(ERGO) – Khadiijo Dahir Maxamuud waxay biyo macaan oo nadiif ah u heshay carruurteeda oo shan ah markii biyo gelin bilaash ah loogu sameeyay hoygeeda oo ku yaalla xerada Warcaasho oo ku taalla degmada Dayniile ee gobolka Banaadir.
Qoyska haweeneydan ayaa ka mid ah 1100 qoys oo ka faa’iidaystay mashruuc ka kooban biyo gelin, musqulo iyo nalalka cadceeda ku shaqeeya oo tan iyo bishii koowaad ee sanadkan ay hay’adda NAPAD ka hirgelisay 10 xero.
Qoysaskan oo colaad uga soo barakacay Shabeelaha Hoose iyo Shabeelaha Dhexe ayaa biyo yari daran wajahayay. Khadiijo ayaa sheegtay inay ku dhib qabtay inay qoyskeeda u hesho biyo iyo suuli, basle hadda aysan wax culeys ah ku haynin.
“Markii hore dhibaato boqolkiiba boqol ayaan u qabnay meel aan saxaro la aadno iyo meel aan galno midna ma aanan heyn. Waan is raaceynaa meelo fog ayaan aadeynaa cali garoobyada ayaa iska hoos galeynaa. Annaga oo sidaas u yaaban hay’addan ayaa timid musqulo ayay noo qoday biyona way noo gelisay, biyahana ma aanan heyn meelahaas ayaan ka soo tuugsan jirnay saddexle, saddexlihiinna ma qoys kuma filna, dharkii waan dhaqanay solarkiina waan shidanaa buushkii aan joognay iftiin ayuu innoo noqday, wixii kugu soo socda iyo wixii kale waad kala arkeysaa.”
Haweeneydan oo 60 jir ayaa ka nasatay inay biyo ay cabbaan dhabarka uga keento ceel-biyood u jira ku dhawaad labo kilometer iyo inay dadka deegaanka waydiisato. Waxaa sidoo kale la siiyay jiiragaamo ay biyaha ku shubtaan iyo agab nadaafeed.
Waxa kaliya ee hadda caqbadda ugu daran ah ayaa ah inaysan helin cunno ku filan carruurteeda oo ay kali ku tahay korintooda, inkastoo aysan heyn shaqo ay ka maareyso noloshooda.
Dadaalkeeda iyo samatabixinta ubadkeeda kama reebin inay da’daas ku shaqeyso balse si wanaagsan uma kala garanayso magaalada iyo habka looga shaqeysto, taas oo sabab u ah inay xaaladoodu noqoto mid ku jirta hubanti la’aan cunno.
Mid kamid ah wiilasheeda oo 18 jir ah ayaa maareeya cunnadooda, inkastoo uusan ka badin inay hal waqti dabka shitaan. Wuxuu ku shaqeystaa caseeyenimo, taas oo uu maalinkii ka soo helo lacag u dhaxay nus illaa hal dollar.
Haweeneydan ayaa tilmaamtay in aysan ku filneyn waxa uu soo helo wiilkeeda, balse ay ku qasban yihiin inay nafta ku ceshtaan.
“Kiilo bariis ah ayaan habeenkii quudanaa, maalintiina waa leys kaga joogaa, anigana qof waayeel ah oo lixdan jir ah ayaa ahay waxba ma qaban karo, hadda hal waqti ayaan shidanaa, quraac ma leh, qado ma leh waa uun sagaalkaa saac wixii la helo ayaa la karsado cambuulo ha noqoto. Wax aan gacanta ku heyno ma leh.”
Shaqada baalashlenimo ee uu ugu shaqeeyo wiilkeeda ayay xustay inay labo dollar oo ay heysatay ugu bilowday iyada oo u soo iibisay luujito, buraash, suuf iyo gasac, si ay ugu noqoto il dhaqaale.
Haweeneydan ayaa tilmaamtay in wiilkeeda uu wajahayo culeysyo kala duwan oo dhanka fahamka magaalada ah iyo in lacagta uu helo xoog looga qaato mararka qaar, madaama uu ku cusub yahay suuqa.
Waxay sheegtay in markii ay arrimahaasi uu la kulmo wiilkeeda ay ku adkaato inay dabka shitaan halka waqti, madaama isaga oo kaliya ay ku tiirsan yihiin.
In kastoo qoyskan ay heleen biyo iyo musqulo diyaarsan, haddana ma haystaan cunno iyo shaqooyin ay ku dabiraan nolol maalmeedkooda.
Nolosha qoyska Khadiijo waxay ku tiirsanayd dalagyo uga soo go’i jiray beer ay ku lahaayeen deegaankii ay uga soo barakaceen colaadaha.
Khadiijo iyo carruurteeda oo ka kooban afar wiil iyo hal gabar ah ayaa soo gaaray xerada Warcaasho dhammaadkii bishii December ee sannadkii 2024. Waxay dagaallo u dhaxeeya dawladda iyo Al-shabaab uga soo barakaceen degmada Ruunirgood ee ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe. Waxay halkaasi ku laheyd beer labo hektar ah oo ay ku tacban jirtay galey, digir iyo masago.
Biyo yarida iyo Suuli la’aantu waxay sidoo kale saamayn taban ku yeelatay dadka naafada ah ee ku nool xeryaha Warcaasho, Canoole, Yaa-Fitah, Alla Magan, Hakxagar, Rasmi, Cusub, Gargaar, Buula Warbo iyo Marxaba eek u yaalla Deyniile.
Mid kamid ah waa Canab Xasan Oomaar iyada iyo qoyskeeda waxay heleen biyo iyo nalalka cadceeda ku shaqeeya oo ku sahlay inaysan habeenkii ka cabsan tuugada guureeya maaddaama xerada ay noqotay mid iftiin ah.
Haweenaydan oo ah 70 jir naafo ka ah labo lugood waxay awood u leedahay inay keliyeed isticmaalo musqul loogu tala galay dadka baahiyaha gaarka ah qaba oo gurigeeda loogu hor dhisay.
“Curyaan baan ahay, musqul gurigeyga dhexdiisa ayaa la iiga sameeyay, musqusha inta aan na loo qodin silic baanu aheyn, intaan biyaha la ina siin kun shilin meel fog baa intaas oo Km loo doonan jiray, hadda alxamdulilah musqusha hoos bay iigu taalaa, waan iska gala, inta aanan biyaha nala siinin kahor annaga jiiragaan meel fog laga keenay ayaa dharka lagu dhaqan jiray musqushana lagu gelaayay kolkey innoo keeneen baahidii way naga hartay.”
Haweeneydan ayaa sheegtay in xaaladeeda caafimaad ay sidan ka wanaagsanaan jirtay sannado kahor, balse hadda ay dhul dhacday maaddaama ay isugu darsameen nafaqo darro iyo cudurro sida Sonkorta. Waxay xustay in aysan heli Karin dhaqaale ay ku gadato cunnooyin ku wanaagsan xaaladeeda caafimaad oo ay kaliya cunto wixii ay hesho si ay nafta ugu ceshato.
Canab waxay xerada Alla Magan ee degmada Dayniile kula nooshahay, seygeeda oo aragga la’ iyo labo kamid ah carruurteeda, halka lix kale aysan wax tarin, kuwaas oo qudhooda la daalo dhacaya nolol maalmeedkooda.
Labada wiil ee la nool ayaan heysan shaqo joogto ah, waxay u xoogsi tagaan dhismooyinka waxayna inta badan soo noqdaan iyaga oo fara-maran, taas oo xaaladooda nololeed saameyn ku yeelatay.
Waxaa ku adag inay hal xilli dabka shitaan, markii ay ka fursan weydo waxay taleefoonka kula xiriirtaa ehel iyo asxaab si ay dabka ugu shidaan. Waxay tilmaamtay inay ku adag tahay inay damiir ahaan aqbasho dawarsiga dadka oo aysan rumeysneyn inay wax ka beddeli karto xaaladooda.
“Nolosheenna waxay ku tiirsan tahay horta walaalow wax ii soo tuur iyo kii ii soo helo haddii uu ii soo helo waa la ii keenaa, haddaan la ii keeninna waan iska joogaa, meel aan u wareego malahan mana tuugsanaayo tuugsigu waa ceeb laakin moobeylku waa labo sahlan hebelow wax ii soo tuur iyo magan allaay gacanta waaye anigoo jiifo ayaan dadka la hadlaa ruuxii wax I siinaya ilaahey iiga soo qaadayo oo qaraabada ah kii I siiyo waan arkaa kii ii diido waan arkaa.”
Canab waxay xerada Alla Magan ee degmada Dayniile timid sannadkii 2020, xilligaas oo ay uga soo barakacday degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellaha Hoose colaad iyo abaar is biirsaday. Waxay halkaasi ku lahaayeen beer saddex hektar ah oo ay ku tacban jireen qudaar sida yaanyo, ansalaato, bocor, liin dhanaan iyo noocyo kale.
Qoysaskan ayaa rumeysan in fursad wanaagsan u tahay mashruucan oo ay fullisay hay’adda (NAPAD) oo ka shaqeysa arrimaha nabadda iyo horumarka, iyada oo taageero dhaqaale ka heleysa Somali Humanitarian Fund (SHF).
Cabdiraxiiin Aadan oo ka tirsan hay’addan ayaa sheegay in ujeeddada barnaamijkan uu ahaa sidii loo yareyn lahaa dhibaatooyinka nololeed ee heystay qoysas dhawaan yimid xeryaha oo horey ay uga jireen duruufo nololeed.
Wuxuu xusay inay sameeyeen qiimeyn iyo xog uruurin, taas oo keentay inay doortaan inay ka caawiyaan biyaha, 53 musqulood oo leh qalab gacmo-dhaqasho isla markaana sideed kamid ah loogu talagalay dadka naafada ah iyo 424 nalal cadceedda ku shaqeeya. Waxaa weheliyay agab nadaafadeed iyo wacyigelin caafimaad si loo yareeyo halista cudurrada faafa ee saameeya dadka barakaca ah.
Cabdiraxiin ayaa tilmaamay in xeryahan ay ka jireen baahiyo waaweyn oo dhanka biyaha, musqulaha iyo leyrarka ah. Wuxuu intaa raaciyay in wax badan ay noloshooda ka beddeshay markii ay heleen.
“Xerooyinka waxyaaaha mashruucani uu ka beddelay nolosha dadka barakacayaasha ah waxaa kamid ah, iyadoo la helay musqulo nadiif ah, taas oo yareysay faafitaanka cudurrada, iyadoo la qeybiyay nalal iyo tooshas cadceedda ku shaqeeya, taas oo sare u qaaday ammaanka gaar ahaan haweenka iyo carruurta xilliga habeenkii la joogo oo a mugdiga tahay, iyadoo la dhisay sidoo kale musqulo gaar ah oo ay isticmaali karaan dadka baahiyaha gaarka ah qaba, iyada oo midda kale kor loo qaaday wacyigelinta ee ku saabsan nadaafadda iyo fayadhowrka, taas oo wax ka beddeshay faafitaanka cudurrada qaar oo badanaa ku yimaada nadaafad la’aanta.”
Musqulaha loo hirgeliyay ayaa noqonaya kuwii ugu horreeyay ee ay helaan badi dadkan, kuwaas oo baahi weyn u qabay suuli ay u madax bannaan yihiin. Waxay sidoo kale ka maarmeen inay masaafo dheer biyo u doontaan, taas oo markii hore ku aheyd dhibaato aysan xal u hayn.










