Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Cunto-Yaraanta

Dhibaato caafimaad iyo mid nolol xumo oo ka dhalatay biyo yari ka jirta Bandarbayla

Jibril Osman by Jibril Osman
June 27, 2025
in Cunto-Yaraanta, Wararkii u Danbeeyay
0
Dhibaato caafimaad iyo mid nolol xumo oo ka dhalatay biyo yari ka jirta Bandarbayla

Qaar ka mid ah qoysas biyo yarida wajahaya oo fuusto ka dhaansanaya/Mahamuud Nadiif/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Magaalada Bandar-bayla ee gobolka Bari waxaa ku dhawaad saddex bil ka jirta biyo yari saamayn ku yeelatay danyarta. Halkii fuusto ayaa gaartay $5, halka markii hore ay ahayd $1.5. Qoysaska dhaqaalahoodu liito ayaa awoodi la’ qiimahan sare.

Qoyska Nadiifo Cismaan Yuusuf oo 15 qof ah waxay biyo yaridu bidday inay isticmaalaan biyo dhannaan oo masaafo dheer ay dhabarka uga soo qaadaan iyada iyo labadeeda gabdhood ceel-gacmeed u jira hal saac oo socod ah. Ma lahan gadiid ay ku soo dhaansadaan. Waxay maalinkii helaan afartan liitar oo aan ku filnayn, maaddaamaa ay badan yihiin.

“Xaaladda aan ku suganahay waa mid xun. Magaaladoo dhan ayaa ooman. Biyo aan cabno ayaan weynay, dhibaato weyn ayaan mudanay, biyaha aan soo xamaalayno dhibaato ayay leeyihiin, dushii ayaa nagu muruxday dhabarka ayaa nagu xanuunay. Inta aan sugayno saddex saac ayay nagu gaaraysaa.”

Nadiifo ayaa xustay in hooyadeed oo waayeel ah iyo carruurta yaryar aysan u heli karin biyo ay cabbaan. Booyadaha ayay sheegtay inaysan deyn ka ogolayn aysanna awoodin lacagta la iibiyo biyaha macaan.

Haweenaydan ayaa sheegtay in marka ay wayso wax kale oo carruurtu ku ooyaan ay siiso biyaha dhannaanka ah ee ceel-gacmeedyo ku yaalla xeebta badda.

Labo ilmaheeda ka mid ah ayay xustay in ay isbitaalka deegaanka la gashay intii u dhexeeyay 6 ilaa 12 Juun, markii ay ku aragtay calool xannuun, shuban, matag iyo qandho badan. Dhaqaatiirta ayaa u sheegay in ay eersadeen biyaha ay siisay.

“Ilmaha way qufaceen, shuban ayaa iiga dhacay, waxaa sababay biyaha isbadalka ah. Marbaa goor habeen ah aan ilmaha korka ku qaaday, inkastoo gadiidkii aan ku qaadi lahayn waynay ilmihii waa la ii qaabilay kaniiniyaal ayaa la ii siiyay iyo oo-aarays, cirbado ayaa la ii duray 7 beri ayaan kula jiray waa ii fiicnaadeen.”

Nadiifo ayaa tilmaantay iyaddoo la daala-dhacaysay helitaanka cunnadda qoyska ay ugu darsantay xaaladan. Waxay noloshooda ka maaraysaa dhardhaqid ay maalmaha qaar magaalada ka hesho, markii ay waysana ay qadaan.

Waxay xustay in labadii bil ee ugu danbaysaysay aysan joogto hal waqti oo cunno ah ugu helin carruurteeda. Bad-xiran jira, kalluunkii oo yaraaday iyo biyo la’aanta ayaa saameeyay shaqooyinkii nadaafada ee maalinkii ay ka heli jirtay $3- $5, balse hadda toddobaadka dhan ay hesho wax ka yar $2.

Nadiifo ayaa sheegtay in dukaankii ay macaamiisha ka ahayd deyn looga diiday oo buugeedii la xiray bilowgii bishaan, markii lagu yeeshay $350. Cawimaad yar oo ehelkeeda Boosaaso jooga ka hesho ayay dabka saartaan.

‘’Hadda waxaaba noogu daran baahi wax aan cunno iyo wax aan cabno ma jiraan, carruurtii baahi ayay la ooynayaan, shaqaan jirin. Baddaa shaqo noo ahayd aargoosatana hadda ma jirto, anna waxaan ahay maamo fadhida hanti ma lihi waxaan soo tuugsado ayaan dabka ugu shidaa.’’

Nadiifo ayaaa ka walaacsan in shan carruurteeda ah ay waxbarasho la’aan yihiin, markii ay awoodi waysay $50 oo dugsiga iyo iskuulka ay ku dhigan jireen. Ninkeeda oo badda uga shaqaynayay waxaa isku raacay da’ iyo dhabar xanuun sanadkii hore ku dhacay oo uusan ka shaqayn karin.

Biyo yarida ilaa bishii Abriil ka jirtay magaalada Bandar-bayla ee gobolka Bari waxay sidoo kale saamayn taban ku yeelatay qoyska Sahra Xanaf Kullan oo lix qof ah. Waxay keligeed korinaysa shan carruur agoon ah oo ay ayeeyo uu tahay.

Haweenaydan ayaa sheegtay in maalinkii ay hal jirigaan ka soo baryaan deriska oo ay u dan sheegato. Waxay xustay inay yihiin dhannaan aan nadiif ahayn oo aan la cabi karin, sidoo kalena aysan heli karin qoryo ama dhuxul haddii ay iska karkarin lahayd.

