Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Baydhabo: Qoysas barakac ah oo samaystay fursado ganacsi oo nolol xumada ka saaray

Jibril Osman by Jibril Osman
July 16, 2025
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay
0
Hardworking Baidoa IDPs make good their lives after humanitarian aid stops

Xasan Ibraahim oo 75 jir ah oo nolosha qoyskiisa ka maareeya ka ganacsiga khudaarta/Cabdullaahi Maxamed/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Xasan Ibraahim Cabdi oo deggan xerada Wariishe ee Baydhabo ayaa ku filnaaday masruufka qoyskiisa oo 10 ah, markii uu sameystay ganacsi wax ka beddelay duruuftooda dhaqaale.

Ganacsigan wuxuu ku bilaabay $3,000 oo uu shan sano uruuriyay isagoo bil kasta $50 ka keydsan jiray gargaar lacageed oo $120 ah, kaas oo ay siin jireen hay’adaha samafalka.

Dhaqaalahaas ayuu ku baxsaday Xasan, markii uu ka mid noqday ku dhowaad 300 oo qoys oo bishii Maarso laga joojiyay lacagtii ay sida billaha u heli jireen.

“Lacagta waan keydsaday waayo wax la hubo joogtadooda ma jirin. Beri ayay dhammaan kartaa. Sidaas darteed ayaan nolol maalmeedkeyga u qorsheystay, waxna ugu keydsaday. Hadda ganacsi ayaan ka sameeyey, haddana waan sii kobcinayaa.”

Xasan Ibraahim, oo 75 sano jir ah ganacsigiisa wuxuu ka helaa $8-10 maalintii, taas oo u suurta gelisay inay daboosho baahida cunno ee qoyskiisa.

Faa’iidooyinka kale ee uu ku naaloonayo Xasan waxaa ka mid ah inuu iibsaday afar neef oo ari iyo lo’ah, kuwaas oo isku-darkooda laga siiyay $400.

“Gargaarka ma ahan wax bil walba lagu tashan karo sidaas aawadeed ayaan ugu fikiray inaan wax meel ka dhigto. Xaal walba ayaa qoyska la soo gudboonaan kara caafimaad-darro iyo duruufo kale waa in la helaa meel kale oo lagu baxsan karo haddii xaaladdu adkaato.”

Xasan ayaa sidoo kale sheegay inuu sanadkan waxbarasho ku daray labo wiil oo dhigta fasalka koowaad ee dugsiga hoose ee iskuulka Al Qalam. Wuxuu isku-darkooda ka dhiibaa $20, taas oo uu markii hore ku adkayd.

Waxay qoyskiisa ka soo barakaceen deegaanka Booram oo Baydhabo u jira 30 km, markii 2018 uga le’deen abaarihii dalka ku dhuftay tiro ari ah oo noloshooda ay ku tiirsanayd. Waxaa u qorshaysan in uu ka guuro xerada.

Cali Maxamed Ibraahim wuxuu ku naaloonayaa isbeddel dhaqaale oo u suurageliyay inuu ku filnaado maareynta nolosha qoyskiisa.

Dukaan raashin iyo bagaash lagu iibiyo ayuu furtay bishii May ee sannadkaan, taas oo uu ka helo $9-10 maalintii.

Wuxuu ku guuleystay inuu iska gudo deyn $400 ahayd oo lagu yeeshay markii uu deegaanka ku cusbaa. Bixinta deyntaas sannad ayay ku qaadatay sida uu Ergo u sheegay Cali.

Wuxuu is bar-bar dhig ku sameynayaa markii hore sida ay ahayd xaaladdooda iyo hadda oo uu ganacsigiisa ku tiirsan yahay waxa iska beddelay.

“Markii hore qof ayaan wax ka sugeyney. bisha ma soo dhacday, meeqo ayaa ka  dhiman ayaan is weydiin jirnay. Mar mar way noo goyn jirtey Bishan sidee camal qof anaga wax u dhiibannay oo kale ayaan u xanaaqi jirnay.”

Cali Maxamed wuxuu muddo labo sano iyo bar ku keydiyay $1800, taas oo ka caawisay inuu sameysto ganacsi ay ku tiirsan yihiin. Wuxuu sheegay inuu bil kasta meel dhigan jiray $60 oo uu ka heli jiray hay’adaha gargaarka.

Wuxuu Ergo u sheegay in mar walba uu ku baraarugsanaa inaysan sii jiri doonin fursaddaan, taas oo ku dhalisay ugu yaraan inuu raadiyo il-dhaqaale oo kale oo laga maareyn karo nolosha qoyska.

“Ka sokow nolol-maalmeedka qoyska inaan meel saaray waxaa ii suurtagashay inaan carruurta xitaa u iibiyo dhar qurux badan oo aysan horay u heli jirin. Alxamdullilah. Hadda ganacsi ayaan galay qof reer magaal ah ayaan noqday.”

Dhaqaalaha uu ka helo ganacsigiisan  curdinka ah, ka sokow inuu awooday maareynta nolosha qoyskiisa, afar carruurtiisa ah ayuu iskuul iyo dugsi Qur’aan ku daray. Wuxuu isku darkooda bishii ka bixiyaa $20.

Qoyska Cali waxay ahaayeen beeraley uu tacabkooda ku tiirsanaa biyaha roobka, wuxuu bilowga sannadkii 2022 ka soo barakacay degeenka Wariisha oo ka tirsan Gobolka Bay.

Wuxuu sheegay in bertiisa oo 3 hiktar ahayd uu isaga soo tagay, markii ay iskugu darsameen abaar iyo colaad deeganka ka jirtay.

Shantii sano ee ugu dambeysay qoyskiisa wuxuu ku tiirsanaa gargaar bini’aadannimo oo ay bixiyaan hay’adaha samafalka ee magaalada ka shaqeeya.

Ibraahim Maxamed Yuusuf oo 29 jir ah wuxuu ka mid yahay dadka ka faa’iideystay fursadda ganacsi ee ka dhalatay, markii uu ka go’ay gargaarkii uu muddada heli jiray.

Ibraahim waxa dhiirrigelinay saaxiibbadiis oo ay wada qaadan jireen gargaar lacageed, kuwaasoo bilaabay in ay lacag keydsadaan si ay ganacsi u sameeyaan.

Bishii April ee sanadkan ayuu si rasmi ah uga go’ay gargaarkii uu hay’adaha ka heli jiray, waxaana uu bilaabay ganacsi yar oo khudaar ah isagoo isticmaalaya $540 uu keydsaday muddo 18 bil, isagoo bil kasta meel dhigan jiray $30.

Ganacsigan cusub wuxuu isbeddel muuqda ku sameeyay noloshiisa iyo tan qoyskiisa. Ibraahim wuxuu si maalinle ah uga hela dakhli u dhexeeya $6 ilaa $7, taasoo uu sheegay in ay u sahashay daboolidda baahiyaha qoyska.

Horey wuxuu dhibaatooyin kala kulmi jiray helitaanka gargaarka, oo mararka qaar dib u dhac ku imaan jiray ama gebi ahaanba ka maqnaan jiray.

“Waxaan ku dabaraa nolosha qoyska, waxyaabaha baahiyaha kale ee carruurta sida daaweyntooda iyo waxbarashadooda, maadaama ay iskuul iyo dugsi Qur’aan ii dhigtaan hadda. Culeysyo I haystay ayaa meesha ka baxay.”

Isbeddelkaas wuxuu tusaale u yahay in dadku ay ka gudbi karaan xaalado adag haddii ay helaan fursad sax ah, qorshe cad iyo niyad wanaagsan. Waxa ay muujinayaan in gargaarka hay’adaha uusan noqon karin qorshe dheer oo mustaqbalka lagu sii tiirsanaan karo.

Previous Post

Xarun daawaysa xoolaha oo ka caawisay reer miyiga Galgaduud soo kabashada xoolahooda

Next Post

Banaadir: Qoysas barakac ah oo isku helay biyo-galin iyo nalal cadceedda ku shaqeeya

Related Posts

Pastoralists with nothing left descend on Lasanod town and surroundings in Sool
Beeraha Iyo Xoolaha

Qoysas ka fursan waayay xaaladda barakaca oo Laascaanood ku wajahaya nolol xumo

February 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas barakac ah oo iskaashi dhaqaale uga baxay nolol xumo ku haysay Baydhabo

February 9, 2026
Women leaving their children behind in drought-hit rural villages to seek jobs in Mogadishu
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Haween ku xoolo-beelay abaarta oo Muqdisho u tagay shaqo xoogsi ah balse ku hungoobay

February 7, 2026
Gedo: Dab ganacsi la’aan iyo nolol xumo biday qoysas barakac ku ah Doollow
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gedo: Dab ganacsi la’aan iyo nolol xumo biday qoysas barakac ku ah Doollow

February 5, 2026
Qoysas ku barakacay Godinlabe oo wajahaya nolol adag markii xoolo la’aan ay noqdeen
Wararkii u Danbeeyay

Qoysas ku barakacay Godinlabe oo wajahaya nolol adag markii xoolo la’aan ay noqdeen

February 4, 2026
Dagaalka iyo abaarta ka jira Puntland quus geliyay qoysaska barakaca ah
Beeraha Iyo Xoolaha

Dagaalka iyo abaarta ka jira Puntland quus geliyay qoysaska barakaca ah

February 3, 2026
Next Post
Banaadir: Qoysas barakac ah oo isku helay biyo-galin iyo nalal cadceedda ku shaqeeya

Banaadir: Qoysas barakac ah oo isku helay biyo-galin iyo nalal cadceedda ku shaqeeya

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 10-FEB-2026

IDAACADDA 10-FEB-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 10-FEB-2026
Episode play icon
IDAACADDA 10-FEB-2026
February 10, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 09 -FEB-2026
February 9, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 08-FEB-2026
February 8, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-FEB-2026
February 7, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 06-FEB-2026
February 6, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo