(ERGO) – Afar boqol iyo konton carruur ah oo ka soo jeeda qoysas xoolo-dhaqato ah oo ku nool deegaannada Gellinsoor, Wadgelinsoor, Far-janno iyo Qurdhubaanle oo hoos taga Cadaado yaa waxbarasho la’aan noqday tan iyo bishii hore.
Arrintaas ayaa simid markiii iskuulada degaanka oo ay bilaash ku dhiganayeen ay sanad dugsiyeedkaan u furmi waayeen dhaqaale xumo darteed. Maamulka galmudug oo kaashanayay hay’ado samafal ah ayaa awoodi waayay in uu bixiyo mushaarka macalimiinta, markii ay istaagtay deeqda hay’adda.
Cabdi Maxamuud Xassan oo ku nool deeganka Qurdhubaanle waxaa waxbarasho la’aan ka noqday lix ka mid ah carruurtiisa oo dhinayay dugsiga hoose iyo dhexe. Wuxuu sheegay in in ay arrintaas meesha ka saartay rajo uu ka lahaa waxbarashadooda isaga oo u diyaarinayay in ay sanadkaan u gudbaan fasalka sideedaad ee dugsiga dhexe looga baxo.
“Hadda waa bur bureen wax kasta. Awalna meel u gooni ah oo gaar ahoo lagu dhigto oo u dhisneed iskuulka ma jirin qurac hoostiis ayaa lagu dhigan jiray, haddana ka tageen ddakuna ilmaha kama maarmaan boqolkiiba sagaashan oo ma fogayn karaan.”
Cabdi wuxuu sheegay in waxbarashada carruurtiisa ee hakadka gashay ay culays xooggan ku hayso, balse uusan hayn qaab ay daruusta ku sii wadan karaan. Wuxuu tilmaamay in ay ahayd rajo soo noolaysay hamigooda waxbarasho balse sii ahaanwaysay.
Wuxuu tilmamay in waalidiinta ardayda ay isku dayeen in si aan waxbarashadu u joogsan ay iska aruuriyaan mushaarka macalimiinta balse ay awoodi waayeen in ay bixiyaan qarashka ku baxaya. Waxaa u sabab ah in ay arrintaan ku soo aaday iyada oo deegaan ay ay ka jirto daaq yari nacfi tartay xoolo ay ku tiirsanaayeen.
Wuxuu tilmammay in sidoo kale uu kari wayay in uu geeyo iskuulada Cadaado oo u jirta 25 km. Wuxuu tilmamay in uu san karin qarashka ay magaalada kula noolaanlahaayeen 40 ari ah oo u joogta ayuu tilmaamay in ay yihiin caato aan suuq gelin.
Nacfi la’aanta xoolihiisa darteeed wuxuu sheegay in qoyskiisa ay ku tiirsan yihiin cunnno hal waqti ah oo ay ku caawiyaan dad ay qaraabo yihiin oo degan Cadaado.
Sidoo kale wuxuu tilmaamay in in dukaamo ay dayn ka qaadan jireen ay ka jarteen, markii ay isku gaartay dayn uu qadanayay muddo sanad ah.
“Bakhaaradii aan daynta ka qaadan jirnay waa iiga dhaartay. Dad iyo duunyo wax xoolo badar la siiyo waa iiga dhaartay. Hadda waxaa weeye meel aan u dhaqaqaba ma aqaan magaaladii dhameed waa idhibsatay.”
Cabdi wuxuu sheegay in xaaladda nololeed ee qoyskiisa ay xilligaan marayso meel aad u liidata. Wuxuu tilmaamay in dhawr mar uu isku hawlay in uu shaqooyin xamaal ah u raadsado magaalada Caadaado, balse uu ku guul daraystay markii uu waayay cid uu u shaqeeyo.
Waalidiinta ay saamaynta ku yeeshay carruurtooda xiritaanka iskuuka waxaa ka mid ah Faadumo Cilmi Cabdi oo ay waxbarasho la’aan ku dhacday sadex ka mid ah carruurteeda, oo dhiganayay fasalada hoose iyo dhexe ee deeganka Qurdhubaanle oo ay degan yihiin.
Waxay sheegtay in carruurteeda muddo labo sanao ah oo ay dhiganayeen iskuulka ay waxbadan ka faa’iidaysteen, balse ay hadda noqdeen guri joog. Waxay intaas ku dartay in aysan awoodin in ay gayso wxbarasho kale. Waxa u sabab ah in aysan ciidan ahaan kaga maarmin aysanna bixin karin qarashka ku baxaya.
Arrintaas aya timid markii si la mid ah dadka deeganadaas ku nool ay daaq xumado nacfi tirtay 30 ari ah oo ay dhaqanayeen. Waxay xustay in xaaladahaas is biirsaday ay qoyskeeda u horseedeen saamayno dhawr weji leh.
“Booyada biyaha ah mida ugu yar $50 ayay ku timaadaa meeshaan hadda aan joogno, qaarna ka badan ayay ku yimaadaan, matoorna ma lihin oo haddaan meeshu biyaha haysanno nolosheedu aaday u sareyn la heed oo biyuhu waa nolosha koobaad.’’
Waxay tilmaantay in ay ka rajo xun tahay xoalaha yar ee u jooga oo aan daaq haysan, raashinna aysan u gadi karin haddii aysan roob helin todobadyada soo socda.
Waxay sheegtay in qoyskeeda lagu leeyahay dayn gaaraysa illaa $800 oo ay horay ugu qaateen biyo iyo raashin ayna gudi waayeen. dadkii ku laha lacagtaas ayay xustay in ay u qabteen muddo bil ah, taas oo ku haysa welwel joogto ah.
Saamaynta ka dhalatay xirnaanshaha iskuuladan ayaa ah mid wada taabatay dadka ay carruurtooda wax uga baran jireen. Xuseen Cali Sahal oo ah isku duwaha waxbarashada degmada Cadaado ayaa sheegay in ay wadaan dedaal ay dib ugu hawl gelinayaan walow aysan illa hadda hayn dhaqaale ku filan.
Hay’adaha Cera international, Josbo iyo Save somali children oo ka taageerayay qarashka macalimiinta ayuu sheegay in ay maalgelintaas ka goosteen sanad dugsiyeedkan.
Wuxuu xusay in ay u dheegeen 9in uu dhamaaday mashruucaas. Dhanka kale ayuu xusay in aysan marna ka daalayn sidii ay waxbarashada ugu sii wadi lahaayeen carruurta xitaa haddii ay sanado ku qaadato.
Iskuulada oo furnaa muddo 3 sano ah ayuu tilmaamay in ujeedka loo aasaasay uu ahaa in carruurta ka soo jeeda qoysaska reer miyiga ag ay heleen waxbarasho la mid ah kuwa ay asaagood helaan.










