Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Guddi ay samaysteen dadka barakaca ku ah Baydhabo oo fursado shaqo u helay 500 qof

Jibril Osman by Jibril Osman
October 10, 2025
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay
0
Guddi ay samaysteen dadka barakaca ku ah Baydhabo oo fursado shaqo u helay 500 qof

Mum

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – In ka badan 500 oo qof oo ku nool xeryo ku yaalla duleedka magaalada Baydhabo ayaa helay fursado shaqo oo noloshooda ay ku maareeyaan. Guddi dadka barakacay ka mid ah oo isxilqaamay ayaa ku xiray goobo shaqo oo mushaar kala duwan ay ka qaataan.

Dadkan oo isugu jir rag iyo dumar waxay si maalinle ah u qabtaan shaqooyinka dhismaha, nadaafada, cunno karinta iyo kuwo kale oo xoogsi ah. Waxay qoysaskooda ka saareen xaalado nolol xumo ah oo ay horay u wajahayeen.

Ciise Macalin Cali oo dadkan ka mid ah wuxuu bishii Juun bilaabay shaqo dhismaha guryaha ah oo uu maalinle u aado. Wuxuu habeen walba kala soo hoydaa $4 oo u noqotay il dhaqaale oo joogto ah. wuxuu sheegay inuusan hadda ka walwalin masruufka qoyskiisa oo lix qof ah.

“Waxaan u shaqaynayaa sidii aan noloshooda u hormarin lahaa carruurta dharkooda iyo cuntadooda Ilaahay ayaa i siiyay hadda walwal ma qabo.”

Ciise ayaa sheegay in uu shaqadaan ka helay nolol iyo rajo uusan horay u haysan. Wuxuu si buuxda ugu filnaaday dhamaan baahiyaha reerkiisa oo meel kale uusan dhaqaale ka soo galin. Lacagta uu qaato wuxuu ku bixiyaa ugu horayn cunnada, biyaha iyo waxbarashada.

Wuxuu xusay in gaari-dameero biyaha ka keena ceel u jira 4 km ay maalinkii ka iibsadaan 3 jirigaan oo laga siiyo 9 kun oo shilin. Horay waxay ku tiirsanaayeen shan illaa 10 liitar oo deriska ay ka baryaan.

Ninkaan ayaa sheegay inuu bishii Luulyo dugsi qur’aan iyo iskuul hoose ku daray saddex carruur ah oo horay aan wax ugu baran jirin dhaqaale la’aanta darteed. Isku darkooda wuxuu ka dhibaa $15. Wuxuu xusay inuu sidoo kale shaqadan xirfado ku bartay.

“Anigu dhismaha waa fahmay. Dhagaxa, ciid iyo wixii la mid ah ayaan qaadaa. Shaqadan waxaan ka helaa maalintii boqol kun oo shilin, taas oo markii hore aanan heli jirin. Wax weyn ayay ka beddeshay nolosheena shaqadan.”

Ciise ayaa sheegay in illaa bishii shanaad ee sanadkii hore oo uu xeryaha yimid uu shaqo ka raadinayay Baydhabo, balse uusan ka helin. Isagoo quus jooga ayuu ka war helay inay jiraan guddi dadka barakacay ku xariiriya shaqooyinka muruq maal ah.

Wuxuu iska diiwaangaliyay guddiga bishii labaad ee sandkan, shaqadana waxay geeyeen bishii lixaad. Ciise ayaa sheegay in tan iyo markii uu shaqada bilaabay uu ka dhigtay kayd konton dollar ah, isagoo sidoo kale iska bixiyay $80 oo ku dhawaad sanad lagu lahaa.

Ninkaan oo 44 jir ah wuxuu noloshiisa oo dhan ku soo qaatay miyiga gobolka Bay oo beeralay uu ku ahaa. Qoyskiisa ayaa 2024 colaado iyo roob la’aan isbiiraday uga soo barakacay duleedka degmada Diinsoor.

Waxaa xilligaas ka qalalay dalagyo isugu jiray digir, galey iyo masago oo u saarnaa beer roobaad labo hektar ah oo ay noloshoodu ku tiirsanayd.

Guddi ka howlgala 95 xero oo Baydhabo ku yaalla ayaa horaantii sanadkaan billaabay in ay isku xiraan shaqo doonka barakaca ah iyo goobaha ay fursaduhu ka bannaan yihiin. Tallaabadan ayaa horseeday in danyar badan ay qoysaskooda u helaan cunnada iyo biyaha oo markii hore ciriiri ku ahaa.

Muumino Mukhtaar Axmed ayaa ka mid ah dadka fursadaan ka faa’iidaystay. Waxay sheegtay in qoys degan magaalada Baydhabo ay u qabato nadaafada guriga, dhar dhaqida iyo cunno karinta. Waxay bil kasta siiyaan $100 oo u suuragalisay in ay daboosho baahiyaha carruurteeda oo 7 ah.

“Waxaan ka fakari jiray ilmahayga dharkooda cunnadooda iyo waxbarashadooda. Habeennada qaar carruurtayda gaajo ayay ku seexan jireen shaqadaan ka hor. Hadda dhibkii waa ka baxnay.”

Muumino ayaa sheegtay in xerada Wariishe ee ay degan tahay ay hal saac oo socod ah u jirto magaalada Baydhabo. Toddobada aroornimo ayay ka baxdaa gurigeeda si ay shaqada u gaarto labo saac oo subaxnimo. Waxay dib u soo laabataa shanta galabnimo maalin kasta.

Haweenaydaan ayaa xustay in ay tahay qofka kali ah ee qoysku ku tiirsan yihiin. Odaygeedu aragga ayuu la’ yahay carruurteedana waa yar yar. Waxay tilmaamtay in socodka dheer iyo shaqada badan ay daal kala kulanto, balse ay ku qasban tahay.

Muumino ayaa sheegtay in ay xalisay culays dhaqaale oo ay wajahaysay intii ay shaqo la’aanta ahayd. Afar carruura ah ayay bilowgii bishii hore waxbarasho ku dartay, taas oo ay u aragto in ay mustaqbalkooda wax weyn uga dhigan tahay.

“Ciyaalka dugsi iyo iskuul ayay iigu jiraan $20 ayaan ka dhiibaa. Saddex bil oo aan ka shaqaynayay waa noolaanay waxkasta waa helnay.”

Muumino ayaa sheegtay in intii aysan shaqadaan helin ay qoyskeedu ku tiirsanaayeen wax ay ka soo dawarsato xaafadaha magaalada oo hal mar ay dabka saaran jireen. Markii aysan kaalmadaas helin ayay xustay in ay qatooyo ku joogi jireen.

Qoyskeeda waxay hal mar labadii toddobaad shubtaan fuusto biyo ah oo $2 laga siiyo. Waxay xustay inay dhaqalaystaan si ay muddo dheer u gaarsiiyaan.

Shaqadaan oo ay bilowday labadii Juun ayay ka keydsatay lacag.  Waxayna iska bixisay deyn boqol dollar ah oo carruurta ay dhowr mar raashin ugu soo qaadatay. Waxay ku han weyn tahay inay lacag badan aruursato si ay guri u dhisato uguna maarayso baahiyaha soo baxa.

Muumino qoyskeeda waxay sanadkii 2023 ka soo barakaceen miyi qiyaastii 40 km dhanka bari kaga beegan magaalada Baydhabo. Abaar saamaysay ayaa ka dhishay 29 ari ah oo ay dhaqanayeen, sidoo kalena nacfi tirtay beer 3 hektar ah oo raashin ay ku beeran jireen xilli-roobaadka.

Ibraahim Cabdullaahi Isxaaq oo ah guddoomiyaha guddiga shaqooyinka ku xariiriyay dadkan ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in shantii bil ee ugu dambeysay ay ku guuleysteen in ay shaqo geeyeen in ka badan 500 oo qof oo barakac ah.

Wuxuu xusay in ay xiriir la leeyihiin ganacsatada, iskaashatooyinka, maamulka iyo hay’adaha deegaanka ka howlgala. Waxay sidoo kale xog ogaal u yihiin daruufa ay ku sugan yihiin dadka xeryaha ku jira, taas oo keentay in ay shaqooyinka bannaan u fududeeyaan dadka u baahan.

“shaqada sida la rabo ayay u qabsadaan wax dacwo ah noogama soo laabato oo shaqada iyagaa u baahan. Waxyaabo badan ayaan ku caawinaa haddi jid la xaaqayo. Haddii nadaafad ay tahay waa muruq-maal dadkan.”

Haddii ay meelo badan gaarto howsha ay guddigaan billaabeen waxay xal u noqon kartaa kumannaan qof oo nolol adag ku wajahaya xeryihii ay soo maciin bideen, markii ay isku raacday shaqo yari iyo deeqihii hay’adaha oo yaraaday sanadihii danbe.

Previous Post

Bakool: Haween dhisidda guryaha u legeeya masaafo dheer si ay u quudiyaan carruurtooda

Next Post

Qoysas laga saaray xarumaha dowladda oo duleedka Muqdisho ku wajahaya nolol xumo

Related Posts

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dad ka barakacay colaadda Baydhabo oo dhibaato cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

April 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay biyo yari ku haysa Muqdisho in ka badan 12,000 oo qoys

April 6, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Ceelal qalalay oo biyo la’aan dhigay qoysas ku nool gobolka Sool

April 3, 2026
Next Post
blank

Qoysas laga saaray xarumaha dowladda oo duleedka Muqdisho ku wajahaya nolol xumo

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 15-APR-2026

IDAACADDA 15-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 15-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-APR-2026
April 12, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-APR-2026
April 11, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo