Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Mandheera: Qoysas ka soo kaban waayay fatahaad baabi’isay beerahooda

Jibril Osman by Jibril Osman
May 30, 2025
in Wararkii u Danbeeyay
0
Mandheera: Qoysas ka soo kaban waayay fatahaad baabi’isay beerahooda

Nin kor-taagaan beertiisa oo fatahaad ay qaadday/kaydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Dhaqaale darro iyo tacab la’aan ayay wajahayaan beeraleyda deegaanada Beela, Mataa-safa iyo Qalaaliyow ee Ismaamulka Mandheera oo ku ceyrtoobay fatahaad uu sameeyay webiga Daawo.

Fatahaadda ayaa saamaysay ku dhowaad 150 beerood. Beeraleyda waxaa ku adkaaday in dib ay u tacbaan beeraha sabab la xiriirta biyaha oo wali fadhiya. Waa beero Webiga saaran oo ay ka baxayeen dalagyo iskugu jira khudaar, geed miroodyo waa weyn, galay, Masago, digir iyo sisin.

Walaaca ay qabaan ayaa ah qarashaad ay galiyeen beeraha oo deyn loogu leeyahay iyo maareynta nolosha oo ku adag mar haddii ay burburtay ishii dhaqaale ee ay ku tiirsanaayeen.

Dadka arintan ay saameysay waxaa ka mid ah Qaali Maxamed Xasan. Waxay sheegtay in reerku ku tiirsanaa beerta oo kaliya, ayna isku sii dabari jireen inta ay dalagyada waa weyn uga soo ga’ayaan. Kuwa qaata saddexda bil ee kala ah barbarooni, koosto, kabsar iyo yaanyo.

Xilli ay soo go’een ayay tilmaantay in fatahaaddu ka baabi’isay 15 bishii Abriil. Waxay sheegtay in taasi ay u keentay xaalad hubanti la’aan ah. Waxay dantu ku qasabtay inay raadiso deyn iyo shaqo xoogsi ah si ay u helaan waxay dabka ku shitaan.

“Nolosha qoyska way xuntahay, maaddama beerihii lagu noolaa ay hallaabeen. Waxaa nahay dad xoogooda iska jac bursanaya oo masaakiin ah oo iska nool. Saddex asbuuc markaan joogo ayaan maalin ama labo helayaa guri la dhisayo haddii kale bil inaan la helin ayaa iska dhici karta.”

Qaali oo 55 jir ah ayaa xustay in reerku ku tiirsanaa beerta oo kaliya, kana heli jireen dhaqaale joogta ah oo ku filan. Qaali oo ah hooyada 10 carruur ah ayaa tilmaantay in fatahaaddu ay sidoo kale ka baabi’isay Galay, Digir, Sisin iyo 153 geed mirood oo ah cambe, liinta dhanaan iyo Babaay.

Beerteeda oo afar hektar ah ayay sheegtay inay galisay qarash ka badan $2,300. Sida ay sheegtay waa deyn lagu leeyahay oo aysan gudi karin hadda.

“Wax keyd ah oo ii yaalo ma jirto. Qof dowladda u shaqeynaa ama mushaar qaadanaa maan aheyn. Dad tabar yar oo beeraha dhaqaalahooda ku nool noocaas unbaan nahay.”

Haweeneydan ayaa tilmaantey in fatahaado saddex mar saameeyay labadii sano ee lasoo dhaafey ay usii nugleeyeen tan hadda ku dhufatay oo ay sheegtay inay tahay tii ugu darnayd ee soo marta.  

Qoyskeeda ayaa ku nool deegaanka Qalaaliyow. Seygeedu waa naafo aan shaqeyn. Shan carruur ah ayaa u dhigta iskuul dhexe iyo sare oo dowladdu ay leedahay. Biyaha beeraha fadhiya iyo webiga oo ku shubaya kuwo hor leh, waa quus ay beereydu ka qabaan in Gugan ay helaan fursad ay dalagyo ugu soo go’aan.

Deeqow Maxamed Xasan oo dadkaas ka mid ah ayaa Raadiyow Ergo u sheegay inuu ka faro maran yahay juhdi iyo hanti badan oo uu geliyay beertiisa oo fatahaaddu ka dhigtay sida war ay biyo ku jiraan oo kale.

Wuxuu xusay inuusan jirin dalag uu filayo inuu u soo go’. Nolosha reerka ayuu ku dabaraa hadda deymo uu dukaamada ka soo qaato. Lacagtaas oo gaartay $250 ayuu tilmaamay in haddii uu bixin waayo horraanta bisha Juun, inaan loo ogolaan doonin inuu qaato mid kale.

Nolol xumada uu qoyskiisu wajahayo ayuu sheegay inay u dheer tahay warwar uu ka qabo deymo uu ganacsato ka qaatay oo ah kumannaan Doolar oo uu galiyay beerta.

“Hanti hadda aan ku bixiyo ma haysto. Nin qaraabo ah ama walaal ah oo iga bixinayana ma jiro. Cidna uma maqna, ceelna uma qodna la sheegi jiray waaye ee malahan cid aan ilaahay aheyn oo iga bixin karta.”

Deeqow ayaa intaas ku daray in qasaaraha gaaray ay adag tahay inuu ka soo kabto, keyd dhaqaale oo uusan laheyn darteed. Wuxuu xusay in aanuu hayn qorshe kale oo uu ku heli karo wax u bedala beerta oo sida muuqata aan wax dakhli ah laga sugayn mustaqbal dhow.

“Maalin dhoweyd nin ayaa i dhahay sidaan maxaad u noqotay oo u caatowday. Waxaan dhahay waa murugo. Aad iyo aad ayaan u murugeysanahay. Beryahaan masaajidka ayaan habeenkii ku daaha. Ilaahay ayaan tuugi haayaa inuu isiiyo faraj kheyr qaba.”

Ninkan oo 48 jir ah ayaa sheegay in geed miroodyo gaaraya 400 oo kala ah Cambe, Liin iyo Babaay ay badi qalaleen markii biyuhu ay jabiyeen, qaarna ay xididada ka dhinteen, markii ay xamili waayeen biyaha badan.

Wuxuu sheegay in horraantii Abriil, inta aysan fatahaaddu ku dhufan uu ahaa nin ladan oo ay beerta uga shaqeeyaan lix shaqaale ah, balse hadda uu yahay danyar aan laheyn il dhaqaale oo uu ku maareeyo nolosha carruurtiisa oo toban ah.

Wali waxaa bannaan meelihii uu webigu ka fatahay. Beeraleyda oo bilowgii isku dayo xakameyn ah sameeyay ayaa awoodi waayay inay xiraan.

Xuseen Cali Maxamed oo ah guddoomiyaha iskaashato ay lee yihiin beeralayda Beela, Mataa-safa iyo Qalaaliyow ayaa xusay in arintan ay tahay musiibo ka awood badisay.

Webiga ayuu sheegay in heerkiisa biyuhu ay sareeyaan. Beeraleydan ayuu tilmaamay inay shaqo abuur u sameyn jireen boqollaal qof oo kale, kuwaas oo aan helin wax dhaqaale ah tan iyo bishii afaraad.

“Qorshahaa isaga ah haddii aan isu tagno mid aan waxka qaban karno maahan. Gurmad dowladeed iyo mid hay’adeed oo aan hayna malaha, in aan xirno waa isku daynay wixii meelaha dhignay waa soo qaadeen wax aan awood u hayno maaha. Dadka masuuliyiinta dowladda ayaan la hadalnay, taas wax nooga soo jawaabay iyo wax talaabo noosoo gediyay malaha, anaguna awood waa u waynay.”

Xuseen ayaa sheegay in ugu yaraan 4 bil ay qaadan karto muddada ay biyuhu ku sii jiri karaan beeraha. dadkan oo ku tiirsanaa waxay beerteen oo kaliya ayuu sheegay inay u baahan yihiin in la taakuleeyo inta ay dib ugu noqonayaan tacabka.

“Dadkii baaba gaajo u baa’ba’aya, noloshii baaba qatar nooga jirta, waxaan rabnaa raashin deg deg ah in nalala soo gaaro. Waxaanu kale oo u baahanay agab iyo gaadiid meesha biyaha naga xira in nala siiyo.”

Ma aha markii ugu horeysay oo webiga Daawa oo mara waddamada Kenya, Ethiopia iyo Soomaaliya uu ku fataho beeralayda Ismaamulka Mandheera ee gobolka Woqooyi-bari Kenya.

Previous Post

Puntland: Boqollaal arday oo waxbarashada uga haray colaad iyo roob-yari isbiirsaday

Next Post

Baydhabo: Qoysas danyar ah oo lagu wareejiyay guryo dhisan iyo adeegyada bulshada

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd
Wararkii u Danbeeyay

Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd

April 16, 2026
Takoor iyo dayac nolol xumo bidday qoysas danyar ah oo ku nool Puntland
Wararkii u Danbeeyay

Xoolo-dhaqato hore oo ka soo kabanaya nolol xumo markii ay abuurteen fursad shaqo

April 15, 2026
Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed
Beeraha Iyo Xoolaha

Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
Next Post
Baydhabo: Qoysas danyar ah oo lagu wareejiyay guryo dhisan iyo adeegyada bulshada

Baydhabo: Qoysas danyar ah oo lagu wareejiyay guryo dhisan iyo adeegyada bulshada

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-APR-2026

IDAACADDA 17-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo