Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Dad abaar ay barakicisay oo dhaqaale ka helaya qodista kaydad biyood oo laga qodayo Bay

Jibril Osman by Jibril Osman
October 21, 2025
in Wararkii u Danbeeyay
0
blank
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Qoysas danyar ah ayaa dhaqaale joogta ah oo ay ku maareeyaan noloshooda ka helay shaqo ah qodista baraago iyo war biyood tan iyo bishiii July ka socota degmada Qansaxdheere ee gobolka Baay.

In ka badan 1,260 qof oo shaqo la’aan ahaa ayaa bishii mushaar ahaan u qaata min $80. Dhaqaalaha ay hadda joogtada u helaan ayaa ka caawiyay iney ku filnaadaan maareynta nolosha qoysas kooda.

Biyo qabatinadan oo saddex baraag iyo hal war ah ayaa keydin kara biyo xadigoodu yahay Saddex milyan iyo lix boqol oo liiter.

Ujeedada laga leeyahay ayaa ah inay noqdaan ilo biyo oo waara, lagana faa’ideysan karo xilliyada jiilaalka iyo abaaraha sida uu sheegay madaxa hay’adda Mardo oo fulineysa mashruucan.

Cusmaan Cali Xasan wuxuu ka mid yahay xoogsatada halkan ka shaqeeya. Raadiyow Ergo ayuu u sheegay in qoyskiisu helayaan cunto ku filan muddo saddex bilood ah oo uu qaadanayo mushaar joogta ah.

“Markii hore dabka hal mar ayaan dabka shidan jirnay. Hadda sedexda jeer ayaan wax karsanaa. Arintaas ayaa Illaah noo suura geliyey. War ayaan qodayaa, laba iyo toban saac ayaan baxayaa seddex illaa afar saac ayaan soo qodeynaa, markii hore nolosheena way dhib badneyd.”

Shaqadan ayuu tilmaamay inay ka caawisay in waxbarasho ay u billaabaan bishii August saddex carruur ah. Bishii ayuu ka dhibaa $10.

Cusmaan ayaa xusay inuusan hadda ka walwalin helitaanka waxyaabaha daruuriga ah, sida cuntada, biyaha iyo waxbarashada oo uu sheegay in markii hore uusan haysan dhaqaale uu ku dabaro.

Dhaqaale la’aanta ayuu tilmaamay inay gaarsiisay heer uu dawarsado ama ay sugaan kaalmada dariska oo aan ka badneyn inay siiyaan cunto bisil oo aan ku filneyn qoyskiisa oo ka kooban lix carruur ah isaga iyo xaaskiisa.

“Carruurta qaraabo iyo dad deris ah ayaa wax looga soo qaadi jiray. Biyaha naftirkooda waa ay yaraayeen, cunto yaraan ayaa jirtay. Carruurta hadda isbeddel weyn ayey galeen jawi cusub ayaa lagu jiraa. Mashruucaan ayaa nolosheena wax ka bedelay.”

Cusmaan oo 39 jir ah ayaa Qansaxdheere ku soo barakacay sanadkii 2018, tan iyo xilligaas wuxuu ku nool yahay xerada Buufow oo uu sheegay inaysan laheyn wax adeeg ah.

Biyaha waa kuwo ay ka soo dhaansadaan ceel-gacmeed u jira 4km. Labaatanka liiter ayaa laga siiyaa qiime gaaraya afar kun oo Shillinka Soomaaliga ah, balse howsha uu Cusmaan qeybta ka yahay ayaa biyaha ka dhigi doonta kuwo bilaash ah.

Biyo qabatinadan ayaa xerada ay ku nool yihiin u jira masaafo dhan 3km. Ninkan ayaa intaas ku daray in sidoo kale uu uga faa’ideysan doono tacabka beeraha marka la dhameys tiro.

Halkan ayuu xusay inuu ka rajeynayo inuu ka helo nolol u badasha tiisii hore oo aheyd dhaqashada xoolaha, balse ay abaar ka dhigtay nin ceyr ah, markii ay ka laysay ari 100 ah oo noloshoodu ku tiirsaneyd.

Fursadaha shaqo ee degmada Qansaxdheere waa kuwo yar, xaaladana waxaa uga sii daray go’doon 13 sano ah oo Al-shabaab ay saartay degmadan, kaas oo ugu dambeyn ay ka qaaday bishii Abril ee sanadkan.

Waxaa degmada gaaray mashaariic wax looga qabanayo caqabadaha dadku wajahayaan oo biyo yaridu ka mid tahay.

Mashruucan biyo keydinta ah ee hadda socda waa mid sidoo kale il-dhaqaale u noqday qoysas aan dabka shidan karin oo shaqo la’aantu ay ragaadisay.

Muumin isxaaq Cali wuxuu kamid yahay dadka ka faa’ideysanaya. Wuxuu bishii mushaar ahaan u qaataa $80 oo ah dhaqaalaha kaliye ee maanta ay ku tiirsan yihiin qoyskiisa oo ka kooban lix qof.

“Shaqadan markii aan bilaabay faa’idada aan ka helay oo nolosheena ay ku soo kor dhisay, markii hore dhibaatada aan qabay. Carruurta ayaaba baahi iga leyn jirtay. Seddex waqti iska dhaafe hal lama heli jirin, hadase waan ka baxnay.”

Muumin oo 36 jir ah ayaa xusay in howshan uu helay isagoo saddex sano shaqo la’aan ahaa. Qaraabo uu wacdo iyo dariska oo ay qeyla dhaan u dirsadaan. Waa sida kaliya ee ay ku heli jireen waxay hal waqti dabka shitaan, sida uu sheegay.

Wuxuu intaas ku daray inuu waxbarashada ku celiyay markuu shaqo billaabay labo carruur ah oo sanadkii 2023 dhaqaale xumo looga soo eryay iskuulka. $8 ayuu ka dhiibaa bishii.

Shaqadan ayuu sheegey inuu ku heley si lama filaan ah, markii dad deganka ah ay usheegeen in loo baahan yahay ragga xooga leh ee dhulka qodi kara.

Wuxuu intaas ku daray inuu iska bixiyay deyn lagu lahaa oo uu gudi waayay markuu shaqo la’aanta ahaa.

“Qof deyn la,aan joogi karo malahan wax aan soo deyn saday wey jiraan, raashiin wax badar ah oo aan soo deyn sadey ayaa jira, lacagtaasna $70 ayay aheyd. Sedex bil ayaan wax u aruriyey. Bishan hadDa aan ku jirno ayaan iska dhiibay. Hadda wax la iguma lahan.”

Bilaha uu shaqeynayo ayuu sheegey inuu sameeyey dhigaal gaarya $50. Qorshihiisa ayaa ah inuu furto ganacsi yar oo uu ku sii maareeyo reerka, marka ay istaagto shaqadan.

Qoyska Muumin ayaa sanadkii 2022 ka soo barakacay miyiga degmada Qansax-dheere, markii biyo iyo daaq la’aan ay uga dhammaadeen 90 ari ah oo uu dhaqanayay.

Roob yari ayuu sidoo kale sheegay inay ka saameysay tacbashada beer seddex hiktar ah oo uu ku leeyahay deegaanka Ufurow ee gobolka Baay.

Degmada Qansaxdheere malahan ceelal riig ah oo ay dadku ka heli karaan biyo ku filan, taasi waxay keentaa in xilliyada jiilaalka iyo abaaraha ay dadka qaar barakacaan marka ay waayaan biyo ku filan iyaga iyo xoolahooda.

Maxamed CabdIraxmaan Maxamed oo ah madaxa hay’adda Mardo ee gobolka Bay ayaa sheegay in ujeedada mashruucan ay tahay inuu meesha ka saaro baahida biyo ee halkan ka jirta oo ah mid soo noq noqotay.

“Waxaan uga dan leenahay in biyaha helitankooda kor loo qaado oo biyo yeridaan faro badan ee soo noqonotay loo helo xal waara oo ugu yaraan la yareeyo.”

Mashruucaan oo sii soconaya muddo labo sano ah ayuu xusay inay iska kaashanayaan maamulka Koofur Galbeed iyo hay’adaha kala ah MARDO iyo DFB.

Dadka ku nool degmadan ayaa lagu qiyaasaa ku dhowaad 80,000 kun oo qof, waxayna u badan yihiin xoolo dhaqato u nugul isbedelka cimilada oo sababa in daaqa iyo biyuhu ay yaraadaan.

Previous Post

Haween barakac ah oo il-dhaqaale ka hela caagadaha lagu tuuro jidadka Dhuusomareeb

Next Post

Qoysas ka barakacay Aadan-yabaal oo xaalad quus ah ku wajahaya duleedka Warsheekh

Related Posts

blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Qoysas go’doon iyo cunno xumo ay ku hayso qaybo ka mid ah Togdheer oo roob la’aan ah

December 9, 2025
Qoysas ku tiirsanaa ka ganacsiga biraha oo wajahaya nolol xumo markii Puntland ay ka mamnuucday
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku tiirsanaa ka ganacsiga biraha oo wajahaya nolol xumo markii Puntland ay ka mamnuucday

December 8, 2025
Gedo: Cunno xumo haysa qoysas miciin biday xerada Kabaaso
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gedo: Cunno xumo haysa qoysas miciin biday xerada Kabaaso

December 7, 2025
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Muqdisho: Qoysas nolol-xumo uga baxay shaqo ay ka heleen shirkad caanaha warshadaysa

December 4, 2025
Beeraly ku nool Jubbland oo goostay dalagyo soo kabasho u noqday noloshooda
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraly ku nool Jubbland oo goostay dalagyo soo kabasho u noqday noloshooda

December 3, 2025
blank
Caafimaadka

Nolol xumo iyo daryeel la’aan isku biirsaday qoys ku nool Shabeellaha dhexe

December 1, 2025
Next Post
Qoysas ka barakacay Aadan-yabaal oo xaalad quus ah ku wajahaya duleedka Warsheekh

Qoysas ka barakacay Aadan-yabaal oo xaalad quus ah ku wajahaya duleedka Warsheekh

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 09-DEC-2025

IDAACADDA 09-DEC-2025 by Radio Ergo

IDAACADDA 09-DEC-2025
Episode play icon
IDAACADDA 09-DEC-2025
December 9, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 08-DEC-2025
December 8, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 07-DEC-2025
December 7, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 06-DEC-2025
December 6, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 05-DEC-2025
December 5, 2025
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo