Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Puntland: Boqollaal arday oo waxbarashada uga haray colaad iyo roob-yari isbiirsaday

Jibril Osman by Jibril Osman
May 28, 2025
in Wararkii u Danbeeyay, Waxbarashada
0
Puntland: Boqollaal arday oo waxbarashada uga haray colaad iyo roob-yari isbiirsaday

Carruur ku jiray fasal iskuul oo ay duruusta ku qaataan/kaydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) –  In ka badan 500 oo arday oo dhiganayay iskuullo ku yaalla gobolka Bari ayaa noqday waxbarasho la’aan intii u dhexaysay bilihii Diseembar iyo Maarso, sida lagu sheegay qiimayn ay samaysay Wasaaradda Waxbarashada Puntland.

Sababaha keenay ayaa isugu jiray roob yari iyo dagaallo qoysaskooda ku qasbay inay ka barakacaan deegaannadoodii. Dhibaatooyinkaas awgood, waxaa la xiray 36 iskuul oo ardaydaasi ay dhiganayeen sida ay sheegtay wasaaradda. Qoysaska carruurtaasi oo xoolo-dhaqato ah, ayaa u barakacay deegaanno kale si ay nolol u raadsadaan.

Waris Ciise Maxamed waxay ka welwelsan tahay toddobo carruur ah oo ay ayeeyo u tahay kuwaas oo tacliin la’aan ahaa tan iyo 9-kii Febraayo. Carruurtaasi waxay dhigan jireen fasallada labaad iyo lixaad ee iskuulka deegaanka Dhaadaar oo albaabada la isugu laabat dhaqaale xumo iyo dadkii oo ka wada guuray darteed.

“Haddii ilmihii waxbarasho kaa waayo, caafimaadna la waayo, nabadna la waayo, meesha maxaa ka socota? Dhibaato weyn baa na saameysay. Arigaygii waa naga baaba’ay. Qaar jidka ayay ku bakhtiyeen intaan soo lugaynay. Waxaan la nimid 3 neef oo isugu jira hal orgi iyo laba riyood.”

Waris waxay sheegtay inay carruurtaas oo lagu furay gabadheeda oo dhimirka ka jirran ay keligeed koriso. Waxa kale oo ay sheegtay inaysan awoodin inay ku darto iskuulada lacagta ah ee magaalada Qandala oo ay hadda joogaan, halkaas oo ay ku nool yihiin xerada Tawakal oo ku taalla duleedka magaaladaas. Waxaa ku adag inay cunno hal-mar-ah u hesho.

Haweeneydan ayaa xustay inay hal maalin iyo hal habeen lug ku socdeen si ay uga soo baxaan deegaanka Dhaadaar, kadib markii roob yaridii ay kaga dhinteen lixdan ari oo ay ku tiirsanaayeen iyo dagaalka u dhexeeya ciidanka Puntland iyo kooxda Daacish.

Waxay sheegtay in arigii oo ahaa isha keliya ee ay nolosha ka helayeen uu ugu dambayn ka dhammaaday bishii Diseembar. Waxaana qoyskeedu hadda ay ku noolyahay raashin ay siiso hay’adda WFP oo isugu jira min 20 kiilo oo bur ah, bariis, sonkor, saliid iyo shan kiilo oo timir ah. raashinkaasi oo loogu tala galay inuu saddex bil socdo.

Kaarka raashinka ayay tilmaamtay inuu ku egyahay bishaan May, waxayna ka walaacsan tahay meesha ay cunno ka heli doonaan marka uu dhamaado raashinka yar ee hadda u yaalla.

“Qofku meeshii uu deganaa oo uu wax ku heystay hadduu ka tago, hantidiisana ka baaba’do, waxaa ku imaaneysa dhibaato iyo baahi. Hadda xalkeennu waa in wixii aan helno aysan nagu filnayn, dhibaatooyin kale oo aan la soo koobi karin baa na haysta. Ilaahay baa keenay, badalna isagaa keeni kara.”

Qoyska Waris ayaa la tacaalaya xaalado badan. Maaddaama aysan deegaanka aqoon u lahayn, way ku adag tahay inay wax daynsadaan. Taasi waxay ku qasabtay inay gaajo ku joogaan marka uu raashinku ka dhamaado.

Muddo 16 sano ah ayay ku noolayd deegaanka Dhaadaar, horrayna maysan ula kulmin xaalad la mid ah tan hadda. Waxay sidoo kale sheegtay inay dhibaato ku qabaan helitaanka biyaha, iyadoo maamulka magaalada Qandala uu ku caawiyo hal fuusto ah toddobaadkii. Taasi oo aan ku filnayn qoyskeeda oo 9 qof ah, waxayna marka ay biyo ka dhammaadaan dariskooda weydiisataan hal jirigaan.

Cunto-xumo, biyo-yari iyo hoy la’aan ayaa isku biirsaday. Waris waxay sheegtay in markii ay xerada yimaadeen ay ka samaysay buush hal qol ah oo aan ku filnayn iyada iyo carruurteeda, kaas oo ka samaysan maryo iyo geedo.

Sida lagu sheegay xog-ururin ay samaysay Wasaaradda Waxbarashada Puntland intii u dhexaysay Janaayo iyo May, in ka badan 6,000 oo qoys ayaa ku barakacay deegaanno ka tirsan gobolka Bari, sababo isbiirsaday oo ah roob la’aan iyo colaad ayaa carruurtoodii waxbarasho la’aan ku noqdeen meelihii ay u barakaceen.

Maxamed Jaamac Muuse oo ka mid ah dadkaasi barakacay ayaa afar carruurtiisa ah oo dhiganayey fasallada koowaad iyo labaad ka saaray iskuulka deegaanka Hararyo dhamaadkii Maarso. Wuxuu arrintaas ku qasbanaaday markii boqol ari oo noloshooda ay ku tiirsanayd ay u le’deen daaq xumo, biyo yari iyo cudurro isbiirsaday. Maxamed oo hadda ku sugan tuulada Abkariyo oo Balidhidin ka tirsan ayaa sheegay inuu aad uga walaacsan yahay waxbarasho la’aanta carruurtiisa, maadaama uusan awoodin inuu bixiyo qarashka iskuulka.

“Ciyaalkeyga horay iskuul asaasi ah bay dhigan jireen, Qur’aanna waa la barayay, iskuulkana way aadi jireen. Laakiin tan iyo markii aan deegaanka ka soo barakacnay, waxbarasho la’aanta si weyn bay noogu saameysay. Mudadii aan halkan nimid waxba ma baran.”

Maxamed wuxuu sheegay in qoyskiisu ka kooban yahay 8 qof ay aad ugu adag tahay helitaanka cunno joogto ah. Wuxuu sheegay in raashin ay ku noolyihiin uu ka helo dad deegaanka ah oo dhaama. Deegaanka uu hadda ku sugan yahay oo horay biyo yari ay uga jirtay ayuu xusay in halkii jirigaan laga siiyo $0.30. Lacagtaas ayuusan awoodin bixinteeda, maadaama uusan wax daqli ah heysan. Booyaddii ayaa tilmaamay in lagu shubto $150 aysan awoodin dadka barakaca ah.

Dadka ay qaraabada yihiin ee dariska la ah ayaa maalinkii siiya hal jirigaan, taas oo qoyskiisa aan ku filnayn. Maxamed iyo qoyskiisa waxay ku nool yihiin hal qol oo jiingad ah, kiradiisuna tahay $15 bishii. Waxaa ka caawiya qaraabadiisa oo ku sugan magaalada Boosaaso.

Maxamed wuxuu sheegay inuu deegaanka ka raadiyay shaqooyin la xiriira beer-falid oo uu xirfad u leeyahay, balse uu waayay. Wuxuu rajeeyay inuu beeraleyda deegaanka ku biiro haddii uu helo dhaqaale uu ku kireysto dhul uu beerto si uu qoyskiisa uga saaro nolosha-adag.

Tirada ugu badan ee iskuulada la xiray waxay ku yaalleen gobolka Bari, balse gobollada Nugaal iyo Sanaag ayaa sidoo kale ay iskuullo ka xirmeen, sida ay sheegtay Wasaaradda Waxbarashada.

Safiyo Cabdullaahi Cali, Agaasimaha Waaxda Waxbarashada iyo Xaaladaha Degdegga ah ee wasaaradda ayaa u sheegtay Raadiyow Ergo in ardayda barakacay loo oggolaaday inay si bilaash ah wax uga bartaan iskuulada ku yaalla meelaha ay u barakaceen.

“Ardayda barakaca ah waxay u baahan yihiin in waxbarashadoodii meel kale ka sii wataan. Waxaan u sheegnay dhammaan guddoomiyeyaasha waxbarashada ee degmooyinka iyo gobollada in ardaydaas loo fududeeyo waxbarashada si aysan u noqon kuwo ka haray.”

Waxay sheegtay in ardayda waxbarashada ka haray ay kor u dhaafeen 67% sida lagu xusay qiimayntii ugu dambeysay, taasoo muujinaysa saameynta roob yarida iyo colaadaha.

Previous Post

Dhadhaab. Ragga riixa Gaari-gacanka oo wajahaya nolol xumo shaqo la’aan awgeed

Next Post

Mandheera: Qoysas ka soo kaban waayay fatahaad baabi’isay beerahooda

Related Posts

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka
Wararkii u Danbeeyay

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka

May 13, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Adeegsiga AI oo beeraley Baydhabo ka caawiyay inay soo saaraan dakhli beddelay noloshooda

May 11, 2026
Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 9, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Daad burburiyay gododka cusbada laga qodo oo saameeyay xoogsatada gobolka Afdheer

May 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Haween shaqooyin adag ka qabta Muqdisho oo maareeyay nolosha qoysaskooda

May 6, 2026
Beeraleyda Jubbaland oo ka baxay nolol xumo markii laga caawiyay waraabinta beerahooda
Wararkii u Danbeeyay

Beeraleyda Jubbaland oo ka baxay nolol xumo markii laga caawiyay waraabinta beerahooda

May 5, 2026
Next Post
Mandheera: Qoysas ka soo kaban waayay fatahaad baabi’isay beerahooda

Mandheera: Qoysas ka soo kaban waayay fatahaad baabi'isay beerahooda

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 12-MAY-2026

IDAACADDA 12-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 12-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-MAY-2026
May 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-MAY-2026
May 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-MAY-2026
May 11, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 10-MAY-2026
May 10, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 09-May-2026
May 9, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo