(ERGO) – Fursadda ka jillaabashada badda ayaa soo jiidatay sanadii u danbeeyay xoolo-dhaqato hore. Waxaa se jira qaar ku biiray afartii bil ee u danbeeyay, markii ay ka dhaamadeen xoolo ay ku tiirsanaayeen roob la’aan darteed.
Barqad Cali Maxamed oo noloshiisa oo inta badan noloshiisa ku qaatay miyiga hadda wuxuu ka mid yahay kalluumeystada deegaanka Ceel-huur ee gobolka Mudug. Wuxuu shaqaale ka yahay doon uu leeyahay nin ganacsade ah.
Toddobaadkiiba afar jeer oo ka mid ah ayay badda galaan isaga iyo shan nin oo doonta ku wehliya, halkaas oo ay kala soo baxaan kalluun, aargoosato iyo libaax-badeedka.
Shaqadan oo uu ku biiray bishii Janaayo ee sanadkan wuxuu ku qaataa bishii $300. lacagtan ayaa ka caawiyay qoyskiisa 9 ah in ay ka soo kabtaan xaalad cunno xumo oo haysay.
“Caqabadii badanaa ee meesha ka baxay waxay ahaayeen cidda inta badan dad miyi ku dhaqma ayaan ahayn, maaddama xoolihii naga dhamaadeen noloshii way liidatay. 24 saacba waxaa laga yaabaa in hal mar oo ka mid ah cuntada in aan karsanno ama 24 saacba marna ay san cunto karsan. Baahidaas waan xalliyay oo cidda cunnada waxay helaan.”
Shaqada kalluumeysiga ee beddeshay nolosha qoyskiisa ayuu sheegay in ay galisay yididiilo cusub iyo hammi waxqabad, kaddib hubanti la’aantii cunno ee uu ka dhaxlay xoolo la’aanta, taas oo bidday in qoyskiisa ay ku noolaadan muddo saddex sano ah xaalad quus ah.
Waayo-aragnimo nololeed ayuu xusay in uu ka helay duruufihii uu soo maray, kuwaas oo bidday in uu caawinaad cunno waydiisto dadka deegaanka. Wuxuu mararka qaar kala kulmi jiray waji-gabax, maaddama loo dayrin jiray.
Arrintan waxay ku riixday in uu billaabo galaan-gal shaqo. Fursadaha shaqo oo ku yar biriga ayaa ku riixay in uu u weecdo badda. Wuxuu tilmaamay in uusan wax fikrad ah ka haysan kalluumeysiga, markii uu ku biirayay, balse ay caawiyeen koox kalluumeysto ah.
“Markii hore rag saaxiibaday ah ayaa igu dhiiro galiyay xirfaddan kalluumaysiga, maaddama aan ka soo wareegay deegaanka oo aan kalluumaysiga ku soo biiray, kaddibna tababaro iyo sida shaqada loo qabto ayay i bareen, qaabka kalluunka shamaagta loogu dabo, fiilooyinka sida loogu soo dabo, doonta oo kale qaab loo raaco ayay leedahay iyo sida badda la iskaga bad baadiyo haddii uu shil doonta ku yimaado oo kale waxyaabahaasoo badan ayay i bareen.”
Wuxuu sheegay Barqad in tababarkan lagu baray habka loo kalluumeysto uu qaatay muddo ku dhow bil. Shaqadiisa waa daadinta shabaagta marka doontu ay gaarto bartilmaameedka ay ka jillaabanayaan isaga iyo kooxdiisa.
Wuxuu gocanayaan 210 ari ah oo roob la’aan uga dhintay intii u dhaxeysay 2021 ilaa 2021, taas oo ku qasabtay in uu soo galo tuulada Goryaalle oo miyigeeda uu ku noolaa. Waxaa se uu bishii Diseembar u soo wareegay deegaanka Ceel-huur oo 50 km u jira.
Ujeedda uu u soo wareegay ayuu ku sheegay, markii uu helay xogta shaqada badda, taas oo ay ku wargaliyeen kooxda ay hadda shaqo wadaagta yihiin.
Boqollaal ragga oo ku xoolo beellay roob la’aanta ayaa tan iyo billowgii sanadkan ku biiray shaqada kalluumeysiga, kuwaas oo ka howl-gala dagmooyin Hobyo, Xarardheere iyo deegaanno kale oo ku teedsan xeebta sida ay sheegtay wasaradda kalluumeysiga iyo khayraadka badda.
Dadkaas waxaa ka mid ah Maxamed Muuse Cilmi 55 jir ah. Wuxuu ka howl-galaa deegaan xeebeedka Gaan oo 18 km u jira dagmada Xarardheere ee gobolka Mudug, halkaas oo uu doon ka raaco galab dhaca maalintii isagoo ka soo laabta waabariga subixii.
Wuxuu sheegay ganacsatada iska leh doonta uu ku howl-galo ay si joogta u siiyaan maalintii $9, taas oo qoyskiisa toddobo ah ka saartay nolol xumadii haysay. Waxay joogto u helaan cunno ku filan saddexda waqti ee maalintii.
Wuxuu xusay in uusan baran xirfadda kalluumeysiga, balse uu caawin ka helay rag ay ehello yihiin oo muddo dheer ku shaqaysanayay xirfaddan, kuwaas oo ay isku koox yihiin, hal doonna la galaan badda.
Wuxuu tilmaamay in khatar badan ay ku gadaaman yihiin shaqada badda, balse uu u bareeray si uu qoyskiisa uga samatabixiyo nolol-xumada.
“Hadda nolosha aan ku jiro iyaduba way adagtahay. Waad ogtahay qof badaas gala nolol adag ayuu ku jiraa, saas oo ay tahay waxaan ahay nin meel wax ka soo saarta hadda, markii horana waxaan hayay malahan xoolahaasaan ku noolayn, xoolihiina way naga baaba’een wax kaloo na garab qabta oo na taakuleeya maanan arag saasan dhexda u xirtay. Noloshaan hadda aan ku jirno ayaa ila fiican, maxaa yeelay. Waxaan soo hellaa nolol-maalmeed aan ku debbaro saddexda waqti ee qoyska xilligii hore mar marnaa halka waqtiba xitaa way jirnay.”
Wuxuu sheegay in qoyskiisa uu uga soo tagay deegaan miyi ah deegaanka Baraag-ismaaciil oo 45 km u jia deegaanka Gaan ee uu ka kalluumeysto. Wuxuu sheegay in uu doorbiday in ay ku nagaadaan miyigooda, maaddama uusan u hayn guri ay degaan. Wuxuu u diraa raashin iyo lacagaha ay u baahan yihiin.
Maxamed ayaa ka dayriyay in ay ku yartahay xirfadda badda looga jilaabaato iyo agabka lagu galo oo ku yar, taas oo aan u saamaxayn in kaligiis uu badda ka kalluumeysto. Ninkan bishii koobaad ee sanadkan noqday kalluumeyte wuxuu naawilayaa meel fiican ka gaaro shaqadiisa.
“Hadda qalabka aan ku shaqeeyo anigu malihi shaqaale ayaan ka ahay. Haddii aan helno dad na garab qabta saan u helno qalab aan ku kalluumeysano waxaan rajayn lahayn meel sare ka gaarno xirfaddan, horayna ugu sii soconno.”
Ninkkan oo ku cayrtoobay abaarta 45-tii need ee u danbeysay waxay ka dhintee bartamihii sanadkii hore. Ka hor inta uusan shaqadan helin wuxuu taageero dhaqaale oo aan joogto ahayn ka heli jiray dad ay ehello yihiin.
Wasaaradda kalluumeysiga iyo khayraadka badda Galmudug ayaa bogaadisay dadka ku cayrtoobay abaarta ee fursadaha shaqo abuurtay.
Agaasimaha wasaaraddan Maxamed Xasan Axmed ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in wadaan dadaallo lagu taageerayo kalluumeystada cusub.
Wuxuu tilmaamay in ay lamahuraan ay tahay in la baro xirfadda ay u baahan yihiin si aysan u wajihi halis ka dhan ah naftooda.
“Waxaa jira khataro ama waxyaabo ay u nugulyihiin dadkaas oo ay ka mid tahay halista bad waynta. Badwayntu waxay leedahay roobab, duufaanno iyo hirar waa wayn oo qofka haddii uusan aqoonin xirfad waxay ku noqonaysaa khatar iyo caqabad soo gaaraysa naftiisa iyo maalkiisa. Dabaasha, iyadana qofka hadii uusan aqoon badda gunteedu aad bay u dheertahay mowjado badan ayaa ka jira. Qofku hadii uusan aqoon waxay ku noqon kartaa wax uusan ka soo kabsan Karin.”
Agaasimaha wuxuu intaas ku daray in ay la kaashandoonaan hay’adaha kalluumeystada cusub ay u noqon lahaayeen kuwa xirfad ahaan iyo agab ahaanba dhameystiran.
Xoolo-dhaqatada hore ee ku biiray shaqada kalluumeysiga ayaa dadaal ugu jira sidii ay xal waara ugu heli lahaayeen helidda nolol-maalmeedkooda, maaddama ay meesha ka bexeen xoolihii ay ku tiirsanaayeen.










