in bishii hore ay dugsi Qur’ aan ku dartay labo carruur ah oo horray waxbarasho la’ aan uga ahaa. Waxay isku darkooda ka dhibtaa $4.

Dhanka kale Ibrahim Maxamed Ibraahim oo ah maareeyaha barnaamijkan ee hay’adda ARIDLIFE ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in dadkan lagu soo xushay baahidooda iyo sidii ay u kala liiteen.

Waxay kala joogaan degmooyinka Afgooye iyo Balcad. Wuxuu sheegay in maalgalintaas ay wax weyn ku soo kordhisay.  Qofkasta waxaa la siiyay ganacsi uu faa’iido ka keeni karo, maaddaama tababaro iyo taageero la isugu daray.

Dadka xoolaha loo gartay, waxaa  loogu daray kuwo irmaan oo ay caano ka heli karaan, waxaana sidoo kale joogto loo siiyaa calaf si ay nacfi joogto ah uga helaan.

“Ujeedeeda waxay ahayd in dadka laga garab siiyo xaaladda ay ku jiraan. Qof kasta wixii uu khibrad u lahaa ayaan siinnay, tusaale haddii uu xoolo dhaqato ahaa xoolo ayaa la siiyay, haddii uu ganacsade ahaa ganacsi ayaa loo ballaariyay, haddii uu beeraley ahaa beeraha dadan ayaa loo sameeyay. Qayb dadka ka mid ah oo dalbaday shini ay dhaqdaan waan siinay. Mashruucu muddo shan sano ah ayuu soconayaa. Waxaan hiigsanayna inaan muddadaasi gaarno 650 qoys oo deegaannadan ku nool.”

Fursadaha maalgalinta ah oo ay marar dhif ah helaan qoysaska dhaqaalahoodu hooseya ayaa wax badan tara. Waxay u noqota tallaabo u horseedda in ay ku dhiiradan in ay wax ka beddelaan xaaladaha ku gadaman.

Previous Post

Nolol xumo ka dhalatay qaxootiga Dhadhaab oo laga jartay gunno gargaar oo la siin jiray

Related Posts

Nolol xumo ka dhalatay qaxootiga Dhadhaab oo laga jartay gunno gargaar oo la siin jiray
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay qaxootiga Dhadhaab oo laga jartay gunno gargaar oo la siin jiray

April 24, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Roob la’aan sababtay dhaqaale xumo iyo dayn la’aan nolol xumo biday reer miyiga Galgaduud

April 24, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nolol xumo ku wajahaya Baydhabo markii laga gubay beero iyo kayd raashin

April 21, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd
Wararkii u Danbeeyay

Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd

April 16, 2026
Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

April 16, 2026

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 24-APR-2026

IDAACADDA 24-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 24-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 24-APR-2026
April 24, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 23-APR-2026
April 23, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-APR-2026
April 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-APR-2026
April 21, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-APR-2026
April 20, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo