(ERGO) – Boqollaal qoys oo ah xoolodhaqato ku cayroobay roob yarida soo laalaabatay oo ku nool tuulooyin ku teedsan togga-jacayl ee gobolka Bari ayaa ka soo kabtay nolol xumo ay muddo wajahayeen, markii ay billaabeen horraantii sanadkan in ay iib-geeyaan caw ay soo guraan.
Waxay sheegen in ay ka maareeyeen nolosha oo horay ay xal u la’aayeen. Siciid Barre Saalax oo ka mid wuxuu ku filnaaday masruufka qoyskiisa oo 8 qof. Wuxuu xusay in $16 uu toddobaadkii ka faa’iido ugu yaraan 8 xargo oo uu suuq geeyo ayuu xusay in ay u sahashay.
Ninkaan oo horay xoola dhaqato u ahaa ayaa tilmaamay in 100 ari ah oo ay noloshoodu ku tiirsanayd ay uga la’deen daaq yari ka dhalatay roob la’aan afar xilli jirtay iyo cudurro aysan aqoonsan oo isku raacay.
Waxay muddooyinkii danbe qoyskiisu dabka ku shidanayeen kaalmo ay ka helaan dad ay u dan sheegteen iyo dayn, kuwaas oo uu hadda ka maarmay.
“Labo waqti oo quraacda iyo qadada ah ayaan hadda dabka shidanaa. Shaqadan waa iga dabartay biilka reerka. Barwaaqo ayaan hadda ku jirna. Nolol xumadii hore noo haysay hadda waa ka baxnay. Illahey ayaa ku mahadsan.”
Siciid ayaa sheegay in qoyskiisa ay biyaha ka helaan illo-biyood ku yaalla Togga, taas oo keentay in ay u baaqato $5 oo ay fuustadii iibiyaan booyado keena miyiga ku dhaw. ka hor shaqadan wuxuu xusay inuu ku hungoobay raadinta shaqooyin xamaal.
Wuxuu tilmaamay in bartamihii sanadkii hore uu isku dayay inuu wax tacbado, balse aysan fikraddaasi mira dhal u noqon. Waxaa ka qasaartay basal uu dayn ku galiyay beer labo hiktar ah oo uu leeyahay nin ay ehel yihiin.
Wuxuu iib uga waayay suuqyada magaalada Bosaaso oo uu geeyay, taas quus galisay. Ninkaan ayaa sheegay in horray uusan wax xirfad ah u lahayn guridda Cawda ayna tahay markii ugu horaysay, balse ay u noqotay il dhaqaale oo ay qoyskiisa kaga soo kabteen nolol xumo haysay.
“Masruufka ilmaha ayaan ka raadsada, taas ayaan igu dhalisay inaan qabto. shaqada aan qabto waa gurida cawda. Caw badan ayaan soo jarna, waa qalijina, markii ay diyaar noqoto ayaan xargo xargo iskugu xirna, markaas kaddib ayaa gadiid waxaad haysato saaranayasa oo aad iib gaynayso.”
Saciid ayaa sheegay in Cawda uu iib geeyo deegaannada iyo tuulooyinka ku dhaw. Wuxuu xusay inuu ku qaato gaari-dameer uu horay u laha. Wuxuu sheegay in ay u baaqatay $15 oo xogsatada kale gadiidka uga baxdo si ay Cawda u iib gaystaan.
Muddadi uu shaqaynayay waxaa ninkaan u suuragashay in qoyskiisa uu ka saaro hoy la’aan haysay. Qol iyo barsad ka sameeysan caw iyo tiirar la isku geeyay ayuu sheegay inuu u dhisay bishii Maarso.
Wuxuu xusay in dhismaha ay uga baxday $160 oo uu ku soo gaday bac iyo tiirarka iyo in uu siiyay shaqaalaha dhisayay. Waxay horay ugu noolaayeen cooshad aan ka celin karin qabowga iyo qoraxda.
Ninkaan ayaa sidoo kale awooday inuu waxbarasho ku daro bishii Febraayo Labo carruur ah oo aan wax u baran jirin, kuwaas oo uu bishii isku darkood ka dhiibo $20. Labo kale oo uusan wali gayn ayuu xusay inuu qorshaynaayo bilaha soo aadan.
Dhanka kale wuxuu iska guday $50 oo ka mid ahayd dayn $700 ah oo ku gashay abuurkii beerta iyo raashin uu qoyskiisa u soo qaaday. Wuxuu sheegay inuu ka yaraaday walwal iyo waydiin joogta ah oo ay ku haysay daynta.
Ninkaan oo waligii reer miyi ahaa ayaa tilmaamay in 19 neef oo uga haray kuwii ka dhintay ay hadda yihiin wayd aan wax nacfi lahayn, balse uu rajaynayo in ay ugu soo dhigaystaan roobabka gu’ga ee hadda billawday.
Xoola dhaqatada Togga oo kalliya kuma faa’iidin howshan waxaa jira reer miyi kale oo hayan naaq raadin ah ku yimid oo shaqo abuur ka helay.
Maxamed Cabdiraxmaan Cumar wuxuu noloshoodu ku filnaaday qoykiisa oo 12 qof ah. Wuxuu sheegay in toddobaadkii ay soo gasho lacag celcelis ahaan u dhaxaysa $15 illa $20.
Waxay ka soo kabteen cunno xumo badday in ay halmar dabka shidan waayaan. Waxay horay ugu tiirsanaayeen kaalmo ay ku caawiyaan dadka dariska ah, taas oo aan ku filnayn. Wuxuu tilmaamay in shaqadaan cusub ay u horseeday isbeddel wayn oo ay mahdiyeen.
“Hal waqti oo joogta ah ayuu reerka hela hadda. Qaado, quraac ama casho ku filan ayay dabka wax saartaan. Hadda ayaan ka fiicnahay markii hore. Intaas ka badana waan rajaynayna.”
Maxamed ayaa bartamihi sanadkii hore ka soo tagay deegaanka Gumbaax, markii daaq iyo biyo uu u waayay 30 neef oo uga haray 130 uu dhaqan jiray. Ka hor howshaan ninkaan ayaa ku soo hugoobay inuu kallumaysto deegaankiisa.
“Jiilaalka dhacay shaqada cawda waa sameeyay oo xilliyada barwaaqada ayay dadku wax iibsadan. Waan rajayna in Illahey roob yarida naga saaro.”
Maxamed ayaa sheegay in uu billaabay kayd. Wuxuu meel dhiga $10 bishii, taas oo qorshaynayo inuu ku dabaro culasyada ku soo kordha. Wuxuu xusay in sidoo kale uu rajaynaayo in bilaha soo aadaan uu waxbarasho ku daro saddex carruur ah oo wax baran, kuwaas oo ay wax la’aanta ka hortagnayd.
Qoyska Maxamed oo xoola dhaqato ayaa roob yari soo jirtay tan iyo sanadkii 2024 ku waayay boqol ari oo ay dhaqanayeen. Waxay uga la’deen biyo yari, baad xumo iyo cudurro uu u tabar waayay.
Xoola dhaqatada Soomaaliyeed oo intooda badan ku cayrtoobay isbeddelka cimilada ee soo laalabtay ayaa u jihaystay in ay abuurtaan ila kale oo dhaqaale si ay u maareeyaan nolosha qoysaskooda.
Salaad Maxamuud Axmed oo ah guddoomiyaha xoogsatadan ayaa Radio Ergo u sheegay in iibinta Cawda ay ka shaqaystaan boqollal qof oo rag iyo dumar iskugu jira, kuwaas oo ku dhiiraday, markii ay ogaadeen in ay suuq leedahay.
Waxaa fursad hankooda kabtay u noqday Togga oo leh geedo badan oo Cawda laga soo saari karo.
“Dadka ka shaqaystaa waa dad meesha degenaa iyo dad u soo guuray si ay nolol-maalmeedka uga soo saartay howhshaan. Waxaa ku jira haween waayay tab kale oo ay reeraha ku masrrufaan. Dhamaantood nolosha ayay ka maareeyaan waana ladan yihiin. Inta hadda ka shaqaysato waxaan nahay dad iska warqabo oo is waca isna xaal waraysta oo is og.”
Abaaraha soo noqnoqda ee isbedelka cimilada uu sababay ayaa cayrtow bida boqollal qoys oo xoola dhaqato ah. Inkastoo fursadaha la heli kara ay xadidan yihiin haddana qaar ayaa la yimidaa fikrado mira dhala oo ay kaga soo kabtan xaaladaha ku gadaaman.










