Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nugaal: Ku dhawaad kun qoys oo ku guryo, beero iyo xoolo beelay daad ka dhashay roob

Jibril Osman by Jibril Osman
July 14, 2025
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Cunto-Yaraanta, Wararkii u Danbeeyay
0
Nugaal: Ku dhawaad kun qoys oo ku guryo, beero iyo xoolo beelay daad ka dhashay roob
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Dad lagu qiyaasay sideed boqool oo qoys oo iskugu jira xoolodhaqato, beeralay iyo kuwo barakac ku ah xeryo ku yaalla Garoowe ayaa wajahaya xaalad nolol xumo ah. Daadad ka dhashay roobab mihiigaan ah oo ka da’ay 13 bishii Juun gobolka Nugaal ayaa ka qaaday dhamaan waxay hanti lahaayeen.

Faarax Cabdi Shire oo ka mid ah waxaa hal habeen dhaafay 30 arri ah iyo dalag iskugu jiray khudaar iyo raashin oo u saarnaa beer saddex hektar ah oo uu li leeyahay deeegaanka Balley ee duleedka Garoowe.

Sidoo kale daadka ayuu sheeegay in uu ka qaaday aqal-soomaali ay daganaayeen, agabkii iyo raaashinkii u yaallay. Xaaladdaas ayaa badday in ay gabaadsadaan geed aan ka celin karin dhaxanta iyo cadceedda.     

“Annagu hoy ma haysano guryihii iyo dhulkii aanu deganayn waan ka baxnay. Wixii hanti ahayd ee aanu gacanta ku haynay oo beeruhu kamid ahaayeen biyaa la tagay. Muddana hadda go’doon baanu haynay oo ma hayno meel gurmadka noo soo maro.” 

Faarax oo qoyskiisu uu ku tiirsanaa xoolaha iyo beerta ayaa in hadda ay wajahayaan xaalad nololeed oo aad u liidata. Wuxuu tilmaamay in hal waqti oo aan joogto ahayn ay cunaan hadba wax ay ku caawiyaan qoysas deris la ah oo iyagu uu u badaaday raashin yar.

Wuxuu tilmaamay in xitaa uusan haysan weelal ay wax ku karsadaan oo uu kaliya soo qaato mid bisil. Wuxuu xusay in cunno xumada ay u raacday dhibaato ay ku qabaan kaneeco ka dhalatay biyaha oo galay waro ku yaalla dooxada, taas oo keentay in habeenka dhan ay sasn seexan maaddama aysan haysan meel ay ka galaan.

Ninkan ayaa sheegay in waxyeelata daadadku gaysteen aysan ku ekayn beeraha iyo xoolaha ee sidoo kale ay jareen waddadii deeganka ku xirta magaalada Garoowe, taas oo adkaysay in dadku ay xitaa helaan gargaar.

“Annagu daadku markuu soo fatahmay oo biyuhu yimaadeen qaxiii aanu qaxnay ayaan weli ku maqanahay. Xaaladdayada waxay taagan tahay meel adag. Waddadii aanu magaalada u mari jirnay waa naga xiran tahay. Xaaladda heerkaas maraysa iyo waxa iga soo gaaray ma ahan wax aan kasoo kaban karo in aan kaalmo helo ama la iga gacan qabto ma ahane.”

Faarax oo ah 40 jir waqtigiisa oo dhan ku soo qaatay falashada beeeraha iyo dhaqashada xoolaha ayaa sheeegay in xilligaan uu wajahayo xaaladdii ugu liidatay nolosha qoyskiisa. Wuxuu tilmaammay in beerta daadku qaaday uu ku tacbay dhaqaale garaya $2,000 oo uu dayn uga saa qaaday ganacsato ku nool Garoowe.

Daynta lagu leyahay intaas kuma eka ee wxaa u dheer illaa $600 oo uu raashin ku siiyay arigii dhaafay jiilaalkii hore oo deeegaanka ay ka jirtay roob yari. Wuxuu naawilayay in sanadkaan u iska gudi doono lacagahaas uuna ka soo kaban doono nolol xumaddii xilligii abaarta markuu iibgeeyo dalaggiisa.

Rajadaas burburtay darteeed faarax wuxuu aaminsan yahay in ay adkaan doonto in uu ka soo kabsado waxyeelada gaartay. waxa kali ah e uu rajo ka qabo ayaa ah beerta, taas oo iyadana uga baahan dhaqaale badan si uu uga dayactiro biyaha oo qaday ooodii saarneed kana dhigay bogolo shaqo badan u baahan.

Faarax wuxuu intaas ku daray in dhamaan dadka ku sugan deegaanka balley oo ah dhul adag oo biyo rog ah ay wada gaartay dhibaatada daddaka walow ay kala liitaan. Ku dhawaad boqol beerood oo ku yallay ayuu sheeegay in uu wada qaaday.

Saamaynta ka dhalatay daadadka kuma xoolodhaqatada iyo beeralayda ee sidoo kale waxay si wayn u taabatay illaa 500 qoys oo ka mid ah dadka ku barakacay xeryaha ku yaalla magaalada Garoowe. Daadka ayaa qoysaskaan oo deganaa meeelo biyo mareeen ah qaaday buushshkii ay daganaayeen, cuntaddi iyo agabkii kale.

Ayuuto Cali Fooleey oo ka mid ah waxay muddo 15 maalin ah carruurteeda oo 7 ah ku haysaa meel taag ah iyada oo aan u hayn gabaad ah iyo cunto toona. Waxay sheegtay in biyuhu ay la dageen raashin min 12 kiilo oo bur, bariis, iyo sonkor ah oo ay soo daynsatay labo maalin ka hor.

Waxay sheegtay in looga leeyahay lacag dhan $30 taas oo ku qasabtay in ay carruurteed dawarsi deriska uga raadiso wax ay hal mar dabka u saarto.

“Guri dad baan joognaa, iyakaba xaaladdooda Ilaaha og, waa dad aan waxba haysan. Carruurta maalintii hal waqti ayaa si rafaad ah loogu helayaa. Macal maacuuntii wax lagu dhaqmo lama hayo.”

Ayuuto ayaa sheegtay in arrintani kasoo beegan tahay labo sano kaddib markii uu  seygeeda u geeeriyooday cudur aysan garayn oo uu muddo la jiranaa. Waxaa meesha ka baxay xiligaas dhaqaale uu ka soo helayay shaqooyin xamaal ah oo uu ku maarayn jiray noloshooda.

Haweenaydaan oo tan iyo xilligaas kali ku ahayd korinta carruurta ayaa sheeegtay in hadda ay ku jiraan xaaladdii ugu adkayd. Waxaa ka joogsaday shaqo dhardhaqis ah oo ay u aadi jirtay xaafadaha magaalada, taas oo ay ka helaysay maalintii ay shaqayso $2 illaa $3 si ay dabka ugu shiddo.

Muddada ay xaaladdaan haysato ayay xustay in aysan bixin, maaddaama aysan haysan meeel ay kaga tagto carruurta banaan yaalka ka noqday oo ay ka baqayso in ay ka lumaan intay maqan tahay.

“Annagoo silicaas isaga jirna ayaa dhibaatadan noogusoo darsantay. Waa ogtahay guri markaad haysatid ayaa carruurtaada bariiskooda u dhacsan kartaa. Niyad aan bannaanka uga baxo ma hayo Ilaaheey kheyr ha keeno.”

Ayuuto xaaladda haysata kuma eka hoy la’aanta iyo cunto yarida, waxayse sidoo kale ka walaacsan tahay waxbarashada lix carruurteeda ah oo dhiganayay fasalada 5 ilaa 7 oo daruustoodu hakad gashay markii daadka dartiis uu xirmay iskuulkii ay dhiganayeeen. 

Haweenaydaan oo muddo 10 sano ka badan ku nool Garowe ayaa colaaddo uga soo barakacday gobolka bakool. Waxay soo maciin biday inay ku noolaato xero barakac, si kaalmo uga hesho dowladda iyo hay’adaha samafalka.

Qiimayn ay sameysay wasaaradda gargaarka iyo maaraynta musiibooyinka Puntland ayaa lagu sheegay in dad gaaraya 5000 qoys oo barakac ah ay daddadku saameeeyeen halka dadka xoolodhaqatada iyo beeralayda ahna lagu qiyaasay illaa saddex bioqol oo kale.

Iskuduwaha wasaaradda gargaarka Puntland ee gobolka Nugaal, Cabdixakiin Barre Nuux ayaa sheegay inay waxyeelada roobabku geysteen inay ballaaran yihiin, ayna dowladdu kaligeed waxka qaban karin oo ay ku dadaalayso in ay u helaan kaalmo caalami ah.

“Wasaaraddu qiimayntii ugu horraysay waa soo saartay hay’adahana way la wadaagtay. Hadda waxaan sugaynaa in la qaado tallaabooyin dheeri ah oo ku saabsan sidii dadkaas wax loogu qaban lahaa. Culayska ugu badan wuxuu ku dhacay kaamamka barakacayaasha.”

Dadka ay arrintaan saamaysay oo ah dad nugul oo horay ay u soo saameeyeen abaaraha iyo colaadaha ayaa u muuqda inaysan ka soo kabsan karin saamaynta gaartay haddii aysan helin caawinaad wax ku ool ah.

Previous Post

Dhibaato caafimaad iyo mid nolol xumo oo ka dhalatay biyo yari ka jirta Bandarbayla

Next Post

Xarun daawaysa xoolaha oo ka caawisay reer miyiga Galgaduud soo kabashada xoolahooda

Related Posts

Cayayaan iyo biyo la’aan qasaare galiyay beeralayda deegaanno ka tirsan Sool
Beeraha Iyo Xoolaha

Cayayaan iyo biyo la’aan qasaare galiyay beeralayda deegaanno ka tirsan Sool

February 7, 2026
Qoysas barakac ah oo iskaashi dhaqaale uga baxay nolol xumo ku haysay Baydhabo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas barakac ah oo iskaashi dhaqaale uga baxay nolol xumo ku haysay Baydhabo

February 5, 2026
Gedo: Dab ganacsi la’aan iyo nolol xumo biday qoysas barakac ku ah Doollow
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gedo: Dab ganacsi la’aan iyo nolol xumo biday qoysas barakac ku ah Doollow

February 4, 2026
Dagaalka iyo abaarta ka jira Puntland quus geliyay qoysaska barakaca ah
Beeraha Iyo Xoolaha

Dagaalka iyo abaarta ka jira Puntland quus geliyay qoysaska barakaca ah

February 3, 2026
Dhoobley: Qoysas barakac ah oo abuurtay il-dhaqaale oo lagu garab-siiyay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhoobley: Qoysas barakac ah oo abuurtay il-dhaqaale oo lagu garab-siiyay

February 2, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Waayeel iyo dad nugul oo looga guuray deegaan roob la’aan ah oo Hargaysa hoostaga

January 30, 2026
Next Post
Xarun daawaysa xoolaha oo ka caawisay reer miyiga Galgaduud soo kabashada xoolahooda

Xarun daawaysa xoolaha oo ka caawisay reer miyiga Galgaduud soo kabashada xoolahooda

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 07-FEB-2026

IDAACADDA 07-FEB-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 07-FEB-2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-FEB-2026
February 7, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 06-FEB-2026
February 6, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 05-FEB-2026
February 5, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-FEB-2026
February 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 03-FEB-2026
February 3, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo