Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gedo: Gargaar la’aanta ka jirta xeryaha oo sababtay burbur ganacsi iyo nolol xumo

Jibril Osman by Jibril Osman
October 15, 2025
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Cunto-Yaraanta, Wararkii u Danbeeyay
0
blank

Xaliimo Axmed oo waddada la fadhida khudaar yar oo uga danbaysa ganacsigeedii/Maxamuud Cabdirashiid/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Cunno yari ayaa soo wajahday qoysaska in ka badan kontan haween ah oo ku nool xerada Kabaaso ee dagmada Doolow ee gobolka Gedo. Xaaladdan ayay galeen markii ay ka xirmeen ganacsiyo ay noloshoodu ku tiirsanayd lixdii bilood ee la soo dhaafay.

Sababta keentay burburka ganacsiyadoodii ayay ku sheegeen qulqulka lacagta oo yaraaday, taas oo horseeday inay waayaan dadka wax ka gata. Arrintan ayaa timid markii xerada uu ka istaagay kab dhaqaale oo ay bille qoyska uga heli jireen hay’adaha sama-falka.

Hibo Xasan waxay maarayn la’dahay nolosha 8 carruur ah oo lagu furay isla markaaana aan lagu daryeellin. Waxaa dhamaadkii Bishii Luulyo ka xirmay miis yar oo ay ku gadi jirtay yaanyo, basal, baradho iyo noocyo kale. Haweeneydan ayaa ka fursan wayday inay dadka kaalmo waydiiso si hal xilli ay dabka ugu shido reerka.

“Waad dareemi kartaa hooyo waqtigan joogto, aabbo caawinaya uusan jirin. Waxaa laga yaabaa meesha saddexda waqti dadka caadiga ay wax ka cunaan in halkii waqti uu hadda anaga nagu ahaado gawaabsi. Hadda wax shaqo ah oo aan qabto malahan.”

Hibo ayaa tilmmaamtay inay ganacsigeeda maalinle uga heli jirtay $10, taas oo kaga filnayd baahiyaha aasaasiga ah ee qoyskeeda. Waxay sheegtay in markii gargaarkii hay’adaha la waayay inay macaamiil la’aan ku dhacday.

Saameynta cunno xumo waxaa u dheer afar ka mid ah carruurteeda oo ku jiray fasalada, 5aad, 6aad iyo 8aad oo ka haray waxbarashada labo bil ka hor markii ay u weyday $30 oo bille ah, dharkooda, iyo buugaagtooda.

“Marka cunug aan yunifoom wadan iskuulada waa la soo ceeriyaa. Marka daruuftaas ayaa keentay in ilmaheyga ay iska joogaan oo aysan aadin waxbarashada.”

Haweenaydan waxay sheegtay in ganacsigeedii xirmay ay ku kabi jirtay $80 oo uu qoyskeedu gargaar ahaan ku soo gali jiray kana istaagtay toban bil kahor. Waxaa Sidoo kale suuqa looga yeeshay 500 doolar, taas oo iskugu jirto mid ay ku leeyihiin beeraley ay khudaar ka soo qaadatay bishii Juun iyo qeyb ay qoyska ugu qaaday raashin iyo dhar.

Hibo oo da’adeedu tahay 42 jir waxay suuqa ku jirtay afartii sano ee ugu dambeeysay mana ahayn mid u baratay baaga-muudanimada, taas oo ay la qabsan la’ dahay. Waxay ka sabri la’dahay ganacsigeedii oo ahaa rajadeeda horumarka.

“Hadii gacan qabsi aan helno oo dad nagu taageero oo na garab istaago aan helno waan jeclaan lahayn. In nala taageero oo nala garab istaago oo markaas iyada ah aan ku helno wax aan wax ku billowno si aan dib hadana nolosheeni usoo kabno.”

Hibo oo ganacsiga khudaarta ku billowday lacag dhan boqol doollar bishii Abriil 2021, waxay sheegtay inay ku taamaysay inay kaga baxdo nolosha barakac oo ay ku soo biirtay 2019, markii  ay abaar uga soo tagtay miyiga deegaanka Geedweyne ee gobolka Gedo balse maanta waxay joogtaa quus.

Haweenka ay ganacsiga ka xirmeen ayaa ka siman nolol xumada soo wajahday iyaga iyo qoysaskooda. Sacdiyo Cumar Muuse oo 50 jir ah waxay awoodi la’dahay inay cunno u hesho carruurteeda oo siddeed ah, tan iyo markii uu ka burburay bishii Juun ganacsigii ay nolol-maalmeedkooda ka soo saari jirtay.

Sacdiyo waxay gocanaysaa noloshii ay ku jirtay, markii ganacsigeedu uu shaqaynayay, maaddaama ay maalinle uga heli jirtay $8-10, taas oo ku filnayd nolosha iyo waxbarashada carruurteeda.

Raadiyow Ergo ayay u sheegtay inay ku dhacday shaqo la’aan markii uu dhaqaale burbur ku yimid  isla markaanna ay dib u cuneen lafihii. Hadda raashin ay soo dawarsato ayay ku quudisaa caruurteeda kaas oo ah mid aan ku filnayn qoyska. Waxay intaa raacisay inaysan joogto raashin ugu helin carruurteeda, taas oo keentay inay habeennada qaar gaajo ku seexdaan.

“Ganacsi meesha kuma hayno. Carruur baan meesha ku haysannaa. Carruurta wax aan u hayno ma jirto. Waxbaan iska ceerceersaneynay awalki hore. Hadda wax aan ceerceerino waan la’anahay. Saddexda waqti uma helo. Maalin waa ay qadayaan maalinna waxbaan u helaa.”

Sacdiya waxa ay intaas ku dartay in waxbarashada laga soo ceeriyay shan carruurteeda ah markii ay u waysay dhaqaale ay kaga bixiso iskuulka, maaddaama ay ka beeqaamin jirtay faa’iidaha ganacsigeedii.

Tan iyo bishii Septembar oo waxbarashada dib loo furay ayay sheegtay inay guriga u joogaan. Waxay ka walaacsan tahay mustaqbalkooda.

“Subaxdii ilmo ayaa ku sugaayo. Ilmaha iskuul ayay dhiganayeen. Iskuulkii hadda aniga ilmaha waa la iisoo ceeriyay, labo ayaa hadda dhigato shanti kale waa la iisoo ceeriyay waxaan u waayay lacagti aan siin lahaa. Buugoodi ayaanba awoodi waayay iyo qalinki. Hadana waxaa la dhahay waa lacag lacagtina waan u waayay.”

Haweeneydan ayaa ganacsiga ka xirmay ku billowday $20 sanadkii 2020, iyadoo gadi jirtay yaanyo. Dedaal kaddib 2022 ayay samaysay kobac dhaqaale oo u suura-galiyay inay daboosho baahida qoyskeeda.

Xasan Adan Cabdullahi guddoomiyaha iskaashatada ganacsiga khudaarta ee suuqa Kabaaso ayaa Raadiyow Ergo u sheegay inay suuqa ku soo celiyeen ku dhawaad toban haween ah markii ay ku kabeen lacago ay iska soo aruuriyeen ganacsatada suuqa ku jira balse ay jiraan dad badan oo aysan weli waxba u helin.

Xasan ayaa intaa ku daran in sababta ugu weyn ee haweenkan ay suuqa uga baxeen ay tahay gargaarkii hay’adaha oo joogsaday.

“Dadkii badanaa lafaha [lacagta dadka loo sooo diro] qaadanaayay waa go’een. waxay sababtay in ay suuqa ka baxaan. Ugu yaraan kontameeyo dumar ah ayaa suuqa ka baxay. Anagii ka guddi ahaan, suuqleey ahaan waan isku tagnay waxaan dhahnay maaddaama ay dadkii meesha ay baneeyeen macquul ma’aha dadkan intaan la’eg in labadan bilood meeshan baneeyaan oo ay suuqi ka baxaan. Ka ganacsi ahaan waxbaa isku qornay.”

Haweenkan waxaay ganacsiyada ka burburay ay ku jireen shantii sano ee ugu dambeeyay, waxay ka lahaayeen filasho ah inay ku gaaraan isku filnaan dhaqaale iyo inay ka baxaan nolosha xeryaha oo ku dabo dheeraatay. Balse maanta waxay ku jiraan xaalad quus ah.

Previous Post

Qoysas laga saaray xarumaha dowladda oo duleedka Muqdisho ku wajahaya nolol xumo

Next Post

Boqolllaal qoys oo abaar ka soo barakacay oo nolol xumo ku wajahay dagmada Xudur

Related Posts

Qoysas qaxooti ah oo ku helay xerada Dhadhaab xuquuq deganaansho iyo mid cunno
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas qaxooti ah oo ku helay xerada Dhadhaab xuquuq deganaansho iyo mid cunno

January 23, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Haweenka guryaha malaasa oo ku wajahaya Marka shaqo la’aan galisay xaalad quus ah

January 22, 2026
Qoysas cayroobay oo cunno xumo ku wajahaya Cadaado oo ay maciin-bideen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas cayroobay oo cunno xumo ku wajahaya Cadaado oo ay maciin-bideen

January 20, 2026
Kismaayo: Haween barakac ah oo dhaqaale ka hela miro lagu quudiyo xoolaha
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Kismaayo: Haween barakac ah oo dhaqaale ka hela miro lagu quudiyo xoolaha

January 19, 2026
Rag shaqooyin ka helay beeraha Muqdisho oo ku filnaaday nolosha qoysaskooda
Beeraha Iyo Xoolaha

Rag shaqooyin ka helay beeraha Muqdisho oo ku filnaaday nolosha qoysaskooda

January 16, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Heshiish laga gaaray colaaddii Xanan-buure oo soo kabasho u noqotay qoysas danyar ah

January 14, 2026
Next Post
Boqolllaal qoys oo abaar ka soo barakacay oo nolol xumo ku wajahay dagmada Xudur

Boqolllaal qoys oo abaar ka soo barakacay oo nolol xumo ku wajahay dagmada Xudur

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA-22-JAN-2026

IDAACADDA-22-JAN-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA-22-JAN-2026
Episode play icon
IDAACADDA-22-JAN-2026
January 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-JAN-2026
January 21, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-JAN-2026
January 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-JAN-2026
January 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-JAN-2026
January 17, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo