(ERGO) – Salaad Maxamed Xasan wuxuu awood la’ yahay inuu cunno hal waqli ah u helo carruurtiisa oo 9 ah iyo xaaskiisa tan iyo bishii Abriil. Arrintan ayaa ka dhalatay suuq xumo ku dhacday shaqadiisa oo ahayd tolidda kabaha la xirto.
Ninkan wuxuu ka mid yahay 15 rag ah, oo hadda wajahaya nolol xumo markii xirfadoodii sancaynta kabaha ay ku waayeen shaqo. Iyaga iyo qoysaskooda waxaa la soo deristay xaalad hubanti la’aan ah.
Salaad oo welwel la’aan shaqadan ku jiray 10 sano u dambeeyey. Hadda Waxaa feker ku haya quud u helidda qoyskiisa. Ma laha xirfad kale oo ku xoogsan karo isla markaana ma haysato kayd lacageed.
“Caruurtiibaa isoo wacaysa hadda wakhtigaan waxna uma hayo Sahalkayga [nooc ka mid ah lacagta taleefannada] waa maran yahay. Kabahaas aan toli jiray ka shaqayn jiray hadda ma leh. Saddexda wakhtina marbaa dabka shidanaa. Halkaa wakhtina deyn ama deriska unbaa laga soo qaadaa. Ilaahay xagii baan wax ka dhowraynaa.”
Salaad ayaa tilmaamay in xirfadan ay ahayd isha keliya ee dhaqaalaha ka soo geli jiray. Wuxuu maalinle uga heli jiray $10, taas oo uga filnayd, cunnada, kirada, waxbarashada iyo baahiyaha kale ee qoyska. Wuxuu xusay weligiis cid u baahan balse hadda ay ku nool yihiin caawimaad iyo shaxaad ee uu dadka waydiisto.
Saamaynta soo gaartay ninkan waxay sababtay inuu ku biro xerada barakaca ee Dangwadaag ee duleedka Magaalada Gaalkacyo markii uu bixin waayay kiro $230 oo ah kirada guri labo qol ah oo lagu yeeshay saddex bil ee tagtay.
Salaad iyo qoyskiisa waxay hadda ku hoydaan buul aan dugsi fiican lahayn iyo deegaan aan lahayn adeegyada aasaasiga ah ee nolosha. Wuxuu sheegay inay ku qasbanaadeen nolosha barakacnimada maaddaama doorasho kale ay waayeen.
“Wax walba waa dabari jirtay markuu suuqa fiicnaa; kiro, biyo waxbarasho, waxkasta haddase maleh. Shaqo la’aantu waxay keentay in wixii oo dhan meesha ka baxaan, qofkana hadduu shaqayn waa la bakhtinayaa, hadeerna wixii la cuni lahaa baa la la’ yahay. Qofkii kab ka go’do $1 ama $0.5 baa laga heli jiray haddana kabaha waaba yaraadeen. Dadka horay bay kabo fiican ka sii gataan.”
Salaad ayaa sheegay in sidoo kale ay waxbarasho la’aan ku dhacday afar ka mid ah carruurtiisa markii awoodi waayay $15 oo bishii laga qaadi jiray midkiiba. Waxaa murugo ku haysta inay hadda guri joog yihiin.
Ninkan culeysyadaas waxaa u dheer in lagu leeyahay dayn gaaraysa ilaa $600, taas qoyskiisa ay dukaamo deegaanka ah raashin uga qaateen intii uu baago-muudada ahaa. Salaad oo 45 jir ah wuxuu hadda qorshaynayaa inuu xirfad kale barto.
Ragga kabaha tolaha ayaa ayaa ka siman saamaynta markii ay xirfadoodii si tartiib tartiib ah looga maarmay. Maxamed Cali Colow waxaa ku adag inuu hal waqti dabka u shido qoyskiisa oo ka kooban 11 qof.
Maxamed ayaa sheegay inuu ku filnaa daboolidda baahiyaha reerka muddo 15 sano ah oo ku soo jiray kabo tolidda balse maanta dhaqaale xumada la soo gudboonaatay darteed wuxuu ka fursan waayay inuu barakac ah noqdo.
Ninkan iyo qoyskiisa ayaa duruufo nololeed ku wajahaya xerada Doonyaale oo ay ku biireen bishii May markii ay ku adkaatay nolosha magaalada. Wuxuu sheegay inuu isaga oo niyo jabsan iska dhex joogo buul uga dhisteen xerada.
“Saaka dab looma shidin. $1.5 iyo $2 oo aan shaxaad ku helaan ilmaha hal wakhti dabka ugu shidaa. Nolol kalana ma jirto magaalada intaan aado oo dad aan aqaano soo shaxaado ayaan ku noolnahay. Noloshii hore aboosto ahayd $10, $8 baan maalintii helayey. Labo qol oo kiro ahna waan degenaa noloshayda heersaro ahayd. Ciyaalka waxbay ii baran jireen, labada qol $60 kira ahayd maalintii waxaan soo helo meel wax uga dhigi jiray. $50 waxbarasha ahna waan bixin jiray. Shan caruura ii dhigan jiray. ”
Maxamed wax la’aan haysta waxaa ku weheliya welwel joogto oo ay ku hayso dayn $700 oo doolar ah, taas qoyskiisa badankeed ay u qaateen biil ahaan 5 bil la soo dhaafay. Wuxuu sheegay dadkii ku lahaa inay ballan u qabteen isna uusan oofin karin.
Ninkan ayaa sheegay waxyaabaha keenay suuq xumada inay ka mid tahay dadka oo hadda marka ay kaba ka go’aan iska tuura iska markaana gada kuwo cusub. shaqo la’aantan ayuu xusay inay tahay midii ugu darnayd uu la kulmo.
“Shaqadii aad bay u soo xumaatay ka dib magaaladii waan ka guuray. Kaam baan degay, waxaan uga cararay kiradii oo la is daba taagan yahay. Waxaan is iri kaamkaas bal ciyaalka ula carar sidaa hakuugu noolaadaan. Waxaa sababay kiradii baan iska bixin waayey, ciyaalkii waxbarashadoodii bixin waayey iyo raashinkii bakhaar baa $500 igu leh lacagtiina waa la isoo weydiiyaa. Waxaan iraahdaa bilwalba bilbaan u qabtaa, meelaan ka keeno ma hayo shaqadiina waa istaagtay. Hadda wax shaqo ah ma hayo.”
Ninkan iyo qoyskiisa ayaa hadda ku tiirsan kiilooyin raashin ah oo ay ku caawiyaan dadka magaalada oo uu la wadaagay xaaladdooda. Habeennada aysan helin ayuu xusay inay carruurtiisa ay qatooyo ku seexdaan.
Shaqo la’aantu waxay sidoo kale saamaysay Xuseen Daahir Cali oo aabbe u ah 5 carruur ah, waxaa qoyskiisa isku biirsaday hubanti la’aan cunoo iyo hoy xumo. Waxaa sababay isbeddelkan shaqadiisii oo istaagtay bishii Abriil.
Xuseen oo lixdii sano ee la soo dhaafay ku shaqaysanayay xirfaddan ayaa sheegay inuu kaga welel la’aan masruufka reerka iyo labadiisa waalid balse hadda isaga uu marayo in la caawiyo oo hal wakhti dabka loo shido.
Ninkan oo horay u deganaa labo qol oo bishii kiradoodu ahayd $60 ayaa hadda sheegay inuu dul saar ku yahay cid ehelkiisa ah oo u ogolaaday inuu ka dego hal qol markii lagu yeeshay afar bilood lacagtooda. Waa filan waa ku noqday sida ay meesha uga baxday shaqadiisii.
“Waligeyba shaqo middan aheyn ma aanan ku shaqeysan, carruurteyda waxbarashadooda, iyo nolosha qoyska ayaan ka maareynayn jiray oo ay u dheer tahay kiradii guriga, hadda dabkii wax loogu shido la layahay, dadkaa nacaawiya.”
Xuseen wuxuu sheegay in 3 ka mid ah caruurtiisa ay waxbarashadii iskuulka ka hareen balse ay u dhigtaan dugsi quraan oo uu sheegay laga dhaafay 10 doolar oo laga qaadi jiray markii la arkay duruuftiisa.
Ninkan ayaa tilmaamay in deyn siintii laga joojiyey oo dukaamo uu qaadan jiray ayuu xusay in weli ay ku leeyihiin lacag gaaraysa $300 oo uu dhowr bilood raashin uga qaaday reerka. Ninkan oo xusay inuusan hadda xirfad kale la qabsan karin balse weli kama uusan quusan shaqadiisii.
“Maalmaha qaar waxaan imaadaa meeshii aan ku shaqaynayey anoo rajo ka qaba inaan wax helo, qof maalintii ku xisaabtami jiray $10 ma u dul qaadan karo shaqo la’aan joogta iyo baahida caruurta.”
Horumarin la’aanta xirfadda kabo tolidda raggan iyo dadweynaha oo liita shaqadooda ayaa iyaga iyo qoyskooda oo ku haysan nolol wanaagsan bidday inay galaan nolol xumo aysan horay qorsha ugu sii darsan, taas oo ay hadda ka kaban la’yihiin.










