(ERGO) – Cilmi Cabdi xiroow oo dhacdooyin xanuujiyay kala kulmay abaar ka dishay qayb ka mid ahaa xoolihiisa ayaa waayo-ragnimadii uu ka helay, waxay ku dhalisay fikrad uu u beddelay ficil xal waara u noqday xoolihiisa. Wuxuu ka hirgaliyay duleedka Baladwayne xero uu ku xanaayeeyo xoolihiisa nugul.
Xeradan oo uu aasaasay dabayaaqadii sanadkii 2023 waxay badbaado u noqotay xoolihiisa oo ka soo kabtay gaajo iyo cudurro tiradooda iyo tayadooda nacfi hoos u dhigay. Wuxuu ku hayaa 49 geel ah oo irmaan u badan, kuwaas oo halkaas ku hela balka uu ka soo guro beeraha iyo calafka xoolaha.
Dhinaca caafimaadka waxaa ka taageera ururka xannaanada xoolaha gobollada dhexe ee CERELPA oo labadii bilba mar baaritaanno iyo dawayn u sameeya geeliisa.
Cilmi ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in dhaqashadan casriga ah ay sidoo kale sare u qaaday dhaqaalaha uu ka helo xoolihiisa.
Wuxuu tilmaamay in ka hor xeradan abaartu ay ka dishay 30 geel ah. Wuxuu sharraxayaa isbeddelka ku yimid hab nololeedka xoolihiisa iyo sida uu uga maarmay ku tiirsanaanta roobka oo kaliya.
“Xeradan waxaan u furtay Abaarahii oo iska batay. Cilimadii oo iska xumaatay, baadiyahana xoolihii way ku rafaadeeen oo ku caatoobeen, laguna quudin karo raashin, balka iyo calafka haddii loo dhigi karo. Waxaa meesha ka baxay in xoolihii ay caato u dhintaan oo aroor-dheer aadaan iyaga oo aan daaq haysan waa laga maarmay. Marka geela irmaanka ah ee u nugul baahida iyo oonka waa la xareeyay.”
Boqol geel ah ayaa ku jira xeradiisa oo cabbirkeedu uu ku fadhiyo 120 mitir oo isku wareeg ah. Kala bar xoolahaas waxaa leh xoolo-dhaqato uu caawiyay. Waxay ka mid yihiin dadka xoolo-yarida ay bidday abaarta, kuwaas oo inta u hartay si casri ah u dhaqda.
Gudaha xerada waxaa ku xiran tuubooyin biyaha ka soo qaada ceel-biyood riig ah, kuwaas oo ay ku waraabsadaan geela. Mid kasta oo ka mid ragga xoolaha ku haysta xerada wuxuu bixiyaa bil walba $10 oo ah biyaha geeliisu uu isticmaalaya.
Dhaqaalaha uga baxa calafka iyo biyaha ay siiyaan xoolahooda waxay ka soo saaraan caanaha ay ka lisaan xoolahooda, kuwaas oo ay u iibgeeyaan suuqyada Baladwayne. Cilmi wuxuu toddobaadkii ka helaa caanaha xoolihiisa $150.
Qayb ka mid ah lacagtan wuxuu ku bixiyaa xanaanayntooda, halka inta soo hartay uu ku maareeyo nolol-maalmeedka qoyskiisa oo 11 ah, kuwaas oo ka baxay xaalad nolol xumo.
“Caanaha ayaa kala baxaysa dhaqaalaha ku baxaya bal, calaf iyo raashin. Aad bay u wanaagsan tahay geela qofkii fahma. Wuxuu quruxsanaana, wuuna ladnaanayaa, adiguna waxaad ka araysanaysaa geelii aad daba socotay iyo qoraxdii waad ka raysanaysaa, dadkii lahaana nacfi bay ka heleen. U badkii wuu noolaaday, wax walbana way ladanaanayaan.”
Wuxuu sheegay in qayb ka mid geeliisa weli uu ku hayo miyiga, kuwaas oo u badan awr u babac-dhig kara daaq iyo biyo yarida miyiga deegaanka Jilacle ee gobolka Hiiraan, balse neefka u adkaysan waaya daaq xumada uu ku soo xareeyo xerada si uu u soo kabto.
In ka badan soddon xero oo lagu xanaaneeyo xoolaha gaar ahaan geela ayaa laga hirgaliyay duleedka Baladwayne labadii sano ee la soo dhaafay. Xoolo-dhaqatada leh ayaa u arkay in fikraddan ay tahay xalka kaliya ee ay ku samatabixin karaan xoolahooda.
Xoolo-dhaqatada ka hor yagleelidda xeryahan waxay talo iyo tusaalayn ka heleen khubrada ku taqasusay xannaanada xoolaha, taas oo la xariirta sidii u badbaadin lahaayeen xoolahaooda, waxaana u soo baxday hal-abuurkan fursadda dhaqaale iyo soo kabashada u noqday xoolahooda.
Qaar ka mid ah dhakhaatiirta ku taqasusay xanaannada xoolaha oo Raadiyow Ergo la hadlay ayaa sheegay in isbeddelka cimilada uu wiiqi karo xoolaha soomaalida ee lagu dhaqdo miyiga.
Dadkaas waxaa ka mid ah Dr. Cali Xaraare Maxamed oo ka tirsan ururka xanaanada xoolaha CERELPA. Wuxuu leeyahay khibrad ka badan 40 sano oo uu ku dhex jiray shaqada daawaynta xoolaha.
Wuxuu talo iyo tusaalayn siiyaa xoolo-dhaqatada ku kafaraya in ay samaystaan xeryo ay ku xanaaneeyaan xoolahooda si ay uga samatabaxaan xiliyada adag ee roob la’aantu jirto.
“Waxay horseedi kartaa in xooluhu ay badbaadaan, marka xooluhu ay badbaadaana nacfiga oo dhan waa la helayaa. Hadda markan fiirino dakhliga waddankeena. Boqolkiiba 85-75 waxay ka soo baxdaa xoolaha, xoolihiina haddii ay baaba’aan dhaqaale xumo ayaa imaanaysa. Marka xoolihii aad iyo aad ayay uga raysteen, waana laga wada macaashay.”
Xoolo-dhaqatada ayuu sheegay in ay isku haystaan daaq, biyo iyo daawayn ay si bilaash ah u helaan, taas oo ku dhiir-galinaysa xoolo-dhaqato badan in ay ka faa’iideystaan fursaddaas.
Intaas wuxuu ku daray in xoolaha gaar ahaan geela sida casriga ah in uu ka caano badan yahay kuwa miyiga, maaddama nafaqada uu helayo ay ka badan tahay, taas oo dakhli badan soo galisay xoolo-dhatqada iyo beeraleyda oo ay ka iibsadaan calafka iyo balka.
Boqollaal xoolo-dhaqato ah ayaa ka faa’iideysta xoolaha sida casriga loo dhaqdo, hase ahaate intooda badan malahan xero. Xoolaha abaartu ay nuglaysay ayay ku daraan xeryaha iyagoo bixiya lacago bille ah.
Dadkaas waxaa ka mdid ah Maxamed Saney Aadan oo dhaqanaya 30 geel ah. Wuxuu sheegay in uusan lahayn awood uu ku fursto xero uu ku xanaaneeyo xoolihiisa, balse uu door-biday in xoolaha abaartu ay jilciso uu ku daro xerooyinka magaalada ku yaalla.
Waxaan la kulmay isagoo ku howlan in uu dib ugu celiyo miyiga deegaanka Takaraalle oo 70 km u jira Baladwayne 16 geel ah. Muddo saddex bil ah ayay ku jireen xero si casri ah loogu dhaqdo xoolaha.
“Roobabkan hadda da’aya daaqooda ayaan rabaa in meesha ka sii raacaan. Meeshaan bal, biyo daawo ayaa meeshan lagu siiyay. Marka meeshii aan ka keenay ayaan u celinayaa. Geel iyo ariba waan dhaqdaa.”
Wuxuu sheegay in wax dhaqaale ah uusan uga bixin muddadii ay ku xaraysanaayeen xerada. Waa halo irman oo caanaha laga liso uu ku dabbarayay lacafkooda, biyaha iyo kirada xerada.
Wuxuu sheegay in lacagtii uu ku bixin jiray xanaanayntooda uu u weecin doono nolol-maalmeedka qoyskiisa, kuwaas oo ku tiirsanaa raashin dayn. Wuxuu xusay in maalintii uu ka liso in ka badan 15 koombo oo caano ah, kuwaas oo uu ka helayo lacag ka badan $10.
“Hadda markan imaanayay xoolahayga oo liita ayaan keensaday. Waa la isoo dhawweyay. Waxaan ku xaroostay. Waa laygu xannaaneeyay, biyo, baad iyo balna waan ku siistay.”
Ninkan oo abbe u ah qoys 16 ah wuxuu xusay in abaartu ay dhigtay xoolo-yari afartii sano ee la soo dhaafay.
Ku dhawaad 70 neef oo iskugu jira ari iyo geel ayay abaartu ka galaafatay. Wuxuu xusay in hadda uu ka soo kabanayo gaar ahaan geela qaarkood dhalay, kuwana ay riman yihiin.
Dr. Cali Xaraare oo ka mid ah dhakhaatiir CERELPA ayaa sheegay in kobac dhaqaale laga helay xeryaha sida casriga ah geelo loogu dhaqdo, kuwaas oo faa’iido u noqday reer-guuraaga iyo beeralayda.
“Meeshaas waa laga wada macaashay faa’iido badan ayaa laga wada helay.”










