Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jigjiga: Colaadda Soomaalida iyo Oromada oo nolol xumo galisay beeraley iyo xoolo-dhaqato

Jibril Osman by Jibril Osman
October 23, 2025
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Cunto-Yaraanta, Wararkii u Danbeeyay
0
blank

Beeraley iyo xoolo-dhaqato nolol-xumo iyo rajo la'aan ku wajahaya Jigjiga/Cabdullaahi Cabdi/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – in ka badan 100 qoys oo ku barakacay colaad u dhexeysa qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada ayaa wajahaya nolol xumo, markii ay burbureen ilihii dhaqaale ee ay ku tiirsanaayeen.

Qoysaskan oo ka soo barakacay deegaano ka tirsan gobolka Faafan ayaa maciin biday magaalada Jigjiga oo aysan ku haysan hoy, cunto, waxbarasho iyo shaqooyin ay ku maareeyaan noloshooda.

Dadkan ayaa ka soo cararay xoolo, beero iyo ganacsiyo waxay ku tiirsanaayeen. In qaraabo ay dulsaar ku noqdaan iyo raadinta shaqooyin xoogsi ah oo dhif iyo naadir ah ayaa ah sida kaliya ee hadda ay ku nool yihiin qoysaskii ladnaa colaadda ka hor.

Cabdinaasir Cali Cabdi oo dadkaas ka mid ah ayaa Raadiyow Ergo u sheegay inay ku adagtahay inay helaan hal waqti oo cunto ah.

Subax kasta ayuu xusay inuu aroortii baxo isagoo raadinaya shaqo maalinle ah, taas oo inta badan uu ku hun-goobo, sababtana in guriga uu ku noqdo isagoo gacmo maran oo niyad jabsan.

Wuxuu tilmaamay in dadaal badan uu bixiyay si aysan uga gaajoon saddex carruur ah iyo hooyadood, balse waxa kaliya ee uu helay ay tahay shaqo Xamaal ah, oo asbuucii uu qabto hal ama labo mar, taas oo dhaqaalaha ka soo gala bishii uu ka yaryahay $30 oo uu sheegay inaysan wax badan ka badalin duruufta nololeed ee ay wajahayaan.

“Waxay noqotay caqabada ugu wayn ee kala kulmay markii aan yimid Jigjig. Dhibaatooyinka barakaca ka maray waa baahi xadka ka baxsan. Nolasha magaalada oo cidhiidh ah awgeed ma dabari Karo nolosha qoykayga.”

Ninkan oo 43 jir ah ayaa sheegay in xilligii uu ku sugnaa deegaankiisa oo ah Karaare oo hoos taga degmada Tulli-Guuleed ee gobolka Faafan uu ahaa nin ladan oo qoyskiisu aysan ka warwari jirin hoy, hu’ iyo waxay cunaan, balse hadda uu ku jiro nolol hubanti la’aan ah oo uusan ogeyn goorta uu ka bixi doono.

Wuxuu sheegay in naftooda oo kaliya ay la soo carareen oo ay ka soo tageen toban lo’ ah iyo ari 20 ah oo maanta ay aad ugu baahan yihiin, balse aysan ogaan karin waxay ku dambeeyeen nolol iyo geeri midna.

Qoyska ayaa halkaas ka degganaa guri uu leeyahay oo labo qol ah, halka maanta uu xusay in reerkiisu ay ku nool yihiin hoy jilicsan oo jiingad iyo cooshad ha oo aan ka xajin karin qabowga iyo qoraxda, kuna yaalla dhul bannaan oo duleedka magaalada ah oo uu ku caawiyay qof ay qaraabo yihiin.

Waa meel magaalada u jirta illaa 5km. Biyaha oo aan soo gaarin ayuu xusay inay ku caawiyaan qoysas deggan xaafadaha ka ag dhow oo ay ka soo dhaansadaan caagadaha labaatanka liiter ah.

Waa nolol adag oo uu tilmaamay in dantu ku qasabtay, maadaama uusan awoodin inuu dego guryaha kirada ah ee leh adeegyada korontada iyo biyaha.

“Aniga intaan soo barakicin ka hor waxaan lahaa qorshe sanadeed. Sannad walba waxbaan filan jiray oo bartilmaameed ayaan lahaa, laakiin hadda wax nolosheyda dambe ah oo ii yaala ma jiro, waxaan ahay bilaa mustaqbal.”

Codaaladda u dhexeysa Qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada waa mid taagan in ka badan 15 sano. Tii ugu dambeysay oo dhacday horraantii bishan October waxay sababtay dhimashada dad rayid ah, burbur hantiyeed iyo barakaca boqollaal qoys oo ah xoolo dhaqato iyo beeraley uu ka mid yahay Abiib Tukaale Ambe.

Wuxuu ahaa nin nolol deggan ku jira oo xoolo iyo beer leh, hadase reerkiisa uma awoodo waxay hal waqti dabka ku shitaan. Abiib ayaa sheegay in shaqo la’aantu dhaxal siisay in qoyskiisu wajaho cunno yari joogta ah.

Wuxuu tilmaamay in reerka uu ku maareeyo wuxuu ku soo helo shaxaad iyo deyn iyo deeq uu ka helo dad qaraabo ah.

Wuxuu intaas ku daray in labo carruur ah ay ka hareen waxbarashada iskuulka ee hoose iyo dhexe, markii uu awoodi wayay inuu u gado dharka, qalmaanta iyo buugaagta oo ah waxa kaliya ee laga rabo, maadaama waxbarashadu tahay mid bilaash ay ku bixiso dowladdu.

“Dukaanka ayaa wax ka sii qaadanaa, isagana wax joogta ah kuma siinayo haddii aad tahay qof aan shaqeyn. Maalin wuu na siiyaa, maalina wuu noo diidaa, sidaas weeyaan xaaladeenu, ihaalay unbaa og.”

Abiib oo ah aabbaha shan carruur ah ayaa sheegay inuu lahaa rajo iyo mustaqbal ifaya. Ka hor in uusan ka soo barakicin deegaanka Kararib oo uu ku dhaqanayay 50 neef oo ari ah iyo beer hal hiktar iyo bar ah.

Wuxuu xusay in hantidaas oo colaaddu dhaafisay ay ka dhigtay mid aan ka maarmin gacan hoorsi, maaddama uusan haysan maanta cadka iyo caanaha xoolahaas iyo dalagga uu beeran jiray oo ahaa Masago iyo Qamadi.

Kama rajo dhigin noloshaas iyo inuu dib ugu noqdo deegaankiisa oo qiyaastii 20km u jira magaalada Jigjiga ee caasimadda dowlad deegaanka Soomaalida.

“Waxaan ka rajo qabaa inaan ku noqdo dhulkaygii oo aan horumar ka sameeyo oo beer teydii aan tacbado haddi nabadglayo ke helno, sababtoo ah raashiin fiican ayaa iiga soo go’I jiray oo I gaarsiin jiray muddo sannad ah, maaddama aan lahaa beer fiican, sidaas ayaan u barakeysnaa, halkan markaan imidna waxaan ka fakarayaa sidee lagu helaa wax la cuno xaalad waxaan ku jiraa marna la helo, marna la waayayo.”

Qoysas badan ayay dantu ku qasabtay inay dulsaar ku noqdaan dad ay qaraabo yihiin, markii ay waayeen hoy ay degaan iyo dhaqaale ay ku maareeyaan nolosha.

Waxaa ka mid ah qoyska Nimcaan Maxamed Cusmaan oo ka kooban shan qof. Tan iyo markii uu ka soo barakacay tuulada Jafi ee gobolka Faafan ayuu tilmaamay inay la nool yihiin reer deegaan ku ah magaalada Jigjiga oo ay la cunaan wixii ay dabka saartaan.


“Waxaan nolol fiican ku haystay meeshii aan ka imid. Gaajo iyo hunguri labadaba laguma fikiri jirin. Markii aan halkan soo galay. Waxaan ahaa qof aan waxba garanayn, si kaliya u socda oo aan garanayn meel uu ku wajahanyahay. Noloshan ma dhib yara, ilaahay unbaa xalka og.”

Magaalada Jigjiga oo u jirtay 21 km ayuu xusay inay u soo lugeeyeen, madaama aysan heli karin lacag ay ku raacaan gaadiid.

Wuxuu sheegay inay ka soo tageen shan lo’ ah iyo soddon ari ah oo ay ku tiirsaneyd noloshoodu, markii dagaalka dhacay uu ku qasbay inay la baxsadaan naftooda oo kaliya.

Dagaalada soo noqnoqday ee Soomaalida iyo Oromada waa mid salka ku haya lahaanshaha dhulka. Labada ismaamul ayaa ku guuleysan la’ joojinta dagaalkan sii daba dheeraanaya.

Previous Post

Qoysas ka barakacay Aadan-yabaal oo xaalad quus ah ku wajahaya duleedka Warsheekh

Next Post

Reer-guuraaga Hiiraan oo daryeel caafimaad iyo mid daaq u helay geela abaarta u nugul

Related Posts

blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Qoysas go’doon iyo cunno xumo ay ku hayso qaybo ka mid ah Togdheer oo roob la’aan ah

December 9, 2025
Qoysas ku tiirsanaa ka ganacsiga biraha oo wajahaya nolol xumo markii Puntland ay ka mamnuucday
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku tiirsanaa ka ganacsiga biraha oo wajahaya nolol xumo markii Puntland ay ka mamnuucday

December 8, 2025
Gedo: Cunno xumo haysa qoysas miciin biday xerada Kabaaso
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gedo: Cunno xumo haysa qoysas miciin biday xerada Kabaaso

December 7, 2025
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Muqdisho: Qoysas nolol-xumo uga baxay shaqo ay ka heleen shirkad caanaha warshadaysa

December 4, 2025
Beeraly ku nool Jubbland oo goostay dalagyo soo kabasho u noqday noloshooda
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraly ku nool Jubbland oo goostay dalagyo soo kabasho u noqday noloshooda

December 3, 2025
blank
Caafimaadka

Nolol xumo iyo daryeel la’aan isku biirsaday qoys ku nool Shabeellaha dhexe

December 1, 2025
Next Post
blank

Reer-guuraaga Hiiraan oo daryeel caafimaad iyo mid daaq u helay geela abaarta u nugul

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 09-DEC-2025

IDAACADDA 09-DEC-2025 by Radio Ergo

IDAACADDA 09-DEC-2025
Episode play icon
IDAACADDA 09-DEC-2025
December 9, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 08-DEC-2025
December 8, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 07-DEC-2025
December 7, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 06-DEC-2025
December 6, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 05-DEC-2025
December 5, 2025
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo