Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Beeraha Iyo Xoolaha

Xarun daawaysa xoolaha oo ka caawisay reer miyiga Galgaduud soo kabashada xoolahooda

Jibril Osman by Jibril Osman
July 15, 2025
in Beeraha Iyo Xoolaha, Wararkii u Danbeeyay
0
Xarun daawaysa xoolaha oo ka caawisay reer miyiga Galgaduud soo kabashada xoolahooda

Koox ku mashquulsan dawaynta xoolo cudurro ay hayaan/Kaydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – In ka badan 500 oo reer-guuraa ah oo wajahaya cudurro haya xoolahooda ayaa billaabay tan iyo kowdii bishan Juun keenidda xoolaha socon kara xarun lagu daaweeyo, taas oo Galmudug ay ka hirgalisay deegaankooda Baxdo ee gobolka Galgaduud.

Waxay qaabishay ku dhawaad 2000 oo neef oo iskugu jira geel iyo ari. Waxaa laga tacaalay cudurro saamayn ku hayay sida Raadiyow Ergo uu u sheegay Dr Jaamac Cali Maxamed oo ah Isku duwaha Wasaaradda xannaanada xoolaha u qaabilsan Baxdo.

Ninkan oo sidoo kale ah dhakhtar xoolaad wuxuu horjooge u yahay koox 5 qof ka kooban oo ka howl-gala xaruntan, isla markaana daawayn iyo talaal u sameeya xoolaha.

Wuxuu xusay in ay dadaal ugu jiraan badbaadada xoolaha baylahda u ah cudurrada sida joogta ah u dila ama nacfi la’aanta dhiga reer miyiga ku tiirsan.

Xoolo-dhaqatada ka faa’iideysnaya ayuu xusay in si bilaash ah loogu daawaynayo xoolaha, taasi oo meesha ka saartay rajo beelkii ka haystay helidda dhaqaale ay ku bixiyaan dawayntooda.

“Markii xoolo jiran yihiin waa la shaqaynayaa 24 saac. Wax wayn bay ka beddeshay shaqadan, waana ku raysteen xoolaha. Nin kasta tahniyad buu noo soo dirayaa. Geela iyo ariga wixii la keeno intaba waa la daaweeyaa. Afarta qaybood ee xanaanada xoolaha rag yaqaan baa jooga. Xanuunkii lagu arko waa laga tallaalaa, wixii jiranna waa la daaweeyaa.”

Ka hor daawaynta ayuu xusay in ay baaritaan ku sameeyaan xoolaha, kaas oo lagu ogaado nooca jirada haysa. Cudurrada ugu badan ee dhibaatada ku haya xoolaha ayuu ku sheegay Sambab, Jadeeco iyo Qanje oo ku soo laalaabta sanad walba.

Wuxuu tilmaamay in xoolo-dhaqatada Baxdo iyo deegaannada hoostaga ay ka siman yihiin cudurradaan oo xoolo badan ka dilay saddexdii bil ee la soo dhaafay. Dadka arrintan wajahay waxaa kamid ah Maxamuud Cismaan Cabdi oo aabbe u ah qoys 11 ah.

Bishii May ayuu sheegay in cudurka Sambabka uu ka dilay 47 ari ah, markii uu waayay dhaqaale uu ku daaweeyo. Wuxuu tilmaamay 82 u haray loo daaweeyay labo toddobaad ka hor, kuwaas oo ka soo kabanaya cudurka.

“Xoolihii la daaweeyay ayaa hadda noo soo kabanaya. Calaamadihii aan ku arkay dhogortoodoo eber ah iyagii hadba iska dhacaaya oo iska dhimanaaya, neefafkii iska yaal yaallla arigiiyoo aan kacayn oo subixii mid baqtiyay xerada loogu tagaayay. Hadda arigii waa dareeraa naquu adaa. Wixii dhirta uu ka hello ayuu cunaa.”

Wuxuu sheegay inay tahay markii ugu horraysay oo xoolihiisa loo siiyay daawo lacag la’aan ah muddo 18 sano ah oo uu xoolo-dhaqato yahay. Intaas wuxuu ku daray in xaruntan xoolihiisa caawisay ay ku soo aadday xilli uu ka rajo xumaa badbaadada xoolihiisa.

Qoyskiisa oo ku tiirsanaa nacfiga xoolaha ayuu sheegay in ay wajaheen cunno xumo, maaddama xoolihii ay iibsan jireen, sidoo kalna caanahooda ay istcmaali jireen uu asiibay sambabka nacfi la’aanta dhigay.

Duruufta ayaa ku qasabtay in uu caawinaad waydiisto dad ay ehelo yihiin oo deggan Baxdo iyo Cadaado, kuwas oo lacago ay u soo tuuraan weli uu ku dabbaro cunno hal waqti ah maalintii.

Hadda wuxuu ku rajo wayn yahay in si buuxda ay u soo kabtaan xoolihiisa si uu u suuq gaysto. Wuxuu sharraxayaa ka hor daawayntan sida uu u la tacaali jiray xoolaha cudurrada wajaha.

“Geed ayaan qodan jirnay badanaa oo aan mar marinjirnay, kuwana waan cabsiin jirnay dhir aan naqaano, qaarna waa iska baabi’i jireen, qaarna dhirtaasay ku soo kicijireen. Dhaqaale ma jirin, caafimad bilaashuhana ma jirin, xooluhuna beec malahayn. Mar waxaa na soo martay xoolihii suuq aan laga gayn oo iyagii inta neef la qalo toban ama shan iyo toban bari isaga la cunaayo.”

Wuxuu fursad mar la’ag ah u arkaa xarunta daawaynta xoolaha qaabilsan ee loo dhaweeyay xoola dhaqatada uu ka mid yahay, kuwaas oo sanadkiiba mar ama labo ka mid ah la kuma cudurro ka asiiba xoolaha.