Waxay tilmaamtay inaysan awoodin in ceelasha ka durugsan ay ka soo qaadato biyaha, maaddaama ay da’ tahay sidoo kalena ay feeraha iyo caloosha ka dareento xanuun aysan helin qarash ay dhaqtar uga xaqiijiso wuxuu yahay.

“Biyuhu waa fog-yihiin labaatanle ayaa la ii siiyaa waxaas baan siiyaa. Biyihii waa xamaal anna xanuun ayaa I haya sidaan u xamaalayay ayaa Tiibisho igu dhacday, feeraha hoosaa I xanuunaya sidaan caag u siday ilmuhuna waa igu ooynayaan.’’

Sahra ayaa sheegtay in dhibaatada biyaha ka haysata ay u raacday cunno xumo ku qasabtay in aysan hal toddobaad carruurteeda dabka u shidin. Ma awoodo inay qabato shaqooyinka xamaalka ah mana jirto cid kale oo caawisa.

Wiilkeeda oo dhalay carruurta ay hayso oo madi ahaa noloshooduna ay ku tiirsanayn ayay sheegtay in uu bishii Diseember ee sanadkii hore u dhintay si kadis ah, taas oo sababtay in xaaladaan adag ay garab la’aan ku noqoto.

Haweenaydan ayaa sheegtay in bil ka hor oo dad muxsiniin ah ay dhowr kiilo oo masago ah siiyeen, taas oo hal toddobaad uga dhamaaday. Xaaladaan hubanti la’aanta ah ayay xustay inay quus galisay.

“Saakoo u danbaysay dab uma shidin, maxaan ugu kariyaan haddaanan waxba hayn? Ma ciidaan u kariyaa, dadka deriska oo waxkarsada ayaan uga soo guraa, dadka waaweyn ma cuno carruurta lagu seexiyaa waan la ooyaa. Waxay iigu noolaan lahaayeen ayaan codsanayaa.’’

Sahra ayaa sheegtay inaysan daruuftan adag carruurta ku sii hayn karin sidoo kalena aysan awoodin dhaqaale ay ku maarayso noloshooda. Waxay tilmaamtay inaysan waxba u baran, marka laga reebo mid ka mid ah oo macalin dugsi xaafada degan uu bilaash uga dhigay Qur’aanka.

Sahra ayaa goconaysaa in markii wiilkeedu badda uga shaqayn jiray ay noloshoodu sidaan ka wanaagsanayd.

‘’Aabbahood ayaa baddaha u saarnaa, baddaa khayr lahayd, aargoosataa la heli jiray loor-loor raashin ah ayuu u dhigi jiray, sida burka, bariska, sonkorta, saliida, timirta iyo baastada, aabbahood ayaa u shaqayn jiray awal, laakiin hadda wuu dhintay.”

Dhanka kale dhaqtar Cali Bakayle oo ku takhasusay cudurrada guud ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in biyaha dhanAanka noqda ay muujinayso in aysan nadiif ahayn isticmaalkana aysan ku haboonayn.

Wuxuu sheegay in sidoo kale ay dhimasho keeni karaan, isagoo intaasi raaciyay in haddii la karkariyo ay dhibaatooyinka qaar xalinayso sida bakteeriyada, fayrisyada iyo gooryaannada, balse maadooyinka cusbada, birta iyo kiimikooyinka uu uga sii darayo heer kulku.

‘’Maadooyin ku jira biyaha ayaa keeni kara in qofku u nuglaado in kansar ku dhaco, xanuunada dhimirka, koriinka maskaxda ayay saameeyeen, waxaana aad ugu nugul carruurta. Waxay sidoo kale sababi karaan shuban-biyood iyo tiifow.”

Dhaqtar Cali ayaa soo jeediyay in qofkasta oo xaalad caafimaad ka qaaday biyo aan nadiif ahayn sida ugu dhaqsaha badan xarun caafimaad la geeyo, aanna lagula deg degin daawo uusan dhaqtar u qorin.

Halkii ceel ee soo saari jiray biyaha macaan ee magaalada Bandar-bayla ayaa shaqadii joojiyay bilowgii Abriil, markii bam-booyinkii, tubbooyinkii iyo soolarkii biyaha keeni jiray xaafadaha ay cilladoobeen dayactir la’aan muddo dheer ah awgeed. Tani waxay saamayn nololeed ku reebtay qoysas weli ka kaban la’.

Previous Post

Gaalkacyo: Cunno xumo haysa qoysaska ragga kabaha tola shaqo la’aan darteed

Next Post

Nugaal: Ku dhawaad kun qoys oo ku guryo, beero iyo xoolo beelay daad ka dhashay roob

Related Posts

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dad ka barakacay colaadda Baydhabo oo dhibaato cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

April 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay biyo yari ku haysa Muqdisho in ka badan 12,000 oo qoys

April 6, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Ceelal qalalay oo biyo la’aan dhigay qoysas ku nool gobolka Sool

April 3, 2026
Next Post
Nugaal: Ku dhawaad kun qoys oo ku guryo, beero iyo xoolo beelay daad ka dhashay roob

Nugaal: Ku dhawaad kun qoys oo ku guryo, beero iyo xoolo beelay daad ka dhashay roob

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 15-APR-2026

IDAACADDA 15-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 15-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-APR-2026
April 12, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-APR-2026
April 11, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo