Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Boqolllaal qoys oo abaar ka soo barakacay oo nolol xumo ku wajahay dagmada Xudur

Jibril Osman by Jibril Osman
October 17, 2025
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Cunto-Yaraanta, Wararkii u Danbeeyay
0
Boqolllaal qoys oo abaar ka soo barakacay oo nolol xumo ku wajahay dagmada Xudur

Photo/kaydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – In ka badan kun oo qoys oo colaado iyo abaaro daba-dheeraaday uga barakacay deegaanno ka tirsan gobolka Bakool ayaa nolol xumo ku wajahaya xeryo ku yaalla magalada Xudur oo ay si isdaba-joog ah u tageen tan iyo billowgii bishii Agoosto ee sanadkaan.

Xabiibo Yaray Cali oo ka mid ah dadkaas waxay sheegtay in iyada iyo carruurteeda oo todobo ah ay biyo yari, cunno xumo iyo hoy la’aan isku biirsaday ku wajahayaan muddo bil ah xerada Mubaarak oo ay degeen. Waxay sheegtay in ay ku hungoowday filashadeedii ahayd in ay nolol tii hore dhaanta ka heli doonto xerada.

Hawenaydaan waxay timaantay in si ay carruurteeda ugu hesho wax ay halmar cunaan ay dantu ku qasabtay in ay dawarsato. Waxay ku wareegtaa magaalada iyada oo raadinaysa dad ay qaraabo yihiin ama ay is yaqaanaan, waxay u sheegataa xaaladdeeda iyaga oo siiya hadba waxay awoodaan walow aysan ku filnayn.

“Wax la cuno iska daaye halkaan jawigeeda xitaa lama qabsankarno, Kaamka iska joognaa nolol anaga heysano malahan meeshaan oon, kuleel raashinka loo  baahan yahay biyaha loo baahan yahay musqul xitaa  malahan, biyo yariyaa jirta geed la harsanaayo malahan sidaas ayaa xaalkeena yahay.”

Xabiibo waxay sheegtay in ay muddo labo todobaad ah ka xanuunsan yihiin saddex ka mid ah carruurteeda. waxay xustay in ay ku aragtay qandho joogto ah iyo shuban, aysanna ilaa hadda gayn xarun caafimaad maaddama aysan hayn qarashka ku baxaya.

Jirrada carruurteeda waxay u sababaynaysaa dhaxanta iyo qorraxda ay bannaan yaalka u yihiin iyo kaneeco aad u badan oo xerada ka jirta, taas oo aysan haysan maryaha laga galo. Xaaladaha isku biirsaday carruurteeda ayay xustay in ay ku hayso welwel joogta ah balse aysan lahayn awood ay wax kaga qabato.

Dhanka kale waxay sheegtay in helidda biyaha ay dhibaato ku qabaan. Ceel-gacmeedyo ku yaalla magalada xudur oo u jirta masaafo halsaax loo socdo ayay sheegtay in maalinta inteeda badan ay fayl u gasho in ay hesho biyo aan ku filnayn.

“Ceelaha qaarkood waa lacag Jirgaankii waa 2 kun shilin kuwa aan tago kaam ayaa ka yimid lacag ma heysto ayaan dhahaa culeyska I heystaa u sheegaa sidaasaa lagugu shubaa, markaad subaxdii la imaado duhur xitaa ku gaaraa aadaan dhib noo heysta.”

Qoyska Xabiibo ayaa ka soo barakacay bishii Agoosto deegaan ka Mubaarak ee isla gobolka Bakool, markii roob yari soo jirtay muddo labo sano ah ay nacfi tirtay beer saddex hektar ah oo ay halkaas ku leeyihiin. Waxaa intaas u raacday amarro ay ku soo rogeen kooxda Shabaab oo deegaanadaas haysta.

Aabbahii reerka ayay sheegtay in uu ka maqan yahay muddada ay barakaca yihiin aysanna aqoon meel uu jiro. Markuu tagagay wuxuu u sheegay in uu shaqo uu noloshooda ka maaraynayo uu raadinayo. Arrintaas ayaa Xabiibo badday in ay kali ku noqoto masuuliyadda reerka.

Xabiibo oo aan horay u aqoon magaalada, haddana duruufta ku gadaaman carruurteeda darteed waxay isku daysaa maalin kasta in ay magaalada ka raadiso shaqo ay ka hesho cuntadooda balse illaa hadda kuma guulaysan. Waxay tilmaantay in aysan marna ka rajo dhigayn maaddaama ay u aragto halka waddo ee u furan.

Dhamaan qoysaska soo barakacay oo ka kala yimid deegaanno kala duwan ayaa ka siman nolol xumada sida ay noo sheegeen horyoogayaasha xeryaha oo aan la hadalnay. Eebli Aadan Xasan oo ka mid ah dadka soo barakacay waxay sheegtay in ay cunno hal waqti ku filan u la’dahay carruurteeda oo todobo ah muddo saddex bil ah oo ay barakac ku tahay Xudur.

Waxay sheegtay in xerada Mubaarak oo ay degan yihiin ay ku haysato hoy la’aan, biyo yari iyo cunno xumo Waxay tilmaantay in maalinta dhan ay ku wareegto xaafadaha magaalada iyada oo waydiisanaysa in ay ku caawiyaan wax ay halmar dabka u saarto carruurta.

“Maalmihii noogu horaysay intaan dhulkaan nala dejinin dad qaraaba ah la nooleyn magaalada la iska gala albaabada la iska garaacaa caruuraa iga baahan wax u karsada isii ladhahaa qof muslim ah loo tago wax un dad siiyaa seddaxda waqti la islama helaayo subaxdii wax yar shaaha loo karinaa duhurkii markaan wax soo helo u kariyaa, casho ma jirto saasley layeelayaa.”

Eebli waxaa sheegtay in cunno xumada ay u dheer tahay biyo yari iyo hoy xumo oo ay gabadsadaan buush maryo ka samaysan oo aan qoraxda iyo dhaxanta toona dabaali karin. Biyaha ayay sheegtay in ay maalintii hal jirgaan labo jeer garabkeeda uga soo qaado ceelka kaas oo ay ku maarayso cabista iyo cunto karinta kaliya.

Qoyska Eebli ayaa ka soo deegaanka Ceel-garas ee isla gobolka Bakool markii roob yari jirtay labadii sano ee la soo dhaafay darteed ay tacban waayeen beer 5 hektar ah oo ay halkaas ku leeyihiin. Waxay sheegtay in ay filaysay in ay magaalada ka helayso nolol dhaanta tay ka soo tay ki jireen balse ay ku hungoobeen damacooda.

“Ceelgaras amni fiican malahan Al-shabaab ayaa heysata shaqo lagama helo qof danyar ah meel uu ku noolaan karo ma ahan Wadankiina abaar ayaa ka dhacday  beerlay lagu tiirsanaa Sanadahan badar kuma bixin meel kale wax dad kasoo galaayo malahan Ceelgaras beeralay ayaanu ku ahayn xoolo ayaa heysanay xoolaha abaartii ayaa ku dhamaaadeen wax majoogo.”

Eebli waxay sheegtay in xittaa haddii uu roob heli lahaa deegaankeeda ay adag tahay in ay dib ugu laabato. Waxay u sababaysay in ay shabaab gacanta ku hayaan deegaanka oo ay dhibaateeyaan sidoo kalana ay ka qaataan dalagga u soo baxa taas oo ka rajo tiraysa beertooda.

Dadka ka soo barakacay colaadaha iyo abaaraha oo tan iyo billawgii sanadka ku soo biiraya xeryaha magaalada Xudur ayaa xaaladdooda nololeed ka sii daraysaa marba marka ka danbaysa sida uu Radiyow Ergo u sheegay Ibraahim Cabdiraxmaan Maxamed oo  maamulka gobolka Bakool u xilsaaray tiro-koobka dadkaan.

Ninkan ayaa sheegay in tiradu maalin kasta sii kardhayso ayna dhaafeen illaa kun qoys inta ay diiwaan geliyeen. Wuxuu tilmaamay in ddaka ugu badan ay ka soo barakacayaan deegaanada Tiyeeglow, Ceelgaras, Biyooley, Mubaarak iyo tuulooyin kale.

Previous Post

Gedo: Gargaar la’aanta ka jirta xeryaha oo sababtay burbur ganacsi iyo nolol xumo

Next Post

Waxbarasho la’aan soo wajahday carruurta reer-guuraaga ku nool Cadaado

Related Posts

blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Qoysas go’doon iyo cunno xumo ay ku hayso qaybo ka mid ah Togdheer oo roob la’aan ah

December 9, 2025
Qoysas ku tiirsanaa ka ganacsiga biraha oo wajahaya nolol xumo markii Puntland ay ka mamnuucday
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku tiirsanaa ka ganacsiga biraha oo wajahaya nolol xumo markii Puntland ay ka mamnuucday

December 8, 2025
Gedo: Cunno xumo haysa qoysas miciin biday xerada Kabaaso
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gedo: Cunno xumo haysa qoysas miciin biday xerada Kabaaso

December 7, 2025
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Muqdisho: Qoysas nolol-xumo uga baxay shaqo ay ka heleen shirkad caanaha warshadaysa

December 4, 2025
Beeraly ku nool Jubbland oo goostay dalagyo soo kabasho u noqday noloshooda
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraly ku nool Jubbland oo goostay dalagyo soo kabasho u noqday noloshooda

December 3, 2025
blank
Caafimaadka

Nolol xumo iyo daryeel la’aan isku biirsaday qoys ku nool Shabeellaha dhexe

December 1, 2025
Next Post
Waxbarasho la’aan soo wajahday carruurta reer-guuraaga ku nool Cadaado

Waxbarasho la’aan soo wajahday carruurta reer-guuraaga ku nool Cadaado

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 09-DEC-2025

IDAACADDA 09-DEC-2025 by Radio Ergo

IDAACADDA 09-DEC-2025
Episode play icon
IDAACADDA 09-DEC-2025
December 9, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 08-DEC-2025
December 8, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 07-DEC-2025
December 7, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 06-DEC-2025
December 6, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 05-DEC-2025
December 5, 2025
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo