Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ka barakacay Aadan-yabaal oo xaalad quus ah ku wajahaya duleedka Warsheekh

Jibril Osman by Jibril Osman
October 22, 2025
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Cunto-Yaraanta, Wararkii u Danbeeyay
0
Qoysas ka barakacay Aadan-yabaal oo xaalad quus ah ku wajahaya duleedka Warsheekh

Qoys geed hoostiis dagay hoy la'aan darteed/kaydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Boqollaal qoys oo xoola dhaqato ah ayaa cunno xumo, biyo yari iyo hoy la’aan ku wajahaya duleedka degmada War-sheekh ee gobolka Shabeellaha dhexe tan iyo bishii Juun ee sanadkan. Waxay degmada Aadan-yabaal uga soo barakaceen dagaal u dhaxeeyay dowladda iyo Shabaab.

Dadkan ayaa colaada darteed iskaga soo tagay xoolihii ay noloshoodu ku tiirsanayd. Madiino Axmed Maxamuud oo keligeed korinaysa shan carruur ah oo ay dhashay ayaa Raadiyow Ergo u sheegtay inay u awoodi la’ dahay cunno hal mar ah maalinkii.

Waxay qoyskeeda xaaladan ku wajahayaan xeradaHorseed oo 4 Km u jirta degmada War-sheekh. Waxay sheegtay inay ku tiirsanyihiin $1 oo marmar ay ka helaan dad ehelkooda ah oo Muqdisho ku nool. Marka ay ka waayaan waxay ku qasbanaadaan inay qatooyo ku joogan.

“Waxaan hal mar dabka saarano ayaan ku nool nahay, ilmaheyga uma heli karo qado iyo quraac midna. Intaasba dad baa nagu caawiya. Inta yar ee aan helno naguma filna, balse wax kale ma heli karno, dad dhulkoodii ka soo barakacay oo aan wax shaqo ah heli karin ayaan nahay. cunno malmeedka ayaa nagu adag.”

Madiino ayaa sheegtay in dagaalka dartiisa ay iskaga soo tageen 20 neef oo ari ah iyo 3 dameero ah oo ay dhaqanayeen. Waxay tilmamtay inay waysay tabar ay gaari uga soo saarto degmada Aadan-yabaal oo ay ka soo barakaceen. Xoolaha oo jiilaalku saameeyay ayaa awoodi waayay inay galan socod dheer oo ah in ka badan 160 km oo u dhexaysa Aadan-yabaal iyo War-sheekh.

Dhanka kale haweenaydan ayaa xustay in xerada ay ku haysato biyo yari iyo hoy xumo. Waxay tilmaamtay inay ku tiirsanyihiin 10 liitar oo ay ka soo dawarsadan ceelal gaar loo leeyahay oo xerada u dhow, kuwaas oo midba mar ay u dan sheegtaan, maaddaama aysan awoodin nus dollar la iibiyo 20 liitar.

Waxay sheegtay inay ku nool yihiin buul ay ku dhisteen maryo lagu caawiyay iyo qoryo ay duurka ka soo gurteen, kaas oo carruurteeda yaryar aan dhaxanta iyo qorraxda ka celin karin xiligan oo roobabka dayrtu da’ayaan.

Waxay gocaneysa labo qol, musqul iyo jiko ay ku lahaayeen deegaankoodii, kuwaas oo ay sheegtay inay ku burbureen dagaaladii dhacay. Madiino ayaa xustay inay rajo ka qabto deegaankeedii, balse Shabaab oo haysta darteed ay ugu laaban la’dahay. 

“Noolosheenii hore way fiicanayd. Waxaan ahayn dad deegankoodii jooga oo nolol wanagsan ku haysta xoolo yar ayaan meesha ku dhaqan jirnay, ceel noo dhaw oo aan biyaha ka cabi jirnay ayaan haysanay. gaadiidkii aan biyaha ku dhansan jirnay waan laheyn, hadda wixiiba waa iskaga soo tagnay. Nafteena uun ban la soo baxsanay.”

Madiino ayaa sheegtay in colaadaan ay uga waxbarasho beeleen labo carruur ah oo u dhigan jiray dugsi Qur’aan. Waxay xustay in bishii ay ka bixin jiray $4 isku darkooda.

Haweenaydan ayaa tilmamtay in safar 8 maalin qaatay oo lug ah ay ku yimaadeen degmada Cadale oo Aadan-yabaal u jirtay 87 km, halkaas ayay ka helen gaari bilaash ku soo qaaday oo ay ku yimaadeen duleedka War sheekh.

Madiino ayaa sheegtay inay marar kala duwaan deeganka ka raadisay shaqooyin nadaafad ah si ay carruurteeda cunno ugu hesho, balse uma suuragalin.

Dhamaan dadka ka barakacay colaadda ayaa wajahaya xaalad isku mid ah, maaddaama aysan lahayn awood ay ku samata-bixin karaan noloshooda.

Sahra Maxamuud Maxamed waxay 6 carruur agoon ah oo keligeed ku tiirsan u awoodi la’adahay quud-maalmeedka maalinlaha ah. Waxay sheegtay inay hal mar dabka u saarto raashin ay ka soo dawarsato xaafadaha magaalada War-shiikh.

Waxay xustay in mararka qaar aysan waxbo soo helin, taas oo sababta inay faro marnaan ugu soo laabato. Carruurteeda oo kan ugu yar uu saddex jir yahay ayay tilmaamtay inaysan u dulqaadan karin qatooyada waqtiga dheer, hasa ahaate aysan heyn doorasho kale. Waxay sheegtay in sidoo kale ay dhibaato ku qaban helida biyaha.

“Biyo na deeqa oo aan isticmaalno ma haysanno. Waxaan dhabarka ku soo qaadnay ayaan ku nool yahay. Dad soo barakacay oo aan cidna ka aqoon mesha ay yimaadeen ayaa nahay, dadka deegaanka ayaan hadba cid u tagnaa haddaan kuwa ka wayno kuwo kale oo aan u tagno ayaa muslim-nimo nagu caawiya dhahnaa.”

Sahra ayaa sheegtay in colaada darteed ay iskaga soo tageen 40 neef oo ari ah oo ay noolashoodu ku tiirsanayd. Waxay xustay inay ahaayeen hantida kaliya ee ay haysteen. Waxay tilmamtay inay iskaga soo carareen iyagoo meel ku xareysan aysanna hadda ka war heyn meshay ku danbeyeen.

Haweenaydan ayaa sheegtay in xaaladan ay waxbarasho la’aan uga noqdeen 3 carruur ah oo dugsi hoose u dhiganayay, kuwaas oo bishii ay ka bixin jirtay $6. Waxay tilmaamtay in hadda aysan u awoodin lacagtaas. Iskuullada degmada War-shiikh ayay xustay inay halkii cunug ka qaadaan saddex dollar.

Waxay ka walwalaysaa qaabkii ay ku bixin lahayd $300 oo deyn ah oo intii ay deegankeedii joogtay ay carruurteeda marar kala duwan ugu qaaday raashin iyo arad-tir. Waxay xustay in si joogta ah loo soo weydiyo, balse aysan waxbo gacanta ku heyn. Safar aad u dhib badan ayay sheegtay inay ku soo gaareen degmada War-shiikh.

Sahra oo 47 jir ah ayaa sheegtay in ay tahay markii horaysay oo ay barakacan. Waxay ku hungoobeen filashadeedii ahayd in nolol tii hore u dhanta ay ka heli doonnan xerada ay soo miciin bideen. Barakaca deg deg ah ayaa boqollal qoys ku hoggaamiya dhibaatooyin aysan xalkooda helin.  Waxay ka soo tagan dhamaan kaabayaashoodii dhaqaale iyagoo raadinayo nolol badbaado leh.

Cabdi Yalaxow Maxamed oo ah gudoomiyaha xerada Horseed ee degamda War-shiikh ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in qoysaska colaada ka soo barakacay ay ku sugan yihiin marxalad nololeed oo aad u liita. Wuxuu tilmaamay inaysan u awoodin inay gargaar gaarsiiyaan, maaddaama aysan dhaqaale u heli karin.

“Waxaa si joogta ah u yimaada dad badan oo aanan ku tashaneyn. Waxaa sidoo kale jira caafimaad darro, isbitaalo malahan mana jirto cid dadkaan caafimaadkooda baareysa. Waxaan ka cabsi qabna in arrintan ay ka dhashan cudurro ay dadka is qadsiin karaan.”

Gudoomiyaha ayaa sheegay in afartii bil ee ugu danbeyay ay diiwangaliyeen in ka badan 500 oo qoys oo ka soo barakacay dagaallada ka jira deegannada gobolka Shabellaha dhexe, gar ahaan degmada Aadan-yabaal iyo tuulooyinka hoos taga.

Colaadaha ku soo lalaabta deegaanno kale duwan oo dalka ka tirsan ayaa qoysas badan u horseeday xaalado nolol xumo ah. Waxay culays maalinle ah kala kulmayaan sidii ay ay uga bixi lahaayeen caqabadaha ka dhashay dagaallada dalka ka jira.

Previous Post

Dad abaar ay barakicisay oo dhaqaale ka helaya qodista kaydad biyood oo laga qodayo Bay

Next Post

Jigjiga: Colaadda Soomaalida iyo Oromada oo nolol xumo galisay beeraley iyo xoolo-dhaqato

Related Posts

blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Qoysas go’doon iyo cunno xumo ay ku hayso qaybo ka mid ah Togdheer oo roob la’aan ah

December 9, 2025
Qoysas ku tiirsanaa ka ganacsiga biraha oo wajahaya nolol xumo markii Puntland ay ka mamnuucday
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku tiirsanaa ka ganacsiga biraha oo wajahaya nolol xumo markii Puntland ay ka mamnuucday

December 8, 2025
Gedo: Cunno xumo haysa qoysas miciin biday xerada Kabaaso
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gedo: Cunno xumo haysa qoysas miciin biday xerada Kabaaso

December 7, 2025
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Muqdisho: Qoysas nolol-xumo uga baxay shaqo ay ka heleen shirkad caanaha warshadaysa

December 4, 2025
Beeraly ku nool Jubbland oo goostay dalagyo soo kabasho u noqday noloshooda
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraly ku nool Jubbland oo goostay dalagyo soo kabasho u noqday noloshooda

December 3, 2025
blank
Caafimaadka

Nolol xumo iyo daryeel la’aan isku biirsaday qoys ku nool Shabeellaha dhexe

December 1, 2025
Next Post
blank

Jigjiga: Colaadda Soomaalida iyo Oromada oo nolol xumo galisay beeraley iyo xoolo-dhaqato

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 09-DEC-2025

IDAACADDA 09-DEC-2025 by Radio Ergo

IDAACADDA 09-DEC-2025
Episode play icon
IDAACADDA 09-DEC-2025
December 9, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 08-DEC-2025
December 8, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 07-DEC-2025
December 7, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 06-DEC-2025
December 6, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 05-DEC-2025
December 5, 2025
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo