Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga saaray xarumaha dowladda oo duleedka Muqdisho ku wajahaya nolol xumo

Jibril Osman by Jibril Osman
October 13, 2025
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Cunto-Yaraanta, Wararkii u Danbeeyay
0
blank
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Cunno yari, hoy xumo iyo waxbarasho la’aan ayaa isku biirsaday qoyska Xaliimo Maxamed Cabdi oo ku biiray xero barakac, markii laga raray bishii July ee sanadkan xarun dowladeed oo hoy u ahayd 14 sano.

Waxay degtay xerada Danyar oo ku taalla duleedka Muqdisho, halkaas oo ay ku wehliyaan 120 qoys oo laga saaray dhulka dowladda. Waxay ka siman yihiin duruuf nolol xumo oo ay ka dabaalan-waayeen.

Waalidiinta qoysaskan waxay ahaayeen muruq-maal nolol-maalmeedka u heli jiray carruurtooda. Xaliimo waxaa ka istaagtay shaqo nadaafadeed oo ay u qaban jirtay qoysas ay daris ahayeen.

Xaaladdan waxay ku qasabtay in ay dulsaar ku noqdaan dad ku nool xerada ay dageen, kuwaas oo ku taageera 24 saacba hal mar cunno bisil oo aan joogto ahayn. Waxay gocanaysaa nolosheedii hore.

“Markii aan degganaa Muqdisho nolosheenu way fiicnayd, laakiin tan hadda aan ku noolahay aad iyo aad bay iigu daran tahay. Hoy mahaysano, cuntana mahaysano. Wax ku haysano malahan, adeer iyo ehelna ima taageerto. Cid wax igu tarta midna malahan.”

Waxay tilmaamtay in carruurteeda oo 6 ah saddex ka mid ah ay u gaysay qoys reer miyi ah oo ehello yihiin, kuwaas oo ku nool gobolka Shabeellaha hoose. Waxay xustay in ay awoodi waysay daboolidda baahidooda cunno.

Waxay ku tiirsanaayeen ka hor inta aysan ku biirin xerada lacag u dhaxaysa $4 ilaa $6 oo maalinle ay uga heli jirtay shaqada nadaafadda guryaha, taasi oo hadda meesha ka baxday. Xaaladdan waxaa u wehlisa biyo yari ku haysa xerada ay ku baraceen.

Haweenaydan ayaa sheegtay in 20 liitar ee biyaha ah laga siiyo dadka ku nool xerada labo kun oo shilin soomali ah. Waxay tilmaamtay in ay ku ku adagtahay helidda lacagtaas.

Afar ka mid ah ayaa ka haray iskuulka hoose iyo dhexe ee Muqdisho oo bilaash ay ku dhiganayeen, kaas oo gacanta ay ku hayso wasaaradda waxbarashada Soomaaliya.

Xerada ay ku barakacday waxaa ku yaalla iskuul waxbarashadiisu ay lacag tahay, hase ahaate carruurta Xaliimo aysan awood u lahayn. Waxay sheegtay in halkii cunug lagu xujeeyay in ay ka bixiso $10.

“Lacagtaas ma awoodi karo bixinteeda, sidaas awgeed ayaan iskuullada uga jooga. Lacag ayaa la iska rabaa. Waa in cunug walba bishiisa aad bixisaa, mana awoodi kari.”

Qoyska Xaliimo waxaa laga soo raray xaruntii caafimaadka ee dowladdii dhexe ee dalka. Waa sar qadiimi ah oo ku dhow iskuulka bilaashka ah ee carruurtu Xaliimo ay dhigan jireen.

Xaruntan ayaa gabaad u ahayd iyada, carruurteeda iyo qoysas kale, kuwaas oo duruuftu bidday in ay hoy ka dhigtaan, markii ay ku barakceen gudadaha dalka abaar iyo colaad darteed.

Xaliimo ayaa Raadiyow Ergo u sheegtay in laga barakiciyay dhulka ay ku noolaayeen iyadoo aysan dowladdu siinin wax war-galin ah.

“Annaga oo aan ogayn ayaa nala soo galay. Jajabis ayaa nalagu billaabay. Wax war-galin ah oo nala siiyay ma jirto. Waan ka gaashaaman lahayn haddii aan war-galin heli lahayn. Waxaan samayn lahayn qorshe aan meel kale ku gaarno. Nalama soo gaarsiin.”

Dhulka laga raray oo markii hore ay macaiin-bidday ayay xustay in ay ku baraarugsanayd maalin uun in laga raridoona, balse kadis looga dhigay, baddelkeed se waxay jeclaan lahayd in la siiyo waqti ay ku raadsato meel u dhaanta xero barakac.

Xaliimo waxay ka soo barakacday 14 sano ka hor miyiga dagmada Marka, halkaas oo ay ku haystay beer. Dadka la midka ah ee laga saaray dhulka dowladda ayaa u badan dan yar iyo dad soo barakacay oo aan awoodin in ay dagaan guryo kiro ah.

Xeerdheerayaasha ku taqasusay cilmiga sharciga ayaa aaminsan in dowladdu ay xaq u leedahay in ay dib u la wareegto dhulkeeda, balse laga rabo in ay raacdo hab-raac dhowraya xuquuda muwaadinka iyo caddaalad u samaynta dadka.

Sharciyaqaan Yuusuf Axmed Cali ayaa Raadiyow Ergo u sheegay barakacinta qasabka ah in ay ka dhalan karto xaalad bini’aadannimo oo halis galin karta dadka nugul ee aan haysan meel ay maciin-bidaan.

“Dowladdu waa in ay raacdaa hab sharci ah marka ay doonayso in ay dad ka raro dhul ay hore u deganaayeen, xitaa haddii dhulkaasi yahay mid dowladeed. Waa in horey loo sii ogeysiiyo dadka, lana siiyo waqti ay ku diyaargaroobaan ama meel kale uga guuraan, iyadoo sidoo kale la hubinayo in dadkaasi aan lagu ridin xaalad bini’aadantinimo oo adag.”

Ku dhawaad 142,000 qoys ayaa laga saaray guryihii ay degganaayeen tan iyo billowgii sanadkan sida ay sheegtay Qaramada Midowbay, kuwaas oo ku dayacan daafaha Muqdisho.

Waxaa ka mid ah Raxma Cabdulqaadir Cabdullaahi oo hooyo u ah afar carruur ah oo aabbahooda ay kal tageen. Waxay ladaalaadhacaysaa sidii ay uga samatabixin lahayd xaaladda adag ee ay wajahayaan.

Waxay ku nooshahay xerada Danyar ee duleedka Muqdisho tan iyo bishii Juun ee sanadkan, halkaas oo cunno xumo iyo hoy la’aan ay ku wajahayso. Waxaa u dhisan buus baco iyo kartoomo ka samaysan.

Waxay tilmaamtay in aysan helin cunno iyo biyo ku filan, maaddama qoyska ay la dageen uusan maarayn karin noloshooda. Raxma ka hor barakacan waxaa u wacnayd nolosha.

Waxay ku haystay hoy iyo meherad ganacsi oo ku iibin jirtay khudaarta iyo bagaashka guri qadiim ah oo ku agyaalla Ex-koontoral Afgooye, halkaas oo dowladdu ay ka saartay dad ku jiray.

“Gurigii iyo ganacsigii yaraa ee aan isku haystay waa layga burburiyay. Nolol-maalmeedkan ka heli jiray. Waxbarashada labo cunugna waan ka baxsan jiray. Hadda waxay danta iyo duruuftu igu qasabtay in aan buush soo galo, markii barakac nagu dhacay oo kala guurnay dadkii midba meel buu ugala carar. Qof kasta meeshii uu yaqaanay ayuu aaday, ana halkan baan iska soo galay.”

Dhaqaale maalinle oo u dhaxeeya $4 ilaa $7 ayay ka heli jirtay ganacsigeeda meesha ka baxay, kaas oo ay u qaybin jirtay, nolol-maalmeedka carruurta iyo waxbarashooda billaha ah.

Raxma iyo carruurteeda waxay la qabsan la’yihiin nolosha barakaca oo markii ugu horraysay ay wajahayaan. Nabad-galyo iyo soo dhawayn kamaysan helin.

Billowgii safarkooda barakaca waxay la kulmeen dhacdo xaaladda ku sii xumaysay.

“Buushka ayaan jiifnay. Waa naloo soo dhacay. Dhinac ayuu ka soo galay. Wuxuu naga qaatay raashinkii iyo dharkii aan haysanay. Waan ku soo kacnay wax ku gaara ayaa la waayay. Guriga haween bas baan ku joognay. Rag nalama joogin. Dharkayga iyo dharkii ciyaal ayuu ahaa, cuntadana wuu qaatay. Waxay ahayd kis yariis ah oo muslim uu noo keenay oo carruurta aan u karsan rabay. Wax kale oo aan haysano malahan. Joodari ma ahaysano, salina mahaysano oo aan ku fariisano.”

Waxay tilmaamtay in qulqulatooyinka amnidarro ee ka dhanka ah dadka soo barakacay ay ku badan yihiin xeryaha. Dhibaatooyinka isbiirsaday ee ku haysta xerada ayay sheegtay in ay rajo beel ka dhigeen.

Muddo siddeed sano ah ayay ku nooleed dhulka dowladda ee ku yaalla Muqdisho, markii ay ka soo barakacday miyiga dagmada Balcad, halkaas oo abaar xoolo la’aan dhigtay ay ku saamaysay.

Qoysaska laga saaray dhulka dowladda waxaa qayb ka ah kumaanaan carruur ah oo waxbarasho la’aan noqday, markii ay ka fogaadeen xarumihii waxbarasho. Dowladda Soomaaliya weli xal uma helin maaraynta qoysas baylahda noqday.

Previous Post

Guddi ay samaysteen dadka barakaca ku ah Baydhabo oo fursado shaqo u helay 500 qof

Next Post

Gedo: Gargaar la’aanta ka jirta xeryaha oo sababtay burbur ganacsi iyo nolol xumo

Related Posts

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dad ka barakacay colaadda Baydhabo oo dhibaato cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

April 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay biyo yari ku haysa Muqdisho in ka badan 12,000 oo qoys

April 6, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Ceelal qalalay oo biyo la’aan dhigay qoysas ku nool gobolka Sool

April 3, 2026
Next Post
blank

Gedo: Gargaar la'aanta ka jirta xeryaha oo sababtay burbur ganacsi iyo nolol xumo

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 15-APR-2026

IDAACADDA 15-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 15-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-APR-2026
April 12, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-APR-2026
April 11, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo