Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Haween waddooyinka Cadaado ku iibiya cunno bisil oo ka soo kabtay dhaqaale xumo

Jibril Osman by Jibril Osman
October 27, 2025
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay
0
blank

Xaliimo cali oo cunnooyin fudud ka iibinaysay ardayda/Faadumo Cabdi/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Xalliimo Cali abuukar waxay markii ugu horraysay qoyskeeda oo toban qof ah ka saartay nolol xumo ku haysatay muddo shan sano ah xerada Badbaado ee magaalada Cadaado oo ay degan yihiin. Arrintaas ayaa u suura gashay markii bishii July ee sandkan ay bilowday in ay iibiso cunto ay guriga ku kariso.

Waxay ka mid tahay 55 haween ah oo ka soo jeeda qoysas barakac ku ah siddeed xero oo ku yaalla duleedka magaalada, kuwaas oo ka ganacsada cuntooyinka fudud oo ay xaafadaha ku kariyaan. Waxay ku wareejiyaan magalaada oo ay ku leeyihiin macaamiil ku xiran.

Xaliimo waxay subax kasta gaysaa goobaha waxbarashada sanbuus bur iyo bajiye, kaas oo ay ka gataan ardayda. Waxay sheegtay in maalintii ay ka hesho ugu yaraan $4 oo faa’iido ah. Dhaqaalahaas ayay tilmaantay iin ay kaga kabsadeen nolol-xumo ay wajahayeen iyada iyo carruurteeda.

“Noloshayda waxbadan ayaa iska badalay macaamiil badan ayaa ku leeyahay iskuulkas si fiican ayaa la iiga yaqanaa. Waxaan ka gadan jiray xitaa ardaydii Meesha ka qalin jabisay badankeed waxay aaday jamacada Galmudug. Galmudug laftirkeeda ayaa layga soo dalbadaa oo waa aadaa.’’

Fikirkaan ganacsi ayay sheegtay Xaliimo in ay ku dhalatay, markii haweenka xeryaha ay ka joogsatay shaqo dhar dhaqis iyo cunto karin ah oo ay ka qaban jireen xaafadaha magaalada. Arrintaas waxaa sababay dadka oo keensaday qasaaladaha dharka lagu dhaqo iyo kuukarada cuntada lagu kariyo oo iyaga looga maarmay.

Waxaa meesha ka baxay $2 illaa $4 oo ay maalin leh uga heli jireen iyaga oo gaaray heer ay xitaa carruurtooda u waayaan wax ay hal mar dabka u saaraan. taas oo sababtay in ay la yimaadaan hal abuurkaan guulaystay.

Xaliimo ayaa sheegtay in ay ku billowday raashin ay dayn uga soo qaaday dukaano magaalada ku yaalla oo ku kacayya illaa $95, kaas oo ay iska gudday bishii koobaad markay shaqaysay. Waxay tilmaantay in hadda ay uga soo iibsato si maalinle ah hadba waxay u baahan tahay.

Haweenaydaan ayaa xustay in ay dareemayso in ganacsigeedu uu sii korayo oo maalin kasta ay hesho macaamiil hor leh, taas oo keenta in ay kororto faa’iidada ay ka helayso.

Inay cunno ku filan u heshay carruurteeda waxaa u dheer in ay waxbarashada ku dartay qaar ka mid ah bishii hore. waxay sheegtay in ay ahayd riyo ay muddo ku taamaysay balse duruufuhu ka hor taagnaayeen. Waxay si bille ah uga dhiibtaa isku darkooda $20.

“Caruurtayda waxaa wax ii barta afar cunug saddex gabdhood iyo wiil ayaa wax ii barta oo aan waxbarasho geystay bajiyahaas, burkaan waxaas yaryarood ka ah iyo badarkaas yar kaa yar yarood kaa bariis baasto inta aan suubiyo waxaas ayaan ku dabaraa.”

Qoyska Xaliimo ayaa ka soo barakacay gobolka shebeelaha dhexe 2020 xilligaas oo Colaado iyo abaaro ay isku biirsaday darteed ay tacban waayeen beer saddex hektar ah oo ay halkaas ku lahaayeeen.

Dhanka kale waxay sheegtay in aanooyinka qabiilada darteed loo xirtay ninkeeda oo mudaddaas ay kali ku noqotay korinta carruurta.

Khadiijo Cumar Cali oo ka mid ahayd dadkii ugu danbeeyay ee ku soo biiray haweneydaan ayaa sheegtay in ay ka heshay kooxda caawin xooggan oo u sahashay in ay muddo kooban maarayso nolosha qoyskeeda oo lix qof ah.

“Markii hore ganacsigayga waxaa ku bilaabay labo kilo oo bur ah, haddana Ilaahay baa ii barakeey. Labadii kiilo oo burka ahaa waa ka tagay lix kiilo ayaa haddana noqday lixdii kilo. Ilaah baa ii fududeeyay bartaan ayaa ka qadaa halkaas ayaana geeya, ilmahayga ayaana ku korsadaa.”

Khadiijo waxay sheegtay in shaqada oo ay ku soo biirtay bishii agoosto ee sanadkaan ay qoyskeeda kaga baxeen nolol xumo badday in ay kaalmo waydiistaan dad ay ehel yihiin oo magaalada ku nool.

Waxay sheegtay in tan iyo markii ay billawday shaqadan ay ka soo kabsatay welwel ay ka qabtay xaaladda carruurteeda oo habeenada qaar gaajo ku seexan jiray iyaga oo ka yar 10 sano.

waxay sheegtay in hadda ay si maalin leh ah uga hesho cuntada ay wareejiso ugu yaraan $3, taas oo ku filan. Waxaa u kiraysan hal qol oo bishii ay ka bixiso $25. Waxay sheegtay in ay ka baxday hoy la’aan haysay muddo afar sano ah.

Waxay sheegtay in ujeedka ugu wayn ee ay guriga u kiraysay uu ahaa in ay ku kari so cuntada maaddama xerada aysan ka heli karin agabka ay u baahan tahay.

Qoyska khadiijo waxay ka soo barakaceen 2019 gobolka Bay, halkaas oo ay ku lahayeen beer 6 hiktar ah oo ay ku tacban jireen khudaar iyo raashin. Waxaa nacfi tiray abaar isku raacday dhawor sano oo xiriir ah.

Saygeeda oo waayeel ah ayay sheegtay in uu magaalada u aado shaqo xoogsi ah balse inta badan uusan soo helin maaddama uusan qaban karin shaqooyinka intooda badan.

Haweenkaan kaliya ma dabaraan nolosha reerahooda ee sidoo kale waxay caawiyaan dadka kula nool xeryaha ay degan yihiin sida uu sheegay Cabdalla Maxamuud Cilmi oo ka mid ah horjoogayaasha xeryaha barakaca.

Wuxuu tilmaamay in horay xeryaha dadka degan ay ku jireen xaalad isku mid ah oo aysan jirin qof wax u awooda kuwa kale, balse hadda oo ay shaqaynteea haweenkaan ay keentay in dadku ay karaan in ay iscaawiyaan taas oo uu xusay in ay dhiiro gelin karto kuwa kale.

Inta badan dadka ku barakacay gudaha dalka mahelaan fursado ay ku maareeyaan noloshooda waxayna ku qasbanadaan in ay sanado dheer ku jiran xeraya barakaca iyaga oo ku sugta deeqaha hay’adaha, balse sanooyinkaan waxaa soo badanaya dadka ku dhiiranaya in ay iskood iskugu filnaadaan baddalkii ay gacan kale sugan lahaayeen.

Previous Post

Reer-guuraaga Hiiraan oo daryeel caafimaad iyo mid daaq u helay geela abaarta u nugul

Next Post

Qoysas colaad ku waayay beero iyo guryo oo cunno xumo ku wajahaya duleedka Marka

Related Posts

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka
Wararkii u Danbeeyay

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka

May 13, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Adeegsiga AI oo beeraley Baydhabo ka caawiyay inay soo saaraan dakhli beddelay noloshooda

May 11, 2026
Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 9, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Daad burburiyay gododka cusbada laga qodo oo saameeyay xoogsatada gobolka Afdheer

May 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Haween shaqooyin adag ka qabta Muqdisho oo maareeyay nolosha qoysaskooda

May 6, 2026
Beeraleyda Jubbaland oo ka baxay nolol xumo markii laga caawiyay waraabinta beerahooda
Wararkii u Danbeeyay

Beeraleyda Jubbaland oo ka baxay nolol xumo markii laga caawiyay waraabinta beerahooda

May 5, 2026
Next Post
Qoysas colaad ku waayay beero iyo guryo oo cunno xumo ku wajahaya duleedka Marka

Qoysas colaad ku waayay beero iyo guryo oo cunno xumo ku wajahaya duleedka Marka

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 13-MAY-2026

IDAACADDA 13-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 13-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-MAY-2026
May 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-MAY-2026
May 11, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 10-MAY-2026
May 10, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 09-May-2026
May 9, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 08-MAY-2026
May 8, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo