Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhadhaab. Ragga riixa Gaari-gacanka oo wajahaya nolol xumo shaqo la’aan awgeed

Jibril Osman by Jibril Osman
May 27, 2025
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Cunto-Yaraanta, Wararkii u Danbeeyay
0
Dhadhaab. Ragga riixa Gaari-gacanka oo wajahaya nolol xumo shaqo la’aan awgeed

Cali Cabuud Xasan iyo xoogsato kale oo sugaya macamiil ay u deeggaan/Axmed Cabdullaahi Jaamac/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Cali Cabuud Xasan oo leh Gaari-gacan uu ku xamaallan jiray ayaa wajahaya shaqo la’aan tan iyo bishii Febraayo ee sanadkan. Arrintan oo cunno xumo u horseedday qoyskiisa 10 ah waxaa ugu wacan gaadiidka tagaasida oo ku badanaya xerayaha Dhadhaab, kuwaas oo suuqa ka saaray.

In ka badan 700 oo xoogsato ah ayaa ku tiirsanaa gaadiidkan la riixo. Dadkan oo dhamaantood rag ah ayaa u qaybsamay qaar subax walba u shaqo taga suuqyada, balse ku hungoobay helidda macaamiil ay u adeegaan iyo in kale oo quustay.

Cali rajada kaliya ee uu haysto ayaa ah raashin ay si bille ah u siiyaan hay’ado ka howl-gala xeryaha. Waa 22-kiilo oo iskugu jira bariis iyo masaggo. Waxuu sheegay in qoondadii uu helay bishan ay ka dhamaatay labo toddobaad ka hor.

Wuxuu xusay in raashinkan uu ahaa kabniin, balse nolol ahaan qoyskiisa uusan ku tiirsanayn. Wuxuu goconayaa shaqadiisii meesha ka baxday oo il-dhaqaale u ahayd muddo lix sano ah.

“Noloshu aad ayay noogu adkaatay qof aan shaqo haysan waad garan kartaa. Waxaan hadda aan qabto oo aan garanaayo mahaayo, sababtoo ah magaalada ayaa maalintii iska tagaa oo soo dhex roorooraa. Waa iska soo laabtaa, sidaas darteed noloshu aad ayay isku beddeshay.”

Wuxuu xusay in uu shaqaysan jiray maalintii 700-600 oo shilinka Kenya ah, waxaana celcelis ahaan bishii ay u dhigantaa lacag u dhaxaysa 20,000 -25000, taas oo dabooli jirtay baahida qoyskiisa sida cunnada iyo arrad-tirka carruurtiisa.

Dhaqaalahan ka istaagay wuxuu meesha ka saaray cunno saddex ama labo waqti ah oo ay heli jireen maalintii. Waxay noloshoodu ku soo aruurtay raashin ay dabka saartaan hal mar oo ka mid ah maalintii, taas oo uu ku helo dayn ama deeq.

Ninkan ayaa dhowr jeer iskudayay in uu shaqo u doonto meel ka baxsan xeryaha qaxootiga Dhadhaab si qoyskiisa uu uga saaro hubanti la’aanta cunno, taas oo u suurto galiwaysay.

“Meeshaas waxaa iga hortaagan sida Nayroobi, Gaarisa iyo Eldoret oo aan shaqo u aadi lahaa sharci baanan haysan aan ku aado. Sharcigaagii aaway baa la i leeyahay. Sharcigii waddooyinka laga mari lahaa ayaa la waydiinaa, maaddama aan sharci haysanan, sidaas darteed baanaan uga uga bixin Xagardheer dhexdeeda.”

Wuxuu rajo xumo ka muujiyay xaaladda ay ku sugan yihiin qoyskiisa. Ninkan oo 48 jir ah ayaa sheegay in uusan hayn qorshe uu kaga samata-bixiyo nolosha adag ee ay wajahayaan.

Shaqada ka istaagtay waxay la kowsatay gargaarka laga bixin jiray xeryaha oo gabaabsi noqday.

“Raashinka xerada na lagu siiyo naguma filna, sababta oo ay tahay Masago ayaa la qaataa oo waxyar oo saliid ah ay la jirtay, saliidiina hadda waaba go’day oo lama qaato, intaasina naguma filna.”

Cali wuxuu ka soo qaxay sanadkii 2011 deegaanka Gaduudey oo ka tirsan gobolka Jubbada hoose, halkaas oo uu ku lahaa beer 12 hiktar ah. Wuxuu sheegay in uu u adkaysan waayay amnidarro iyo abaara isbiirsaday oo ku qasbay in xeryaha Dhadhaab uu maciin-bido.

Muruq-maalka qaar ee riixa gaari-gacanka ayaa weli ku arkaysaa boosteejooyinka. Raggan waxay mar ahaan jireen kuwa ugu badan ee alaabaha u kala qaada suuqyada iyo xaafadaha xeryaha qaxootiga Dhadhaab.

Waxaan la kulmay xilli galab ah koox fadhida bartamaha waddo mashquul badan. Salaan kaddib, way igu soo xoomeen, waxaana mid walba uu iga codsaday in uu ii deeggo ama uu ii qaado alaab. Qaarkood ayaa ii sheegay in muddo asbuuc ah aysan helin qof ay u shaqeeyaan.

Dadkaas waxaa ka mid ah Ibraahim Cali Sagaar oo walwalsan nolosha toban carruur ah oo uu dhalay, kuwaas oo uu ka soo tagay iyaga oo gaajaysan. Wuxuu ka dayriyay in uu ku laabto isagoo faro-maran.

“Gacantayda wax kuma daarin sidaan saaka u soo kacay Ilaahay baa ila og. Hadda jeebkaeyga shillin kuma jiro. Marka walaallow saas baan ku nool nahay. Markii hore tagaasi ma jirin. Markaa Gaari-gacan yaa wax saaran. Meesha aan fadhiyo ayaa gabalku iigu dhacaa.”

Wuxuu tilmaamay in toddobaadkii u danbeeyay uu shaqeeyay wax ka yar $2. Shaqo xumada u wajahayo kama hor istaagin in uu subax walba ku soo shaqo tago Gaari-gacanka isagoo quul-daraynaya fursad shaqo.

Sababta uu u door-diday in uu ku adkaysto shaqadan ayuu ku sheegay ka fogaanshaha in uu noqdo guri-joog ka rajo dhigay xal u helidda nolosha carruurtiisa oo isaga kaliya wax ka suga.

“Haddii aan iska daayo hadde nolol kale ma haysto. Shaqo fudud oo aan qabanayo mahaysto.  Xirfad kale oo aan garanaayo oo aan aadayo malahan.”

Muddo shan sano ah ayuu ku shaqaysanayay Gaari-gacanka, waxaana u sahlahayn ka hor sanadkan u helidda carruurtiisa nolol-maalmeedka, hase ahaatee afartii bil ee u danbeeyay wuxuu waayay macaamiil ku xirnaa iyo kuwa uu kula kulmi jiray suuqyada.

Guddi ay leeyihiin xoogsatadan oo tirada dadka shaqo la’aantu ku dhacday noo xaqiijiyay ayaa sheegay in fursadihii muruq-maalka ee xeryaha ka jiray ay la wareegeen shirkado si casri ah u qabta. Waxaa ka mid ah tan ku soo daabushay xeryaha gaadiidka tagaasida.

Cali-xaaji Makoma oo ah aabbaha sagaal carruur ah. Wuxuu ku biiray xerada Xagardheer labo sano ka hor. Tan iyo markaas wuxuu ku xamaalanayay Gaari-gacan, kaas oo daboolayay baahida qoyskiisa.

Wuxuu tilmaamay in saddexdii bil ee u danbeeyay uusan shaqo tagin, markii uu waayay dadkii uu u deegi jiray. Wuxuu sheegay in macaamiishiisu ay ka raaceen gaadiidka tagaasida oo si fudud u qaadaya iyaga iyo alaabtooda.

Xaaladdaas waxay u horseedday cunno xumo iyo rajo beel. Ninkan oo 40 jir ah wuxuu sheegay in uu ka fursan waayay dayn aan joogto ahayn oo uu ku quudiyo qoyskiisa.

“Magaalka haddii aan galo waxaan u soo qabanayo malahan. Waa iska soo galbadaa sidaas ayaa xaafadda ku imaadaa. xataa sonkor uma taalo wax loo shidaayo malahan. Ilaahay baan wax ka sugaynaa.”

Cunto xumada waxaa u dheer meesha uu degan yahay oo ah banaanka xerada Xagardheer, halkaas oo helidda adeegyada biyaha, waxbarashada iyo caafimaadka aysan ka jirin sida uu Raadiyow Ergo u sheegay Cali-xaaji.

Waxay ku helaan deegaankaas raashin bille ah. Wuxuu sheegay in aysan kaafin karin cunnadaas qoyskiisa, taasi oo ku kaliftay in carruurtiisu ay gaajo ku seexdaan.

“Kiilo u gaali ah baan u helaa haddii Ilaahey iiga soo qaado meel baan uga soo dayntaa; Anigoo dhahaya waan ku siinaa. Sidaas baan ku helaa ciyaalka cunnadooda. Wax kale uma awoodo. Qof aan shaqo haysan muxuu awoodi karaa?.”

Shaqo la’aanta muruq-maalka haysa waxay sii adkaysay nolol xumada qoysas badan oo ku nool xeryaha Dhadhaab, kuwaas oo horay u la daalaa dhacayay gargaarka ay hay’aduhu bixiyaan oo sii wiiqmayay sanadihii u danbeeyay.

Previous Post

Muqdisho: Qoysas barakac ah oo iskaashi dhaqaale ku gatay dhul ay la wareegeen

Next Post

Puntland: Boqollaal arday oo waxbarashada uga haray colaad iyo roob-yari isbiirsaday

Related Posts

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dad ka barakacay colaadda Baydhabo oo dhibaato cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

April 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay biyo yari ku haysa Muqdisho in ka badan 12,000 oo qoys

April 6, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Ceelal qalalay oo biyo la’aan dhigay qoysas ku nool gobolka Sool

April 3, 2026
Next Post
Puntland: Boqollaal arday oo waxbarashada uga haray colaad iyo roob-yari isbiirsaday

Puntland: Boqollaal arday oo waxbarashada uga haray colaad iyo roob-yari isbiirsaday

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 15-APR-2026

IDAACADDA 15-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 15-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-APR-2026
April 12, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-APR-2026
April 11, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo