(ERGO) – Qoyska Xuseen Ibraahim Nuunow oo ka kooban toddobo qof waxa ay la tacaalayaan helidda cunto hal waqti ah maalintii tan iyo bilowgii April. Shaqo ciid-gurid ah oo uu Xuseen ku maarayn jiray nolosha qoyskiisa ayaa istaagtay, markii roobab mahiigaan ah ay biyo dhigeen meelihii uu ka qodi jiray ciidda, taas oo xannibtay dhaq-dhaqaaqii shaqada.
Xuseen wuxuu ka mid yahay in ka badan 300 oo qof oo barakac ah oo ka shaqayn jiray qodista ciidda dhismaha, taas oo laga qodi jiray boholo ku yaalla duleedka Baydhabo, kadibna lagu qaadi jiray baabuur si loogu iib-geeyo magaalada. Shaqadan ayaa ahayd isha keliya ee uu qoyskiisa ku maareyn jiray.
Goobihii laga qodi jiray ciidda waxaa buux dhaafiyey biyo, waxaana ay noqdeen dhiiqo aysan geli karin dadka iyo baabuurta toona. Xuseen ayaa sheegay in shaqo la’aantu ay sababtay in qoyskiisu ay wajahaan cunto yari daran. Waxa uu tilmaamay in ay kaalmo yar ka helaan dad eheldoda ah oo jooga Muqdisho.
“Hadda si dhib ah ayaan hal waqti dabka ku shidanaa, mararka qaarna xitaa wey naga baaqataa oo maba heli karno. Markii hore saddex waqti ayaan wax karsan jirnay. Carruurta yar yar ee aan wax kale cuni karin, caanahooda iyo baahiyahooda kalena waan dabooli jiray.”
Wuxuu intaas ku daray in shaqadiisa maalinlaha ahayd uu ka heli jiray $4 ilaa $5 oo joogta ah, taas oo ugu filnayd saddex waqti oo cunto ah. Isagu wuxuu ahaa qofka kaliya ee reerka u dhaqdhaqaaqi jiray, waxaana hadda meesha ka baxay dakhligii uu qoysku ku tiirsanaa.
Qoyska Xuseen waxaa dhibaatooyinka ay la daalaa dhacayaan ka mid ah biyo yari, waxaana hal caag oo biyo ah laga iibiyaa $4,000 oo shilin Soomaali ah gudaha xerada Buulo-Gadisow oo ay ku nool yihiin. Sida uu sheegay, isaga iyo xaaskiisa ayaa ceel-gacmeed gaar loo leeyahay oo u jira hal saac oo socod ah maalinkii ka soo barya hal labaatanle oo aan ku filnayn reerkiisa.
Dhibaatada hoy la’aanta ayaa sii murjisay xaaladooda nololaleed. Waxay habeenkii la seexdaan dad deris la ah, halka maalinkii ay harsadaan hooska geedaha.
Roobabkii da’ay 12 May ayaa ka dumiyey qol cooshad ah oo ay ku noolaayeen. Carruurtooda midka ugu yar oo hal sano jir ah ayaa la tacaalaya xaaladdan oo aysan la qabsan karin.
“Nolosheena khatar bay ku jirtaa. Waan xamaalan jirnay oo ciidda ayaan ka shaqayn jirnay ilaa roobku bilowday boholihii aan ka qodi jirnay baa biyo galen. Hadda shaqo ma haysanno. Mid kale oo aan u baxsan karno se ma jirto oo waa weynay.”
Xuseen wuxuu sheegay in laba ka mid ah carruurtiisa laga soo eryey dugsi Qur’aan dhammaadkii bishii hore, kadib markii uu bixin waayay $10 oo laga rabay. Tani waxay ku keentay welwel hor leh. Wuxuu mar kasta raadiyaa shaqooyin xamaal ah si uu u dabaro nolosha qoyskiisa, balse wuxuu guriga ku soo noqdda isagoo oo aan soo helin.
Qoyska Xuseen waxay dhammaadkii 2023 ka soo barakaceen deegaanka Oflow ee hoostaga Baydhabo, markii roob yarida labo xilli oo xiriir ah ay uga qasaareen dalagyo khudaar iyo cuntooyin kale iskugu jira oo ay beerteen, taasoo uu ku waayay $400 oo ahayd keydkiisi ugu danbeyay.
Sameeynta shaqo la’aanta waa mid ay ka simanyihiin raggan oo muruq-maal ahaa. Cabdisamad Yuunis Macalin oo ka mid ayaa waayay shaqadiisi xoogsiga ahayd. Wuxuu sheegay in xaaladda uu qoyskiisa oo sagaal qof ah wajahayo ay tahay mid walaac leh. Cuntadooda waxay noqotay hal waqti oo habeenkii raashin bisil ay derisku siiyaan, taasoo aan u filnayn.
“Markii hore nolosheena aad ayey u ficneyd oo shaqo fiican ayaan heli jirnay, laakiin hadda xaalkeenu aad ayuu u adagyahay shaqo mahayno. Xaafadaha ayaan iska joognaa. Markii aan shaqeynayey waxan heli jirey shan doolar ila afar doolar iyo bar, xita mararaka qaar lix dollar oo ku filnayd bahiyaha qoyskeyga.”
Biyo la’aantu waxay sababtay in qoyska oo dhami ay maalintii oo dhan isticmaalaan hal jirgan oo biyo oo ay ka helaan dariskooda oo ay u dan sheegten. Wuxuu xusay in aysan ku filneyn reerkiisa oo badan sidokalana aysan heli karin wax intaas dhaafsiisan.
Cabdisamad wuxuu sheegay in roobab xoogan oo wata dabaylo ay dumiyeen labo buush oo ay deganaayeen bishii shanaad, taasoo sababtay in qoyska oo idil ay dul-saar ku noqdaan dad qaraabadooda ah oo kula jira xerada Faanoole.
“Ma heli karno meel wanagsan oo aan seexano kaliya carruurta ayaan meel ay gabadsadan u radsana si haddu roob imaado aysan u dhaxamoon.”
Dhibaatooyinkaas darteed, lix carruurtiisa ah ayaa laga soo eryey dugsiga 20-kii May, markii uu bixin waayay $15 oo ah lacagta iskuulka.
Qoyska Cabdisamad waxa ay sanadkii 2023 ka soo barakaceen deegaanka Goof-gaduud Shabeelow ee hoostaga Baydhabo, kadib markii jilaal ba’an uu nacfi tirtay beer saddex hektar ahayd oo noloshoodu ku tiirsaneyd.
Maxamed Ibraahim Maxamed oo qoyskiisu ka kooban yahay sagaal qof ayaa sidoo kale la daalaa dhacaya cunno yari. Xaaskiisa oo horraantii bishan umushay ayuu sheegay in uusan u heli karin cunto hal waqti ah.
Mararka qaar kaalmo yar oo uu ka helo dad ehel ah ayay quud ka dhigtaan, haddiise uu waayo waxay ku qasbanaadaan in ay qatooyo ku joogaan.
“Welwelka ugu weyn waxaa igu heysa xaaskeyga oo umul ah oo wax ay cunto aan u hayn taas wax iga daran malahan, waxaan ka cabsi qaba in iyada iyo cunugeeda ay isla dhintan. Culeys weyn ayay igu haysa, in arrintas laiga garab siiyo ayaan jeclan laha.”
Maxamed wuxuu sheegay in uusan lahayn xirfad kale oo uu ku shaqeeyo, balse uu ku tiirsanaa shaqada ciid gurid ah. Subax walba wuxuu u baxa raadinta shaqo xamaal ah, balse ma helo.
Wuxuu xusay in ay calays ku heyso deyn $200 ah, oo looga kala leeyahay dugsi Qur’aan ay saddex carruur ah u dhigtaan iyo dukaan uu uga soo adeegay ciiddii Carrafo. Wuxuu rajeynayaa in shaqadiisa hore dib u soo laabato si uu deynta isaga bixiyo.
“Deyn laba boqol oo dollar ah ayaa la igu leeyahay wax carruurta aan ugu soo adeegay iyo qaar dugsiga Qur’ aanka laigaga leeyahay. Culeys intiisa dhan waye. Ilaahay ayaan ka baryayaa in uu furo albaabka risiqa si aan uga baxo.”
Qoysaska barakaca ah oo aan lahayn ilo dhaqaale oo sugan, waxay had iyo jeer u nugul yihiin masiibooyinka dabiiciga ah, kuwaas oo u horseeda khalkhal ku yimaada hab-nololeedkooda.