Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Muqdisho: Qoysas barakac ah oo iskaashi dhaqaale ku gatay dhul ay la wareegeen

Radio Ergo by Radio Ergo
May 26, 2025
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay
0
Muqdisho: Qoysas barakac ah oo iskaashi dhaqaale ku gatay dhul ay la wareegeen

Guddoomiyaha xerada Hilaac wanaag oo sabarlooga booskeeda ku wareejinaaya Xabiibo Cabdi Kuus/ Maxamed Khadar/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Boqol iyo saddex qoys oo deggan xerada Hillaac-wanaag ee degmada Garas-baalay ayaa samaystay qorshe ay ku helayaan dhul mulkiyadiisa ay yeelanayaan oo deegaan u noqda. Arintan oo ah ayuuto ay soo billaabeen sanadkii 2022, waxay dhul uga gateen deegaanka Bood-boodka ee degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Soddon iyo shan qof oo uu kamid yahay Maxamed Xasan Cilmi oo 56 jir ah ayaa ku helay hannaan qori tuur ah boos cabbirkiisu yahay 144 mitir oo isku wareeg ah, qiimahiisuna yahay $450. Waxaa bil kasta laga qaadaa afar Doolar iyo bar, taas oo socon doonta illaa inta dhul looga gadayo qofka ugu dambeeya.

Wuxuu sheegay inuusan hadda walwal ka qabin meel uu deegaansado, haddii xerada lagu amro inay banneeyaan.

“Horta dhul aan leeyahay oo ayuuto oo maanta aan garab isugu qabanay walaalaheen markii aan helay, qalbigeyga waa qaboobay, waana farxay. dhulkii waa yaalaa waa bannaan yahay, haddii meeshan leyga barakiciyo, ayaan dhisanayaa.”

10 xero oo ay horay u degeen ayaa laga saaray qoyska Maxamed, muddo labo sano gudahood ah, markii dadka dhulka leh ay ku wargeliyeen inay banneeyaan, iyagoon horay u sii war galin.

Maxamed ayaa rumeysan in dadkaas ay muhiimadoodu tahay in qoysaska soo barakacay ay uga faa’idaystaan in dhulkooda ay ka dhigaan mid la deegaansan karo, kadibna marka uu yeesho qiimo lacageed ay deg deg uga saaraan.

Ninkan ayaa xusay in taasi ay tahay ballan-ka-bax iyo xad-gudub lagula kacay marar badan, balse ay dantu ku qasabto inay maciin bidaan xaaladaas, maadaama ay dhaqaale yaridu ka hor taagan tahay inay degaan guryaha kirada ah.

Caqabadhaas oo ku soo noqnoqday ayuu sheegay inay ku dhaliyeen inay la yimaadaan aragtidan oo ay arkeen inay xal waara u noqon karto.

“Maalin walbo inaan dhul banneyno oo haddana dhulkii oo liibaro ah nalaga raacdeysto oo meel cidlo ah, haddana geed qaadno, haddana nalaga raacdeysto waa laga roon yahay. Waxaan ku faraxsanahay inaan micnaha booska maanta aniga aan leeyahay inaan leygu qabsaneynin leyna soo dabogaleynin.”

Maxamed oo ah aabbaha sagaal carruur ah ayaa nolosha qoyskiisu ku tiirsan tahay qodista godadka qashinka, sidoo kale xaaskiisa ayaa qabata howl dhar dhaqis ah. Shaqadoodu ma aha mid joogta ah. Dhaqaalaha soo gala maalinka ay shaqeeyaan oo isku dar ah $5 illaa $7 ayay dabka ku shitaan, kuna iibsadaan biyaha oo jiirkaanka labaatanka liitar ah laga siiyo labo kun oo Shillin Soomaali ah.

Aqal cooshad ah ayaa uga dhisan xerada Hilaac oo ay soo degeen sanadkii 2021. Tan iyo xilligaas wuxuu tilmaamay in carruurtiisu aysan helin waxbarasho toos ah, sababtuna ay aheyd guur-guuritaanka, walow hadda ay saddex carruur ah wax uga bartaan iskuul hoose iyo dhexe ah oo waxbarashadiisu bilaash tahay.

Maxamed ayaa ka soo barakacay deegaanka Doon Buraale ee gobolka Shabeellaha Hoose, markii roob yari darteed uu u tacban waayay beer labo heckar ah oo ay ku tiirsaneyd noloshoodu.

Ragga iyo haweenka deggan xeradan waxay aragtidan u arkaan mid ka saareysa xaaladda barakaca iyo warwarka ay ka qabaan in la barakiciyo.

Xabiibo Cabdi Kuus oo dadkaas ka mid ah ayaa Raadiyow Ergo u sheegtay in deegaanka Bood-boodka ay ku xusheen inuu yahay mid leh dhul beereed ay tacban karaan iyo biyo, sidoo kalana aan ka fogeyn magaalada Muqdisho oo u jirta ku dhowaad 30 km.

Xabiibo 50 jir ah ayaa xustay in hadda ay leedahay dhul qoyskeeda ku filan oo ay ku heshay afar Doollar iyo bar oo ay bil kasta ku darsato ayuuto ay qeyb ka tahay.

Waxay sheegtay inaysan wali dhisan oo aysan hadda dhaqaale u hayn, balse ay xoogga saareyso marka ay ka dhammaato lacagta laga qaado bilkasta oo ay xustay inay culeys ku tahay, sababtuna ay tahay inaysan laheyn il dhaqaale oo joogto ah.

Xabiibo ayaa sheegtay in maalin taariikhi ah oo xusuus gaar ah u leh ay noqotay markii ay heshay dukumintiga dhulkooda. Waxay ku tilmaantay wixii ugu muhiinsanaa ee u qabsooma mudda saddex sano ah oo ay barakac ku tahay magaalada Muqdisho.

“Dhul inaan helo waan ku faraxsanahay, wax weyn ayaan dareemay, qof 10 meel laga soo barakiciyay oo maanta dhulkan adigaa iska leh la dhahay, haddii uu rabo buushkiisa ka dhisan karo, haddii uu rabo, cid iga kac ku dhaheysa ma jirto.”

Haweeneydan ayaa nolosha qoyskeeda ku maareysa dambiil ay kaga xamaalato Suuqa bakaaraha iyo mararka qaar oo ay u aaddo xaafadaha Muqdisho dhar dhiqid. Shaqooyinkan oo maalinka ay qabato ay ka hesho ugu badnaan $4 ayay tilmaamtay inaysan ka helin dhaqaale ku filan noloshooda.

Seygeeda ayaa isagana wuxuu subax kasta u kallahaa raadinta shaqo ah qodista god-qodidka qashinka, balse inta badan uma suuragasho inuu soo helo. Xabiibo ayaa tilmaantay in iskaashigoodu uusan ka badneyn in hal waqti ay reerku dabka ku shitaan.

Xabiibo ayaa sheegtay in xerada ay deggan tahay waxa kaliya ee bilaashka ah ee ay ku haystaan ay waxbarasho hoose iyo dhexe ah, taas oo ay u dhigtaan afar carruur ah wax ka barta iskuulka Daaru-thabaad oo hay’ad Turki ah u dhistay siddeed sano ka hor.

Hoy xumadu waa caqabad ay wajaheyso saddex sano. Dhulka ay gadatay ayay sheegtay in hadda aysan u guuri karin, maadaama shaqada ay reerka ku maareyso iyo waxbarashada carruurtaba aysan halkaas ka heleyn.

Qoyska Xabiibo ayaa ka soo barakacay degmada Kuntu-waareey ee gobolka Shabeellaha Hoose. Waxay halkaas ku leeyihiin beer labo hektar ah oo ay ku tacban jireen, Galey, Masago iyo Sisin, waxay sidoo kale dhaqanayeen 15 neef oo ari ah, balse intaasba abaar ayaa ka saameysay.

Qoysaska deggan xerada Hillaac-wanaag oo tiradoodu tahay 428 ayaa ka soo barakacay degmooyinka Kuntuwaareey, Sablaale, Wanlaweyn iyo Qoryooley ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Aragtida ah inay dhul yeeshaan waxaa billaabay Maxamed Aweys Maxamed oo ah guddoomiyaha xerada, kana mid ah dadka soo barakacay.

Wuxuu sheegay in marar badan laga barakiciyay dhulal ay deegaansadeen, taasi oo ku noqotay caqabad xasilooni darro ku abuurtay. Wuxuu tilmaamay in aragtidiisa uu u bandhigay dadka la deggan xerada, kadibna ay ku raaceen inta awoodi kartay inay dhaqaale bixiyaan.

Wuxuu sheegay inay jeclaayeen in dhulka ay ka gataan magaalada Muqdisho, balse ay awoodi waayeen, qiimahiisa oo sareeya darteed.

Dhulka ay ka gateen deegaanka Bood-boodka ayaa wadarta qiimahiisu yahay afartan iyo lix kun, saddex boqol iyo konton oo Doollar ($46,350). Waxaa laga hor mariyay lacag shan kun oo Doollar ah, inta kalana waxaa lagula heshiiyay in bil kasta ay bixiyaan hal boos lacagtiisa.

Maxamed iyo nin kale oo guddoomiye ku xigeen ka ah xerada ayaa bixiyay lacagta horu-mariska ah. Maxamed ayaa xusay in lacagta uu bixiyay oo saddex kun aheyd ay ka soo gashay beer seddex hektar ah oo uu leeyahay, taas oo uu ka kireeyay ganacsato maalgashanaya.

Wuxuu sheegay in u jeedadiisu aheyd in dadka uu baro inay ka maarmi karaan inay maciin bidaan dhul aysan laheyn oo mar walba laga saaro.

“Waxaan ku dooranay meesha dhulka ka gadanay, nus doolar ayaa loo soo raacayaa, inaan Muqdisho ka shaqeysan karno oo Afgooyena aan u hoyan karno. Sida loo kala hor maro marka dhulka la siinayo waxaa waaye baqtiyaa nasiib, qori tuur, nasiib kaaga tijaabinaysaa, baaldi hal warqad ka soo baxso lagu leeyahay, haddii ay eber ku qoran tahay waa iska baxaysaa, muran ma qabo, ninkii boos ugu qoran tahay ninkaas ayaa Afgooye loo wadaa asiga ayaa booska loo soo gadaa, dukumintigiisa ayaa loo soo qorayaa, gacanta ayaaa laga saarayaa, wuxuu dhiibaa $10 maalintaas la qoraayo dukumiintiga, wax kale uu dhiibayo ma jirto.”

Maxamed ayaa sheegay in muddo saddex sano ah ay ku bixiyeen lacag gaareysa shan iyo toban kun, toddobo boqol iyo konton Doollar, ($15,750). Maxamed oo ah horjoogaha xeradan ma heysto shaqo, balse labo xaas oo uu qabo ayaa xerada ku iibiyaan qudaar iyo bagaash.

Waa aabbaha 12 carruur ah. Colaado iyo abaar ayay uga soo barakaceen degmada Qoryooley, 15 sano ka hor. Waxay halkaasi ku lahaayeen beer, sidoo kale waxay dhaqan jireen ari, 50-kii neef ee ugu dambeeyay ay abaartu ka leysay.

Soomaaliya, murannada dhulalku waxay kamid yihiin kiisaska ku soo noq-noqda maxkamadaha, mararka qaarna ay ka dhashaan iska hor imaadyo sababa barakac iyo dhimasho.

Farxiya Maxamud Xasan oo ah cilmi-baare ka tirsan ururka maxalligga ah ee Somali Public Agenda oo daraasad ka qortay adkeysiga iyo isku-filnaanta dadka Soomaaliyeed ee barakacu saameeyay ayaa ku bogaadisay qormadeeda guusha ay wadajirka ku xaqiiyeen dadka deggan xerada Hilaac-wanaag.

Waxay tilmaamtay in dadkan ay u baahan yihiin in si dhow dowladdu uga war hayso, maaddaama ay yihiin dad nugul oo loo awood sheegan karo, haddii dhulkoodu uu yeesho muhiimad gaar ah.

“Dowladda, ha ahaato maamulka degmada Afgooye oo kale in dadkaasi laga warqabo, in la siiyo ammaan iyo meel ay ku badqabi karaan, madaama ay meel bannaan ah ay dhul ka gadanayaan hadda, sidoo kale in laga caawiyo la haanshiyaha dhulka, in xattaa madaama sabar-loog sharci ah ay heystaan weli u baahan yihiin in la sii caawiyo sharci ahaan.”

Qoysas badan ayaa maciin-bida inay ku noolaadaan xeryo aan laheyn dammaanad degganaasho. Waxaa horay u dhacday in barakicin qasab ay qoysas badan ka dhaxleen hoy la’aan, inay burburaan ganacsiyo yaryar oo ay ku tiirsanaayeen iyo in carruurtoodu ay waxbarasho la’aan noqdaan.

Previous Post

Mudug: Shaqada kalluumeysiga il-dhaqaale u noqtay qoysas abaar ku xoolo-beelay

Next Post

Dhadhaab. Ragga riixa Gaari-gacanka oo wajahaya nolol xumo shaqo la’aan awgeed

Related Posts

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dad ka barakacay colaadda Baydhabo oo dhibaato cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

April 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay biyo yari ku haysa Muqdisho in ka badan 12,000 oo qoys

April 6, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Ceelal qalalay oo biyo la’aan dhigay qoysas ku nool gobolka Sool

April 3, 2026
Next Post
Dhadhaab. Ragga riixa Gaari-gacanka oo wajahaya nolol xumo shaqo la’aan awgeed

Dhadhaab. Ragga riixa Gaari-gacanka oo wajahaya nolol xumo shaqo la'aan awgeed

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 15-APR-2026

IDAACADDA 15-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 15-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-APR-2026
April 12, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-APR-2026
April 11, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo