(ERGO) – Ku dhawaad boqol haween ah oo ku nool xeryaha Arlaadi, Amaano iyo Shabeelle ee duleedka Dhuusamareeb ayaa qoysaskoosa ka maareeya caagadaha biyaha la cabbo ee la tuuro oo ay ka aruuriyaan xaafadaha magaalada ayna sii iibiyaan.
Xaawo Caanood Nuur waxay awood u yeelatay inay shaqadaas ka daboosho baahiyaha cunnada iyo biyaha ee carruurteeda oo keligeed ku tiirsan. Xaawo ayaa xustay in shaqadan ay ka hesho bishii $90 -$100, taas oo u horseeday inay cunno ku filan u hesho carruurteeda oo sagaal ah.
Tan iyo bishii Agoosto oo ay shaqeyneyso waxay kala fogaadeen carruurteeda oo ku nool xerada Badbaado ee magaalada Cadaado, halka iyadu ay dulsaar ku tahay qoys ay qaraabo yihiin oo deggan magaalada Dhuusamareeb.
Kuma faraxsana inay ka soo fogaato carruurteeda oo wiil 16 jir ah uu ugu weyn yahay, balse waxay tilmaantay inay uga darantahay shaqo la’aan iyo gaajo ay wajahaan.
“Hadda waa ka roonahay markii aan baaga-muudada ahaa xoogayga ayaan ku noolahay oo aan ku soo shaqo tagaa Alxamdullilaah. Carruurtayda biilkooda waa u diraa. Wixii aan magaaladaas ka keeno ayaan ku dabaraa baahidooda boos weyn ayay iga dabooshay. Markii aan shaqo la’aanta ahaa dabka xitaa ma aannan shidan jirin, markaan dhaqdhaqaaqay waa iigu noolaadeen.”
Xaawo oo 49 jir ah ayaa tilmaantay inay u adkeysan wayday shaqo la’aan biday dawarsi iyo nolol xumo ku qabsatay magaalada Cadaado oo ay degganeyd muddo afarsano ah. iyadoo xaaladaas ku jirta ayaa haween kale oo uga soo horreeyay waxay ku dhiiri galiyeen shaqada ay hadda hayso.
Subax kasta ayay u kallahdaa maqaayadaha, Hoteelada iyo goobaha layskugu geeyo qashinka si ay u soo uruuriso caagadaha la xooray. Waxay xustay in dakhliga ka soo gala uu ku xiran yahay tirada caagadaha ay hesho maalinkii. Waxaa ka iibsada shirkado dib u warshadeeya.
“Shirkadaha ayaan geeyaa oo iga iibsada. Wax dhibaato ah ma jirto oo aan kala kulmo meelahaa aan ka aruursanayo dadka ayaaba qaado i dhaha. Maalin kasta waa shaqeeyaan kama nasto oo nolosheena ayaa ku jirta.”
Bishii Juun ee sanadkan waxaa ka joogsaday kaar ay $85 ugu soo dhici jirtay, kaas oo ay ku tiirsanaayeen muddo sannad iyo bar ah. Looma sii sheegin xilliga ay joogsaneyso kaalmadan, balse markii ay waayeen waxay sheegtay inay wajaheen caqabad aysan ka sii baraan degin.
Xaawo ayaa sanadkii 2014 ka soo barakacday degmada Waajid ee gobolka Bakool, abaar ayaa ka saameysay beer saddex hektar ah oo ku tiirsanayd biyaha roobka. Tan iyo xilligaas waxay degtay xeryo ku yaalla magaalooyinka Caabudwaaq, Cadaado iyo Gaalkacyo.
Uruurinta caagadaha waa shaqo howsheedu adag tahay. Lug ayay ku tagaan masaafo kala fog, lacagta ay ka helaanna kama badna waxay maalinkaas dabka ugu shidaan qoysaskooda.
Naciima Maxamed Ibraahim oo sidan ku maareysa nolosha toddobo carruur ah oo lagu furay ayaa sheegtay in shaqadan ay ka caawisay inay helaan cunno ku filan, ayna waxbarasho u billaabeen saddex carruur ah, markii ay awooday in bishii ay ka bixiso $10.
“Caagadahaas ayaan gataa oo ku maaraystaa ilmahayga, iskuulkooda iyo dugsigooda ayaan joogta uga bixiyaa. Fikradaas aniga ayaa maskaxdayda ka keenay markaan arkay baahida qoyskayga. Intaas iyo in ka badan waa rajaynayaa inaan ku daboolo oo Ilaahay wax iga siiyo shaqadaan.”
Naciima ayaa sheegtay in lacag $70 ilaa $90 ah oo bishii ay ka hesho ay ku dabarto baahida qoyskeeda. Waxay deggan yihiin xerada Shabeelle oo 15 daqiiqo oo socod ah u jirta magaalada Dhuusamareeb.
Xeradu malahan adeeg bulsho oo bilaash ah. Biyaha oo ay ka soo dhaansadaan ceel aan ka fogeyn waxaa boqolka liiter laga siiyaa $0.5. Xeradan oo ay ku nool yihiin 250 qoys ayay tilmaantay inuusan ku noolaan karin qof aan ku tiirsaneyn shaqo iyo il kale oo dhaqaale.
Naciima ayaa xustay in shaqadaan ay daal iyo howl badan ka marto, balse ay ku faraxsan tahay Isbeddelka dhaqaale ee ay ka heshay.
“Markii hore oo aanna shaqadaan caagadaha haysan hal mar xitaa cunno uma awoodin carruurtayda. Hadda Ilaahay ayaa ku mahadsan oo labo waqti si toos ah ayaan ugu awoodaa oo waxayaga waa karsanaa. Nolosheen aad iyo aad ayay uga fican tahay sidii hore.”
Naciima ayaa xustay in shaqadan oo in ka badan 3 bil ay waday ay macaamiil fiican ku yeelatay. Maqaaayada, xaafadaha iyo meel kasta oo ay caagado ka heli karto waxay kula ballantaa inay u aruuriyaan, iyadoo lanbarkeeda u reebto si ay u soo wacaan haddii ay caagaduhu bataan.
Waxay intaas ku dartay in muddo saddex sano ah oo qoyskeedu barakac ku yahay Dhuusamareeb ay nolol adag soo mareen.
Waxaa xaaladooda sii adkeeyay, markii shaqooyin dhar dhaqid ah oo ay mararka qaar heli jirtay ay meesha ka baxeen illaa bilowgii sanadkaan. Qoysas ay u qaban jirtay oo maalinkii ay ka soo gali jirtay $4 illaa $6 ayaa uga maarmay mashiino dharka lagu dhaqo oo ay soo iibsadeen.
Qoyska Naciima ayaa sanadkii 2022 ka soo barakacay duleedka degmada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose. Waxaa roob la’aan saddex xiilli oo isxigay saamaysay uga qalalay dalagyo raashin iyo khudaar isugu jiray oo u saarnaa beer labo hektar ah oo noloshoodu ay ku tiirsanayd.
Dhanka kale Fartuun Siciid Axmed oo tan iyo bishii May ka shaqaynaysa aruurinta caagadaha waxay arintan u suuragalisay in qoyskeeda oo saddex qof ka kooban ay ka saarto xerada Ceel-xaamud oo ku taalla magaalada Dhuusamareeb, halkaas oo ay ku noolaayeen hal sano iyo bar.
Waxay sheegtay in bishii September ay hal qol oo cariish ah ku kireysteen lacag $10 ah. Fartuun ayaa xustay in carruurteeda oo yar yar aysan waxba baran, taas oo u sahashay in lacagta soo gasha ay qeyb keydsato.
“Waxaan ka helaa $90 bishii, Soddan ayaan meel dhigtaa lixdanka soo harayna waxaan ku maareeyaa nolosha aniga iyo labadyda caruurta ah iyo guriga aan deganahay kiradiisa. Alxamdullilaah waxaan jeclahay inaan hormar gaaro oo aan ganacsi samaysto ilmahaygana aan waxbarasho geysta wayna fiican tahay nolosheenu sidii markii aan nimid ay ahayd haddaa waa nooga fiican tahay.”
Fartuun ayaa xustay in hadda ay leedahay keyd dhaqaale oo gaaraya $100. Waxay qorshaynaysaa inay kordhiso, ayna ku furato ganacsi yar si ay uga nasato daalka iyo socodka badan ee howshan ay leedahay. Qoyskeeda ayaa abaar darteed uga soo barakacay degmada Xarardheere ee gobalka Mudug. Waxay ku tiirsaneyd dhaqashada ariga oo intii ugu dambeysay oo ahaa soddon ay ka dhinteen sannadkii 2024.