Waxaa u sabab ahaa isku guur-guura reer-guuraaga marka ay billowga yihiin roobabka. Wuxuu sheegay in uu ka yaraaday walaacii ka haystay daawo la’aanta ay la kulmi jireen. Waxaa lagula taliyay in xoolaha uu ku arko calaamado cudur uu keeno xarunta daawaynta xoolaha.

Olalaha wacyi-galinta waa qayb ka mid ah shaqada ay qabtaan howl-wadeennada xarunta daawaynta xoolaha ee Baxdo. Isku duwe Dr Jaamac Cali Maxamed ayaa sheegay in ay siiyaan reer guura wacyi galin la xariirata muhiimada dawaynta ay u leedahay xoolahooda.

Wuxuu tilmaamay in ay ku foogan yihiin in ay ballaariyaan shaqada xarunta oo hadda billow ah. Waxay qorshaynayaan in ay sameeyaan koox dhakhaatiir ah oo ku wareegta miyiga si ay u la socdaan caafimaadka xoolaha.

“Xoolaha waxaa la keena meesha xanaanada xooluhu ka dhisantahay, laakiin weli wareegii lama gaarin. Awal hore waa la wareegi jiray. Hay’ado aan galmudug ahayn ayaa carada joogi jiray oo tan iyo Ceel-dheer meelahaa wareegi jiray, laakiin haddda wax bil camal ah Ayaan joognaa annaku, bishaasna wixii keenada ayaan xoolaha u daawaynaynay.”

Cabdi Cali Diirshe oo 170 ari ah loo daaweeyay intii u dhaxaysa 10 ilaa 13 bishan wuxuu rajo wanaagsan ka muujiyay caafimaadkooda oo soo hagaagaya. Waxaa laga la tacaalay cudurro isbiirsaday, sida Sambab, Qanje iyo Cabeeb.

Xoolahan qoyskiisa oo 12 ah ayay il-dhaqaale u yihiin. Wuxuu tilmaamay in mudadii ay ka jiranaayeen iyo xiligan oo ay cudurrada ka soo kabanayaan uu qoyskiisa ku dabbarro raashin dayn ah oo bakhaarrada Baxdo uu ka soo qaato.

Muddo labo bil ah oo xaaladdan ay haysato waxaa lagu yeeshay $160 oo raashin iyo arrad-tir uu ugu qaaday qoyskiisa. Wuxuu naawilayaa in lacagtan uu iska gudo kolka ay soo kabtaan arigiisa, isla markaana uu suuqa gaysto.

Wuxuu xusay in cudurrada asiiba xoolaha ay badanaa ka yimaadaan reer guuraaga roob raaca ugu yimaada, kuwaas oo wata xoolo jiran.

Wuxuu wajahay bilihii Abriil iyo May xaalad adag, markii dhamaan xoolihiisa ay kawda jiradeen. 22 neef oo arigiisa ka mid ah ayay cuduradaan ka galaafteen ka hor inta aan loo dawayn.

“Neefka isagoo diiflahoo isaga dhan aad u dalagsanaa la arkayaa, kabacdina waaba iska naf baxayaa. Hadda xoolihii waa la daweeyay waa roonyihiin waa kaceen oo sidii hore maahan intii la daweeyay waa fiicnaatay oo neefkii jiranaa hadda waa dareeray.”

Qoysas badan oo xoolo la’aan noqday, isla markaana ku xarooday xeryaha barakaca ayaa aaminsan in marka laga tago abaarta, saamaynta labaad ee cayrta bidday ay yihiin cudurro ku dhacay xoolahoodii, kuwaas oo ay xal u waayeen.

Previous Post

Nugaal: Ku dhawaad kun qoys oo ku guryo, beero iyo xoolo beelay daad ka dhashay roob

Next Post

Baydhabo: Qoysas barakac ah oo samaystay fursado ganacsi oo nolol xumada ka saaray

Related Posts

Qoysas cayroobay oo cunno xumo ku wajahaya Cadaado oo ay maciin-bideen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas cayroobay oo cunno xumo ku wajahaya Cadaado oo ay maciin-bideen

January 20, 2026
Kismaayo: Haween barakac ah oo dhaqaale ka hela miro lagu quudiyo xoolaha
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Kismaayo: Haween barakac ah oo dhaqaale ka hela miro lagu quudiyo xoolaha

January 19, 2026
Rag shaqooyin ka helay beeraha Muqdisho oo ku filnaaday nolosha qoysaskooda
Beeraha Iyo Xoolaha

Rag shaqooyin ka helay beeraha Muqdisho oo ku filnaaday nolosha qoysaskooda

January 16, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Heshiish laga gaaray colaaddii Xanan-buure oo soo kabasho u noqotay qoysas danyar ah

January 14, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Umulisooyin daryeel iyo talooyin caafimaad u sameeya haweenka ku nool Dhadhaab

January 13, 2026
Baydhabo: Arday waxbarasho la’aan noqday markii uu dab baabi’iyay iskuulkooda
Wararkii u Danbeeyay

Baydhabo: Arday waxbarasho la’aan noqday markii uu dab baabi’iyay iskuulkooda

January 12, 2026
Next Post
Hardworking Baidoa IDPs make good their lives after humanitarian aid stops

Baydhabo: Qoysas barakac ah oo samaystay fursado ganacsi oo nolol xumada ka saaray

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 20-JAN-2026

IDAACADDA 20-JAN-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 20-JAN-2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-JAN-2026
January 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-JAN-2026
January 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-JAN-2026
January 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-JAN-2026
January 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-JAN-2026
January 15, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo